Fortsätt till huvudinnehåll

Shir-sannadeedkii Ururka Qoraaga Somaliland, Stockholm, Sweden. 22.06.2013


Shalay oo ay taariikhdu ku beegnayd 22.06.2013, waxa magaalada Stockholm ee waddanka Iswiidhan ka qabsoomay, shir sannadeedkii ururka Qoraaga Somaliland. Shirkan oo ahaa mid si weyn loo soo agaasimay, ayna ka soo qayb galeen xubnaha ururka ku jira ee ku nool waddanka Iswiidhan ayaa ku qabsoomay xarunta uu ururku ku leeyahay xaafadda Telefonplan ee magaalada Stockholm.


Shirka oo si toos ah u bilaabmay abbaaro 11.00 barqanimo, ayaa ugu horayn waxa lagu furay Aayado Quraan Kariimka  ah,  oo uu akhriyay Mudane Cumar Xaaji Bile Aadan. Intaa kadib waxa si rasmiya shirka u bilaabay Sayid Maxamed Yuusuf ( Dhegey ) oo ah guddoomiyaha Ururka Qoraaga Somaliland. Sayid waxa uu warbixin kooban oo hawlaha ururka ku saabsan siiyay xubnihii kale ee madasha ka soo xaadiray. Intaa kadib Muuse Maxamuud Ciise (Dalmar), oo ah xoghayaha Ururka Qoraaga Somaliland ayaa isna ka warbixiyay guud ahaan hawlaha ururka, isagoo si gaar ah uga hadlay jariiradda ururku soo saaro ee ALIF, hayadaha dawliga ah ee uu ururku la shaqeeyo iyo  waliba ilaha dhaqaale ee ururku ku hawl galo.

Dhanka kale qoraaga Xasan Cabdi Madar, oo dhawaan Somaliland  ka yimid ayaa isna madasha ka jeediyay warbixin kooban oo ku saabsan guud ahaan qoraalka iyo sidii uu ururka Qoraagu u xoojin lahaa shaqadiisa uu ka wado waddanka Somaliland.

Arrimo kale oo muhiim ah ayaa shirka lagu lafa-guray. Waxaana ka mid ahaa, samaynta sanduuq gaar ah oo ku magacaaban "Gaarriye Foundation" oo ahaa go,aamadii ay gaadheen guddidii loo saaray Tacsidii Marxuum Gaarriye ee kal hore. Sanduuqaas oo yeelan doonna guddi u gaar ah, balse hoos imananaya maamulka Ururka Qoraaga Somaliland. Hawshaas oo uu Maxamed Xirsi faahfaahin ka siiyey xubnaha ururka. Waxa aad looga hadlay Warsidaha ALIF in la gaadhsiiyo dhammaan magaalooyinka Sweden, mustaqbalkana uu gaadho dacallada adduunka.






















Xubnihii shirka ka soo xaadiray.

1.      Sayid Maxamed Yuusuf ( Dhegey ), Guddoomiye.
2.      Cabdillaahi Saalax, Qasnaji.
3.      Muuse Maxamuud Ciise ( Dalmar ), Xoghaye.
4.      Cumar Xaaji Bile Aadan, xubin.
5.      Maxamed Xirsi Guuleed, xubin.
6.      Xasan Cabdi Madar, xubin.
7.      Cabdiraxmaan Xaashi, xubin.
8.      Nuux Ismaaciil Maxamed, xubin


Ururka Qoraaga Somaliland
22/06/2013, sabti
Stockholm/Sweden



Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u   wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha   cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay   ku beegnayd   xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta. 

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto. 

Maalinta afka iyo Suugaanta Soomaalida ee Xaafadda Rinkeby 14-05-2016 Sabtida

Haddii aad xiisayso afka iyo suugaanta Soomaalida, fadlan nagala soo qaybgal barnaamij xiiso badan oo 14 bishan Mey lagu qaban doono guriga ummadda ee xaafadda Rinkeby. Barnaamijkan ayaa ay marti noogu yihiin qorayaal, afaqoon iyo cilmibaadhayaal ku hawlan afka iyo suugaanta Soomaalida. Martida maalintan nagala soo qaybgali doonta waxa ka mid ah Morgan Nillsson oo ah macallin afka Soomaaliga ka dhiga jaamacadda Göteborg, ahna cilmibaadhe ku hawlan taariikhda iyo habdhismeedka afka Soomaaliga. Kulankan waxa uu Morgan sharaxaad ka bixin doonaa kooraska afka Soomaaliga ee uu jaamacadda Göteborg ka dhigo. Waxa uu sidoo kale ka hadli doonaa afka Soomaaliga iyo duruufaha ku xeeran maata.