Heshiisyadii Dhexmaray Odayaashii Soomaaliyeed Ee Reer Somaliland Iyo Boqortooyadii Ingiriiska. W/Q, Sayid Maxamed Yuusuf "Dhegey" — Sweden — June, 2005
Heshiisyadii uu Ingiriisku la galay Odayaashii madax dhaqameedyada ama Culimadii hoggaanka u ahayd bulsha soomaaliyeed ee deegaanka Somaliland, way farabad-naayeen, waxaanse ka soo qaadanayaa dhawr heshiis oo u baahan in wax-laga ogaado. Heshiisyadaa waxa ka mid ahaa heshiiskii dhacay 1827kii.
Heshiiskaasi wuxuu ka dhacay magaalada Berbera waxaana saxeexay odayaashii hoggaanka u ahaa magaalada Berbera xilligaas. Waxaana odayaashaa ka mid ahaa Sheekh Ismaciil, Cumar Qaadi (Omar Kadim), Xuseen Buun (Husein Bun), Ismaciil Guuleed (Ismail Qoled). Odayaashaa oo metelayay Odayaashii Bebera Waxay heshiiskaa la galeen J.J Gordon Bremer oo ahaa sarkaalkii dhinaca Ingiriiska u saxeexay heshiiskaa.
Heshiiskaasi waxa uu ka danbeeyay markii la gubay markab la odhan jiray Brig Marie oo uu ingiriisku lahaa. Dadkii saarnaana waa la-laayey, inkastoo dhawr qof la badbaadiyey oo markii danbe lagu wareejiyay Kabtan: J.J Gordon. Heshiiskaa waxa loogu wanqalay inuu yahay heshiis Saaxiibtinimo iyo ganacsi oo dhexmaray Odayaashii soomaaliyeed ee Habarawal iyo wakiilkii ingiriiska ee waqooyiga Afrika oo ahaa Kabtan-kaa la odhan jiray J.J Gordon Bremer. Waxa kaloo xusid mudan in uu heshiiskaa goob joog ka ahaa ama markhaati uu markhaati ka ahaa Sharmaarke Cali Salax oo markaa ahaa guddoomiyihii Saylac. Wax-yaabihii lagu heshiiyay waxa ka mid ahaa in labada maamul uu dhex-maro xidhiidh ganacsi in Odayaasha reer Berbera ay bixiyaan magtii iyo khasaarihii la gaadhsiiyay markabkii ingiriiska sannadkii 1825kii.
Waxa lagu qiimeeyay magtaas 15,000 oo ah Dollarka Spanishka oo u dhigantay 5000 oo Dolar. Dhinaca kale waxa ka mid ahaa heshiiskaa in qolo kastaaba ay nabad geliso qolada kale. Heshiiskaasi waxa uu dhacay 1827 oo ahayd sannadka Hijriyada 1242-kii bishii Rajab sagaalkeedii. Markii uu Ingiriisku qabsaday magaalada Cadan ayaa waxa sii kordhay danihii uu Ingiriisku ka lahaa Xeebaha Somaliland, sidaa awgeed heshiis cusub ayuu la galay Odayaashii soomaaliyeed 1855kii. Markii isla sannadkaa dagaalku ka qabsaday magaalada Berbera ninkii basaaska ahaa ee la odhan jiray Richard Burton ee la baxay Sheekh Cabdalle, ayuu Ingiriisku ka caagay oo ku soo dhici waayay Berbera iyo xeebaha Somaliland, taasina waxay sababtay in markale uu Ingiriisku heshiis la galo odayaashii Soomaaliyeed 1856kii.
Markii la furay Suways-kanaalka ayay reer Yurub sida daadka ugu soo qulquleen xeebaha badda cas iyo gacanka Cadmeed ilaa badweynta Hindiya oo markii hore si dhib ah loogu soo gudbi jiray. Taasi waxay keentay in Berbera iyo Xeebaha Somaliland noqdaan goobo muhiim ah oo reer Yurub u kala tartamaan. Inkastoo Masaaridu muddo yar ka talinayeen xeebaha Somaliland, balse heshiiskii ugu mugga weynaa ama ugu ballaadhnaa ee beelaha reer Somaliland ay isugu yimaadeen intooda badani wuxuu dhacay 1885 wuxuuna dhammaystirmay 1886-kii. Waana heshiiska dhigayey in uu ilaaliyo Ingiriisku danaha beelaha soomaaliyeed ee la galay heshiiska. heshiiskaasi waxa uu ahaa mid xeerka iyo xurmada reer banii'aadam waafaqsan, balse heshiiskaa Ingiriisku markii danbe wuu dafiray oo wuu ku badhi-furay dadkii soomaaliyeed ee uu heshiiska la galay.
Sayid Mohamed Yusuf "Dhegey"
Xubin: (Ururka Qoraaga Somaliland)
Sweden

Kommentarer
Skicka en kommentar