Fortsätt till huvudinnehåll

Sheeko gaaban: Warqaddii gabawday, gabawday, gabawday. W/Q, Ibraahin Yuusuf Axmed (Hawd)

Daarta gabowday, ee boqolka jeer qolof dhacsatay ee badhtamaha Berbera ku taalla, ee labada qol ka koobani weligeed waxa ay ahayd meel ay ku arooraan qisooyin taariikheed oo qaarkood aad loo wada yaqaan qaarkoodna dad koobani hayaan. 
Intaas oo dhan ilaa maanta daartu waxa ay ahayd guri lagu nool yahay. Lix boqol oo sannadood oo jiritaanka aqalkaa la isla qirsan yahay waxaa ka la dhaxlay ama ka la iibsaday dad badan oo ka la isir ah. Waxaa kale oo la isla qirsan yahay aqalku in uu ka mid yahay in yar oo magaalada ka badbaadday dab beri fog si xun iyo si xil leh wax u leefay.


   Maya, halkan kaga hadli maynno aqalkaa iyo taariikhdiisa. Xitaa Berbera halkan kaga hadli maynno. Waxa aynnu ka sheekaynaynnaa warqad gabowday gabowday gabowday oo laga helay sanduuq gaboobay gaboobay gaboobay oo daartaa weligii iyo waaqii dhex oolli jiray. Anigu warqadda indhahayga ayaan saaray, oo weliba waan akhriyay, oo waxaan ka mid ahaa dadkii uu tusay Aw Cabdillaahi Xaaji Jaamac oo warqadda ku gacan dambeeyay. Aniga iyo laba arday oo kale oo wadaadku abti u yahay ayaannu ahayn maalintii uu warqadda na tusay, waxa uuna wacad nagu mariyay in aannaan weligayo iyo allahayo cid la soo qaadin. Dhallinyaro ayaannu ahayn haddana wuu na aamminay. Malaha wuxuu noogu xishay in aannu ahayn niman diinta iyo af carbeedka ku wanaagsan, waayo saddexdayaduba waxa aannu dhiganaynnay, oo kolkaa fasax kaga nimid, jaamacado carbeed oo aannu wax ka baranaynnay. Taa ayaa malaha wadaadka gelisay in aannu nahay rag u qalma in ay sirtan dhaxlaan.

Wacadka uu nagu mariyay in aannu sirtaa ilaalinno si adag ayaannu u oggolaannay, in kasta oo aannaan wax ay tahayba ogayn. Jacaylka ogaanshuhu abuurta dadka aad ayay ugu xoog badan yahay, sidaa darteed wacadkaa in aannu fulin doonno waxaa nagaga weynayd bal horta in aannu ogaanno waxa warqadda ku qoran.

   Masjidka ayaannu hadhsanaynnay iskuna waraysanaynnay salaaddii casar ka dib markii uu wadaadku arrinta na la soo qaaday. Dabadeed wuu na kaxeeyay oo magaalada ayuu na dhex lugaysiiyay. Wadiiqo cidhiidhi ah oo kulul oo xaafad aqallo aad isugu dhowdhow dhex wareegta ayuu na raacsiiyay. Wuxuu na soo hortaagay aqal aad gaboobay oo ka mid ah kuwa magaalada ugu gaagaaban. Aqalka waxaa dhanka bari ka xigtay seked qudha oo ka caabbida dhirbaaxooyinka badda. Dhulka aannu ku taagan nahay, derbiyada nagu dhowdhow, iyo irridka madow ee looxa adag ka samaysan, giddi waxaa laga dareemayaa gabow baqdin iyo qiiro leh oo nafta ku dhacaya sida kolka lagu jiro madxaf ama maktabad taariikheed. Run ahaantii sirta na loo wado ee filashadeeda wadnuhu na la ruxmayo waxaa la mid ah jawigan aannu dhex taagan nahay. Waa galab aad u kulul oo isku milanka badda iyo qorraxda wada samaynayaan uumi, dhadhan, ur iyo maqal kollay aniga aad ii laabqaadaya. Waa markii iigu horreysay weligay ee aan Berbera cagaha dhigo. Waa dabayaaqada bisha Julaay.

   Albaabkii ayuu wadaadku naga furay, kolkii aannu gudaha wada gallayna daaqad bari qumman u jeedda ayuu ballaqay, taas oo markiiba halkii aannu neecow ka filaynnay hanfi kulul nagu afuuftay. Fadhiista, ayuu nagu yidhi isaga oo noo tilmaamaya kuraas iyo miis kuwa lagu cunteeyo ah, kuwaas oo qolka yar qayb weyn ku yeeshay. Waxaa nagu dhow albaab laga galo qolka labaad oo furan laakiin madow oo aan halkan gudihiisa laga arki karin. Dacalka aannu qolka ka fadhiisannay oo daaqadda hoosteeda ah dhanka ka soo horjeeda waxaa ka dhisan kaabad dhagax ah oo dherer, joog iyo ballac intaba sariir nafarqaad ah la’eg. Waxaan aqaannay jaadkeeda in guryaha laga hor dhiso si loo fadhiisto oo loogu neecawsado, tani se waa gudaha. Waxa ay u eg tahay xilli fog in loo dhisay in sariir ahaan loo goglado oo laydha daaqadda ka soo dhacaysa la isu dhigo. Imika ma goglana ee waxaa dul saarsaaran alaabo aan badnayn. Alaabada waxaa ugu mudan oo ishau qabanaysaa sanduuq loox aad u adag ka samaysan oo aragtida kowaad la xaqiiqsanayo in uu yahay wax fac weyn. Biyo aannu cabno ayuu wadaadku naga haqabtiray, dabadeed na la soo fadhiistay oo warbixin dheer naga siiyay taariikhda aqalka iyo sanduuqa gaboobay ee hortayada ka muuqda.

  Qisooyinka aqalkaa laga hayo waxaa ka mid ah in uu yahay meeshii lagu maleegay dilkii suldaan Sharma’arke oo ah ninkii ugu dabbeeyay saldanadii filka weynayd ee Saylac. Waxaa kale oo jirta qiso sheegta Gabyaagii la odhan jiray Cali Jaamac Haabiil tixdiisii kowaad isaga oo afar iyo toban jir ah in uu aqalkaa dhexdiisa kaga luuqeeyay. Waxaa kale oo qisooyinkaas ka mid ah aqalkaasi in uu yahay meeshii Suldaan caan ahaa marwadiisii uu jeclaa lagaga dilay ka dib markii lagu kari waayay in uu magaalada ka tago oo hawlaha tolka u kaco. Carab, yuhuud, baaniyaal, eeraani iyo soomaali intuba gurigan waa ay yeesheen oo ku soo dhaqmeen, hoy ahaan iyo ganacsi ahaanba, ilaah wal oo dunida lagu rumaysan yahayna waa lagu dhex caabuday. Waxaa se muddo laba qarni iyo dheeraad ah ku dhaqnaa oo iska dhaxlay qoys ashraaf ah oo dadka magaalada diinta bari jiray dhulkana maamuus weyn ku lahaa. Qoyskaa ayaa u sabab ahaa warqaddani in ay ka soo badbaaddo qalaanqal siyaasadeed, qalalaase diineed, iyo gubashooyin magaaladan soo maray. Harar ayuu se qoyskaasi u guuray oo degay ka hor intii aan Xabashidu halkaa qabsan. Wadaadkan Aw Cabdillaahi Xaaji Jaamac ee imika halkan na keenay qudhiisu in kasta oo uu yahay soomaali dhalad ah waxaa ku jira dhiigga qoyskaa ashraafta ah oo awowgiisii saddexaad ayay dhaleen. Tiro ma leh taariikhaha laga sheego daartaa yar ee mudhuxsan oo boqolka jeer qolofdhacsatay.

Wadaadku warbixinta iyo sheekoyinka uu noo mariyay waxa ay nagu rideen ashqaraar iyo amakaag. Run ahaantii taa ayaannu culayskeeda hinjin kari la ayn markii uu noo kiciyay dhankii sanduuqa si uu noo tuso warqadda.

  ”Kaalaya haddaba oo i la arka wacdarahan”, ayuu nagu yidhi wadaadku isaga oo sanduuqii furaya. Annaguna waannu isdul tubnay. Sanduuqii kolkii uu furay ee aannu wada qooraansannay hoostiisu waa ay mdoobayd oo wax badan ka aannu arki karayn, waxaa se ka soo baxday ur aad mooddo saan gabowday oo suyacday. Waxa uu si aad u feejigan uga soo dhex saaray harag aad u gaboobay, aad u uskagaystay, oo la jaad ah kuwa kutubka lagu dahaadho. Haraggii oo ahaa mid qaro yar oo dherer isugu duuban ayuu miiskii aannu ka soo kacnay la tegay oo dul dhigay. Si digtoon ayuu haraggii u ka la bixiyay, waxaana noo muuqatay warqad ku dhererrayd oo la duubnayd marna la furantay. Warqaddu in kasta oo ay ka yara nadiifsan tahay saanta ku duuban haddana xagga gabowga ka ma caafimaad roona. Ma ahayn jaadadka waraaqaha aynnu imika naqaan. Runtii magac ahaan waraaq waa lagu sheegi karayay, waxa ay se ahayd wax ka soo jeeda berigii ay farsamada warqaddu bilawga ahayd. Taa waxaa lagu garanayaa oogada warqaddu ma sinnayn mana siibnayn ee waxa ay ahayd tuuro, taago iyo godan miidhan, isla markaa isku xajmi ma ahayn ee dacalladeedu waa ay ka la qaro weynaayeen. Midabkeedu kollay caddaan casuusi ku jirto ayuu awel ahaa, hadda se waa casaan madow ku jiro oo waxaad mooddaa in qumbe subag ah lagu dhex riday. Inteeda badan waxaa ku dul yaalla faro iyo dhibco uskag ah oo qaarkood waxa ku qoran aad u dhaawaceen. Ballaceedu waxa uu ahaa taako, jooggeeduna taako iyo badh. Kol haddii ay cimrigeeda intii badnayd ama weligeedba isku duubnayd aad ayay isugu kogtay oo marka la akhriyayo waa in dhawr gacmood lagu ka la qabtaa. Waxa ay ahayd warqad qofka taariikhda daneeyaa isaga oo aan akhriyin araggeeda ku qiiroonayo. Wadaadku sida dheemmanka ayuu u ilaalinayay sida beedka ayuuna u dhawrayay. Aqoontiisa wanaagsan, in uu asal ahaan reer Berbera soojireen ah yahay, iyo xiisaha badan ee uu taariikhda u hayo ka sokow, waxaan u arkay in uu yahay dadka mintidka ah ee waxa gacantooda soo gala ku faro adayga. Dadka ayaaba u ka la samaysan qof sidiisa ah iyo qof daayac ah oo aan waxba lagu hallaysan karin. Malaha warqaddani waa mid nasiib badan oo sidan oo kale ayay weligeed gacan mintid ah ugu sugnayd?

   Warqaddu waxa ay ku qornayd af carbeed far guri ah oo imika abaadday oo qof indho wanaagsan oo keli ahi akhriyi karo. Haddaba aan halkan idiinku soomaaliyeyo warqaddaa wixii ku qorraa inta aan ka xusuusto ee aanan weligay illaawayn:

”Bismillaahi ’Raxmaani ’Raxiim

Mahad iyo abaal oo dhan waxaa leh Eebbaha koonka uumay innagana inagu barwaaqeeyay liibaanta rumayntiisa. Nabad iyo naxariisi korkiisa ha ahaato Rasuulkeennii suubbanaa ee Maxamed ee innagu hanuuniyay innaguna hagay ilayska cad iyo waddada toosan ee xaqa. Xigaalkii iyo saaxiibbadii iyo inta isaga raacday oo dhan iyagana Ilaahay nabad iyo naxariis ha ku ilaaliyo. Aamiin.

   Walaal Sheekh Isxaaq, Ilaaha naxariista ballaadhan waxaan kaaga baryayaa liibaanta labada daarood adiga iyo dadkaaga Rabbiga weyn rumeeyay idilkiin. Ma qiyaasi kartid sida aan ugu farxay kolkii aan helay dhambaalkaagii ka warramayay in aad dhulkaagii nabadqab ku tagtay socdaalkii dheeraa ee baddana Eebbe kuu fududeeyay. Ma malayn kartid sida aan ugu farxay in aad qoyskaagii oo dhan ugu tagtay nolol iyo nabadqab. Ilaahay ayaa ducadii innaga wada ajiibay. Alxamdullillaah.

   Ilaahay waxaan kaaga baryayaa in uu kaa aqbalo gudashadii waajibka xajka. Waxaan kale oo Ilaahay kaaga baryayaa in aad ku intifaacdo aqoontii badnayd ee aad diinta iyo af carbeedka ka baratay muddadii aad Kacbada na la joogtay dadkaagana gaadhsiiso. Sidaas ayuu Sheekheennii isaguna kuugu soo ducaynayaa, in kasta oo uu aad u buko. Isagana waxaan u baryayaa caafimaad adduun iyo janno aakhiro. Ha illaawin walaal adiguna in aad Sheekheenna u soo ducayso, waayo waad ogayd sida uu kuu jeclaa, waana kii welinnimada iyo la saaxiibidda Rasuulkeenna udgoon kuugu riyooday. Waa kii kuugu riyooday Rasuulkeenna dahiran oo kugu darsaday qoyskiisa sharfan. U soo ducee Sheekheenna buka anigana ii soo ducee insha Allaahu Ilaahay walaal naga maqana baad tahay oo wuu noo kaa aqbalayaaye.

   Ilaahay waxa aan kaaga baryayaa in kuu suurtogeliyo hankaagii weynaa ee ahaa in aad degmadaada Maydh ka dhigto xarun ay ka faafto diinteenna xaniifka ahi. Waxaan kale oo Ilaahay kaaga baryayaa in aad jebisaan oo ka adkaataan cadawga Ilaahay ee habeen iyo dharaar idin weeraraya. Walaaleheenna muslimiinta ah ee Dhulka Xabashida joogana waad isu baahan tihiin si aad isaga kaashataan edbinta sanam caabudka qaawan iyo macatab caabudka nasraaniga ah. Waan u ciil qabaa oo wallaahay aad baan u jeclaan lahaa in aan jihaadka idin la geli lahaa, waa se tii Diintu inoo sheegtay oo barashada cilmiga qudheedu waa jihaad.
Noogu soo duceeya sida aannu idiinku soo ducaynaynno habeen iyo maalin…
Wa salaamu calaykum wa raxmatullaah wa barakaatuh.”

   Kolkii maqribka la eedamay ayaannu gurigii ka soo baxnay. Magaaladu awel waxa ay noo ahayd daaraha, dadka iyo baabuurta isdhex yaacaya, iyo badda dhanka kale ka doobyaysa, imika se waxaas oo dhami dareenkayaga waa ay ka baxeen oo waxaa na horjoogta duni kale oo tan ka baaxad weyn. Dadka iyo dhacdooyinka uu Aw Cabdillaahi na baray ayaannu ku milannay oo ka mid noqonnay.

   Wadaadku maalintaa waxa uu nooga sheekeeyay warqaddani weligeed in aanay halkan oollin jirin ee dhulal badan soo martay. Qudbiga Maydh mar bay oolli jirtay. Magaalada Harar muddooyin kale ayaa lagu hayn jiray. Qudbiga Sheekh Caydaruus ee Yaman ku yaallana xilliyo kale in ay gaadhay waa la sheegay. Intaas oo dhanna taariikh ahaan loo ma danaynayn ee waxaa loo dhawrayay ka barakaysi iyo maamuus.

   Warqaddaa cid dambe oo haysa ama hadalhaysa ma aan arag. Wadaadkii Aw Cabdillaahi Xaaji Jaamac ee na tusayna beri hore ayuu dhintay, carruurtiisii kolkii aan hoos wax u wayddiiyayna wax xog ah oo warqaddaa ku saabsan igu ma ay kordhin. Ilaa maanta se muuqaalkeedii maskaxdayda wuu ku suntan yahay. Taas ayaa igu kelliftay wacadkii aan galay in aan buriyo oo qisadan qoro, bal in ay wax ka tarto raadinta sirtaa yaabka badan, sirtaa yaabka badan ee Sheekh Isxaaq ka dhigaysa nin afrikaan ah, halkii loo haystay in uu ahaa Haashimi Qureesheed.

Qalinkii: Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd”
Ibraahinhawd@hotmail.com

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u   wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha   cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay   ku beegnayd   xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta. 

Xog ku saabsan Afgenbegii 1961 Col, Xasan Faarax Bullaale: "Taariikh u baahan sixitaan iyo run ka sheegid"

Taariikhdu waa dhacdo ama arrimo dhacay xilliyo la soo dhaafay. Haddii aan wax laga qorin, lama ogaan karo taariikhdaasi sidii ay u dhacday. Mar haddii aan la kaydin arrimaha taariikheed ee dal iyo dad ba soo mara, waxa ay taariikhdaasi gashaa mugdi waxaanay yeelataa madmada w badan. Sida inbadani ka warqabto Somaliland waxa ka dhacay Afgenbi la isku deyey 1961kii, kaasoo lagu guuldarraysatay Dad badani xog kama hayaan, inkastoo ay noolyihiin xubno ka mid ahaa saraakiishii Afgenbigaa isku deyey. Kalhore waxa la waraystay Amb, Cawil Cali Ducaale oo ka mid ahaa saraakiishaas, xilligaasna ahaa xiddigle. Waxa uu Cawil qoray buug uu kaga hadlay wax farabadan oo uu u soo joogay, waxaana ka mid ahaa Afgenbigaas. Waana buugga la magacbaxay "Raad-Raaca Taariikh Soomaaliyeed"

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.