Fortsätt till huvudinnehåll

Halgankii suugaaneed ee Cabdi Muxummad Ammiin IHN "Maxaan hog abeeso galay, Maxaan halaqyo ugu tegey"! W/Q, Sayid-Axmed Dhegey 2013kii

Afeef: Qoraalkan ku saabsan Marxuum Cabdi Muxummad Ammiin, kuma dhamma suugaantiisii ballaadhnayd. Waxa keliya ee aan ugu talogalay in aynu ku xasuusanno uguna ducayno suugaantiisii ku wajahnayd higsiga horumarka. 



Ilaahay ha u naxariistee Cabdi Muxummad Amiin, waxa uu dhowaan ku geeriyooday magaalada Nayroobi ee dalka Kenya. Cabdi waxa uu ku dhashay deegaanka Gebiley ee Somaliland. Wuxuuna ka mid ahaa hal-abuurada soomaaliyeed kuwa safka hore kaga jiray guubaabada dadka. Waxa uu markasta soo gudbin jiray dareenkii jirey. Qoraalkan waxa aynu si kooban ugu eegi doonnaa suugaantiisii soo taxnayd muddo ku siman afartan sannadood. Suugaantiisa waxa ka muuqata in uu markasta jeclaa horumar ay dadka soomaalidu gaadhaan. Dareenkiisu waxa uu la jaanqaadayey kolba xaalladdii siyaasadeed ee dadku ku sugnaa. Bal marka hore aan inoo soo hormariyo lixdamaadkii iyo Maansadan la magacbaxday Geediga Wadaay. Anigoo tixraacaya buugga la magac baxay HILIN HAYAAN oo lagu soo ururiyey suugaantii Abwaanka. Heestaa waxa ka mid ahaa tuducyadan: " Nin gumaysi raacay, Isagaw go'aayee, Gobanimo nin doonay, Guulbaw danbeysee, Guulaystayaaloow geeddiga wadaay, Dadkii nala gudboonaa, Dayaxuu u guuree, Nin qabiil gargaarsaday, Meelna gaadhi maayee, Guulaystayaaloow Geeddiga wadaay.



  Heestaa waxa uu abwaanku curiyey 1962kii. Bal aan raaciyo 64kii iyo heesta SOO DHAQAAQA, Dhallinyahay dhammaanteen, Dhimashadu xaqweeyee, Kana dhawrsan maynee, Dhulka aynu daafacnee, Soo dhaqaaqa, Ciidankeenna dhaarsan, Dhinaca aan ka raacnee. Hubka dhabarka saarnee, Soo dhaqaaqa, Maanta waa dhabtiiyoo, Dheeldheel ma joogtee, Cadawga aan dharbaaxnee, Soo dhaqaaqa. Isla afar iyo lixdankii ayuu abwaanku curiyey heestan uu kula hadlayey xoghayihii ugu horreeyey ee ururka midawga Afrika. Isagoo ku soo halqabsanaya Diyaalo Teeli oo ahaa xoghayihii midawga afrika. Haddii aad duqii tahay, Afrikaanku doorbiday, Xaqa lama dabooloo, Dalab looma yeelee, Waa inaad Diyaalow, u digtaa Axmaarada., Danwadaagta Afrikada, ee Xayle duudsiyey, Annagoo aan diidayn, Oy daacad naga tahay, waa inaad Diyaalow, U digtaa Axmaarada.



    Dareenkaasi waxa uu ahaa kii lixdamaadkii. Qaybaha danbe ayeynu ku daalacan doonnaa, sida uu dareenkaas midaysnaa ee soomaalinimada ahaa uu u soo gudhay. Waxa aynu ugu tegi doonnaa qoraalka qaarkiisa danbe, oo uu abwaanku ka soo jabhadeeyey dalka Itoobiya. Markii uu u adkaysan waayey dulmigii uu ku kacay maamulkii Maxamed Siyaad Barre. Inta aynaan halkaa gaadhin aynu ku yara hakanno 1966kii iyo heestan la magacbaxday MA ANOO DHULKAYGII. " Ma anoo dhulkaygii, Cadaw kala dhantaalaan, Ma anoon dhashaydii, Dhammi wada xorayn baa, Dhagdhag u qoslayaa, Oon dheelayaa ciyaar, Aynu dhiidhinnoo, Dhiig u daadinnee, Soo dhaqaaqa. Waxa ay ka mid ahayd guubaabooyinkii ugu mudnaa ee xilligaa ku habboonaa. Isla sannadkaas ayuu curiyey heestan la magac baxday ISTICMAARKII DHULKEENNII. Calankaad dhidibteen, Dhibta aad u marteen, Inyar baa dhaxashoo, Keligood ka dhergee, Dhammaanteen kaca. Dhallaankeennii waa kaa, Gaajo dhaaxa qadee, shisheeyuhu dhergayee, Dadna dhawranayee, Dhammaanteen kaca, Dhabeeya oo u dhaarta.


Markii uu curtay kacaankii lagu hoobtay 1969kii, sidii dadka badidoodaba ay u gashay yididiiladu, ayuu abwaanku ka tiriyey dhawr maanso oo aynu ka soo qaadan karno kuwan soo socda. Heesta la yidhaa, Kol haddii Guulaystayaal, Geeddigii la waday, oo uu guure yahay, Iyo galab carraw, Kii garanayee, Gobonimada jecel, Hadduu caawa go'o, Godka wuu ku ladi. Kol haddii guulaystayaal, shaqo loo guntaday, Oo gaajadii, Gunta inaan ka jaro, Uu guddoonku yahay, Kii garanayee, Gobonimada jecel, Hadduu caawa go'o, Godka wuu ku ladi. Heesta la magacbaxday DADKAAGA DHINACA KA RAAC, oo soo baxday 1971kii aan dheehanno. Waxa ka mid ahaa. Dhiig miirad inuu dhammaado, Isku dheri ahaanno, Dhiig miirad inuu dhammaado, Isku dherer ahaanno, Dhiigmiirad inuu dhammaado, Isku dhumuc ahaanno, Dhiigmiirad inuu dhammaado, isku dhogor ahaannaa, loo dhaqaaqee, kii dhuumanaayee, dhabarku muuqdoow, waa dharaar lagu dhawrayaaye, dadkaaga dhinaca ka raac.



    Bilawgii todobaatanaadkii waxa jirtey dabayl Hantiwadaag, oo dadka intooda badani ay u arkayeen in ay tahay mid lagaga bixi karo, dhibaatooyinkii jirey. Abwaanno farabadan ayaa suugaan ka tiriyey dareenkaas. Marxuum Cabdi Muxummad Ammiin waxa uu la qabay dareenkaas dadkiisa, waxa aad ka garan karaysaa isla heestaas oo uu leeyahay: " Hantiwadaagu inuu dhisnaado, Dhulku hodan ahaado, Hantiwadaagu inuu dhisnaado, Gartu dheelli tiranto, Hawl loo dhaqaaqo, Hantiwadaagu inuu dhisnaado, Cudur aan dhammaynaa, Loo dhaqaaqee, Kii dhuumanaayee, Dhabarku muuqdoow, Waa dharaar lagu dhawrayaaye, Dadkaaga dhinaca ka raac. Marxaladdaa hore ee todobaatanaadkii aan ku soo afjaro heestii caanka ahayd ee CAYNAANK HAY. Waxa ka mid ahaa heestaa, Waddadii caddayd, cagta saarnaye, Ku carraabiyoo, Cimrigii jiriyoow, Jiriyoow jiriyoow, Weligaa hay. Caqli toosanoo, Caafimaad qabaad, Nagu caymisee, , Cududoo midiyo, Caanaha wadaag, waa caadilnimee, Cimrigii jiriyoow, jiriyoow jiriyoow, caynaanka hay, Weligaa hay.


    Si aynu u fahanno dareenkii 1971kii sida uu isu bedeley 1981kii bal aan dhuganno isla abwaanku heestii uu ku cabbirey dareenkiisii xilligaa. Hees la magac baxday Caynaanka daa, ayuu 81kii curiyey abwaanku isagoo jooga Itoobiya. Waxa ka mid ahaa, Waddadii caddayd, Cidhif dhaaftayoo, cayn kale u rogtee, Cimrigii dhacyoow, caynaanka daa, Noo sii daa. Cududdaan midayn, Caanaan dhansiin, Nagu cidhib jartee, Cimrigii dhacyoow, dhacyoow dhacyoow, Caynaanka daa, Noo sii daa. Ciilbaan qabnaa, Keligii cunoow, Ciiddaad geliye, Cimrigii dhacyoow, Caynaanka daa. 

   Labadaa heesood waxa u dhexeeyey 10 sannadood. Waxa la odhan karaa xilligaa waa laga rajo dhigay maamulkii markaa jiray. waxaanay ahayd in markaa loo maaro helo. Nasiib darro may suurta gelin in la helo dad midaysan oo si wax u wada arka, ee dad badan ayuu maamulkaasi ku guulaystay in ay difaacaan nidaamkiisii qalloocnaa. Waana ta ilaa maanta taagan ee soomaalida kala kaxaysay. Waxa aan u soo qaatay labadaa heesood ee kala aragtida duwan, si aynu u fahannao abwaanku sida uu dareenkiisa u muujiyey labada jeerba. Marxuum Cabdi muxummad oo tilmaan ka bixiyey sidii ay ku curatay heesta hore ee Caynaanka hay waxa uu yidhi: " Heestan dad baa necbaa dadna waa jeclaa, waxa ay si adag u taageeraysay, hoggaamiyihii kacaanka, Maxamed Siyaad barre. 
         Kumaan samayn heestaa laab la kac iyo wax ha lagugu siiyo, ee waxa ay ku timi si niyad ah oo aan ku faraxsanaa, anigoo xasuusnaa xukuumadihii ka horreeyey waxtar la'aantoodii". Waa laba dareen oo kala jaad ah, waa laba dareen oo sawir ka bixinaya yidiiladii dadku qabay horraantii todobaatanaadkii iyo niyad jabkii siddeetamaadka horraanteedii. Si aan qoraalku u dheeraan aan soo koobo oo inoo dooro dhawr maanso oo uu abwaanku ku cabbiray dareenkiisa. Maansada la magac baxday JABHADIIN waxa uu tiriyey abwaanku 1982kii. Xilligaas oo uu ka mid ahaa jabhaddii SSDF ee dhammaadkii sideetamaadkii burburtay. Waxa ka mid ahaa maansadaas:



Bilawgaba siyaasaddu
Way baallo badantahay
Waana sida baddoo kale
Boolo xoofto iyo hadal
Iyo baanis joogto ah
Mar baa lagu baxnaanshaa
Midna heerka ugu ba'an
Bunduq baa la qaataa
Rasaas la isku boobaa
Dhiiggu balalax leeyaa.


Sida maansadaba ka muuqata waa markii qoriga la qaatay waa bilawgii burburkii jamhuuriyaddii soomaaliyeed. Waa markii ay u baahnayd in loo gurmado dadka iyo dalkaba. Nasiib darro taasi may dhicin ee maamulkii markaa jiray waxa uu adeegsaday xoog iyo muquunin, sidaa daraaddeed ayuu abwaanku inna tusinayaa in halganka siyaasaddu uu yahay labo, in la wada hadlo oo la doodo. Haddii taa lawaayo jidka kale ee furan inuu yahay dagaal foodda la is daro. Isagoo sii faahfaahinaya dagaalka, waxa uu leeyahay: 


Maydku sida baldhoolaha
Ama beer nin lihi jaray
Buur-buur u yaallaa
Inta badan xaq bili lehe
Kuwii waday balaayada
Barbar loogu tuuraa
Baashaad ka eegtaa
Batar iyo kabeebey
Beerreey ha moodine
Halgan waa bir-lab u noqo.
 

Hal adayga abwaanka ayaad ka dheehanaysaa baydka ugu danbeeya, marka uu leeyahay "Halgan waa Birlab u noqo". Suugaanta abwaanka waxa aad ka dhex helaysaa markasta xaaladdii lagu jiray. Muddo markii uu ka mid ahaa jabhaddii SSDF ayaa waxa bilaabanatay saluug la saluugay maamulkii jabhadda. Waxa lagu kala aragti duwanaaday qaabkii wax loo waday. Halgankii ayaa yeeshay bilawgiiba weji qabyaaladeed. Abwaanku qabiil ahaan ugumuu jirin jabhadda ee wadaninimo ayuu ugu jiray, taasoo uu dareemay in aanay ahayn wixii ay u halgamayeen. 
       Inkastoo aanuu abwaanku faahfaahin ka bixin waxa uu sheegay in ay aad u kala aragti duwanaadeen maamulkii jabhaddii SSDF oo uu madax ka ahaa Cabdilaahi Yuusuf Axmed. Hadaba muxuu ku danbeeyey dareenkii abwaanku. Waxa ay soomaalidu tidhaahdaa: "Nin sigtay ma nabad gelin" Marxuum Cabdi Muxummad Ammiin iyo laba ka mid aha saaxiibadiisii ay aadka isugu dhowaayeen oo goob wada fadhiya ayaa la soo weeraray. Magaaladu waxa ay ahayd Diridhabe. Waxa goobtaa lagu dilay saaxiibaddiisii qaaliga ahaa oo uu ka mid ahaa Cabdiraxmaan Caydiid, ilaahay ha u naxariistee. Abwaan Cabdi Muxumadna goobtaas waa lagu dhaawacay. Heestan ayuu ka curiyey dareenkaas naxdinta lahaa:


Maxaan hog Abeeso galay
Maxaan halaqyo ugu tegey
Maxay miciyo i heleen
Maxaan waabay hirqaday
Maxaan geerida ka hadhay

Hobeeya hobeey hobeeya
Hobeey caashaq huursanoow wa
Hobeey hurdan taaganoow wa
Hobeey ubax ii hiraay wa
Hobeey guul aan hubooy wa

Maxaan keligay hammiyey
Kuwii hiil iigu xigay
Hareertay maxaan ka deyey
Muxuu igu dumay habeen
Maxay ilmo hibiq itidhi

Maxay talo iga hab tidhi
Maxaan hiil mooday jiin
Sidii caanaha hirqaday
Habsaamay oon hadalka gabay
U hoyday meel aanan hubin
 


Ugu danbayn. Iyada oo aan qoraal keliya lagu soo koobi karin suugaanta ballaadhan ee marxuum Cabdi Muxummad Ammiin aan ku soo afmeero qoraalkan aan ugu talo galay keliya in aan ku xuso kuna xasuusanno ilaahay naxariistii janno ha kawaraabiyee abwaankii caanka ahaa Cabdi Muxummad Ammiin, Maansadan la magac baxaday MAXAA DENBI LAYGA GALAY. Waxa ay ku saabsantahay dhibaatadii soo martay dadka soomaaliyeed. Waxa uu curiyey maansadan 1987kii. Waxa ay odhanaysaa:



Ilaa iyo dalan dalkaygii
Maxaan dulmi soo arkaayey
Maxaa danbi layga galay
Maxaa dubbe layla dhacay
Maxaa feedh laygu daray
Maxaa daankiyo lafaha
Daqiiqaha layga dhigay
Ka daaya aan cidina odhan

Wuxuu isticmaarkii dura
Dan iyo maan ii dilaayey
Wuxuu dusha iga raraayey
wuxuu dulle ila dhacaayey
Wuxuu dibnahayga ooday
Wuxuu indhaha iga daboolay
Wuxuu noloshayda diidey
Sow dirqi dalka kagama saarin

Muxuu hadba kaan dalliciyey
Dukaamiyo daaro jeexday
Muxuu durduriyo harraati
Isugu kay daray labadaba

Maxaa danbi layga galay
Maxaa nolol laysu diiday
Maxaa dabkii dhaxmooday
Maxaa dawadii bukootay
Maxay danyar dibad wareegtay
Maxay gaajo deris la noqotay
Maxay dugayeydu yeedhay
Maxaa danbi layga galay.

 

Sayid-Ahmed Dhegey 
Iswidhan/Stockholm
6/18/2013

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.