Fortsätt till huvudinnehåll

Xubnihii ka qaybgalay isku daygii la soo noqoshadii Somaliland 1961. W/Q, Sayid-Axmed M. Yuusuf (Dhegey) 18-05-2006


Dhacdooyinka soo maray deegaanada soomaalidu degto aad ayey u farabadan yihiin. Balse cidi waxba kama qorto. Waxaana laga jecelyahay in laga sheekeeyo oo qofkastaaba uu noqdo qofka xogogaalka ah, si loogu ixtiraamo xogtaa uu hayo. Waxa inta badan aynu aragnaa iyadoo la isku hayso dhacdo dadka iyo dalka soo martay, taasoo xataa ay noolyihiin dadkii dhacdadaa goob joogga ahaa ama kaba midka ahaa. Dadka qaar xogbadan hayana waxaad mooddaa sidii geedo-yaqaankii (Dhirta dawada ah) aan cidnaba u sheegi jirin geedka dawada ah ilaa uu geeri qarka u saarmo, in aan qofna jeclayn inuu xogta uu hayo dadka wada gaadhsiiyo.

   

    Faalladaa waxba ku dheeraan maayo, ee maanta waxaan qalinka u qaatay dhacdo muhiim ah oo aan inbadan raadiyey, laakiin aan soo helay xog kooban oo u baahan in lasii raadiyo oo la daabaco. Bishii laba iyo tobnaad ee sannadkii 1961-kii waa markii ay Somaliland xor ahayd sannad keliya'e, ayaa waxa dhacay isku day aan dadka badidiisu xogogaal u ahayn. Saqdii dhexe ayaa lagu waaberiistey iyadoo ciidankii qalabka siday la wareegeen xarumihii dawladda ee magaalooyinka waaweyn ee Somaliland. Shacbigu war kamay hayn waxa dhacay iyo inqilaab macnaha uu leeyahay. Dadka waxa kasii guuxaysay xornimadii iyo isku darkii lagu hungoobay. Xaalku si kastaba ha ahaadee, dadkii oo yaabban oo dareensan in isbedel dhacay, balse aan kala garan faaiido iyo khasaare kuu u leeyahay ayaa dhallinyaradii isku dayday soo celintii qaranimadii Somaliland, la qabqabtay oo laga xoog roonaaday.

   
   Sababaha looga xoogroonaaday ha inoo dabranaatee, waxa isweydiin leh sidee wax u dhaceen. Rashiid Sh Adan Xasan oo markaa ka tirsanaa boliska magaalada Burco wuxuu yidhi: 
   
  "Berigaa waxa laga baqayey Xabashida oo ku hanjabaysay inay dhulka soomaalida qabsan doonto. Iyadoo baqashadaasi jirto oo dhulka hawdkana ay dhibaato ka dhacday ayaa habeen habeenada ka mid ah annagoo hurudna aanu maqlnay ciidan farabadan oo sanqadhoodu isdaba hayso. Dabadeed waxaanu ka eegnay daaqadda, waxaanu u qaadanay in xabashidii soo gashay. Runtii aad baanu u naxnay, laakiin markii aanu soo kacnay ee saldhigii nimi, ayaanu la kulannay arrin kaba duwan, waxaan gartay raggii saldhigga boliska qabsaday oo uu ka mid ahaa Maxamuud Xaaji Muse "Dalab". Waxay noo sheegeen in dalka gebi ahaanba la qabsaday oo janankii ciidanku dalka la wareegay. Balse sheekadaasi waxay beenawday markii idaacaddii Xamar ay caadi u hadashay".
   
  Dhinaca Hargeysa oo dagaal ka dhacay waxan ka soo qaadanayaa dhacdo yar oo kooban oo ku saabsan hoggaamiyihii kacdoonkaa hoggaaminayey. Ilaahay ha u naxariisto'e Xasan-Kayd Cabdulle oo ahaa sarkaal sare. Xasankayd wuu dhaawacmay maalintaas. Dhaawicii ayaa la geeyey cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa. Dhaktarka keli ah ee goobtaa ku sugnaa wuxuu ahaa Cali Sh Ibrahin oo ahaa maamulaha dhakhtarka. Dr. Cali markiiba qalliin ayuu ku sameeyey Xasan-Kayd, wuxuuna ka horjoogsaday ciidankii loo soo diray inay xidhaan. Berigaas oo uu sharcigu haba yaaraadee waxoogaa sii jiray. Way ka joogsadeen ciidankaasi inay soo xidhaan Xasan-kayd. Balse horjoogsigaa uu Dr. Cali sameeyey wuxuu sababay in Dr. Cali laga mustaafuriyo Hargeysa, oo Xamar la geeyo. 28 sannadood ka dib ayuu Dr Cali Sh. Ibrahin ku soo noqday cusbitaalkii Hargeysa ee berigaa laga mustaafuriyey waana 1991-kii. Ilaahay haw naxariistee waxa dagaalkaa ku dhintay sarkaal keliya oo la odhan jiray Siciid Caabi. 
   
    Hadaba halyeyadaasi waa kuwama? Xagee bay joogaan. Weli buug malaga qoray? Maalintii aan u tafaxaytay inaan dhacdadaa wax ka ogaado waxaan u haystay intooda badani inaanay noolayn. Waxaanse ogaaday inay intooda badani noolyihiin. Waa yaab, waxaan kaloo u haystay inay u badanyihiin odayaal aad u da'weyn. Taasina way beenawday oo waa rag weli xoog ah inta nooli. Waxay kala joogaan Maraykanka, Khaliijka, Somaliland iyo caalamka kaleba dacaladdiisa. Hadaba anigoo ka afeefanaya in xogtaasi aanay weli ii dhammayn, una baahantahay in aan helo xubnaha hoosta ku qoran intaan ka gaadhi karo, itaalkayga. Haddana waxaan jeclaystay inaan ku beego mun-aasibadda 18 mey ee loo dabbaaldegayo sannadguurada 16-aad ee ka soo wareegtay la soo noqoshadii qaranimada Somaliland oo ku beeggan maanta. 
   
  Liiska xubnihii ka qaybqaatay kacdoonkii 1961-kii.
   
  Xubnaha geeriyooday "Ilaahay haw naxariistee.
   
  1. Xasan Cabdulle "Kayd"
  2. Siciid Caabi
  3. Axmed Xaaji Diiriye Shide
  4. Maxamed Cabdiraxman X Jaamac "luggooyo"   
  5. Maxamed maxamud "Bidle"
  6. Abdi Duale
  7. Maxamed Muxumed Raage

  8. Muxumed Cabdilahi "Awr"

   

  Xubnaha nool "Ilaahay caafimaad ha siiyee"

   

  1. Cali Haaruun
  2. Faysal Xaaji Jama
  3. Xuseen Maxamed Bullaale "Dakharre"
  4. Cabdilahi Kongo
  5. Siciid Giirre
  6. Maxamud Xaji Muse "Dalab"
  7. Cabdilahi Cabdi Farax "Dayr"
  8. Siciid Oogle
  9. Yusuf Axmed Kibaar
  10. Cabdikarim Cashuur
  11. Cabdi Yusuf Abokor
  12. Cabdi Xuseen Xabashi
  13. Cawil Cali Ducaale (Wasiirka maaliyadda Somaliland, xilliga aan qoraalkan qoray 2006)
   
  Tiro guud 21 xubnood
   

  Ugu danbayn. Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan intii gacan iga siisay hawshan. Wixii khalad ku jira qoraalkan waxaan jeclaan lahaa in la i soo saxo. Haddii uu jiro xubin ka mid ahaa kacdoonkaas oo aan magaciisa ka tegey ha ii soo gudbiyo qofkii  hayaa. Haddii uu jiro xubin aan ku qoray liiska oo aan ku jirin kacdoonkaas ha la ii soo sheego. Waa nasiib wanaag inay maanta noolyihiin xubno fara badan oo kacdoonkaas ka mid ahaa. Ciid wanaagsan ku ciida. Dhammaan shacabka reer Somaliland, meelkastay joogaanba. Wixii xog ah ama talo iyo tusaaleba ah iigu soo hagaaji emailka hoosta ku xardhan.

Raadraac:

Yuusuf Axmed Kibaar (Xubin ka mid ahaa)
Amina-milgo Xaaji Maxamuud (Guddoomiyihii hore ee Nagaad)
Faysal Cali Waraabe (Guddoomiyaha Xisbiga UCID)

* rag iyo haween badan oo aan ka helay magacyada liiskan inta badan.

FG: Si aan u sii saxo, waxa aan jeclaan lahaa in aad isku daydaan, wax ka ogaanshada xubnahan kor ku xusan. Haddii aad ogtahay xubin ka maqan ama dheeraad ku ah, ila soo socodsii.



   

  Sayid Maxamed Yuusuf "Dhegey"

  18/05/2006-Sweden

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.