Fortsätt till huvudinnehåll

Sababtii igu qancisay in aan ku biiro SNM 1983kii....W/Q, Faysal Axmed Xaaji Aadan

Faysal Axmed Xaaji-Aadan
macallin, siyaasi, halgamaa
xilal badan ka soo qabtay SNM

Sababtii igu qancisay in aan ku biiro Dhaqdhaqaaqii waddaniga soomaaliyeed (SNM 1983kii). Sababuhu waa ay fara badnaayeene, sababtii guud ee igu qancisay in aan halgankii SNM ku biiro waxay ahayd, isku darsigii lixdankii oo la kowsaday saluug aad looga biyo-diidey qaabkii loo midoobay. Waxa aan odhan karaa waxa uu ahaa qabyo, waxaana laysku raacay si aqooni ka maqantahay, loona maamulay. Iyadoon cawaaqibkeeda, qabyadaas marna hoos loo deyin.


“Dushaa layska eegtaa dibbaa laysu eedaa”

Waayo, laba dal oo isku biiraya way ka xajmi weynayd sidii la yeelay. Waana la fududaystay. Dareenka dadka waqooyigu dibbuu u huray oo uu ugu qancay in aan marnaba sidaas la qaadan Karin. Wuxuu ku muujiyey suugaan. Waxa ka mid ahaa: “Anigays guhaadshoo, laabatada isgooyee, wixii ila garaadoow! Gobonimo ha tuurina. Sababta se soo dedejisay waxay ahayd Kelitalisnimadii dawladdii markaa jirtay oo istidhi awood iyo xoog baa xal noqon kara. Dabadeedna dareenkii suugaanta ku bilaabmay, wuxuu u digo-rogtay mudaharaadyo lagaga soo horjeeday xukuumaddii Maxamed S Barre oo ku dhisnayd nidaamka kelitalisnimada. Horraantii siddeetamaadkii waxa aan macallin ka ahaa dugsiga sare ee Sheekh. Xilligaa waxa socday kacdoon aad u xoogbadnaa, oo ka dhacay Hargeysa. Kaasoo ay hormood ka ahaayeen ardaydii iyo macallimiintii dugsiyada wax ka dhigi jiray. Sanndkii 1982kii ayey xaalladdaasi cirka isku shareertay, markii la xidh-xidhay aqoonyahannadii UFO oo rag ka mid ahaan dil lagu xukumay. Beryahaas baa aniga iyo maamulihii dugsiga sare ee Sheekh----Axmed Daahir Diiriye shir kula qaadannay ardayda intii waaweynayd ee dareenkoodu sarreeyey. Ardaydii aanu shirkaa la qaadannay waxa ka mid ahaa:

1.    Axmed Ciid oo ku magacdheeraa Beddel
2.    Cabdiraxmaan Maxamuud Jaamac (Qodax)
3.    Axmed Indhayare (Dacwi)
4.    Maxamuud Siciid Cawaale (Geenyo)

Iyo rag kale oo badan oo ilaa 17 arday ahaa. Waxaanu u sheegnay in la mudaharaado (Peace demonstration) balse aanu ogayn in ay xoog isticmaali doonaan dawladdu. Waxaanu si qarsoodi  ah u wada shirnay taliyihii ciidanka oo Maxamuud Axmed Ismaaciil la odhan jirey. Wuxuu noo sheegay in uu soo xuli doono ciidan uu ballamiyey oo aan wax dhib ah gaysan doonin. Muddaharaadkii markii uu dhacay waxa yimi magaalada Sheekh taliyihii ciidamada waqooyi, oo ahaa Maxamed Xaashi (Gaanni) oo ka soo kicitimay Hargeysa. Markuu xaaladda qiimeeyey, wuu cadhooday wuxuu jeclaa ama filaayey in dil dhaco si loo cabudhiyo kacdoonkaas ardayda, wuxuuna noogu handaday in uu qaar ka mid ah macallimiinta layn doono. Taliyihii ciidanka ee Sheekh---- Maxamuud Ismaaciil Axmed (Kharash)-na wuxuu ugu hanjabay in uu tallaabo adag ka qaadi doono. Bal se arrintaasi waxba kamay beddelin halgankii shacabka ee kacdoonka isu bedeley. Markay halkaa marayso, waxa ii muuqatay in hadal iyo hugun laga gudbay oy xaaladu qori joogto.

Taasoo ahayd tallaabadii ugu danbaysay ee la qaadi lahaa. Waxaanu kulmi jirnay Maxamed Xaashi Diiriye (Lixle) oo ii sheegay in barta keliya ee dagaal laga soo qaadi karaa ay tahay Itoobiya, oo aanay jirin meel kale oo suurtagal noqon karta in dagaal laga soo qaado. Halkaas oo ay tahay in bar-kulan laga dhigto. Halkaas bay ka dhalatay tallaabistaydu. Xilligaa—siddeetamaadka horraanteedii waxa ay ku jireen shacbigii reer waqooyigu, xaalad aad u qallafsan, oo qofka qiimeeyaa uu ku qiimayn karayey dad iyo dal la haysto. Beryahaas baan qortay shaqo ka tegis, waxa aan u dhoofay dalalka Carabta, oo aan dalkugal ka helay. Waxyar ka dibna waxa aan imi Qaahira carriga Masar. Halkaas baan ka soo gudbay oo aan ka soo degey Addisabeba.

Ururkii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed, waxa saldhig u ahaa in loo midoobo la dagaalanka xukuumaddii dhegaha adkayd ee uu hoggaaminayey Maxamed S. Barre. Balse waxa markiiba soo baxday goldaloolooyin, kala qaybsanaantu ay kaw u tahay. Inkastoo beesha Isaaq u badnayd SNM, balse waxa ku jiray saraakiil sarsare oo xilal muhiim ah ka hayey Ururka. Waxa aan tusaale u soo qaadan karaa Cali Wardhiiglay oo muddo ahaa guddoomiye ku xigeenkii SNM, waxa uu ka soo jeeday beesha Hawiye. Waxa kaloo ka mid ahaa, Cali Hagaray, Cabdiraxmaan aw-Cali Faarax, Cali-gaab, Gorgor, Sheekh Yarow, Xirsi Magan, Maxamed Xaaji, Isloow, Cabbaas, Yaasiin Axmed Xaaji Nuur iyo ragbadan oo kale, aanaan halkan ku soo koobi karin. Laakiin xukuumaddii markaa jirtay waxay ka faa’iidaysatay awooddii maamul, dhaqaale iyo isgaadhsiineed oo waxa ay kala dhexdhigay beelaha soomaaliyeed ee walaalaha qodxaan fara badan oo dadkuna u nuglaa. Waxa kaloo sabab kale ah dareenka reer Waqooyi oo aad u xoogganaa ilaa laga soo bilaabo Inqilaabkii reer Waqooyigu u dhammaa ee bishii Disember 1961kii---Ilaa Xasan Kayd ilaa Siciid Cali Giir ay ku jireen. Dareenkaasi waxa uu salka ku hayey saluuggii la kowsaday israacii lixdankii. Dareenkaasi waxa uu isu bedelay halgan ummadeed oo ka soo bilaw qofka caadiga ah ilaa wasiirro ay ku kulmeen. Dareenkaasi waxa uu si gaar ah u taabanayey reer Waqooyiga, oo ay ka go’nayd in dalkii jiray 26 juun 1960kii uu dib u soo noqdo.

Waxa ka horraysay SNM, xarako kale oo la odhan jiray SDDF. Taas gundhiggeedu waxa uu ahaa in ay awoodda dawladeed kala wareegto xukuumaddii markaa jirtay. Balse waxay ku koobnayd qolo reer Mudug ah. Taasina waxa ay raad badan ku yeelatay in aan lagu biiri karin mabda’ ahaan iyo qolo ahaanba labadaba. Waxa muhiim ah in aan iyadana xuso, dawladdii markaa jirtay oo imkaaniyaad badan u helaysay inay isticmaasho sida lacag, mansabyo iyo borobagaando ba ay dad badan ku jiidato. Arrimahaasi waxa ay raad ku yeesheen kala qoqobnaantii beelihii soomaaliyeed. Waxa ay raad ku yeelatay dadyawgii dhibtu isku si u wada taabanaysay. Maansooyinka Hadraawi waxa ku jirta----mar uu ku halqabsanayey bisha Oktoobar oo ah bishii Inqilaabka uu ku qabsaday M S. Barre. Wuxuu yidhi Hadraawi: “ Ma bishii lafdhabartiyo afarteeda kala dhigan, dhaayihii istebi jiray, gacal wada dhaqnaan jiray, hilbihii iswada dhalay, dab dhexdooda gelisee, dadku kala dhaqaaqaa”. Wuxuu xoog saaray inuu kala qoqobo. Xoog iyo xeelad bana aanay dab wada shidan beelaha degmo iyo dal kuwada nooli. Waxaan xasuustaa maalin—aniga Faysal ahaan, Dr. Saleebaan Jaamac Aw-Cabdi iyo kornayl Mahdi Cali Faarax, naloogu galay jidgooyoQaraduur, oo u dhaxaysa Awaare iyo Gaashaanka ayaan xasuustay raadka kala qoqobka ee uu ku lahaa dadyawga dalka ama dibeddii wada deggen.

- Gudagalkii dalka ee dagaalkii 88-kii

Maalmahaasi waxa ay ahayd markii heshiisku dhexmaray Maxamed S. Barre iyo Mingistu Xayle. Waxa ay ahayd xaalad adag oo Itoobiya qaadatay, oo kala dooratay dhawr arrimood. Wuxuu Mingistu isku qanciyey in uu iska jeediyo qoriga kaga soo jeeday Soomaaliya, si uu ciidan iyo cudud ba uu ugu helo Jabhaddii xoraynta ee Ereteriya. Siyaad Barrena waxa uu ku arkay in uu ka adkaan karo SNM haddii uu la heshiiyo Mingiste. Xaaladda adag baa la soo gudboonaatay SNM. Waxaanuu go’aankii noqday in la isku shubo gudaha dalka—gaar ahaan magaalooyinka oo la hubay in dadku ay taageero xooggan u hayeen SNM. Aniga Faysal ahaan maalmahaas waxa la ii magacaabay madaxa taakulaynta ee aagga 31-aad ee Hargeysa ku soo jeeday. Abaabulkii dagaal waxa la isugu yimi meesha la yidhaahdo Kabaqorray.

Waxa aan xasuustaa Maxamed Ibraahin Warsame ”Hadraawi” baa halkaas noogu yimi wuxuuna i weydiiyey: Maxaad u malaynaysaa hawlgalkan laysu diyaarinayo? Waxa aan ku idhi: Waa is huranaynaa---magaalada gudaheedaana laysku qabsanayaa, nafo badan oo maanta ragga halkan fadhiya ayaa ku bixi, waa se aanay ka fursanayn, guusha Ilaahay baa ballanqaaday. Haddii loo dhabar adaygo oo la liici waayo guushu way imanaysaa. Hadraawi waxa uu igu yidhi: ” Anaa huba Faysaloow! Taasoo waa ballan Ilaahay, waana sidaan ragga ka filayey, bilaash looma dibadgaloobin.” Kabaqorray baa laga soo dhaqaaqay. Taliyaha ciidanku waxa uu ahaa Cabdiraxmaan Xuunsho, Dagaalgelintana waxa ahaa Ibraahin Dhegaweyne. Waxa kaloo hoggaaminta joogay Dayib Guray, Cabdilaahi Askar, Muuse Biixi, Maxamed Cilmi Samatar, Axmed Dhagax, Cabdilaahi  Cali (Cuddo), Maxamuud Haybe, Ismaaciil Taani iyo rag badan oo kale.

Waxa aan kaloo xasuustaa oo goobtaa maalintaa joogay rag badan oo u badnaa aqoonyahan, Axmed Daahir Diiriye, Axmed Daahir (Axmed Weyne) Ina Shaqalle, Waashinton, Siciid Shukri aad ayey u farabadnaayeen, Dr Cabdiraxmaan Cabdilaahi, Aadan Garwaf, Maxamed Jaamac Dagaal, Axmed Waraabe, Cabdisalaan Turki, Axmed Cali Indhacase, ma dhammayn karo oo waxa ay u baahantahay in aan qoraal dhan ka sameeyo.

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.