Fortsätt till huvudinnehåll

Naqdinta buugga ''Dhaxalreeb'' ma naqdin buug baa mise waa eedayn?

Maanta oo bishu tahay 11 bishii shanaad ee sannadka 2007 ayaan akhriyey maqaal ku soo baxay mareegta "Hadhwanaagnews". Maqaalkaas oo ku suntanaa "Naqdiga buugga dhaxalreeb". Buuggaas oo uu qoray Boobe Yuusuf Ducaale,
soona baxay dhowaan. Buuggaasi wuxuu gacantayda soo galay muddo haatan laga joogo todobaad. Runtii aad ayaan ugu farxay, markaan arkay taakhiida ku kaydsan buuggaas. Inbadan ayaan ka werweray taariikhda lumaysa iyo dhacdooyinkii inna soo maray. Waxan buuggaa ka akhriyey taariikh badan oo aan tuugna xadin, waa ilaahay mahaddii.
   


Waa hubaal in ay gaabis tahay wax-qoristeenu. Waa hubaal in aan cid kalena u
maqnayn ceelna u qodnayn. Hadaba qofka maanta soo saaray buug ee dedaalkaa
sameeyey. Wuxuu innaga mudanyahay, dhiirri gelin, guubaabin iyo mahad badan. Si
loo helo in badan oo waxqorta. Taa macnaheedu maaha yaan la naqdiyin buugga
noocaas ah. Balse waa in ay naqdintu tahay mid uu ka faa'iidaysto qoraagu,
is-lamrkaana akhristayaashu ay ka faa'idaan. Sidaa awgeed ayaan qoraalkan ugu talo
galay in aan dareenkayga ka muujiyo naqdintii uu sameeyey Mudane, Maxamed Cali
Saxardiid.
   
  Markiiba, maqaalkaas naqdinta ah ee ku saabsanaa buugga "Dhaxalreeb" waan
akhriyey. Sababta aan u xiiseeyey waxay ahayd buugga oo aan akhriyey iyo anigoo ku
talo galay in naqdintaas aan ka faa'iidaysan doono. Nasiib darro, waxa iiga soo
baxday wax aanaan filayn. La yaab ma laha in la saluugo buug. La yaab na maaha in
la salluugo qoraa iyo qaabkiisa qoraanimo. Laakiin soomaalidu waxay tidhaahdaa "Ma
ba lulatee maxay leeftaa". Waxaan uga socdaa qoraaba ma hayno'e, ee maxaynu
naqdiyi!!. Waxaan kaloo la yaabay, qaabka uu u dhalliilay M Cali Saxardiid qoraaga
oo ah qaab aanaan fahmin ujeedada uu ka lahaa. Waxaan sugayey in naqdintaasi ay
taabanayso qaabka uu buugga u qoray qoraagu, khaldaadka ku jira, haddii uu si
qaldan wax uga sheegay taariikhda iwm.
   
  Laakiin maan filayn dhalliisha ah, Muxuu hebel wax uga qori waayey. Dee adiguba ka
qor. Muxuu hebel wax uga qori waayey maaha naqdin buug, ee waa adigu sidaad
jeclayd. Qoraagu xaqbuu u leeyahay qofka uu wax ka qorayo. Ceebna maaha haddii uu
doorto qoraagu dhacdooyin iyo dad taariikh ku leh dalka iyo dadka dhexdooda.
Sababta uu u kala doortay waa arrin qoraaga u taalla. Inta aanuu ku xadgudbin
taariikhda iyo qaabka uu buugga u qoray toonna. Waxaad qiyaastaa buugga
"Dhaxalreeb" wuxuu ka kooban yahay 517 bog. Daabacaadda dhaqaalaha ku baxaya waa
la garan karaa, mar kasta oo caddadka bogaggu ay bataan ba. Waxaad qiyaastaa in
laga sugo qof keliya taariikhda ummad dhan iyo dal dhan. 
   
  Waxay ahayd haddii naqdinta iyo dhalliisha buuggaasi oo dhami tahay, maxaa hebel
wax looga qori waayay. In aad adigu qalinka u qaadato, markaasaad ummadda wax
tartay oo aad buuxisay qayb qabyo ahayd. Haddiise ishii keli ahayd aad ku
dhalliisho qayb ayuu ka tegey. Waxba maad soo kordhin ee waxaad naqdin ku samaysay
uun buugga iyo intii uu qoray oo aad ka jeclayd in magacyo kale kuu beddelaan.
Ujeedadaydu maaha in ay khalad tahay in wax laga qoro xubnaha muhiimka ah ee uu
Maxamed tusaalaha u soo qaatay, laakiin waxaan u jeedaa, qof keliyi ma wada qori
karo dhammaan dadkii muhiimka ahaa ee dalka iyo dadkaba magaca ku lahaa.
   
  Buugga dhaxalreeb oo ah buuggii ugu horreeyay ee noocan ah waxaan odhan lahaa waa
in la helaa boqolaal buug oo noocaas ah. Si taariikhda ummadani dhaxal u yeelato.
Balse waxaad qiyaastaa in uu buuggaasi yahayba kii ugu horreeyey. Halkii la
dhiirri gelin lahaa qoraaga buugga qorayna ay fal-celintii noqotay. Dhan buu ka
raranyahay buuggaasi, muxuu hebel iyo hebel u kala doortay. Ilaahay runta sheega
buu yidhiye, Maxamed muu samayn naqdintii loo baahnaa ee qoraaguna ka faa'iidi
lahaa dadka kalena ay ka faa'iidaysan lahaayeen. Waxaan ku guubaabinayaa dhammaan
inta haysa qoraallo muhiim ah inay ummada u soo bandhigaan si looga faa'iidaysto
inta ay noolyihiin. 
   
   
  Taariikhdu dadkay hagtaa.
  Sayid Maxamed Yuusuf "Dhegey"
  Sweden

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.