Fortsätt till huvudinnehåll

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-2aad

Waxa aan qaybtii koowaad, dul-kaxaadaiyey, sida labada abwaan ee Cabdi Adan Xaad (Qays) iyo Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi) ay maansadooda dhadhanka fiicani, u kala duwantahay. Sida uu midba geed goonniya uga
maydhaxdiiro. Dabcan aragtidani waxa ay ku kooban tahay aniga iyo dareenkay. Waa laga yaabaa in siyaabo kalena ay ka dhex muuqan karto. Waxa aan jecelahay in aan wax yar ku hakado, oo faahfaahin ka bixiyo, isbarbar dhiggan oo aan u arko in loo baahanyahay fahamkeeda. Inta badan waxa aynu ognahay in maansayahannada soomaaliyeed, qaar ka mid ahi ay caan noqdaan, sababo kala jaad-jaad ah awgeed. Waxa kaloo aynu ognahay in la kala jecelyahay dhadhanka maansoolayaasha. Waxa aan meesha ka madhnayn, waayaha iyo xilliga uu maansayahanku curiyey midhahaas.

In badan baan u fiirsaday maansada Cabdi-Qays iyo ta Hadraawiba, waxa ii soo baxday in labadoodaba la jecelyahay maansadooda---dhadhan ahaan. Waxaase ii binniixday in ay kala jaad tahay habka ay u curiyaan maansada. Sidaan horeba u tilmaamay, Cabdi Qays waxa aad mooddaa inta badan in uu laba jid maro, waa mide, waxa uu la hadlaa naftiisa, oo dabcan u dhigmaysa nafo iyo dareemo dad kale. Waxa kale oo uu is barbar dhigaa laba wax oo uu ku kala tusaa sida ay wax u wadaagaan ama u kala taggan yihiin.

   Dadka aad ugu talaxtegay baadhitaanka maansada soomaaliyeed, waxa ay kala dhigdhigi lahaayeen qalabka ay adeegsadeen. Dhinaca kale Maxamed I Hadraawi, waxa kuu soo baxaysa adeegsiga quruxda badan ee uu adeegsado mar kasta sheeko maskaxeed uu isagu maanka ka curiyey ama horeba u jirtay. Waxa uu ku daawadsiiyaa dhul aad garan karto sida uu u egyahay.

Wax ba yaanan sii taraarine bal ila wadaag Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi) oo inoo sawiraya xaalado kala jaadjaad ah:

Wax la yidhi nin dooloo
Beryo dibada meeroo
Dani baajin weydaa
Caal waa dib ugu kacay
Degelkuu cid ku ogaa
Fadalkiyo durduradii
Wuxuu dacal ka soo galay
Dooryaanle waagii
Didibkii la oollaa

Daaqsin buu ka halacsaday
Dayr-dhaaf nin jiilaal
Shitay dogobbo waaweyn
Waxa duunka hoosiyo
Damaciisu kula faqay
Ninkaas daartay xaabada
Wax u dagamsan baa jira

Lugihii degdegayuu
U duwadey dhankiisii
Isla doonasho Illaah
Doobku waa walaakii
Waa ninkuu dad iyo maal
Dummaddiisa kaga tegey
Durba laysku soo bood
Degdeg laysu gacan qaad
Wuxu yidhi "bal soo durug"
Hadalkana I deeqsii
Marmar baan daraaddiin
Degdeggiyo kalgacalada
Odhan jirey ma duushaa
Meel bay dalooshoo
Dal tabyaa I haysee
Duni waa ku dhaqannoo
Dareen lagama waayee
Degmadii ma nabad baa?

"wuxuu yidhi Dareen ma leh"

Hadraawi waxa uu kuu daaray, filim aad daawanayso, oo aad isha la raacraacayso, meel aanaad taaban karin. Balse aad rakayso. Waxa uu ku dhexgeeyey dhul cid la'ah. Waxa kuu muuqda dhul ban cad ah, oo aan cidi joogin. Waxa uu meel kaaga bidhaamiyey dab baxaya. Dabkii baad ku soo leexatay, waxa aad ugu timi nin dabka dul fadhiya. Ninkii waxa uu noqday walaalkaa.....bal adba. Sida uu sawirkaa kuugu hoggaamiyey, baa hubaal ah in aad hoggaansantay, oo aad sugayso waxa uu xaal ku dhammaado. Farshaxannimadani waa mid ku badan Hadraawi. Markanna ila eeg dhawrkan tuduc:

  Sow goor barqa ahoo
  Bishu ay siddeed tahay
  Aniga iyo Beer luli
  Isku maannu soo bixin
  Sow bariidadaydii
  Iyo bedashadeedii
  Buundada ciyaartee
  Beled Weyn ku taallee
  Biyo lulata guudkood
  Badhtankeeda maahayn

Midhahan korka ku xusani, waxa ay ka mid ahaayeen heestii Beledweyn, waxa uu dhawr jeer innooga sheekaynayaa sidii wax u dhaceen. Si aad ula fahanto, waa in uu sawir kaa siiyaa, oo ku dhexgeeyaa goobtii, weliba waa in uu si faahfaahsan kuugu warramaa, bal dib u eeg, waxa uu kuu sheegay in goortu ay barqo ahayd,in bishu siddeed ahayd, in uu ku soo baxay Beerlula, in bariidshay, in ay ka 
qaadday.....kamuu hadhin ilaa markii uu ka soo anbabaxay Beledweyne. Markan maaha sheeko mala awaal ah, ee waa sheeko run ah oo uuinnala wadaagayo abwaanku, balse markanna eeg sawirkan kale ee mala awaalka ah ee uu kuu sawiray:

  Sow baaxad soorii
  Iyo laba boglayntii
  Maan noqon besteyoo
  Bacadkii ma dheelliman
  Sow galab-baqoolkii
  Annagoo barwaaqiyo
  Meel baadle joognoo
  Tumanayna Beerrey
  Sow maan baraarugin

  Riyo beena weeyee
  Sow baalla daymii
  Baabuur lalaahyood
  Haad baalle mooddoo
  Fananaaya buur dheer
  Isma odhan ka boodoo
  Nafta sow ma biimayn
Waxa uu kuu sheegay, in uu gam'ay. Inuu Riyooday, oo ku riyooday,isagoo meel barwaaqo ah jooga, oo ciyaaraya Beerreey. Markii uu baraarugay, waxa uu kuu sawirayaa in uu hareera eegay, oo gaadhigii ka dhici gaadhay. Farshaxannimada maansada Hadraawi, halka ay fadhidaa waa maydhax-diirka noocaas ah. Midhahan soo socda waxa uuHadraawi toos innoogu sheegayaa in ay sheeko sidan odhanayso:
Sheeko gaaban baa tidhi;-
  
"Nin ay gaajo haysaa
guri yimi duleedkii
soddoh garasho dheer uu
gabadheeda qabay baa
dhito godollo sheellayd
ugu geysey meeshii..
..Isaguna guddoon yidhi,
laysu guud mar toyashada
caanaha gadhoodhaa
inay guura-guuraha
weelka gaararkiisiyo
gunta badi ku ururaan
waa ged lagu yaqaannee,
godankii isugu tage.
..Isaguna ka geyn waa
inuu dhiilka gororsado
gacantana ma dari karo.
Isagoo xil-gubashada
u daruuray gaashaan
Isma gabe wuxu yidhi:-
"Markii ay na gelayeen,
waa nala gilgilayoo
inta nala gun-dhebey baa
afka nalaku gaacsaday".


Markale ayeynu ku soo noqon doonnaa Murtida Hadraawiye, bal aan 
dacal ka eegno Cabdi Adan Xaad (Qays). Waxa aad mooddaa dareenka ay kiciso Maansada Qays, in ay iyadu xididada qofka ama nafta, aytaabato. Dareenka, qofku uu yidhaahdo...haa allayle waa runtii 
ama hoos ha u yidhaahdo ama korba e. Bal sii dhadhanso...ka hadh baan lahaa haween iyo lurkoodee, hore uga mar baan idhi...caawana hirkaan degey ma Hawdiyo Calaydhbaa, hawlihii jacaylka, ma ka galay halkoodii.



Umaleey jacayl.........................   Weli jaar ma noqoteen?
Jid ma wada lugeyseen?..............   Ma la cuntay jidiin wali?
Jihaad ma isku aragteen?............   Jiidhkaad ka dhalatiyo?
Ma kaa jaray dadkiinii?................   Gooni socod makaa dhigay?
Umaleey Jacayl..........................   Wali jiif ma kugu helay?
Jir-jirada ma kaa galay?..............   Hadba dhinac ma ku jaray?
JIbaadka iyo taahii.....................   Jeerdhaaf ma oydoo
Ilmo jagac ma kaa tidhi?.............


Waxa uu ku weydiiyey su'aalo farabadan. Weydiimaha uu ku weydiinayo, waa kuwo uu naftiisa weydiinayo. Dareen buu ku gelinayaa oo uu rabo in aad la dareensantahay. Haddii aad uga jawaabto oo warcelintaadu noqoto Haa. Waxa uu ku leeyahay, dee sidaasoo kale ayaa i haysata. Nafta ayuu la hadlayaa, tanoo keliya maaha ee bal ila dhugo tan soo socotana.
Waan kuu hogaansamay   kugu soo hamiyi jiray
Hadba kugu warwari jiray   oon hoos iyo guud
Hawlahaaga wadi jiray   hor Ilaah walaahiye
Hamadii aan kuu qabay   hiladaydi toosnayd
Adaa haw ka yidhiyoo   hir lagaaga baaqe
Hadalkii macaanaa   hilaadaydi toosnayd
Adaa haw ka yidhiyoo   hir lagaaga baaqe
Horta waa abaalkaa   hadimada ku gaadhiyo
Waxaad hawl la kulantee   ma ka heestay ceel dheer
Yuu la hadlayaa? Ma naftiisaa? Dareen nafeed, oo ay ku dheehantahay, filasoofnimo qoto dheer baad ugu tegaysaa maansada Cabdi-Qays. Waxaase markasta hormood u ah, la hadalka nafta, ka hadalka nafta, dareenka waayaragnimo ee uu ku leeyahay, ma ila garatay, ma ila dareentay, mise waan kuu sii faahfaahiyaa ayuu marar badan kuugu tibaaxayaa maansadiisa.
Waxan ahaa nin xaasoo   soo xoogso yidhiyoo
Xamar subax ka dhoofoo   Xeebtaa Jabuutiyo
U kacay xaggaasoo   Xiligii dambuu yimi
Dabadeed la xidhayo   Xubin uu qaloocshiyo
loo sheegin xarafoo   Lagu tuuray xeradoo
Agoon xoolo kama dhicin,  xabashina umaan gelin Mana jebinin Xeerkee  Maxaa laygu soo xidhay Xeebtaa jabbuutee Soomaali laga xaday Haddii aan Xaggaa tegey Ma jebinin Xeerkee  Maxaa laygu soo xidhay.
Qof kasta oo denbi la'aan lagu xidho, isagoo safar ka soo noqday ama guud ahaanba qof safar ku jira oo la xidhay waxa uu dareemaa, cidhiidhi naftiisa la geliyey. Cabdi-Qays waxa uu leeyahay, waar! Cidna dhib umaan geysan ee maxaa la igu xidhay? Waa dareenkii nafeed oo uu si toos ah uga hadlayo.
Abwaan Qays, isagoo weli naftii ama qofkii la hadlaya ayuu waxa uu inta badan maansadiisa uga maydhaxdiirraa, isbarbar dhig aad u cajiib ah. Bal heestan hoose u fiirso, waa laba naf oo laba qaybood ah. Mid-ba wax ku taamayso, balse aanay hayn, isma dhaanto ayuu ka dhigayaa.
Dhulaan ceel lahaybaan   dhaankii u rarayaa
Adna dhool guyaadiyo   dhibicdii ma hayside
Dhacar baad ku nooshahay   dhankan anigu kaa xigo
Dharka lama yaqaanee   dhuug baanu xidhanaa
Adna dhogorta xoolaha   maro waad ka dhigataa
Buuraha dhexdoodiyo   dhagaxbaan ku seexdaa
Adna wax ima dhaantide   dhulka hoos u qodan iyo
Dhufays baad u hoyataa   dhulkan kala fogaadiyo
Labadeenan kala dheer   yeysu soo dhaweeya
Markaad adigu dhimataa   naftu iga dhaqaaqdaa
Markaad adigu dheregtaa   dhibaatadu I deysaa
Dheehaagan wacan baa   aniguna ku dhaashtaa
Dhaxalkii ad reebtaa   dhitadaydu noqotaa
Markaan soo dhowaadana   waad iga dhaqaaqdaa
Ana kuma dhegaystee   anoon dhuumanayn baan
Dhegaha kaa furaystaa   wixii adiga kaa dhimin
Qaybta danbe, waxa aynu ku eegi doonnaa, maansadii ay wadaageen qaar ka mid ah. Iyo dabcan dhammaystirka, farshaxannimada labadooda maanso, ee midba dhan u badantahay.  Raadraac: Farshaxan.com Diyaariye: Sayid-Axmed M Yuusuf Sweden
  

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u   wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha   cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay   ku beegnayd   xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta. 

Xog ku saabsan Afgenbegii 1961 Col, Xasan Faarax Bullaale: "Taariikh u baahan sixitaan iyo run ka sheegid"

Taariikhdu waa dhacdo ama arrimo dhacay xilliyo la soo dhaafay. Haddii aan wax laga qorin, lama ogaan karo taariikhdaasi sidii ay u dhacday. Mar haddii aan la kaydin arrimaha taariikheed ee dal iyo dad ba soo mara, waxa ay taariikhdaasi gashaa mugdi waxaanay yeelataa madmada w badan. Sida inbadani ka warqabto Somaliland waxa ka dhacay Afgenbi la isku deyey 1961kii, kaasoo lagu guuldarraysatay Dad badani xog kama hayaan, inkastoo ay noolyihiin xubno ka mid ahaa saraakiishii Afgenbigaa isku deyey. Kalhore waxa la waraystay Amb, Cawil Cali Ducaale oo ka mid ahaa saraakiishaas, xilligaasna ahaa xiddigle. Waxa uu Cawil qoray buug uu kaga hadlay wax farabadan oo uu u soo joogay, waxaana ka mid ahaa Afgenbigaas. Waana buugga la magacbaxay "Raad-Raaca Taariikh Soomaaliyeed"

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.