Fortsätt till huvudinnehåll

Xubnihii Baarlamaankii ugu horreeyey ee Somaliland 02-1960 oo dhammaystiran.

Xubnaha hoosta ku qoran, waa xubnihii  loo doortay baarlamaankii ugu horreeyey ee ay Somaliland yeelato 1960kii. Wixii la kaydiyo ayaa dhaxalgal ah. In muddo ah anigoo raadiyey xubnahaas magacyadooda iyo goobaha laga soo doortay, ayaan tegey magaalada Sheekh 2004. 




Ilaahay ha ka abaal mariyee Cabdiraxmaan Xaaji Maxamuud Warsame, oo aan uga warramay sida aan u baadigoobayey xubnahaas ayuunbaa si yar oo fudud iigu yidhi---waan hayaa dhammaantood oo wargeyska Jamhuuriya ayuu ku soo baxay 1997kii. Farxad weyn bay ii ahayd, waanse ku celiyey oo weydiiyey in aanay isku dhexjirin xubnihii la doortay markii danbe, ee labada dal midoobeen. Waxa uu iigu bushaareeyey in uu hayo oo kaydiyey wargeyskaa oo daabacay 33kii xubnood ee baarlamaankii Somaliland oo sharraxaadi la socoto.

    Intaanaan tegin Sheekh, waxa aan sii maray Hargeysa oo aan kula kulmay Maxamed Siciid Gees, oo wax badan ii tilmaamay iina saxay. Tusaale, waxa uu ii tilmaamay Cismaan Garaad Maxamuud oo markaa deggenaa Hargeysa, kana mid ahaa xubnahaas baarlamaanka. Waan u tegey isaguna wuu ii saxay xubno iga maqnaa. Laakiin waxa farxad ii ahayd in aan dhammaan xubnihii ka helay Cabdiraxmaan Xaaji Maxamuud Warsame, iiguna deeqay nuqul ka mid ah wargeyskii maalintaa soo baxay. Wargeyskii ayaan markiiba eegay, waaba 33 kii oo dhammaystiran oo xataa beelaha ay ka soo kala jeedeen ay ku qoran tahay. Maqaalkaa ku soo baxay Jamhuuriya, waxa qoray Siciid Cali Giir, ah qoraa, kaydiyey waxbadan oo dhaxalgal ah. 

FG: Haddii aad wax dheeraad ah ama sixitaan ah hayso marti baan kaaga ahay. Haddii aad xubno ka mid ah hayso sawirradooda ii soo dir adigoo mahadsan. Gacmo wada jirbay wax ku gooyaan. 
------------------------------------------------------------------------------------------------



1. Cali Garaad Jaamac
Dh/hante, Bararsame
Laascaanood.

2. Cisman Garad Max’ud
Dh/hante, Max’ud Ugadhyahan
Taleex

3. Cabdalle Xaaji Faarax
Dh/hante, Samakaab Axmed
Widhwidh

4. Max’ud Yaasiin Sh Muuse
H.Y. Reer Abokor
Oodweyne

5. Maxamed Biixi Shuuriye
Tumaal/ Hargeysa

6. Maxamed I Cigaal
H.A. Maxamed Ciise
Berbera Port

7. Max’ed Yuusuf Geedeeye
Dh/hante, Yaxye
Caynabo

8. Cabdilaahi Xuseen Ina-Doobilkoole
Arab, Samaneh
Hargeysa

9. Cali Max’ed Xaji Abokor
H.A, Reer Gadiid
Faraweyne

10. Sh Barkhad Cawaale
H.A, Jibril Abokor
Gebiley

11. Jaamac Cabdilaahi Qaalib Ina-Diir-qadhaadh
Ciidagale, Reer Buraale
Salaxley.

12. Axmed-Keyse Xaaji Ducaale
H.T, Uduruxmiin
Burco.

13. Michael Mariano
H.T, Uduruxmiin
Ceel Afweyn.

14. Maxamed Cali Faarax
H.T, Uduruxmiin
Xiis.

15. Cabdilaahi Qablan Maxamed
Warsangeli Reer Garaad
Laasqoray.

16. Sh Axmed Maxamuud Dalmar
H.Y, Muse Ismaciil
Ceerigaabo.

17. Ibraahin Ciid
Dh/hante, Ba Idarays
Xudun.

18. Maxamuud Axmed Saalax ”Caddaanweyne”
Warsangeli, Reer Faatax
Jiidali.

19. Xaaji Ibraahin Nuur
Gadabuursi, Reer Nuur
Dila.

20. Yuusuf Ismaaciil Samatar, “Gaandi”
H. A, Cabaddalla Sacad
Hargeysa.

21. Abokor Xaaji Faarax
H. Y, Muuse Carre
Burco.

22. Yuusuf Kaahin Axmed
H.A, .....
Laas Dhuure

23. Sh Cali Ismaaciil Yacquub
H.Y, Xirsi Cismaan
Duruqsi

24. Ciise Jaamac Maxamuud
H. T, ........
Qoryaale

25. Xaaji Yuusuf Iimaan Guuleed
H. Y, Muse Cabdalle
Berbera

26. Xaaji Cabdilaahi Diiriye, Gamgam
H.A, Deerayahan
Sheekh.

27. Xaaji Ibraahin Cismaan Food, “Basbaas”
H. Y, Isaxaaq
Cadaadley

28. Xaaji Aadan Yuusuf.
H. A, Reer Caddaawe
Bullaxaar.

29. Cali Qawdhan
H.A, Danwadaag
Mandheera.

30. Sh. Abibakar Sh. Cumar
Gadabursi, Reer Ugaas
Boorama.

31. Jaamac Geelle Ciise
Ciise, Mamaasan
Zeylac.




32. Xaaji Muuse Axmed Shirwac
Ciise, Furlabe
Cabdulqaadir.

33. Cabdi Xasan Buuni
Gadabuursi, Xeeb Jire
Boon.

-----------------------------------------------------------------------------


W/Q, Sayid M Yusuuf (Dhegey)







Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.