Fortsätt till huvudinnehåll

Faallo buug: "CAWADARAN"....Inaad cawa-darraataa ceebtaada maahee waa calaf adduunyo. W/Q. Sayid-Axmed M. Yuusuf


Yusur, waxa ay ahayd inan joogta gurigooda. Waxa ay ka dhalatay qoys, hayntoodu ay tahay meeldhexaad. Deegaankay ku dhalatay ee ay ku kortay, colaad baa ka bilaabantay. Waa dagaal aan joogsanayn, aan la garanayn cidda uu dhex marayo. Waa dagaal, mar iyo dhif qaboobaya, oo hadana bilaabmaya. Dagaalkaasaa sabab u noqday in ay Yusur, waalid la'aan dunida joogto. Dagaalkaas baa, walaal la'aan baday. Waa dagaal lagu hoobtay, oo aan kala reebayn birmageydo, carruur iyo cirroole toona. Faraxumaynta, dhaca, dilka ayaa caado u noqday, deegaankii ay Yusur ku noolayd. Maxaa talo ah? Ma lagu sii noolaan karaa degmo dagaal uu ka socdo? Dadka dagaalamayaana waaba isla dadkii deegaanka u dhashay oo kala saftay. Dhul ciidii gubatay, oo aan daari taagnayn, qiiqa iyo qadhmuun aan lagu dhex noolaan karin, miyey Yusur ku sii noolaan kartaa?

Buugga la magac baxay Cawadaran, waxa uu gacantayda soo galay jimcihii ay taariikhdu ahayd 03/08/2012. Qoraaga buugga qoray, Maxamed Sheekh Daahir, baa ii soo diray buugga. Markii aan furay ba waxa  i soo jiitay jeldiga oo aad fahmi karayso waxa uu xanbaarsan-yahay. Waa gabadh aan wejigeedu muuqan oo xijaaban. Ma aha in xijaabku wejigeeda ku daboolanyahay, ee inay sii jeeddo ayaad fahmaysaa. Buuggu waa 26 cutub, oo xidhiidhsan. Waxa aad ii soo jiitay cutub kastaaba halka uu ku dhammaado iyo halka uu ka bilaabmayo sida uu qoraagu u habeeyey ee farshaxannimo-da ah. Qoraalka, iyo hufnaanta kala shubnaanta bog kasta ayaanaad ku daalayn, in aad ku dheggenaato buugga ilaa aad ka dhammaynayso.

Bal aan inyar innooga soo qaado saddex cutub iyo sida uu qoraagu ku bilaabay, ee faahfaahinta iyo farshaxannimada leh. Cutubka labaad ayaa sidan ku bilaabmaya: 

" Madaafiic xidhiidh ah, oo hadh iyo habeen aan kala joogsanayn, oo yool tilmaaman aan ku jihaysnayn, oo dabayl raac ah ayaa dadkii madhiyey. Gantaallo la iska ganayey, oo la iska cirbixinayey, ayaa dadweynihii lagu dhammeeyey. Hub la isku shirrabayey, oo la isku jitaabinayey, ayaa ummadii baabbah lagaga dhigay. dalkiina lagu burburiyey." 

Bal kan sagaalaad na dhugo:

" Colkan iyo colaaduhu, waa cudur aan baxayn, oo cillado badan. Inta ku god-gashay iyo inta qaaradaha adduunweynaha u kala carartay mooyaane, inta ay kala oodeen ee kala dileen ayaan tiro lagu helayn. Inta ehel ahayd, ama asxaab run ah ahayd, ee ay isnecbaysiiyeen ayaa badan. Inta isjeclayd ee nafta isku bixin jirtay, ama jaar iyo ceesh wadaag ahayd ee ay isnacsiiyeen ayaan la xisaabin karin."

Ka siddeed iyo tobnaad na bal ila dheeho:

" Tarxiilku waa meel habaaran. Waa jeel jahannamaysan, oo askar inkaaran, oo jaahiliin ah, oo cawaan ah, oo haba yaaraatee akhlaaqad aan lagu ogayn, oo dadnimada oo dhan ka eber ah ay waardiyeeyaan. Waa goob ciqaabeed, xuquuq dadeed oo idil ka arradan. Waa xero cadaabeed, oo qofkii lagu xidho, aanuu caafimaadqab kaga baxayn."

Yusur, waxa ay u adkaysanweyday dhibaatadii dagaalku keenay. Waxa ay la kulantay dhibaato aan yarayn. Marka ay mid ka baxdaba mid hor leh bay lugaha la sii gelaysay. Markii danbe go'aankeedii waxa uu nqoday in ay ka baxsato dagaalka. Baxsadkii oo ay kala kulantay dhibaatooyin kale, ayaa ay muddo ka dib cagadhigatay, dal qalaad oo aanay afkooda iyo dhaqankooda toonna garanayn. Yaab iyo amankaag, markay wax yar istidhaahdo maanta ayaad ka baxaysaa dhibkii ayey mid hor leh dalaq tidhaahdaa. Inay cawa-darraataa ceebteeda maaha, ee waa calaf adduunyo. Runtii qoraagu, si aad u heersarraysa ayuu u soo gudbinayaa, dhibaato kasta oo la soo derista CAWADARAN. Inta badan buugaagta mala-awaalka ah ee qoraaga soomaaliyeed qoraa, waa kala heer. Waxa aan odhan karaa Maxamed Sheekh Daahir waxa uu ka mid noqday safka hore ee buugaagta sheekada malawaalka ah. Waa Mala-awaal si aad u heer sarreeya, loo soo hufay, oo haadiyey. 

Inkastoo goobaha dagaaladaasi ka dhacayaan iyo deegaamada ay Yusur u kala gooshayso aanuu qoraagu qalinka ku ballaadhin. Haddana adiga akhristaha ah ayaa mala awaalka, sawir maskaxeedkaagu uu ku siinayaa kolba goob. Adigaa buuxsanaya meelaha bannaan. Hab-qoraalka afsoomaaliga, oo inta badan la arko isaga oo daranyeysan oo aan joogsi iyo hakad toonna lahayn, ayaa aad --- aad uga helaysaa sida uu qoraagani u qoray, u xidhiidhiyey, u kala hormarsaday oo kuu fududaynaysa in aad macaansato akhriska buuggan la magac baxay CAWADARAN. Waxa kaloo sheegid mudan in ay ku jiraan erayo farabadan oo qoraagu adeegsaday, oo aan maanta la adeegsan. Kuwaasoo aan odhan karo, waa faa'iido in buuggan oo kale lagula kumo erayadaas sida: Beystayn, Caantayn, arradan, sinniqsi, werwer iyo walaac, gorgortan, Arlo, Qalinleef, irdheeyey iyo boqollaal erey oo aad garan karto in aan inta badan la adeegsan. 

Buugga, "Cawadaran" waxa uu ka koobanyahay 26 cutub oo ah 224 bog. Waa buug aan odhan karo, waxa uu galay safka hore ee buugaagta ku qoran afsoomaaliga. Qoraaga waxa ka muuqata in uu aqoon fiican u leeyahay, goobaha uu ka warramayo. Magaca buugga sida aad ka dhadhansan karto, waa sida aad u dhadhansatay, oo Yusur waxa ku dhacay nasiib darro tii ugu xumayd. Waxa ay noqotay Ayaan daran, Nasiib daran oo Cawadaran ah. Iyaduse qof ahaan waa inan aad u dulqaad badan, daacad ah, dadnimo leh, oo aan xumaan u dhalan. Intaa u dhaafi maayo, ee buugga iyo akhristaha aan u kala baxo. Waxaana nasiib ii ah in aan ka mid noqday akhristayaashii ugu horreeyey ee buuggaas akhriya, oo dhammeeya.

Ugu danbayn waxa aan halkan hambalyo gaar ah uga dirayaa, qoraaga buugga Maxamed Sheekh Daahir, oo aan leeyahay hambalyo. Waan hubaa oo hawl, wakhti, iyo fikir badan baad gelisay buuggan. Waa se buug dhaxal gal ah, oo oolli doona inta dunidu jirto. Waa haddii Eebe idmo.

Nabad iyo Caano
Sayid-Axmed M. Yuusuf
Sweden

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.