FG: Sheekadan qoraagu waxa uu qoray mar hore. Waase sheeko aad loo jeclaystay.
Qulluufan qallaafan,
Waraabe dheg jeexan
Shabeel indho giiran
Qulluufan qallaafan,
Waraabe dheg jeexan
Shabeel indho giiran
Waa maxay dadkani tirada badan ee igu xeerani, dadku dhaadheeraa, waaweynaa, sownigan hoostooda ku shiiqay…maxay ii sheegayaan? maxay iga rabaan?…sownigan gariiraya,…hadal…hadal bay i leeyihiin maxaan ku hadli, dadka intaa le’eg maxaan u sheegi weligayba gole kama hadale, laba qof ka badan lama hadale…maya soco waad samayn kartaa…iska hadal hadday ugu bataan way kugu qosliye, muxuu qosol ku yeeli ma feedh buu kaa jebin.... Waanigan anigoo gargariiraya kelmado af guri u badan si kala googo’an ugu dhawaaqaya…haddana sow kuwan ii sacab tumaya..maxaa ku dhacay dadka, sow kuwa dad waaweyn ah…waxan ka baqayey inay igu qoslaane, miyey iga xishoonayaan mise waa ka dhab…
Waa kuwan hawsha ii diray…hawsha intan le;eg maxay iigu dirayaan..maxay iga luggoynayaan iyana isku heerayaan…maxaan tari karaa iyaga, naftaydase maxaan tari karaa?
Waxaba iigu daran kuwan koofiyadaha iyo cumaamadaha waaweyn ee bakooradaha iyo macawisaha leh … Bal kan cirrada leh ee booshcaddaha ah eeg ee aad mooddo siduu u dhashay inaanu timihiisa saliid marin..haddaa ma sidaasay u caddaan lahaayeen…muxuu ka hor qabanayaa dadkan ehlu sharafka ah ee koofiyadaha iyo cumaamadaha wata, miyaanu isku xishoonayn iyaguse may iska hor dhaqaajiyaan mise haybaddu waa dushee waxba ugama hooseeyaan.
Bal fiiri isna kan bidaarta leh ee aad mooddo inuu barafka ka fooraro ee aad mooddo jinac hangool sita oo diin qodax ka goynaya…ama bayloodkii qaranka ee berigii riwaayadda ku jiray… bal dhowr dhaashanahan dhafoorka ballaadhan ee aad mooddo inuu cawaandad isla maroorinayo…caddaan weyne cadow ha ii jebin.
Yeelay taladii dadkai…ku sii durkay buulka sidii awrkii ninka carbeed oo madaxa iyo dhegaha la galay dabeed ninkii dibedda u saaray..dadkiina dabada iga riixe oo igu tukhaandukhi gudaha…waaniga gudaha ku dhacay… aqal diirran..sariir iyo kuraas balballaadhan…qurux weynaa buulku ma sidanuu ahaa…dusha ka fool xumaa..gudaha ka quruxsanaa…cawadayda calankayga, car waaba cidda iga saarta…iyaga dhaxantu dibedda ha ku disho, iyagaa tiro badane ha is barkadaan oo badhkood badhka kale ha dugaashiyo, maxaa aniga iiga kun iyo sagaal boqol ah.
Laakiin waa maxay isbeddelka intan le’eki…sow kuwan dadkii yaryaraaday ee aad mooddoo kuwii sheekadii socdaalkii Gullifar…sow kuwan qudhaanjada la mooddo ee bakooradahoodii dirqiga lagu arkayo ee codkooda dirqii lagu maqlayo, ee markaan weyneysada u qaato aan arkayo inay afka dhaqdhaqaajinayaan…tolow miyey I ammaanayaan mise way iga cabanayaa…oo kabtayday le’eg yihiine maxay iga qaadi karaan…maxaa dadka ku dhacay sow kuwii shalay maroodiga le’ekaa anna aan takarta ka yaraa… mise waa yaabe iyagu intoodii bay le’eg yihiin anigaa kala baxay oo kala fiday oo markii jismigaygu weynaaday bay dhegahayga balballaadhani maqli kari waayeen codkooda caadi ah?…dadku ma iyagaa ryaraaday mise anigaa weynaaday….mise waa indhahayga…maxaa si ah!!!. Bal aan shaydaanka iska naaro. Sowkuwan kuwii cumaamadaha waaweynaa noqday kuwa ugu nugul…sow kuwan hadlakaygii bilaa xikmadda ahaa u sabcinaya..sow kuwan gar iyo gardarraba igu raacaya…laakiin maxay xikmadda iyo aftahammadu tartaa kol haddii intaydii yarayd iyo agnaanimadii ka anfac roonaatay…
Tolow maxay igu qabaan… ma waxan yare e gacmahayga waawey ka daadaadanaya… midhadhka sonkorta ah bay ku qancayaan…ma intaasaa ku filan…hadday ku filan tahay miyaan u waayayaa markaan kiishka sonkorta gacanta geliyaba kollay midhadh baa iga daadanaya aanan ciidda ka soo saari karayne… maxaa ku jaban hadday afka u dhigtaan oo iigu sabciyaan?… oo sow kuwa dad waaweyn ah siday ugu fillaan.? Maya, maya...da’dooda uun baa weyne sow kuwa kan muuqaalka qudhaanjada leh…
Haaa… mid baa iigu daran, werwer baa igu jira…dadkani markaan isbarannay way waaweynaayeen anna waan yaraa.. xabbad hadhuudh ah iyo digaagaddii qaadanaysay baannu isku ahayn…maxay ku yeeli karaan immisaad qudhaanjo cagaha ku qaadatay adoon ogayn…maya…sidaa maaha..yaraanta iyo weynaanta maaha…xaalku waa si kale..Namruudba kaneecay ahayd…Ilaahow ha nagu sallidin…
Weli cabsi baa igu jirta…waxan ka baqayaa inay igu weynaadaan anna aan yaraado oo arrinku siduu ku bilaabmay dib ugu noqdo.
Laakiin labadan nin ka warran…kan barafka ka fooraraa dhib iguma hayo dhowrka bilood ee xagaaga marka barafku dhalaalo ee uu madaxa kor u qaado uun buu I arki karaa..inta kale sow kan foorara, sowkan finjiriira ma isagaaba ii jeeda..inta xagaagana waan iskaga jihayn..waa nin aan indhihiisu jiilaalkii oo dhan wax arage intaan gees u dadbo ayaan ku odhan bal eeg kan dhaashane ee dhafoorrada weyn ee ku soo eegaya..marka dhafoorka dhaashane indhaha ka cawarana isaga uun uun buu ku jihaysnaan, qalin ku-dirirka la maragsan anna kiishka sonkorta gacanta waan u gelin…waan u qadhiidhi waan ogahay inuu macmacaanka jecel yahee.
Dhaashanay noqotay?ninku waa nin dhib badan…cidna ma maqlo..waxaan kabahayga iyo koodhkayga ahayn kuma qancayo oo maba le’ekee siduu u gashan ma nnagaa laba nin oo isle’eg ah?,anba miyuu I le’ekaa isagoo iga weyn baan isku helay oo waan ku fidaye.. Dhaashane sow kan weliba sii yaraaday inkastoo dadka kale uu woxogaa ka weyn yahay..ma kabo iyo koodh lagu siiyey baa ku le’ekaan waaya sokuwa dawaarle iyo kaboole u nool .
Dhaashane waxba ma maqlayo, macmacaan nin u jeeda maaha, afkayga uun buu eegayaa, muxuu iga dhowri arsaaqadda Eebbaa bixiyee…muu markiisa sugo se kabaha iyo koodhka aan uga horreeyey maxay u tari…xin iyo xaasid…waa halkii reer xamarkee ha I cawryin, ha I cunin…
Haaa..hadda wewer baa I haya…meesha kama kici karo…afkii baa iga weynaaday…nin kii hore ma ahi…dadku way ila yaabban yihiin waxay I moodayaan ninkii miskiinka ahaa ee ay ogaayeen sannado ka hor…miyaanay ogayn inaan isbeddelay..in waayuhu I beddelay…inaan damaaci noqday oo awal waxayga ayaan dadka uga tegi jiree maanta cid walba waxeeda ku haysto…ma keligaybaa adduunkoo dhan baa sidaa ahe… Werwerkii wuu igu sii cuslaanayaa, wax baa halkaa ka soo madow, tolow ma roob baa?, madowgii soo dhowaa, waa higil socda.
Alla hayyaaay…wax baa dhacay…bal eega waa maxay waxani…sow kuwan dadkii soo waaweynaanaya..soo dhaadheeraanaya…hal mitir…laba mitir…toban mitir… way cir baxeen…anigu intaydii baa le’ekahay waan sii yaraanayaa markay sii dheeraadaanba… Allow ii sahal…cabsi weyn baa I haysa,sownigan qudhaanjada le’ekaaday, waxan ka baqayaa inay igu joogsadaan, kabaha ila dul maraan, waa kuwan cagahoodii kolba dhinac iga maraya, anna aan ka hoos dusayo, ka mitilikhaysanayo..ima arkayaan, hadday iga baydhi lahaayeen diirad ma haystaan ay igu arkaan, dhawaaqayga ma maqlayaan oo dhegahoodu dhulka way ka dheer yihiin.
Qadhiidhkii sonkorta ahaa wax tari maayo…afkoodaba kuma filna…jawaanno ayaan ku filnayn si wax loo siiyo ma leh…talaa loo baahan yahay..waryaa talo haya..ma nabsigii taladaan hore u diidaa…dadooow…dadoow maxaan yeelaa? Badbaadaan doonayaa… waxan u baahanahay talo!!! Waanigan anigoo gargariiraya kelmado af guri u badan si kala googo’an ugu dhawaaqaya…haddana sow kuwan ii sacab tumaya..maxaa ku dhacay dadka, sow kuwa dad waaweyn ah…waxan ka baqayey inay igu qoslaane, miyey iga xishoonayaan mise waa ka dhab… Waa kuwan hawsha ii diray…hawsha intan le;eg maxay iigu dirayaan..maxay iga luggoynayaan iyana isku heerayaan…maxaan tari karaa iyaga, naftaydase maxaan tari karaa? Waxaba iigu daran kuwan koofiyadaha iyo cumaamadaha waaweyn ee bakooradaha iyo macawisaha leh …
Bal kan cirrada leh ee booshcaddaha ah eeg ee aad mooddo siduu u dhashay inaanu timihiisa saliid marin..haddaa ma sidaasay u caddaan lahaayeen…muxuu ka hor qabanayaa dadkan ehlu sharafka ah ee koofiyadaha iyo cumaamadaha wata, miyaanu isku xishoonayn iyaguse may iska hor dhaqaajiyaan mise haybaddu waa dushee waxba ugama hooseeyaan.
Bal fiiri isna kan bidaarta leh ee aad mooddo inuu barafka ka fooraro ee aad mooddo jinac hangool sita oo diin qodax ka goynaya…ama bayloodkii qaranka ee berigii riwaayadda ku jiray… bal dhowr dhaashanahan dhafoorka ballaadhan ee aad mooddo inuu cawaandad isla maroorinayo…caddaan weyne cadow ha ii jebin.
Yeelay taladii dadkai…ku sii durkay buulka sidii awrkii ninka carbeed oo madaxa iyo dhegaha la galay dabeed ninkii dibedda u saaray..dadkiina dabada iga riixe oo igu tukhaandukhi gudaha…waaniga gudaha ku dhacay… aqal diirran..sariir iyo kuraas balballaadhan…qurux weynaa buulku ma sidanuu ahaa…dusha ka fool xumaa..gudaha ka quruxsanaa…cawadayda calankayga, car waaba cidda iga saarta…iyaga dhaxantu dibedda ha ku disho, iyagaa tiro badane ha is barkadaan oo badhkood badhka kale ha dugaashiyo, maxaa aniga iiga kun iyo sagaal boqol ah.
Laakiin waa maxay isbeddelka intan le’eki…sow kuwan dadkii yaryaraaday ee aad mooddoo kuwii sheekadii socdaalkii Gullifar…sow kuwan qudhaanjada la mooddo ee bakooradahoodii dirqiga lagu arkayo ee codkooda dirqii lagu maqlayo, ee markaan weyneysada u qaato aan arkayo inay afka dhaqdhaqaajinayaan…tolow miyey I ammaanayaan mise way iga cabanayaa…oo kabtayday le’eg yihiine maxay iga qaadi karaan…maxaa dadka ku dhacay sow kuwii shalay maroodiga le’ekaa anna aan takarta ka yaraa… mise waa yaabe iyagu intoodii bay le’eg yihiin anigaa kala baxay oo kala fiday oo markii jismigaygu weynaaday bay dhegahayga balballaadhani maqli kari waayeen codkooda caadi ah?…dadku ma iyagaa ryaraaday mise anigaa weynaaday….mise waa indhahayga…maxaa si ah!!!. Bal aan shaydaanka iska naaro. Sowkuwan kuwii cumaamadaha waaweynaa noqday kuwa ugu nugul…sow kuwan hadlakaygii bilaa xikmadda ahaa u sabcinaya..sow kuwan gar iyo gardarraba igu raacaya…laakiin maxay xikmadda iyo aftahammadu tartaa kol haddii intaydii yarayd iyo agnaanimadii ka anfac roonaatay…
Tolow maxay igu qabaan… ma waxan yare e gacmahayga waawey ka daadaadanaya… midhadhka sonkorta ah bay ku qancayaan…ma intaasaa ku filan…hadday ku filan tahay miyaan u waayayaa markaan kiishka sonkorta gacanta geliyaba kollay midhadh baa iga daadanaya aanan ciidda ka soo saari karayne… maxaa ku jaban hadday afka u dhigtaan oo iigu sabciyaan?… oo sow kuwa dad waaweyn ah siday ugu fillaan.? Maya, maya...da’dooda uun baa weyne sow kuwa kan muuqaalka qudhaanjada leh…
Haaa… mid baa iigu daran, werwer baa igu jira…dadkani markaan isbarannay way waaweynaayeen anna waan yaraa.. xabbad hadhuudh ah iyo digaagaddii qaadanaysay baannu isku ahayn…maxay ku yeeli karaan immisaad qudhaanjo cagaha ku qaadatay adoon ogayn…maya…sidaa maaha..yaraanta iyo weynaanta maaha…xaalku waa si kale..Namruudba kaneecay ahayd…Ilaahow ha nagu sallidin… Weli cabsi baa igu jirta…waxan ka baqayaa inay igu weynaadaan anna aan yaraado oo arrinku siduu ku bilaabmay dib ugu noqdo.
Laakiin labadan nin ka warran…kan barafka ka fooraraa dhib iguma hayo dhowrka bilood ee xagaaga marka barafku dhalaalo ee uu madaxa kor u qaado uun buu I arki karaa..inta kale sow kan foorara, sowkan finjiriira ma isagaaba ii jeeda..inta xagaagana waan iskaga jihayn..waa nin aan indhihiisu jiilaalkii oo dhan wax arage intaan gees u dadbo ayaan ku odhan bal eeg kan dhaashane ee dhafoorrada weyn ee ku soo eegaya..marka dhafoorka dhaashane indhaha ka cawarana isaga uun uun buu ku jihaysnaan, qalin ku-dirirka la maragsan anna kiishka sonkorta gacanta waan u gelin…waan u qadhiidhi waan ogahay inuu macmacaanka jecel yahee.
Dhaashanay noqotay?ninku waa nin dhib badan…cidna ma maqlo..waxaan kabahayga iyo koodhkayga ahayn kuma qancayo oo maba le’ekee siduu u gashan ma nnagaa laba nin oo isle’eg ah?,anba miyuu I le’ekaa isagoo iga weyn baan isku helay oo waan ku fidaye.. Dhaashane sow kan weliba sii yaraaday inkastoo dadka kale uu woxogaa ka weyn yahay..ma kabo iyo koodh lagu siiyey baa ku le’ekaan waaya sokuwa dawaarle iyo kaboole u nool .
Dhaashane waxba ma maqlayo, macmacaan nin u jeeda maaha, afkayga uun buu eegayaa, muxuu iga dhowri arsaaqadda Eebbaa bixiyee…muu markiisa sugo se kabaha iyo koodhka aan uga horreeyey maxay u tari…xin iyo xaasid…waa halkii reer xamarkee ha I cawryin, ha I cunin…
Haaa..hadda wewer baa I haya…meesha kama kici karo…afkii baa iga weynaaday…nin kii hore ma ahi…dadku way ila yaabban yihiin waxay I moodayaan ninkii miskiinka ahaa ee ay ogaayeen sannado ka hor…miyaanay ogayn inaan isbeddelay..in waayuhu I beddelay…inaan damaaci noqday oo awal waxayga ayaan dadka uga tegi jiree maanta cid walba waxeeda ku haysto…ma keligaybaa adduunkoo dhan baa sidaa ahe…
Werwerkii wuu igu sii cuslaanayaa, wax baa halkaa ka soo madow, tolow ma roob baa?, madowgii soo dhowaa, waa higil socda.
Alla hayyaaay…wax baa dhacay…bal eega waa maxay waxani…sow kuwan dadkii soo waaweynaanaya..soo dhaadheeraanaya…hal mitir…laba mitir…toban mitir… way cir baxeen…anigu intaydii baa le’ekahay waan sii yaraanayaa markay sii dheeraadaanba… Allow ii sahal…cabsi weyn baa I haysa,sownigan qudhaanjada le’ekaaday, waxan ka baqayaa inay igu joogsadaan, kabaha ila dul maraan, waa kuwan cagahoodii kolba dhinac iga maraya, anna aan ka hoos dusayo, ka mitilikhaysanayo..ima arkayaan, hadday iga baydhi lahaayeen diirad ma haystaan ay igu arkaan, dhawaaqayga ma maqlayaan oo dhegahoodu dhulka way ka dheer yihiin. Qadhiidhkii sonkorta ahaa wax tari maayo…afkoodaba kuma filna…jawaanno ayaan ku filnayn si wax loo siiyo ma leh…talaa loo baahan yahay..waryaa talo haya..ma nabsigii taladaan hore u diidaa…dadooow…dadoow maxaan yeelaa? Badbaadaan doonayaa… waxan u baahanahay talo!!!
Xasan C. Madar
Hargeysa, Somaliland
nabaadiino@yahoo.com.
nabaadiino@yahoo.com.
Kommentarer
Skicka en kommentar