Fortsätt till huvudinnehåll

Faallo ku saabsan “Tayo beelka carruurtu waalid buu tebayaa”. W/Q, Sayid M. Yuusuf ´´Dhegey´´

    Ruwaayaddan magaceedu kor ku xusanyahay, waxa ay ka mid tahay Ruwaayadaha xilligan danbe la curiyey. Ruwaayaddu waxa ay ka mid tahay suugaantii ku cusbayd soomaalida. Bilawgii afartamaadkii ilaa kontomaadkii ayaa uu bilaabmay masraxa soomaalidu. Sida sooyaalka ku xusan, macallimiintii dugsiyada ee bilawgii ayaa bilaabay–iyagoo ku meteli jiray afka carabiga. Inta badan waxa ay ka soo dheegan jireen sheekooyin carbeed oo ardayda loo dhigi jiray.

        https://www.youtube.com/watch?feature=player_detailpage&v=BjsEWLNmZE8
        Muddo yar ka dib waxa ay u gudubtay dhinaca siyaasadda oo lagu tilmaami jiray, waxna lagaga sheegi jiray maamulkii reer Yurub ee xilligaa dalka ka talinayey. Intii ka danbeysay gaar ahaan lixdamaadkiina waxa ay jabsatay oodaha oo waxay isu bedeshay wacyigelinta bulshada. Abwaanada ku suntan sebenadaas waxa aan ka soo qaadan karaa; Cali Sugulle (Duncarbeed) Xasan Sh Muummin, Xuseen aw-Faarax, Maxamed Cali Kaariye, Cabdi Adan Xaad (Qays), Maxamuud Ciise (Singub) iyo in kaloo badan. Lixdamaadkii waxa aynu odhan karnaa waa markii ay sida fiican u hirgashay Rawaayadda soomaalidu.
       Soo dhaaf—Intii burburkii jamhuuriyaddii soomaalida waxa gabaabsi noqday masraxa soomaalida ee la jaanqaadaya xilliga cusub. Waxa wax laga sugay odayaashii hore, oo aan odhan karo waa ay soo qaateen xilligoodii. Waxa loo baahnaa masrixiyad cusub oo la jaanqaadaysa xilligan danbe. Waxa aan odhan karaa Muuse Maxamuud Ciise, waxa uu hormood u noqday safka horena ka galay qorayaasha Masraxiyadda soomaalida ee xilligan. Waxa uu qoray Rawaayadda la magac baxday “Tayo beelka carruurtu waalid buu tebayaa”. Inta badan Rawaayadihii aynu arki jirray waxa ay eedda dusha ka saari jireen dhallinyarada oo ay ku eedayn jireen in ay ka tegeen dhaqankii. Muuse Dalmar, waxa uu difaacay ubadka yaryar ee ku dhashay qurbaha ama ku koray. Waxa uu eedda saarayaa waalidka oo uu leeyahay haddii ubadku tayo-beelay, waxa ka mas’uul ah waalidka. Ruwaayaddu halkaasay ku biyo shubanaysaa. Waxa uu dhanka kale tilmaan ka bixinayaa ama hal-bawleba u ah Riwaayadda, waalidka wanaagsan ee ubadkiisa la dedaala, inuu soo saarayo ubad tayo wanaagsan.
       Waxa aan leeyahay, hambalyo qoraaga “Tayo beelka carruurtu waalid buu tebayaa”. Waxa ay timi xilli ku habboon. Waxa ka muuqata in uu abwaan Muuse wax badan ka bedelay Rawaayadihii hore ee soomaalida. Waxa aan ku jirin heeso lagu qaadayo, oo muyuusig loo tumayo, oo dhaadheer oo lagu caajisi lahaa. Waxa ay ku socotaa habka, maansada soomaalida. Mar haddii ay tani thay tii ugu horraysay ee Muuse Maxamuud Ciise (Dalmar, waa hubaal in uu horteenna keeni doono kuwo kale oo ka sii ujeeddo fog. Dadka qurbaha waxa ku yaraaday, madadaaladii suugaanta soomaalida. Waxa aan jirinba waxyaabihii lagu madadaalan jiray ee farxadda, qosolka iyo kaftanka aan turxaanta lahayn huwanaa.
    FG: Erayga Ruwaayad, Riwaayad, Rawaayad, waxa uu ka soo jeedaa afka carabiga. Waxaana aynu ka dhigannay, halka afcarbeedka ay ugu jirto masraxiyad. Sidaa awgeedbaa, aanuu eraygaasi saldhigin qoraalkiisu. Macnuhuse waa halkiisii aynu u naqaannay.
    W/Q, Sayid-Axmed M Yuusuf (Dhegey)
    22/09/2012/ Sweden

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u   wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha   cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay   ku beegnayd   xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta. 

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto. 

Maalinta afka iyo Suugaanta Soomaalida ee Xaafadda Rinkeby 14-05-2016 Sabtida

Haddii aad xiisayso afka iyo suugaanta Soomaalida, fadlan nagala soo qaybgal barnaamij xiiso badan oo 14 bishan Mey lagu qaban doono guriga ummadda ee xaafadda Rinkeby. Barnaamijkan ayaa ay marti noogu yihiin qorayaal, afaqoon iyo cilmibaadhayaal ku hawlan afka iyo suugaanta Soomaalida. Martida maalintan nagala soo qaybgali doonta waxa ka mid ah Morgan Nillsson oo ah macallin afka Soomaaliga ka dhiga jaamacadda Göteborg, ahna cilmibaadhe ku hawlan taariikhda iyo habdhismeedka afka Soomaaliga. Kulankan waxa uu Morgan sharaxaad ka bixin doonaa kooraska afka Soomaaliga ee uu jaamacadda Göteborg ka dhigo. Waxa uu sidoo kale ka hadli doonaa afka Soomaaliga iyo duruufaha ku xeeran maata.