Fortsätt till huvudinnehåll

Wargeyska Hubaal " waa loo hiilinayaa, xaqaa loogu hiilinayaa---Yeedhaa dam wax la yeeli karo maahaa.

Wargeys la yidhaa HUBAAL, oo ka soobaxa Hargeysa ayaa albaabada loo laabay. Miyeynaan kaba korayn albaabada ayaa loo laabay iyo waa la xidhay, waa loo cagajugleeyey iwm. Marnaba ma difaacayo, qaladka, mana difaacayo cid alla ciddii denbi gasha. Balse waxa difaac mudan xaqa. Qalad wuu dhacaa, waxaase isweydiin leh, qaabkee loo abaalmarinayaa cidda qaladka gashay. Ma sidii qafaalkii baa lala boodayaa oo god madaw lagu ridayaa. Waxa aan xasuustaa wargeyska Jamhuuriya oo kolba la xidhi jiray, marbaa jirtay laga qaatay xataa teebabkii ay wax ku qorayeen.

Midh aynu isla fahamno, difaaca la difaacayo Hubaal ama warside kasta oo la qafaashay, waa difaac qaran ee maaha mid qof. Qaabka loo baadhayo denbiga uu wargeysgalo, waa in loo maraa tubta toosan. Haddii kale waxa ay noqonaysaa kala aargudasho ku salaysan, kala aragti, kala beel, iyo qof nacayb iwm. Waa la wada garanayaa marka qoraal aan waafaqsanayn xeerka dalka laga dacwoodo ama xukuumaddu ha ka dacwooto ama qof ha ka soo dacwoodo. Waxa jira xeer ilaliyeyaal, loo geeyo. Haddaanu denbigu ahayn mid mutaystay in markaa boolisku wax ka qabto.

Arrimaha u baahan, in xukuumaddu ay fahamto---waxa aan filayaa xukuumadda maanta jirtaa waa ay fahamsantahaye, oo waatii shalay aanu ugu hiilinaynay kolba dhibaatadii cabdhinta ee lagu hayey. Waa inay samaysaa qaab ka duwan qaabkii hore ee saxaafadda loola dhaqmayey.

1. Haddii uu wargeys soo baxo isagoon haysan oggolaansho, dee waa la xidhi karaa oo maba aha mid sharci ku soo baxay.

2. Haddii uu oggolaanshihii haysto, oo lagu soo daabaco qoraal denbi noqon kara. Denbi ma aha ilaa la horgeeyo maxkamadda arriunkaasi khuseeyo. waase la soo dacweyn karaa. waana in uu jiraa mudduci ka dacwoonaya qoraalkaas.

3. Haddii lagu helo denbi qoraalkaas, waa in xeerka la mariyaa, qofkii ka mas'uulka ahaa in qoraalkaasi soo daabacmo oo lagu daabaco wargeyska. Wargeyskastaa mas'uul buu leeyahay qaabilsan oggolaanshaha qoraal kasta oo lagu daabacayo wargeyska. Qofka denbigaa loo xanbaarinayaa maaha wargeyska oo dhan ee waa tifaftiraha mas'uulka ka ah wargeyska.

4. Waxa la saari karaa ganaax lacageed. Waxa la xidhi karaa haddii xeerku oggolaado qofka mas'uulka ka ah wargeyska ee u qaabilsan soo saaridda kama danbaysta ah. Qofka qoraalka qoray, isagu jid kale ayuu leeyahay oo loo maro

Gebagabo: Xukuumaddu, waa tii aynu shalay ugu hiilinaynay, in aan la cabudhin, waa tii idaacaddii Horyaal ee hawada soo gashay laga baadhayey xafiiska Kulmiye. Waa maalintii madaxweynaha maanta uu gaadhigiisa kaga hortegay xoghayihii Kulmiye ee xilligaas oo la rabo in la xidho IHN. Maalintaas oo laga wada cadhooday, waxa aan ka qoray qoraalkan hoosta ku qoran. Maan filayn in maanta Madaxweyne Siilaanyo, xukuumaddiisu sidan wax u maamulayso. gaar ahaan saxaafadda. Suxufiyiintii maalintaa aanu qalinka ugu hiilinaynay waa wada madax, oo dhoosha ayey ka wada qoslayaan, markay arkaan saxafiyiin kale oo xabsiga la dhigay. waxa ay qaadayaan "Anba dhmay qadhaadhkee waa inaad dhadhamisaa" wax ba ha qaadina, ee ka fiirsada oo maanta oo aad xukuumadda ku jirtaan u hiiliya wargeysyada iyo erayga xorta ah. Ujeedadu maaha in loo hiilinayo xaqdarro---xaqu waa cadyahay.

Waa kan qoraalkii maalintaas aan ugu hiilinayey idaacaddii Horyaal. maantana bahdii Horyaal waxa aan leeyahay, waar berrina waa la joogaa.http://www.somaliland.org/archives/opinion/?ID=05040512

W/Q, Sayid-Axmed M. Yuusuf




Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u   wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha   cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay   ku beegnayd   xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta. 

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto. 

Maalinta afka iyo Suugaanta Soomaalida ee Xaafadda Rinkeby 14-05-2016 Sabtida

Haddii aad xiisayso afka iyo suugaanta Soomaalida, fadlan nagala soo qaybgal barnaamij xiiso badan oo 14 bishan Mey lagu qaban doono guriga ummadda ee xaafadda Rinkeby. Barnaamijkan ayaa ay marti noogu yihiin qorayaal, afaqoon iyo cilmibaadhayaal ku hawlan afka iyo suugaanta Soomaalida. Martida maalintan nagala soo qaybgali doonta waxa ka mid ah Morgan Nillsson oo ah macallin afka Soomaaliga ka dhiga jaamacadda Göteborg, ahna cilmibaadhe ku hawlan taariikhda iyo habdhismeedka afka Soomaaliga. Kulankan waxa uu Morgan sharaxaad ka bixin doonaa kooraska afka Soomaaliga ee uu jaamacadda Göteborg ka dhigo. Waxa uu sidoo kale ka hadli doonaa afka Soomaaliga iyo duruufaha ku xeeran maata.