Fortsätt till huvudinnehåll

Sheeko gaaban: HADDAY OGAAN LAHAYD!!! W/Q, Xasan Cabdi Madar

Aniga oo maraya meel cidlo ah, la shawraya naftayda, xisaabinaya wakhtiga, waayaha ka faaloonaya, ayaan si kedis ah u istaagay. Waxa aan indhaha ku dhuftay warqad meel halkan ah taalla. Gartay inay qof ka dhacday, ka dibna is idhi bal meesha ka qaad, bal in aad cidda ay ku socoto garato si aad ugu gayso. Warqaddii ayaan ku foorarsaday, arkay inaanay gal ku jirin. Waa warqad si farshaxan leh u qoran, midabbo kala geddisan lagu xardhay, ubaxyo ku sawiran yihiin, si heer sarraysa la iskugu dubbariday. 




Intii aanan akhriyin waxa ku qoran, waxa aan aad ula dhacay muuqaalkeeda guud. Waxa ay indhahaygu jeclaysteen bal inaan si fiican u eego warqaddan iyo waxa ku qoran. Waxa aan la fadhiistay meel lagu nasto si aan warqadda u akhriyo, waxa ay ka hadlaysana u dhuuxo, illayn kuma dhammayn karo taagniye. Waxa aan fadhiistay meel halkeer ah. Waxa aan ku bilaabay bal inaan warqadda ka eego magacyo ama cinwaan bal si ay u fududaato helista ciddii lahayd, kuma arko midnaba.

Kaddib waxa aan toos u bilaabay akhriska warqadda.
Cinwaanka xagga sare waxa ku qoran:

HADDAY OGAAN LAHAYD: Dhambaal jacayl. Ku socda
tii aan jeclaa, ka socda kii wax jeclaa.

Hoos baan ugu sii degay akhriska warqadda, sidan bay ku
bilaabatay: “Waa dhambaal ka socda qof aan garanayn qofka uu u dirayo,
ka loo dirayaana aanu garanayn ka u soo diraya. Garashadu
ma aha garasho duleed. Garashada duleed marka ay tahay
sida dharaarta ayey isku garanayaan, waa garashada duunka,
garashada hoose, garashada quluubta. Warqaddu way ka tegi
doontaa ka diraya, waana ay gaadhi doontaa ka loo dirayo,
warcelintuse lama hubo in ay ka soo noqon doonto ka loo
dirayo. Waa dhambaal innaga nolol horreeyey, innagana nolol
dambaynaya. Anigu ma ahi qofkii u horreeyey ee
dhambaalkan dira, adiguna ma noqonaysid qofkii u
dambeeyey ee loo diro. Si kastaba ha ahaate waa dhambaal
geli doona buugga xusuusaha gaarka ah.
Ku bilaabid magaca Eebbe: Gacaliso, Haddii farriintani maalin uun ku soo gaadho…!Ogow!!!

…Waan ku jecelahay sababtoo ah kuma garanayo. Waad i
necebtahay sababtoo ah ima garanaysid.
Ima garanaysid maxaayeelay ma doonaysid inaad i garato;

kuma garanayo sababtoo ah ma doonayo inaan ku garto.
Indhaha ayaan isku soo qabanayaa sababtoo ah ma doonayo
in aan xumaantaada arko. Indhaha ayaad isku sii qabanaysaa
sababtoo ah ma doonaysid inaad wanaaggayga aragtid. Ma
rabo in dhegahaygu maqlaan xumaanta lagaa sheegayo, ma
rabtid in dhegahaagu maqlaan wanaagga la iga sheegayo.
Waad i necebtahay sababtoo ah ima taqaanid, ina baran
maysid sababtoo ah waad i necebtahay. Sideed u baran kartaa
qof aad necebtahay?

Waan ku jecelahay, sababtoo ah kuma aqaan, kuna baran
maayo, sababtoo ah waan ku jecelahay. Sidee baan u baran
karaa qof aan jecelahay?

Haddaad ogaan lahayd…ogaanba mayside…haddaan ogaan
lahaa..ogaanba maayee…waynu isku iman lahayn, iskuba
iman maynee; waynu kala maqnaan lahayn, kala maqnaanba
maynee!

Warku ha iga tago, hubaal wuu iga tegi, ha ku soo gaadho,
hubaal wuu ku soo gaadhi, inuu kaa soo noqonse mooyi.
Warku ha kaa yimaaddo, hubaal kaa iman maayee; ha i soo
gaadho, hubaal i soo gaadhi maayee.

Ku raaxayso akhriska dhambaalladayda. Cid kale uga
sheekee, ciddaad doonto uga sheekee, ka dhigo maad iyo
madadaalo. U qaado inaan indhaha isku soo qabanayo; oo
haddaan indhaha isku soo qabto sideen kuu arkayaa?

Ujeeddadaydu sow inaan ku arko maaha? Mindhaa adigaa
indhaha isku sii hayey oo u qaatay inaan aniguna indhaha
isku haysto! Wacnaan lahaydaa inaynu labadeennuba
indhaha kala qaadno, inaynu is aragno. Inaynu qalbiga iyo
indhaha iska aragno. In quluubteennu wada hadasho oo aynu
maskax laabashada ka gudubno. In aynu hal qof isku
noqonno.

Ma qummana in la qaato go’aan la qoomamayn
doono…..go’aanka ha hoggaamiso garasho. In badan baan
arkay dad badan oo ifka jooga oo aan weli dhalan. Ma ogi
inaad kuwaa ka mid tahay, waxase aan ogahay in aynu laba
adduunyo ku kala noolnahay.

Muxuu yidhi Saahid Qamaan? …Ninkii aniga iga maarmi kara
uma muraad yeesho. Oo maxaynu gabaygaa uga baahannahay
maba kala maarannee? Haddaan gacal isjceliyo, is afgarashowaa
nahay, adna guri cadaawaad ku gaboobi doontaa, anna geli
shisheeyaan ku go’doomi doonaa!! Tanna ma hees bay ahayd!
Alla ma nin buu ahaa!!…Alla ma gabadh bay ahayd!!! Waa
caadadeenna inaynu fursado inna dhaafay u calaacalno.

Gunta iyo gebagebada farriintan oo farriimo kale ku sii xigi
doonaan, gacaliso, waxan ku leeyahay: Haddii isa-seeg dhaco
ducadeennu ha noqoto tii Ismaaciil Cagaf: ‘Sed iyo calaf baa
sidaa wax yidhee, i seegtaye samo ku noolow’.
Noole kulante.


-----------------dhammaad---------------------------------------

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u   wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha   cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay   ku beegnayd   xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta. 

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto. 

Maalinta afka iyo Suugaanta Soomaalida ee Xaafadda Rinkeby 14-05-2016 Sabtida

Haddii aad xiisayso afka iyo suugaanta Soomaalida, fadlan nagala soo qaybgal barnaamij xiiso badan oo 14 bishan Mey lagu qaban doono guriga ummadda ee xaafadda Rinkeby. Barnaamijkan ayaa ay marti noogu yihiin qorayaal, afaqoon iyo cilmibaadhayaal ku hawlan afka iyo suugaanta Soomaalida. Martida maalintan nagala soo qaybgali doonta waxa ka mid ah Morgan Nillsson oo ah macallin afka Soomaaliga ka dhiga jaamacadda Göteborg, ahna cilmibaadhe ku hawlan taariikhda iyo habdhismeedka afka Soomaaliga. Kulankan waxa uu Morgan sharaxaad ka bixin doonaa kooraska afka Soomaaliga ee uu jaamacadda Göteborg ka dhigo. Waxa uu sidoo kale ka hadli doonaa afka Soomaaliga iyo duruufaha ku xeeran maata.