Fortsätt till huvudinnehåll

Ogaysiis: Maalinta Suugaanta iyo Dhaqanka Soomaalida ee Magaalada Uppsala, Iswiidhan.

Dhammaan dadweynaha ku hadla afka Soomaaliga iyo inta xiisaysa afka iyo dhaqanka Soomaalida ee ku dhaqan magaalada Uppsala  iyo agagaarkeedaba waxa la ogeysiinayaa in maalinta sabtida ee 29.06.2013 lagu qaban doono magaalada Uppsala  kulan suugaaneed balaadhan oo lagu soo marti qaaday qorayaal iyo suugaanyahanno ka iman doona magaalada Stockholm. Maalintan ayaa noqon doonta maalin xiiso badan oo ay qorayaashu madasha ku soo bandhigi doonaan buugaag cusub , riwaayad cusub oo magaceeda la yidhaa, Tayo-beelka Carruurtu Waalid Buu Tebeyaa,  oo ka hadlaysa nolosha qurbaha iyo qoyska Soomaaliyeed uuna  alifay Muuse Dalmar iyo  waliba suugaan kala duwan. Martida maalintaasina waxaa ka mid ah:


1. Qoraaga Maxamed Xirsi Guuleed ( Abdibashir ) ayaa madasha ku soo bandhigi doona suugaantiisa kala duwan iyo guud ahaan buugaagtiisa, gaar ahaanna buuggiisa u danbeeyay ee Aan ooyee albaabka ii xidha. Kaasi oo uu ku kaydiyay suugaan badan oo ku saabsan halgankii ay Soomaalidu u soo martay xorriyadda iyo suugaantii miisaanka lahayd ee guumaysi la dirirka.
Maxamed waxa uu sidoo kale maalintaasi inala wadaagi doonaa cashar kooban oo ku saabsan dhaqanka iyo hiddaha Soomaalida.

2. Qoraaga Sayid Maxamed Yuusuf ( Dhegey ) ayaa isna maalintaasi dadweynaha la wadaagi doona cashar kooban oo ku saabsan taariikhda afka iyo suugaanta  Soomaaliga iyo waliba buugaagtiisa. Isagoo diirradda saari doona buuggiisa Socdaalkii Dheeraa, oo ka hadlaya duruufihii iyo waayihii ay dadka Soomaalidu ku sugnaayeen  wakhtigii colaadaha ee 1988.

3. Qoraaga Muuse Maxamuud Ciise ( Dalmar ) ayaa isna maalintaasi madasha ku soo bandhigi doona riwaayaddiisa cusub ee Tayo-beelka Carruurtu Waalid Buu Tebeyaa. Riwaayaddan oo ka hadlaysa wacyiga iyo duruufaha nololeed ee qoyska Soomaaliyeed ee qurbaha ku dhaqan. Muuse ayaa sidoo kale maalintaasi dadweynaha la wadaagi doona sheekooyin-suugaaneed ka hadlaya qaybaha kala duwan ee nolosha bulshada iyo waliba buugaagtiisa kuwii ugu danbeeyay.

Maalintan ayaa noqon doonta mid xiiso badan, waxaana jiri doono wakhti ay dadweynuhu ku soo gudbiyaan wixii talo, tusaale iyo su’aalaba ah.
Ha moogaan hana ka maqnaan haddii Raxmaanku inagu simo.

Goobta:...............
Goorta:.................
Wixii faahfaahin ah kala xidhiidh.
Abdirahman Hashi ahashi60@hotmail.com
Tel: 0736742437

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.