Fortsätt till huvudinnehåll

Madaxweynaha Dahsoon! "Waa ma daale danta guud u maleegan".

Waa madaxweyne isagu is doortay, cid kale may dooran, umaba baahna in la doorto, saa! dadkaba isagaa kala doorta. Hadh iyo habeen waa uu ordayaa, sidii uu u heli lahaa taageerada beesha. Markasta oo la soo hadalqaado qaranimo iyo midnimo--isagu waxa uu u arkaa in duullaan lagu yahay danaha beesha, waxa uu kaga hortagaa dagaal farsamo oo aan la fahmi karin. Inta badan waxa uu isku hawlaa
sidii uu u fahmi lahaa meelaha u baahan in beesha farta loogu fiiqo, si ay u arkaan sida ay danta beeshu u baylah santahay. Waxa uu u sheegaa beesha in loo baahanyahay in danta beesha loo midoobo. Inta badan marka uu la hadlayo beeshiisa waxa uu si fudud ugu sheegaa erayo isku mid ah oo madaxweynayaasha kale ee dhiggiisa ah ee hoggaamiya beelaha kale ay iyaguna u sheegaan beeshooda. Waxa uu si toos ah u abbaaraa inta magaca ku leh beesha dhanka dhaqaalaha ayuu xoogga saaraa, oo ma raadsado inta baahan ama aan haysan dhaqaale buuran.

Madaxweynahani waxa uu ku kooban yahay beeshiisa, haddii uu dhaafo deegaanka beeshiisa waxa loo yaqaan aqoonyahan qaran oo dad badan baa ka danbeeya, oo jecel in uu hoggaamiyo. Laakiin isagu iskuma dayo in uu dadkaa badan hoggaamiyo, ee waxa uu ka jecelyahay in uu ku gorgoortamo, beeshiisa goor kasta maamulka jira ee qaranku samaystay. Si taasi ugu fusho waxa uu sameeyaa dhawr arrimood oo u fududeeya hawlihiisa midaynta aan daacadda ku fadhiyin ee beesha. Marka horeba waxa uu ka fikiraa sidii uu u samayn lahaa magac siyaasadeed ku dahaadhan magac dhaqameed kaasoo ah SULDAAN. Waxa uu soo helaa ninkii uu ka dhigi lahaa Suldaanka, hoosna wuu ula faqaa oo waxa uu yidhaa, inoogu yeedh dhammaan inta beesha ganacsatada ah. Waayo faro aan dufan lahayni wax ma duugaan baa hore loo yidhi. Marka uu Suldaanka caleemasaaro, ayuu ka hoos sameeyaa guddi loo yaqaan "Guddida horumarinta iyo danta beesha"

Maalin jimce ah ayuu masaajidka hortiisa isu taagay dhawr oday oo uu ogaa in ay salaaddii jimcaha ku tukanayaan masaajidka. Kuye! Asalaamu calaymkum, waar bal warrama, oo ma idinkiibaa, oo maanta maxaa jiray ee isu kiin keenay? Oday ka mid ahaa odayaashii salaadda ka soo baxay oo lagu naanayso Daacad baa u jawaabay oo yidhi: "Annagoo ayo ah? Dee ma cidbaaba idinka maqan sowtan béeshiiba halkan ku dhantahay intii wax garadka u ahayd. Waar! Waabaan idiin baahnaaye, innakeena. Makhaayad aan goobtaba ka durugsanayn buu qado uga dalbay. Odayaasha qaar baa aan jeclaysan sida yar ee uu u afduubay. Waar! Dee qadadii diyaar bay noo ahayde oo guryihii baa naloogu samayeeyaye maxaa jira. Waar bal horta qadeeya---waar hilibka noo soo kordhi oo odaygaa awlal jilicsan u soo dhiib--isagoo tilmaamaya odaygii dhibsaday sida uu u soo kaxeeyey. Waar bal inyar i dhegaysta. Nimanyahaw sidani si maaha---beeshu waxa ay ahaan jirtay iyo maanta halka ay maraysaa waa kaaf iyo kala dheeri. Markii ay talin jireen hebel iyo hebel iyo deeee hebel waa laga danbayn jiray beesheenna. Maanta hoodh la innaguma qoysanayo. Beelihii kale iskuullay dhisteen, dhaktarro ayey dhisteen qaar baa jaamacado maraya. Dadka innagaa ugu liidanna. Halkaa marka uu hadalkii marinayo ayuu istaagay odaygii Daacad---waar! heedhe maxaad noogu yeedhay? Ma intaasaad noo sheegaysay, adigaa aqoonyahankii reerka ahe dee iskuullo dhis. Waar bal joog, adeer sidaa maaha'e bal u yara fiirso xilalka dawladda oo dhan waa aynu ka madhannahay, iska daa wasiiroo xataa agaasimayaashii baa la innaga qadiyey. Waxaasoo dhammina waa midnimo la'aanta beesha. Daacad baa markale hadlay oo yidhi, oo wasiirku muxuu inna siinayaa aan ka ahayn waxa qaranka uu siinayo.

Miyaanuu ahayn wasiir u shaqaynaya qaranka oo aanuu u dhaaran Qaranka, maxaa isku xidhay beesha iyo wasiirka. Madaxweynu, su'aalahaas wuu ka jawaabi kari waayey, madaxa ayuu yara xoqday--markaasuu si yar u yidhi: " Daacadow, magac bilaash uma baxo--- horeba Daacad baa laguu bixiyey, bal waxa aad tagtaa wasaaradda hawada sare waxa hor tuban waa beeshiisii, ta dhulka hoose waxa hor tuban waa beeshiisii, ta buuraha iyo dhirta waxa hortaagani waa beeshiisii. Daacad: " oo maxaa hor taagay? Dee wuu u qaybinayaa, oo mashaariic buu u dhammaynayaa, wallaahi in maalin dhow beesheenu dawarsandoonto beelaha kale.

Hadhimadii uu madaxweynuhu sameeyey waxa ay ku dhammaatay is afgaranwaa. Laakiin maaha nin intaa ku qancaya ma waayayo in kale oo ku raacda talada uu hadh iyo habeen la wareegayo. Waxa uu ku guulaystay in uu shirweyne u qabto beeshii. Inkastoo beeshu aanay wada iman balse in badan baa timi, oo kala deegaan ah, oo aan daniba ka dhaxayn karin. Horaa loo yidhi, oodi ab ka dhaw!. Intii isku ood ah ee isku deegaan ah ayaa uga fiicnaan lahayd in uu isu keeno. Goobtii waxa isugu yimi odayaal, aqoonyahanno, culimo iyo ganacsadayaal maalqabeenno ah. Waxa hadlay madaxweynihii beesha, waxa uu uga warramay baahida beesha, waxa uu u sheegay wax kasta oo qof kastaa u arkayey in loo baahanyahay. Daacad oo goobta fadhiyey baa yidhi" Waar nimanyahaw waxa beesha u taalla saddex magood oo wakhtigii loo qabtay na dhaafay, in aynu goobtan ku bixinno weeyaan. Madaxweynihii baa soo booday, Daacadoow fadhiiso, dadka lama dhibo halkan isugumaynu iman in mag lagu bixiyo---oo haddaa maxaa kale ee beesha ka dhexeeya haddaan magta la bixinayn waar meesha innagu kala kaxeeya! Daacad oo ka cadhooday sida uu madaxweynuhu u hadlay baa sidaa ku hanjabay.

Yaase adiga madaxweyne kuu doortay? Buuq baa meeshii ka dhacay, waar dee magtu waa qasab in aynu bixinnaa. Ha la fadhiisto, ha la fadhiisto. Magta wax ka weyn baa beesha ka dhexeeya waxbarashada in aynu wax ka qabanno oo caafimaadka wax ka qabanno weeyaan---Daacad baa haddana istaagay oo yidhi: " waar dhakhtarka halkeebaa laga dhisayaa, ma meel keliya bay beeshu wada degtaa saw deegaankaa ballaadhan ma degto. Yaa se u diidaya in beelaha kalena ay siticmaalaan Cusbitaalka beeshu dhisto miyeynu u diidaynaa dadka kale. Waar taasi maaha dan ka dhaxaysa beesha ee Qaranka oo dhan bay u taallaa, ee beesha wixii ka dhexeeyey yaan laga tallaabsan oo magtaa ha la bixiyo.


Mar kale ayaa la isla oogsaday, waar dee waa runtii ee beeshu ma Dhakhtar u gooni ah bay dhisaysaa dee waa maya. Magta aan iska bixinno oo baahida beeshu way badantahay ee aan u qodno ceel xooluhu ka cabbaan. oo Ceelka halkee laga qodayaa? Buuqii iyo qayladii ayaa shirkii ku dhammaaday. Madaxweynihii gaadhigiisii quruxda badnaa buu ku dhacay, si uu uga gaadho shir ay lahaayeen madaxweynayaal kale oo xidhiidh gaar ahi ka dhexeeyo, kuna saaxiibay siday kolba u jaha wareerin lahaayeen beelaha walaalaha ah ee samaystay Qaranka ay ku midoobeen. Goobtii buu soo gaadhay waxa goobta sii joogay oo sugayey dhawr madaxweyne oo dad aad ú tiro badani hortaagan yihiin. Madaxweynayaashii buu safkoodii galay. Dadkii baa yaabay, oo maxay ahaayeen nimankan suudhka ku labbisani, dee malaa waa wasiiradii, maya maya maaha malaa waa uun dad la socda madaxweynaha Qaranka. Islaan aad u da' ahayd oo sagaashankii wax u dheeryihiin baa tidhi---ayeeyo i tusa madaxweynihii aynu doorannay maalintii dhawayd. Inan yar oo agtaagnayd baa ugu war celisay dee kuwan oo dhammiba waa madaxweynayaal. Oo miyeynaan mid keliya dooran? Oday dhinac taagnaa baa yidhi: " mid qudha baynu doorannay, ee kuwani iyagaa inna doortay, madaxweynihii aynu doorannay waa ka safka ugu danbeeya taagan ee kolba kor u  boodaya si aynu u aragno".

Islaantii Qumman, oo hinbiriirsanaysa ayaa tidhi: " Ma ninka xagga danbe taagan baa kii aynu doorannay, oo maxaa halkaa taagay? Mar keliya ayey dadkii isla oogsadeen dee innagaa taagnay, intaynu doorannay baynu haddana oggolaannay madaxweynayaal aan ka yarayn kun madaxweyne oo danta beesha inoo habeeya. Ilaa aynu madaxweynayaashaa ka maaranno, safkaa danbe ayuu taagnaanayaa kii aynu doorannaaba. Nabaduna caga ku taagnaanmayso inta kunkaa madaxweyne talinayaan. Qumman waxa ay hadalkii ku soo jartay, tu danbaynu lahaan. Ragna talo kama dhammaato'e inoo taliya.

Nabad iyo caano
Sayid-Axmed M Yuusuf


");



Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u   wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha   cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay   ku beegnayd   xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta. 

Xog ku saabsan Afgenbegii 1961 Col, Xasan Faarax Bullaale: "Taariikh u baahan sixitaan iyo run ka sheegid"

Taariikhdu waa dhacdo ama arrimo dhacay xilliyo la soo dhaafay. Haddii aan wax laga qorin, lama ogaan karo taariikhdaasi sidii ay u dhacday. Mar haddii aan la kaydin arrimaha taariikheed ee dal iyo dad ba soo mara, waxa ay taariikhdaasi gashaa mugdi waxaanay yeelataa madmada w badan. Sida inbadani ka warqabto Somaliland waxa ka dhacay Afgenbi la isku deyey 1961kii, kaasoo lagu guuldarraysatay Dad badani xog kama hayaan, inkastoo ay noolyihiin xubno ka mid ahaa saraakiishii Afgenbigaa isku deyey. Kalhore waxa la waraystay Amb, Cawil Cali Ducaale oo ka mid ahaa saraakiishaas, xilligaasna ahaa xiddigle. Waxa uu Cawil qoray buug uu kaga hadlay wax farabadan oo uu u soo joogay, waxaana ka mid ahaa Afgenbigaas. Waana buugga la magacbaxay "Raad-Raaca Taariikh Soomaaliyeed"

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.