Fortsätt till huvudinnehåll

Buugga Hantaaqo Jacayl,waxa qoray Muuse Maxamuud Ciise (Dalmar)


Sida weelka caanaha 

hadii laabta loo culayo
Bal aan soo cidaadee 
maxaa cunaha dhaafaaye.

Curuuqda maxaa kala dhex geli 
cadaha hoostooda
Ma ciidaamkanaa jabinaya
cunaya dhuuxooda.

Inaanse cadaydo mooyee 
waxaan calalsho la'ii diidye
Caqliga yaa ka bi'in tuu 
Ilaah ku cir-cadaayeeyey.

Cimrigayga oon jirin 
intii lagu ciroobaayey 
Muga inaan cadaadaan 
ka biqi Canab darteede
Cududuhu ma naxaan qofkay
talo ku ciirtaaye


Erayadaasi waxa ay ka mid ahaayeen, gabay ka mid aha gabayadii uu tiriyery Cilmi Boodhari
.






Inbadan baa laga gabyey Caashaqa, inbadan baa laga heesay. Inta badan heesaha soomaalida ee laxanka la saaray waxa ay ku saabsanyihii Jacayl. Inkastoo qoraalka buugaagta ee soomaalidu qortay ay iskaba kooban yihiin, haddana waxaaba laga yaabaa in ay kasii xag-jiraan buugaagta laga qoray jacaylka. Ha noqdo mid laga qoray sheeko dhab ah ama mid Maanka laga curiyeyba’e. Waxa laga yaabaa, in marka la maqlo buuggaasi waxa uu ku saabsanyahay jacayl------ uu qofka soomaaliyeed yidhaahdo----- waar, maad wax dhaanta qortid. ”Soomaalidaa caado xume, iguma caydeene, oo ima canaanteen sidaan, cuud ka foofsadaye, waa Cilmi oo gartiisa marsanayey IHN-tee. Jacaylku waa dhismaha Qoyska. Adduunkuna waa qoysas sidaa darteed ” Haddii aan jacayl jirin, nolol wanaagsani ma jirto. Waxa saldhig u ah waa jacayl. Haba kala duwanaado, oo ninka soomaaliyeed marka uu tilmaamayo jacaylkiisa, dee, inta badan wixii uu jeclaa buu ku metelaa, oo waa kii ninkii gabyey lahaa ”Geeluba Ugaasooy, markuu ayda miranaayo, Abeerkiisa naaxiyo, hadduu aaranku iswaayo, isaguba ma kala aamusee waysu Ololaaye”. 

   Intaa Hordhac iyo Afeef is huwan dheh. Haatan aan u galo maqaalkan aan ugu talo galay buugga la magacbaxay ”Hantaaqo Jacayl” ee uu qoray qoraaga da’da yar Muuse Maxamuud Ciise (Dalmar). Buuggaagta Afsoomaaliga ku qoran, oo beryahan danbe soo badanaya gaar ahaan dalka Sweden, ayaa ah wax lagu farxo. Dhinac kasta oo bulshada laga eego waxa loo baahanyahay in wax laga qoro, dhaqanka, diinta, Aqoonta, taariikhda, fanka iyo suugaanta iyo qaar kaloo badan. Buuggan oo aan hubo in ay dhallinyaro badani akhriskiisa isha boobsiin doonaan. Waxa uu ku saabsanyahay Cawo iyo Cawaale, oo barasho horteed uu xiise galay Cawo. Barasho dabadeedna jacayl uu halkaa ka unkamay. Jacaykaa oo gaadhay heer adag oo qoraagu uu si farshaxannimo ah inoo soo hordhigay. Jacayladdu iskuma jiraane, waa mid uu qoraago ku hadheeyey Xakame dhaqan iyo diinba oo is xanbaarsan oo aan lahayn hab jacayl-qalaadeedka. Laba goorba waa la guursanayaa Cawo, oo waxa ay Marwo u noqonaysaa laba nin oo aan ahayn Cawaale, labada midna ma ay aqalgelin. Wixii dhacay iyo Jacaylkii Cawaale iyo Cawo, siduu ku danbeeyey waxa aan u daynayaa buugga laftigiisa oo aan leeyahay adigaa noo faahfaahin, laakiin, aan dul kaxaadsado qaabka qoraalka buugga. 

    Buuggu waxa uu qoraagu adeegsaday erayo aan adkayn oo la wada fahmi karo. Lahjadaha Afsoomaaliga waxa uu qoraagu isku deyey in ay ka dhexmuuqdaan. Sheekadu waxa ay dhacday ama Maancusriskeedu uu ku beegan yahay siddeetamaadkii. Waa xilli qof ahaan aan si fiican u garanayo. Sidaa darteed sheekadu si fiican ayay uga turjumaysaa waayihii xilligaa jiray si guud. Waxaana xiise leh qoraagu xilligaa imisa jirbuu ahaa.? Waxa yaab leh sida quruxda badan ee uu qoraagu, waa Muuse’e uu innoogu soo gudbiyey Qorane ama dhigane isku xidhiidhsan. Inta badan sheekooyinka jaadkaas ah waxa qoraaga dhib ku noqota xidhiidhinta sheekada oo u baahan si farshaxannimo leh, oo fududaysa fahamka akhristaha. Taasoo lagu kala fiicnaankaro, una baahan taxaddar badan, ayuu Muuse Maxamuud buuggiisii ugu horreeyey aan odhan karaa imtixaankaa waa uu ka gudbay. Waxa aan leeyahay Muusoow, mar haddii kaagii ugu horreeyey kan yahay, ku xigsii mid kale iyo mid kaleba. Kana faa’iidayso, wixii aad waaya-aragnimo kala kulantay kan kuugu horreeyey. Qoraagu waxa uu qoraa waxa uu xiisaynayo------ rabitaanka qoraaga isagaa xor u ah, oo ma aha in la yidhaahdo, oo maxaad u qori wayday waxaasoo baahi ah ayaa jirta’e. Waxa aanse ku dhiirri gelinayaa qoraa kasta, waxa uu rabo ayuu ka gungaadhi karaa oo u fudud. Qor xiisahaaga iyo rabitaankaaga. Dabcan marmarka qaar waa ay la kulmi kartaa qoraaga arrin uu u arko in ay muhiim tahay in uu qalinka u qaato. Taasi mar mar waa ay dhacdaa. 

   Buugga Hantaaqo Jacayl, sida magacaba ka muuqata jacaylka Cawo iyo Cawaale, wuu Hantaaqayaa, waxa uu kuu danbeeyona buugga ayaa inoo sheegi. Waxa Buugga ku jira oo qoraagu inoo soo xulay oo geliyey, meelihii ay ku habboonaayeey, heeso caan ah oo la qaaday siddeetamaadkii iyo wixii ka horreeyey. Hees kasta halkii ugu habboonayd ayuu qoraagu geliyey. Mar haddii aan qoraalka ku bilaabay gabaygii IHN-tee Cilmi Boodhari, bal aan ku soo gabagabeeyo hees ka mid ah kuwii uu qoraagu u dooray Cawo iyo Cawaale ee ay iyagu isu gudbiyeen. Marka guudka loo dabo, Timaha geddefka, loo xidho, Tirsadaan gu’ qaangaadh, Gayaankoodu uu soo baxo, Ee geedka loo baxo, wada hadasho guurtidu, Laga keeno Guunyada, Gacanqaadku uu dhaco, Gibladiyo Cayaaraha, La gimgimo Arooskii, Waa gaari nolol wacan lagu soo Gardaadshee gobsanaa Hablahayagu. (Heestaa waxa qaada Saalax Qaasin Naaji). ”Hadba walalacdaadii, laykaa Widhwidhiyoo, Wanaag iyo kalgacal laygu kaa wadhyeey, wehelkaygiyoow i weedhaamisee, Wahdiyoo i wiiqdee, Socodkii wahsadayeey-----Warsan iyo Weedhsan ii soo waceey” IHN-tee waxa qaadi jirtay Habboon Cabdillaahi. 

   Ugu danbeyn waxa aan leeyahay Hanbalyo qoraaga buugga qoray Muuse Maxamuud Ciise (dalmar). Dhiirrigelintaydu waa buugaag kalena noo qor oo ha ku joogsan kan aad ku bilawday, qalinka iyo khadka aad ku ibo furtay, kuna gashay bahweynta qalinlayda. Dedaal baad samaysay ee halkaa kasii kordhi. Akhristayaashana waxa aan leeyahay dhiirri gelintu waa ay noocya badan tahay ee mid ama laba jaad oo dhiirri gelin ah ku dhiirri geli qoraa kasta oo buug soo saaray. 

Nabaadiino
W/Q, Sayid-Axmed Maxamed Yuusuf-Dhegey
04/2010 Sweden

Kommentarer

Skicka en kommentar

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.