Fortsätt till huvudinnehåll

Kulanklii dhaqanka iyo suugaanta soomaalida ee magaalada Göteborg ee carriga Sweden 01-06-2013 sabti

Markay goorsheegtu ku dhawaatay siddeeddii subaxnimo ee saacadda Stockholm, taariikhduna ahayd 01-06-2013 ayaanu ka dhaqaaqnay faras-magaalaha Stockholm. Waxa aanu ka koobnayn saddex xubnood oo kala ahaa Maxamed Xirsi Guuleed, Muuse Maxamuud Ciise (Dalmar) iyo aniga oo ah Sayid-Axmed M. Yuusuf.
Maalin sabti ah bay ahayd, oo laga nasanayo shaqooyinkii todobaadka lala soo dagaalamayey, balse nasashadii annagu waxaanu doorbidnay in aanu maalinta la wadaagno reer Göteborg, kulan ay noo sii diyaariyeen muddo hore. Waxa hawshaa dhabarka u ritey qoraaga caanka ah Bile Xaashi oo in muddo ah ba deggenaa magalaadaas. Waxa hawsha la fududeeyey urur la yidhaa "Somali Juba". 

Waxa aanu Stockholm ka raacnay tareen, nasiib wanaag waxa ay saddexdayada noo ahayd fursad qaali ah, wakhtiga aanu safarka ku jirnay. Maanu dhibsanayn safarka, ee dood iyo aqoon isweydaarsi baanu ku dhexjirnay--xataa waxa aan odhan karaa shir ayaa nooga furnaa tareenka dhexdiisa, oo waanu shiraynay, qodobbo dhawr ahna waanu isla qaadanay. Sidaa awgeed maanu dareemin safarkii, ee waxaanu ku warhelnay, cod-baahiyaha oo dadka looga sheegayo, "Waxa aynu soo gaadhnay farasmagaalaha Göteborg ee ku soo dhawaada. 

Waxa aanu ka soo degnay tareenkii, meel aan nagaba durugsanayn waxa aanu ka aragnay Bile Xaashi, oo ahaa qoraaga aanu martida u ahayn. Markiiba gaadhigii nala dhaqaaq, oo afka saarnay, meel aan u dhawayn farasmagaalaha. Göteborg oo ah caasimadda labaad ee Swedenn, waxa ay ahayd markii iigu horraysay, ee aan tago muddo labaatan sannadood ah oo aan deggenaa Stockholm. Farxad bay dhammaan noo wada ahayd, oo waanu ku niyadsamayn in dad badani iman doonaan kulan-suugaaneedkaas. Judhiiba, waxa aanu tagnay masaajidka ku yaalla xaafadda Hisinge, oo aanu ku soo tukannnay duhurkii, waxyar ka dib, waxaanu la kulannnay, Mubaarig Qoorubaxay oo barnaamijka qaybtiisa ku lahaa. Mubaarig, waa gabayaa, aad looga yaqaan dhulka soomaalidu degto, kana mid ahaa hoboladii Danan, ee dhallinyarada siddeetamaadkii.

Waxoogaa ayaanu soo yara marnay xaafad kale oo la yidhaa Bergsjön, halkaas oo aanu yara dhexgalnay suuqweyn oo dusha ka hadoodilan. Waxa la yaab ahayd xaafadda oo weyn oo aanu qiyaasi karaynay in ay soogaleetiga ka yimi dalalka bariga dhexe iyo Afrikaba ku badnaayeen, ayaa haddana waxa makhaayadda iyo bannaankaba fadh-fadhiyey soomaali keliya. boqolkiiba sagaashan dadka halkaa aanu ku aragnay waxa ay ahaayeen soomaali. Waxa la isweydiin karayey, maxaa keligood makhaayadda fadhiisiyey, maxaa bannaanka ay koox koox ugu tuban-yihiin?. Waase wax ay la qabaan soomaaliyi meel kasta oo ay joogtaba xataa Stockholm waa wax ay la qabto, ee ma ahayn wax Göteborg u gaar ah.

Barnaamijkii baa bilaabmay xilli ku beegnayd 15:20. Waxa furtay Anfac Cumar Caddaw, oo ahayd xidhiidhiyaha bar-naamijka, waxayna ku soo dhaweysey Bile Xaashi oo ahaa ninka soo abaabulay hawshaa, kulan-suugaaneedka ahayd. Hadal kooban iyo aayadaha qur'aanka ayuu ku furay Bile, intaana waxa uu raaciyey, waxoogaa soo dhawayn uu ku soo dhaweeyey xubnahayagii ka yimi Stockholm iyo dadweynihii ka soo qaybgalayba. Wuxuuna codbaahiyaha ku soo dhaweeyey Maxamed X Guuleed, oo aad u faahfaahiyey, buugaagta uu qoray, safaraddii uu u tegey arrimaha qalinka iyo qoraalka, gabayo dhawr ah oo uu la wadaagay madasha iyo arrimo badan oo xiise lahaa. Waxa la soo gaadhay Mubaarig Qoorubaxay, oo runtii si mug leh uga hadlay lahjadaha afsoomaaliga, iyo maansada qaababka kala geddisan ee looga dhex arki karo lahjadaha af soomaaliga, qosol iyo sacab mug leh ayaa lagu qaabilay Mubaarig. Ka dibna waxa cadbaahiyaha la wareegay aniga, oo waxoogaa ka ka hadlay suugaanta iyo laamaheeda sida TIX iyo Tiraab. Waxa kale oo aan la wadaagay ka soo qaybgalayaashii, in suugaanta aan loo arag wax ku kooban gabay iyo geeraar ee ay tahay, buugaagta teedsan ee buux-dhaafiyey maktabaduhu suugaan oo tix iyo traabba leh--haba badnaato tiraabtuye. 

Muuse Maxamuud Ciise (Dalmar) baa, isaguna ku bilaabay warbixin kooban oo ku saabsanayd buugaagta uu qoray iyo Rawaayadda la magac-baxday (Tayo-beelka carrruurtu waalid buu tebayaa)ee uu allifay dhawaan. Waxa uu Muuse ka soo dheegay, waxoogaa ku jira Masraxiyadda iyo buugiisa Darka Maadda, oo uu la wadaagay madasha. Qosol iyo sacab ayaa reer Göteborg kuraasidii ka daadan gaadheen. Laga yaabaa in aan in muddo ah reer Göteborg aanay sidaa u qoslin. Qosolka oo la sheegay in uu caafimaadka kordhiyo, maalintaa suugaanta soomaalida iyo Göteborg in badan baa caafimaad ka korodhsaday maalintaas. Gebagabadii iyo guntii---waxa go'aan noo ahaa in aanu ku soo laabanno Stockholm, tareenkuna waxa uu baxayey 18:35, sidaa awgeed waxa ay noqotay in aanu ka soo anbabaxno madashii, 18:00 si aanu uga gaadhno tareenka. Laakiin barnaamijkii sidaa kuma istaagin ee waxa gabayadiisii iyo suugaan kaleba halkaa ka sii waday Mubaarig Qoorubaxay oo ay dadku aad u xiisaynayeen. Qoraa, Bile Xaashi ayaa na soo gaadhsiiyey farasmagaalihii aanu tareenka ka raacaynay.

 Halkaas baanu isku nabadgelyeynay. Barnaamijkaasi waxa uu u dhacay si aad u heersarraysay. Dadku ma yarayn, buux-dhaafna goobtu ma ay ahayn. Waxaana tilmaan mudan, tayada dadweynaha ka soo qaybgalay oo ahayd mid aad u sarraysay. Goobta uu kulan-kaasi ka dhacay baa iyaduna ahayd meel bilan oo habaysan. Gunaadkii iyo gebagabada qoraalkan kooban, anigoo ku hadlaya magaca xubnihii reer Stockholm waxa aan u mahadnaqayaa qoraa, Bile Xaashi oo hawshaa soo abaabulay, iskuna soo dubba riday. Ururka la magacbaxay Somali Juba, oo ahaa xunihii hawsha madasha gacanta ku hayey, si furfuran oo niyad wanaag ahna noo qaabilay.

Nabad iyo Caano
Sayid-Axmed M. Yuusuf
Sweden

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.