Afeef:
Buugga aan maanta gacanta u qaaday waa buugga la magac baxay Dirkii Sacmaallada. Waxa qoray Axmed Ibraahin Cawaale oo deggen Hargeysa. Buuggani maaha kii ugu horreeyey ee uu qoro Axmed ifkana u soo baxa. Waxaase buuggani uu ahaa mid si gaar ah xiise u lahaa. Faham la'aan badanna ka dhex dhaliyey bulshada Hargeysa oo aan ku sugnaa markii buuggani soo baxay.
Buugga iyo dareenkayga:
Akhriste malaa waad i yara fahmi weyday. Waxa aan ku bilaabay erayo ka baxsan buuggii aad cinwaankiisa aragtay. Weydiimo badan baa kugu beermay. Aan soo koobo'e buuggani waxa uu soo baxay 2012kii bishii Mey anigoo xilligaa jooga magaalada Hargeysa. Buuggani waxa uu ahaa buuggii sababta u noqday in aan tago xarunta CID-da ee Hargeysa. Maxaan ka doonay? Hore uma arag goobtaas waan maqli jiray uun. Buuggan baa i geeyey? Aniga iyo qoraaga, af-aqoolka, caanka ah ee Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo, ayuu na qaaday Aadan Waayeel oo runtii ahaa nin aad noo soo dhoweeyey intii aan Hargeysa joogay. Laba todobaad ka hor baan warka ku helay in buuggan la soo bandhigayo, maalini markay ka hadhayna waxa aan ogaaday in la joojiyey, maalintii danbena waxa aan ogaaday in qoraaga buugga "Dirkii sacmaalladu" uu xidhanyahay. Sababtaa ayaanu u tagnay goobtaas. Annagoo jeclayn in aanu qoraaga soo aragno, xaaladdiisana wax ka soo ogaanno. Nasiib darro waa naloo diiday, waxaana nalagu qanciyey in aanay wax dhibaato ahi jirin ee qoraaga nabadgelyo ahaan loo hayo.
Arrinta dareenka dhalisay waxa ay ahayd bog ama laba bog oo buuggaa ku jiray oo qoraagu uu ka soo xigtay qoraa kale. waxaana ay tibaaxo, tilmaamo iyo sharraxaadba ka bixiunaysay beelo soomaaliyeed oo isbeddello beeleed iyo digaragasho ku dhacday. Arrinkaas oo malaa aan buugga kuba habboonayn baa buuggii cirka u tuurtay. Haddaba buuggu muxuu ku saabsanaa? Maxaa laga faa'iidayey? Aniga iyo dareenkay, buugga waan akhriyey oo dhammeeyey. Waa buug aad iyo aad uu qoraagu isugu hawlay oo uu xoogga saaray in uu ka warceliyo su'aalo culus oo aan hore sidan oo kale waxba looga qorin. U fiirso inta jeer ee uu afeeftay qoraagu, halkan hoose ka eeg:
" Haddaba, xusitaanka shiikh ama shariif, qof ama qolo, wadaad ama waranle, waxa aan u adeegsaday uun ujeeddo aqoon-baadhiseed, oo sinnaba aanay u wehelin, ulajeeddo taas ka geddisan. Teeda kale, dhammaan wax-kasheegga aan cid ama dhacdo ka qoray waxa ay leeyihiin raadraac sugan oo mid walba meeshiisa loogu tegi karo"..... Axmed I Cawaale
"Sooyaalka la xidhiidha soomaalida iyo meesha ay ka soo jeeddo waxa uu noqday mid cid waliba meel ku dhufato, iyadoo dhawr fikradood laga rumaysanyahay. Mid walibana waxa ay ku tiirsantahay dhacdooyin kala duwan oo cidiba dhan kaga timaaddo. ....Axmed I Cawaale
Intaa haddaan dhaafo, aan ku sii durko buugga iyo nuxurkiisa. Buuggani waa buug baadhitaaneed uu qoraagu wakhti badan geliyey. Mar haddii aad doonayso in aad baadhitaan samayso, kama maarmi kartid wixii hore u yaallay ee laga qoray, ha saxsanaadaan amaba ha qaldanaadeene, waa kugu qasab in aad wax ka ogaato wixii hore u yaallay. Qoraaga buugani waxa uu aad xoogga u saaray in uu dhammaan helo buugaagtii hore. Waxa aan ka mid ahay inta jecel wax ka ogaanshaha sooyaalkii hore ee soomaalida. Sidaa awgeed buugaag badan oo aan magac-gartay iyo kuwo aan arkayba waa uu raadraacay. Buugga inta badan loo wada noqdo oo uu qoray nin aan la garanayn magaciisa oo giriig ahaa, ayaa ka mid ah meelaha uu u arooray qoraagu. Axmed I Cawaale oo aan odhan karo waa farakutiriska adeegsada qoraalada ku qoran farsoomaaliga ee hufan (Higgaad iyo erayaba) waxa uu ku farayaraystay hab-qoraalka buuggan. Farriinta uu gudbinayo buuggu oo ah--halkee soomaalidu ka soo jeeddaa? ayuu si fiican oo ah meel laga bilaabi karo doodo waxtar leh soo gaadhsiiyey.
Mar waxa uu ka gelayaa dhanka afka, oo uu raacayo bahda afsoomaaligu ku jiro. Mar waxa uu raacayaa ganacsiga iyo soomaalidii hore goobihii ay ganacsiga la lahaan jirtay 3000 oo sannadood ka hor. U fiirso waa 3000 oo sanno. Qofka laga rabo inuu baadhaa waa adiga iyo aniga iyo innaga, gaar ahaan inta aqoonta dheeraadka ah u leh in ay si cilmiyeysan u baadhaan. Qoraaga buuggani waxa uu dhexgalay, runtii aqoon baahsan oo aan ku koobnayn Isir-baadhis. Dhaqanka soomaalida, hiddaha iyo deegaanka ayuu si fiican kuu dhex mnarinayaa. Wax aad hore u maqashay iyo kuwo aanaad maqalba. Wax badan ka odhan maayo buugga gudihiisa balse ila dheeho erayga "WEGER" markaad akhrido immisa si baad ugu dhawaaqaysaa, immisa macne ayaa kaaga baxaya?. Waxa uu ku tusaytaa wax-yaabaha ku duugan WEGERKA, inbadan baa garanaysa in hooyada uurka leh ay qaadan jirtay ul ama qori si gooniya u qoran oo laga soo gooyey geedka Wegerka. Intaa fahamkeeda ayaanaad dhammayn karin ba.
Buuggu waxa uu soomaalida ka yara nasinayaa in ay weligood soo ahaayeen Geeljire. Waxa uu caddaymo iyo raadraacyo sugan kugu tusayaa, sida ay soomaalidii hore lo'da u dhaqan jireen. Soomaalidu lo'ley bay ahayd ayuu qoraagu si dood wanaagsan ah kuu tusayaa. Sacmaallo ayey ahayd, waxaana taa la qaatay markiiba oo tixdan ka allifay abwaanka caanka ah ee Axmed aw-Geeddi. Waxaana ka mid ah tuducyadii maansadaa oo buugga ku qoran: "Waxaan ahay sacmaal, soomaali dhab ah, sabadaan degiyo, saldhiggaygu waa, seerihii cashiyo, dhulka uduggu simay, mana suqa-yariye, sooyaalka wacan, ammin baan suntaday, illaa Caad ku siman, dharka saan qurxoon, dhuu baan sitaa---- soofkana lo'iyo ramaad baan sidkaday". Dhanka deegaanka marka aad iska taagto bal ila eeg magaca Raas Gardafuu, oo aad in badan maqashay. Marka horeba magacaasi halka uu ka soo jeedo, ma isweydiisay? Qoraagu macnaha ugu dhow ayuu kuu soo gudbinayaa oo ah "iska jir" maxaa la iska jirayaa faahfaahinta buugga Dirkii Sacmaallada ayaad ka helaysaa.
Marka aad eegto deegaanka, caadooyinkii gaboobay ee soomaalida, taariikhda, dhaqanka iyo hiddaha uu buuggani sido, waxa aad odhanaysaa maaha buug ku kooban Isir raadis, ee waa aqoon dhan oo dhalin karta doodo wanaagsan. Sida uu qoraaguba sheegay, una baahan in il togan lagu eego Oo haddii sixitaan iyo taloba la la wadaago qoraaga. Farriinta aan guntay ee buuggu marka hore u banbaxay waxa weeye in soomaalinimidu ku aroorayso afka. Waana halka ugu fudud ee aad ka fahmi karto in isirku inta badan la xidhiidho afka. Muran kuma jiro in aan ajaanibka dalkeenna wax ka qoray, u hagar bixin warbixinno muhiim ahaa. Taasina la yaab ma laha oo biyo sacabbadaada ayaa lagaga dhergaa, ee ha la dhiirri geliyo qoraaga soomaaliyeed. Sidaa uu qoraa Axmed isu xilsaaray, ha la hawlgalo.
Gebagabo:
Beelaha soomaalida iyo isbeddeladooda ama sheekooyinka inta badan aynu maqalno. Bal dhulka innaga dhiga oo wax kasii fog baa yaalla, ee aan u hawl galno. Buugga "Dirkii Sacmaallada" waa laga saaray intii la qoonsaday, ee qoraagu soo xigtay, sidaan war sugan ku helay. Dagaalka uu qoraagu galay halkaa wuu ka fogaa, isweydiimihiisa waxa ka mid ahaa maxaa magaca soomaali loo maqli waayey intii ka horraysay Q.15-aad. Tusaalayaal farabadan ayuu u adeegsaday arrinkaas oo qudha. Waxa aan ku soo afmeerayaa, waar! yaan la cabbudhin inta yar ee danta guud u diran. Haddii Qalad la qorona yaan budhka lagula boodin ee ha lagala doodo qoraaga, oo haddii laga gar helo si fiican oo deggen ha loo saxo. Dagaalku waxa uu innaga dhexeeyaa meelo durugsan ee gudaheenna maaha. Deegaanka carriga soomaalida ayaa ah mid ku yaalla meel muhiim ah, sidaa awgeed wax badan oo bulshadeennu lahayd waa la qariyey. Kii soo saari lahaana waa adiga. Waxa aan leeyahay hambalyo qoraaga buugga "Dirkii Sacmaallada". Cinwaanka aan ku ladhay, "Dibigeedda beyga leh markuu deymo bahalleeyo, dig wuxuu ka siiyaa higgaad danab la moodaaye" waxa tiriyey Maxamed Xaaji Muuse Xaaji Abokor, oo mar uu Sucuudiga joogay, siddeetamaadkii, laga dayn waayey faanka Geela, isagoo u sheegayey in lo'du ka mudan tahay Geela. Waxa aan odhan karaa, Maxamed xaaji Muuse maanta ayuu maragfurkii helay oo buuggani waxa uu leeyahay magaca soomaaliba waa "Sacmaalladii".
Nabad iyo Caano
Sayid-Axmed M. Yuusuf (Dhegey)
Sweden

Kommentarer
Skicka en kommentar