Fortsätt till huvudinnehåll

Faysal Cumar Mushteeg: Heesaa, hal abuurkiisu halhays noqday ......21/09/2012

"Ha ka tegin carrada,ha duulin, 
ha degdegine joog, 
nala joog, iska jooga, 
dalka lama necbaadee, 
dibadaha lama jeclaadee."


Ilaahay ha u naxariisto marxuum Faysal Cumar Mushteeg, waxa uu ka mid ahaa hal-abuuradii, heesaagii lugaha u taagay fanka soomaaliyeed. Waxa uu curin jiray heesaha, laxankana saari jiray--isla markaana tumi jiray. Waxa uu ahaa macallin in badan oo maanta kala joogta dacallada adduunka macalin u soo ahaa. Waxa uu ka mid ahaa hoboladdii Walaalo Hargeysa. Waxa u gaar ahaa sheekooyin uu ku caan ahaa oo badiba dadku maqleen. Xilligii uu macallinka ahaa oo uu ka soo shaqeeyey dugsiyo ku kala yaalla, dalka meelo kala durugsan ayaa waxa ka mid ahaa markii uu macallinka ka ahaa dugsiga caanka ah ee Dayaxa, oo mahadhooyinkii laga reebay ay ka mid ahayd "Dalkaan tegey, Dayixi waaba u galbeed" iyo Qardhoo qumman baan ka qaylinayee ma haddaan tegey qaabaqawseen".

    Waxa aan xasuustaa markii iigu horraysay ee aan arko oo ahayd bishii julay 1988kii. Waxa ay ahayd xero qaxooti oo u dhowayd Xarshin oo ku taalla Itoobiya. Waxa lagu urursanaa Faysal Cumar oo dad aad u tiro badani ay salaamayeen. Qofkastaaba marka uu arko ninka lagu urursanyahay waa uu ku soo leexanayey--salaan baa lala wada tiigsaday. Waxa aan ka mid ahaa dadkii ku soo leexday, maan se garanayn qofka uu yahay. Waxa goor danbe la ii sheegay in uu yahay Faysal Cumar Mushteeg. Beryahaa waxa uu ka soo laabtay dalka Sacuudiga oo uu deggenaa muddo dheer. Maalintaa waxa aad moodaysay in la salaamayo madaxweyne ama boqorkii dalka. Dadka intooda badani waxa ay maqli jireen uun magaciisa, waxaana lagu ogaa in uu dalka Sacuudiga joogo. In badan oo aan ka mid ahay baa ku garaadsatay halhayskiisa dhiman waayey ee ay ka mid ahaayeen.

   Lacageey, lacageey, ragga kala labeeyaay, liitaa gargaaraay" Ha derderin carrada ha duulin, ha degdegine joog, nala joog iska joog, dalka lama necbaadee, dibedaha lama jeclaadee. Iyo qaar kaloo badan. Waxa uu u dhashay furfurnaan, aan dadka iska weyneyn. Fan jacayl oo goorta aad aragtoba waxa ka muuqatay farxad iyo ilkacaddayn. Waxa aan xasuustaa markii iigu danbaysay ee aan waraysigiisa ka dhegeystay Hadhwanaag oo la weydiiyey su'aal ahayd sideed u aragtaa dhallinta danbe iyo fankooda, waxa uu ku soo koobay dee waa xilligoodii oo way dedaalayaan. Halka dadka qaar ay dhalliilaan, isagu waxa uu fanka u arkayey in aan cid gooniyi lahayn ee uu yahay uun wax lagu madadaasho.

   Faysal Ilaahay ha u naxariistee fanku umuu ahayn shaqo ee waxa uu u ahaa madadaalo. Waxa la odhan karaa waxa uu ka mid ahaa raggii fanka soomaalida gaadhsiiyey heer lagu faani karo. Waa hubaal in uu ka mid ahaa tiirarkii ku suntanaa taariikhda, laakiin aan laga reebin taariikhdii ay soo mareen. Suugaanta Faysal iyo sooyaalkeedii waxa laga dheehan karaa taariikh ku salaysan noloshii dalka iyo dadka. Waxa uu dalka ka dhoofay 1973kii ama aan idhaahdo horraantii todobaatanaadkii. Kumuu soo noqon muddo dheer. Sida aan malaynayo waxa uu ku soo noqday 1988kii horraantiisii, waxyar ka dib na waxa dhacay dagaalkii 1988kii. Sidaas ayuu kaga baxay magaalada Hargeysa oo uu ka qaybgalay halgankii lagula dirirayey maamulkii keligii taliska ahaa. 


Sayid-Axmed Dhegey
21/09/2012 Stockholm

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u   wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha   cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay   ku beegnayd   xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta. 

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto. 

Maalinta afka iyo Suugaanta Soomaalida ee Xaafadda Rinkeby 14-05-2016 Sabtida

Haddii aad xiisayso afka iyo suugaanta Soomaalida, fadlan nagala soo qaybgal barnaamij xiiso badan oo 14 bishan Mey lagu qaban doono guriga ummadda ee xaafadda Rinkeby. Barnaamijkan ayaa ay marti noogu yihiin qorayaal, afaqoon iyo cilmibaadhayaal ku hawlan afka iyo suugaanta Soomaalida. Martida maalintan nagala soo qaybgali doonta waxa ka mid ah Morgan Nillsson oo ah macallin afka Soomaaliga ka dhiga jaamacadda Göteborg, ahna cilmibaadhe ku hawlan taariikhda iyo habdhismeedka afka Soomaaliga. Kulankan waxa uu Morgan sharaxaad ka bixin doonaa kooraska afka Soomaaliga ee uu jaamacadda Göteborg ka dhigo. Waxa uu sidoo kale ka hadli doonaa afka Soomaaliga iyo duruufaha ku xeeran maata.