Fortsätt till huvudinnehåll

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib





AFEEF

Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto. 





   
Waa lagu hungoobay, maxaa dhacay? Waa halkaa, meesha u baahan in wax laga barto sooyaalkii inna soo maray. Sidaa awgeed ayeynu u baahannahay taariikh qoran oo mug leh, oo aan degta lagu sidan karin, oo leh meel loo raaco. Qofka qoraya buug ku saabsan taariikhda guud ee Soomaalida, waa in uu dhex ka ahaadaa warbixinaha is dabraya ama is khilaafsan. Waa in uu ku baraarugsanaadaa inay jiraan qoraallo kala jaadjaad ah oo la rabo inaad adigu kala qiimayso. Afeeftaydu, waa in aan wax ka idhaahdo buugga iyo qoraalka ku jira laakiin, qoraaga iyo mabdi'iidsa siyaasadeed, waxba kama sheegayo. Waxaan ku koobanahay buugga iyo qoraalkiisa. Waxa kale oo aan ka afeef dhiganayaa in aanan buugga dhammaantiis wax ka odhan, balse intii karaankayga ah ee aan raadraac u helikarayey ayaan wax ka odhan doonaa, si aan u tilmaamo.

HORDHAC


Marka hore, waxa aan qirayaa in dedaal badan uu geliyey qoraaga buuggu sidii uu horeba dedaalka badan u geliyey buugaagtiisii hore. Inkastoo aanan arag buugaagtiisa hore, laakiin waan la socday inay jiraan dhawr buug oo uu qoray. Qoraagu waa Jaamac Maxamed Qaalib, oo in badani garanayso. Waxa kala jaad ah xilliyada aynu magaciisa barannay. Anigu waxaan magaciisa bartay isaga oo xil sare ka haya xukuumaddii Maxamed S. Barre, berigaas oo uu wasiir ahaa. Sidaa darteed, waxaan filayey in aan buuggan ka heli doono xilalkii muhiimka ahaa ee uu soo qabtay oo si faahfaahsan ugu qoran buugga. Xilligaas aan sheegay, waa toddobaatanaadkii ilaa siddeetamaadkii oo ma foga marka dib loo eego sooyaalkii qof ahaaneed ee uu Jaamac soo maray. Waxa uu ku soo jiray siyaasadda Soomaalida ilaa maamulkii Ingiriiska, isagoo ahaa taliyihii la wareegay saldhigga booliska Hargeysa 1960kii. Sidaa awgeed taariikhda uu u soo taagnaa ma yara. Waxa aynu ka filaynaana waa wax badan oo goob-joog uu u ahaa.

Nasiib darro, waxa ku qoran jeldiga dhinaca danbe inyar oo kooban,  oo uu ku soo koobay, inuu wasiir ka noqday Arrimaha Gudaha, Shaqada iyo Shaqaalaha, Dawladaha Hoose iyo Gaadiidka (1974-1984). Intaa ka dib inuu ku shaqaysan jirey Nootaayo Sharciyeed (1986-1991), oo noqday qareen Sharciyeed (1993-1994) Hargeysa. Waa laga yaabaa inuu Hargeysa ka furtay Jaamac, Qareen Sharciyeed (1993-1994) laakiin ma uu sheegin inuu xilligaa xubin ka noqday Golihii Wakiillada ee Somaliland. Buuggu waxa uu ka kooban yahay 258, waa marka lagu daro raadraaca iyo sooraaca kaleba. Hordhaca buugga waxa uu u dhigan yahay si wanaagsan, oo ku tusaysa sida aanay ilaa hadda u jirin taariikh saxan oo la Lafa-guray. Sidaa awgeed ayuu qoraagu wax badan ka afeefanayaa, inkasta oo uu ku gaabsaday in isagu uu qoray wixii uu ogaa oo aanuu qorin wax aan jirin ama aan dhicin. Waa hubaal in uu Jaamac akhriyey buugaag fara badan oo ku saabsan taariikhda Soomaalida. Buugganna iskama uu qorin raadraac la'aan, laakiin qaybaha uu ugu talo galay inuu saxo ayaa u baahan in uu tilmaan raadraac u sameeyo. Hordhiciisa waxa uu ku bilaabayaa sidan: "Qoridda Taariikh sida dunida hore u martay u taqaan iyo sida dadyawga loo yaqaan adduunka 3aad badan koodu u haystaan waa kala duwan yihiin." ...bogga (ix). Weedhaa uu ku bilaabay waa xaqiiq jirta, oo  uu dareenkeeda qabo. Laakiin sidee uga badbaaday arrimaha uu inoogu sheegay Hordhaca, aan hoos ugu sii daadegno buugga gudihiisa.

Buugga Magaciisa: Taariikhda Soomaalida 

(Xogogaalnimo u Badan)

Magaca buuggu waa Taariikhda Soomaalida. Maxaad filaysaa? Haa taariikhda dadka Soomaalida oo dhan. Isirka Soomaaliyeed waxay degaan geeska Afrika, dhinaca ugu sii geeseeya. Waa dad ku kala nool maamullo kala geddisan, laakiin waxa mideeya magaca Soomaali. Buuggu magacaas uu qoraagu siiyey ma buuxinayo. Isaga oo keliya maaha ee buuggii uu qoray Cawil Cali Ducaale ayaa isaguna waxa uu u bixiyey: Raad-Raaca Taariikh Soomaaliyeed. Halkaa marka aan marayo, aan idhaahdo taariikhda Soomaalida marka la qorayo, ma aha sida xusuus qorka qof uu inoo qoro wixii uu xasuusto. Waa hubaal in taariikhdu tahay dhacdooyin la soo dhaafay oo la isu geeyey, laakiin waa in marka la qorayo aanay noqon wax qof ku kooban. Qofka wax badan u soo joogay laba qaab ayuu wax u qori karaa. 1. Xusuus-qor uu isagu innooga warramayo, wixii uu u soo joogay iyo wixii uu maqlay, oo uu inoo sheegayo halkii uu ka maqlay ama akhriyey. 2. Inuu inoo soo gudbiyo taariikh uu raadraac fiican u sameeyey, oo aanuu isagu innala hadlayn, ee uu innala hadalsiinayo raadraacyo, maqal, muuqaal iyo qoraal ba leh. Tan labaad ayaa taariikh ah, oo haba ka dhexmuuqato aragtida uu qofkaasi aaminsan yahay, laakiin toos innooma tusayo waxa uu aaminsan yahay. Waayo waxa uu soo gudbinayaa waa taariikh, deegaan, dal ama ummadi leedahay. Buuggan Jaamac waxa uu aad ugu habboonaa in uu u bixiyo (Xogogaal ama Waxaan u soo joogay).

Ma Gorfayn baa Mise waa Taariikh?


Runtii waa loo baahan yahay buugaag is raadraaca oo isa saxa. Laakiin waa in aad caddayn ku saxdaa waxa aad saxayso. Buuggan Taariikhda Soomaalida ee uu Jenaraal jaamac M Qaalib qoray, waxa uu si gaar ah u soo qaadanayaa laba buug oo kala ah: Raad-Raaca Taariikh Soomaaliyeed oo uu qoray Ambasadoor Xuseen Cali Ducaale (Cawil) iyo buugga uu qoray IHN Kornayl, Cabdillaahi Yuusuf Axmed ee Halgan iyo Hagardaamo. Labada buug waxa uu Jaamac buuggiisa ku beeninayaa wax farabadan, oo meelaha qaar waxa uu saxayaa taariikh ama magacyo. Ma xuma waanuu ku ammaanan yahay inuu jidkaas inoo bilaabo, si loo saxo buugaag badan oo qaladaad badani ku jiraan. Waxaase isweydiin mudan, Jaamac ma innoo saxay qaladaadkii uu buugaagtaa ka helay? Maya, meelo kooban mooyaane inta badan innamuu siin wax caddayn ah oo uu ku beeninayo qaladka uu labadaa buug ku arkay. Tusaalayaal kooban aan soo qaato, meelaha uu saxay ee taariikhda ah iyo magacayada uu saxay.

- Inqilaabkii fashilmay ee ka dhacay Hargeysa 9-10 Dec 1961. Cabdillaahi Yuusuf buuggiisa waxa ku qoran 20 Disambar bogga 27 Halgan iyo Hagardaamo. // Jamac Maxamed Qaalib (2020) Taariikhda Soomaalida

Sixitaankaas oo kale waa wax la ogaan karo ka saxa ah. Waana sida uu u saxay Jaamac oo inqilaabkaasi waxa uu bilaabmay goor fiid ah maalintii taariikhdu ahayd 9 Disambar, waxaanuu fashilmay 10 Disambar. Taariikhda sidaa u qaldan inay qoraal gasho waa qalad aad u weyn, in la saxo waa muhiim. Sidaa uu buugga ugu saxay ayaa laga helayaa maqal iyo muuqaalba taariikhda saxa ah ee afgenbigaasi dhacay. Taa marka aan dhaafo, meelaha uu Jaamac ku sheegay inay been-abuur tahay ama uu ka dhigayo waxba kama jiraan, ee aanuu wax caddayn ahna inna siin aan ka soo qaato meelo kooban:

Jaamac waxa uu aad u beeninayaa qoraalkii uu buugga ku qoray Cabdillaahi Yuusuf IHN, (Halgan iyo Hagardaamo), ee uu yidhi: “Waxa ka danbeeyey afgenbigii 1961 Maxamed I Cigaal iyo Cabdillaahi Oomaar.”Waxa uu ku dheeraaday Jaamac, in aanuu sax ahayn warkaasi. Caddayn waxa uu innooga dhigay in aanay wada hadli jirin Cigaal iyo Oomaar oo loo qaadan karo inay hore u colloobeen. Waa suurtagal, laakiin caddayn innagu filan innama siin. Cabdillaahi Yuusuf IHN isaguna caddayn innama siin. Wararka noocaas ah ee is dabraya, ma aha taariikhdii Soomaalida, ee qaab kale oo ka habboon kana hufan ayaa taariikhda lagu qoraa. U fiirso, xubnihii ka mid ahaa hoggaankii afgenbiga sida Cawil Cali Ducaale iyo Cabdillaahi Aadan Koongo oo labaduba maanta noolyihiin, oo ay kala deggen yihiin Somaliland iyo Imaaraadka Carabta, midkoodna sida ay qoreen Jaamac iyo Cabdillaahi Yuusuf lama ay qabaan ee iyagu inay gaar u ahaayeen go'aanka afgenbiga ayey sheegeen. 

IHN, sida uu Siciid Cali Giir oo ka mid ahaa hoggaankii afgenbiga uu ku qoray wargeyska Jamhuuriya 1997kii, waxa uu aad u eedaynayaa Maxamed I Cigaal oo uu ku tilmaamayey in aanuu wax ka qaban jirin cabashooyinkoodii, maaddaama oo uu ahaa Wasiirkii Gaashaandhigga 1961. Waxa aad ku darsataa Cabdillaahi Yuusuf iyo Jaamac M Qaalib, waxa loo xilsaaray baadhitaankii Inqilaabka 1961. Labada buug ee ay inoo qoreenna way isku maandhaafsan yihiin. Sidaa awgeed taariikhdii Soomaalida ma aha ee waa aragtidoodii iyo xogtii ay heleen oo kala jaad ah. Qoraalkan u fiirso, " [...] Taliyaha qaybta booliska Jaamac M. Qaalib waxa uu yidhi in sida ay isaga la tahay xaaladdu tahay mid ka sii daraysay, teer iyo maalintii dastuurka la ansixiyey. Waxa uu yidhi badi dadkii ka danbeeyey waxa ay ahaayeen xubno baarlamaanka ka tirsan. Xubnaha baarlamaanka ah ee masuuliyiinta ah weeye kuwa u ololaynaya in ay dadweynaha u kala qaybiyaan laba kooxood sida Irir iyo Daarood[1][…]”. Qoraalkaas uu ku qoray Jamhuuriya IHN Siciid Cali Giir, waxa uu caddayn uga dhigay qoraallo uu isagu hayey oo ay ka mid ahaayeen taararkii la isu dirayey. Halka uu ka helay caddaymahaas inooma sheegin. 

Mar kale Jaamac oo saxaya buugga Raad-Raaca Taariikh Soomaaliyeed ee uu qoray Cawil Cali Ducaale waxa uu leeyahay sidan: - "Buuggiisa, bogga 139aad, baa Cawil ku sheegay in Maxamed Abshir loo magacaabay Taliye Booliis markii xorriyadda la qaatay. Waxa taliye loo magacaabay 1958kii muddadii xukunkii daakhiliga Soomaaliyeed[2]”.

Waa arrin wanaagsan in uu Jaamac inoo saxo taariikhdaas, waayo Maxamed Abshir waxa uu ahaa taliyihii ugu horreeyey ee ciidankii Boolisku yeesho. Laakiin marka la akhriyayo buuggan, islamarkaana akhristuhu uu arko taariikh uu saxayo qoraagu, waxa uu markiiba eegayaa raadraaca uu tilmaamay, ee caddaynta u ah sixitaankaas. Waana muhiim, waayo, buugga aad sheegayso inuu qalad qoray, waa in loo helaa caddayn buuxda oo qaladkaas saxaysa. Waxa kale oo dhugasho u baahan, taaariikhda uu Cawil buuggiisa ku sheegay, way caddahay oo waxa uu u jeedaa, taliyihii ugu horreeyey ee Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed yeelatay, halka uu Jaamac innooga soo bilaabayo xilli aanay midaysnayn labadii dal ee Somaliya iyo Somaliland.



Jaamac isagoo saxaya magac uu qalday Cawil Cali Ducaale ayuu sidan u dhigay:

" Waxa uu Cawil magacaabay nin garyaqaan ahaa oo Michael Mariano u raacay Muqdisho 1948, si ay u caawiyaan Xisbigii Xornimodoonka Soomaaliyeed ee SYL, in uu ahaa Anthony Salole. Anthony (Tony) Salole wuxuu ahaa sarkaal booliiskii Cadan, oo wuxuu ahaa da'dii 2aad ee lixdii ilma Salole. Garyaqaanka Michael raacay wuxuu ahaa Clement Salole." bogga 10-aad 



Inta uu Jaamac inoo saxayey Atthony Salole bal magacan hoosta ku qoran miyuu qaldamay qoraagu mise waa ilduuf ?

"Abwaan Cabdullaahi Warsame (Timacadde) waxa lagu xasuusanayaa suugaan tiisii waddaninimo ee xornimodoon sida tixdii calanka ee "Kaas na siib kan na saar" iyo gabay uu u tiriyey NFD [...] ". bogga 104



Qoraalka hore, waxa uu ku saxayaa qoraalkii buuggii Cawil Cali Ducaale oo uu leeyahay Ilma Salole, ninka aad ku sheegtay maaha ee waa Clement Salole. Sixitaanku waa muhiim, in laga ilaaliyo qalad taariikh ama magac uu galo buug, waa arrinta uu ka dagaalamayo Jaamac. Qoraalka kooban ee tilmaamaya Abwaankii tiriyey tixdii calansaarka ee kaana siib kanna saar, waxa uu Jaamac inoo qoray Cabdillaahi Warsame (Timacadde), anna waxaan u aqaan Cabdillaahi Suldaan Maxamed (Timacadde). Magaca uu Jaamac buugga ku qoray iyo kan aan u aqaan, midbaa sax ah. Ilma Salole, meel uu ka soo xigtay Jaamac ma garanayno, su'aashu waa labada buug keebaa magaca saxa ahi ku yaal. Waxaan tuhmayaa in uu Jaamac sax yahay, laakiin caddayn innamuu siin.

U fiisro sida taariikhda loo baadho iyada oo la raadraacayo wixii qoraal, cod la duubay ama goobjoogihii oo isagu inoo soo gudbinaya. Sida ay u kala duwanaan karaan iyo masuuliyadda ku saaran marka aad kala dooranayso xogta saxda ah. Dhacdo muhiim u ah taariikhda Soomaalida ayaan tusaale u soo qaadanayaa. Taasoo ah xilligii ingiriisku dhulka Soomaalida oo dhan gacanta ku hayey maamulkiisa, marka laga reebo Jabbuuti 1948kii. Kulan aad u ballaadhan ayaa ka dhacay Muqdisho oo ergooyin badani isugu yimaaddeen. Buugga Raad-Raaca Taariikh Soomaaliyeed ee uu qoray Xuseen Cali Ducaale (Cawil) waxa ku qoran bogga 26-aad sidan: 

Ergadii Muqdisho tagtay

1. Ismaaciil Naxar
2. Dubbe Cali-yare
3. Suldaan Cabdillaahi Suldaan Diiriye
4. Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Diiriye
4. Suldaan Maxamed Suldaan Faarax

Jamac Maxamed Qaalib, oo dhacdadaa ka hadlaya isla markaana inuu saxo doonaya buugga Cawil ayaa sidan soo socota u dhigay:

Wefdigii tegey Muqdisho Jan 1948

1. Suldaan Cabdillaahi Suldaan Diiriye
2. Suldaan Maxamed Suldaan Faarax
3. Xaaji Khaliif Sheekh Xasan Yare, Madaxii Faracii Xisbigii SYL
4. Ismaaciil Naxar Xasan, oo maalgeliyey safarkii wefdigaas

Kuma Jirin wefdigaas Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Diiriye, Sida Cawil ku sheegay buuggiisa. Ka hor intii wefdigaasi u safrin Muqdisho baa dawladdii gumaysigii ingiriis ee Somaliland amar soo saartay in aan odayaashu, madaxdhaqameedyadii Somaliland ka qaybgeli karin lakulanka guddidaas baadhitaanka [...]" bogga 12-aad

J
aamac isagoo sii sharxaya sababta aanuu Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Diiriye u tegin, waxa uu ku sharxay, in Suldaan Cabdiraxmaan aad ugu dhawaa maamulkii gumaysigii ingiriis, sidaa awgeed ma uu khilaafi karayn amarkii Ingiriiska. Laakiin labadii Suldaan ee kale way khilaafeen oo tegeen Muqdisho. Kulanka la tegey waa muhiim in aynu fahamno, waxa isugu yimi Soomaali badan. Ingiriisku isagaa ka talinayey Muqdisho, oo amarka uu Hargeysa ku soo rogay ayuu Muqdishona ku soo rogi karayey. Xilligaasi, waa xilli kalaguur oo taariikhda Soomaalida raad ku yeelatay. Waa markii muddaharaadku ka dhacay, ee dhimashadu ka dhacday magaalada Xamar. Qofkasta oo taariikhda Soomaalida baadhayaa, waa xilli u baahan in si qoto dheer loo baadho. Labada Suldaan ee tegey waa Suldaankii beesha Arab, Suldaan Maxamed iyo Suldaankii beesha Ciidagale, Suldaan Cabdillaahi. Suldaanka aan tegin, waa Suldaankii Habar Awal, Suldaan Cabdiraxmaan. Ma sidaa uu sheegay Jaamac baa mise wax kalaa jiray.

Muxuu dhacdadaas ka yidhi Xaaji Cabdikariin (Cabdi Waraabe) oo wefdigaa la socday:


"[...] Iyada oo uu socdo halgankii lagaga soo horjeeday gumeysiga Ingiriisku, dadka ku nool Geeska iyo Bariga Afrikana ahaayeen kuwo iska war haya, ayaa waxa 1948kii safar ku tegay magaalada Muqdisho wefti ka socda Gobolladii Soomaalida ee Ingiriisku haystay oo ay tiradoodu gaadhayso konton nin. 
Waxa ka mid ahaa:

• Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo u da’ yaraa wefdiga, 
• Xaaji Khaliif Sheekh Xasan, 
• Warsame Suldaan Madar, 
• Suldaan Maqtal Daahir, 
• Mukhtaar Cumar Ugaas, 
• Sheekh Xasan Yabaroo Aw Geeddi
• Suldaan Cabdillaahi Suldaan Diiriye, 
• Xaaji Cabdi-Waraabe iyo rag kale.

Xilliga uu safarkani dhacay oo ahayd 1948-kii, waxa shanta Soomaaliyeed intooda badan gacanta ku haysay dawladda Ingiriiska, Kolkii uu Talyaanigu Xayle Salaase ka qabsaday Addisababa, waxa uu u soo dhiciyay Ingiriiska. Markii Talyaaniga laga adkaadayna, waxa uu Ingiriisku Xayla Salaase oo ahaa Boqorkii Itoobiya u celiyay dhulkii uu Talyaanigu ka qabsaday, gaar ahaanna inta ka baallaysa ama ka shishaysa ee dhinaca Galbeed ka xigta magaalada Diridhaba ee ay ugu sokeyso Dooxada Hawaas, NFD-na (Northern Frontier Districts) iyo Nayroobi oo Kiiniya ahna Ingiriis ayaa fadhiyay, Xamarna Ingiriis ayaa haystay [...]"

Cawil iyo Jaamac toonna ma qorin IHN, Xaaji Cabdi Waraabe inuu ku jirey wefdigaas. Xubnaha tegey sida kale waa wadaagaan, waxoogaa dheeraad ahi haba ku jireen qoraalka Cabdiwaraabe, oo laga yaabo in aanay Hargeysa ka wada anbabixin dhammaantood. Sababta Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Diiriye u tegi waayey shirkaas waxa uu IHN, Cabdiwaraabe ku sharxay sidan:

"[...] Waxa qaaddacay in ay ka qayb galaan rag farabadan oo hal-door ah, kana soo jeeda beesha  Sacad Muuse ee Galbeedka Hargeysa oo ay ka mid ahaayeen Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Diiriye Garaad, Qaaddi Ibraahin Sheekh Madar, Xaaji Cali Yoonis, Xaaji Maxamuud Cumar-Xaashi, Xawaadle Xaaji Madar iyo rag kale. Waxa ay sidii aynu horeba u xusnay ay ku doodeen in aanay isku dhaqan ahayn ururka SYL ee uu Ingiriisku qabanqaabiyey iyo Soomaalida Woqooyiga degtaa, sidaas daraaddeedna aanay ka qayb gelaynnin madashaas. Shirkaas waxa oggolaaday in ay ka qayb galaan rag door ah oo ka soo kala jeeda beelaha Arab iyo Garaxajis. Waxa sidoo kale shirkaas ka soo qayb galay ergo iyo wufuud ka socota Afar dawladood[3][...]" 

Saddex qoraal oo ka hadlaya dhacdadaas ayaan idiin soo gudbiyey. Akhristaha ayey u taallaa sida uu u fahmayo ama ka uu qaadanayo. Qasab maaha in aad mid qaadato, waase aad isku badhxi kartaa adigoo eegaya meelaha ay ka midaysan yihiina. Waxaase aanan mar naba odhanayn hebel warkiisu waa been-abuur! Waxaan qoraalladan inoogu soo gudbiyey, waa in aan lagu degdegin qoraalka taariikhda gelaya. U fiirso, Xaaji Cabdikariin Xuseen (Cabdiwaraabe) oo aynu wada garanayno buuggiisa uu qoray Siciid Maxamuud Gahayr, wuu ka horreeyey labadan buug ee ay qoreen Cawil iyo Jaamac. Waxaase hubaal ah in aanay xil iska saarin inay raadiyaan dhacdadaas, ee waxa ay door bideen wixii ay maqleen inay inoo qoraan. Jenaraal Jaamac oo rabay inuu saxo Cawil, innama uu siin meel uu ka soo xigtay warkaas. Cawil laftigiisu innooma sheegin xigashada warkaas, laakiin Cabdiwaraabe waxa uu isagu soo gudbiyey xasuustiisii uu kaga mid ahaa kulannadii hawshaas iyo wefdigii oo uu la socday xubinna ka ahaa.

SNA iyo SSA Maxay ahaayeen?


Mar haddii buuggu yahay mid taariikh ah oo boqollaal sannadood dabadeed la akhrisan doono, waa muhiim in la fahmo waxa uu buuggu ka hadlayo. Tusaale nool waxa ah in dhallinyarada maanta joogtaa aanay aqoon u lahayn SNA iyo SSA toonna. Inkasta oo ay jiraan buugaag laga heli karo sharraxaad ku saabsan labadaa magac, laakiin waa in buuggan oo tusaale u soo qaatay qaladaad uu ku qoray buuggiisa IHN, Cabdillaahi Yusuf Axmed ee Halgan iyo Hagardaamo, ma uu sharxin Jaamac waxa ay ahaayeen, cidda ay metelayeen, kaalintee isagu ku lahaa? Waxa uu qoraa Jaamac doonayey inuu saxo ama aan idhaahdo inuu beeniyo qoraalka Cabdillaahi Yuusuf, laakiin maxaa caddaynaya arrinta Jaamac ka hadlay. Akhristayaashu sidee baa ay ugu kalsoonaan karaan laba qoraa oo ku hirdamayey siyaasadda. Waayo, shirkaasi waxa lagu heshiisiinayey kooxihii soomaalida oo dallad guud ka dhigtay labada urur ee kala ah SSA iyo SNA. Waxa lagu qabtay Masar oo martigelisay. Waxa uu ahaa mid ay isugu tegeen dhammaan intii sheeganaysay magac urur oo ku salaysnaa beelo, Somaliland oo keliya ayaan ka qaybgelin shirkaas. Beeninta noocan oo kale ahi, ma aha mid dhexdhexaad ah, sixitaanna ma aha ee waa siyaasiyiin kala aragti duwanaa oo midkastaba ra'yigiisu la qummanaa.

Jaamac kuma qaldana in uu aragtidiisii ka warramo iyo sida uu u arkayey aragtidii Cabdillaahi Yuusuf. Laakiin waa aragtida Jaamac Maxamed Qaalib, ee taariikhda Soomaalida ma aha. Taariikhda Soomaalidu waa in ay shaandhaysaa waxaas oo dhan. Waa in ay sharraxdaa waxay u taagnaayeen ururadaasi. Xataa magacyadaasi haddii aanay ahayn kuwo loogu talo galay in buugga lagaga hadlo, waxa loo samayn karaa (footnote). Haddii kale magacyadaasi waxay noqonayaan kuwo kakan oo loo baahan doono cid hore qoraal ugu sharraxday. Sidaa awgeed marka buug la qorayo, waa muhiim in laga digtoonaado magacyo aan ku caddayn buugga dhexdiisa. Qaybtan SNA iyo SSA waxa uu eedo waaweyn dusha ka saarayaa SSA. Eedaymahaas oo uu carrabka ku adkaynayo Xabashidu in ay danahooda ku fushanaysay. Marka taariikh la qorayo, cidda qoraysaa waa in ay dhan kasta caddaymo u haysaa. Tani waxa ay noqonaysaa yooyootankii 30 jirsaday oo buuggii Cabdillaahi Yuusuf badh ka mid ahi ku soo baxeen oo uu Jaamacna dhankiisa ka jawaabayo, ee marnaba ma aha taariikh dhex ah oo la isu miisaamay.

Ma Sixitaanbaa Mise waa Cadho iyo wax iska Caabbin?


Waxay soomaalidu tidhaahdaa "Lafaha gur xarragana ha ka tegin", oo looga jeedo haddii aad dhib geysanayso, ha ka tegin xeerka ku salaysan dhaqanka suuban. Buugga bogagga hore oo dhan waxa uu Jaamac ugu jawaabayaa labada buug ee aan kor ku xusay, ee ay kala qoreen IHN, Cabdillaahi Yuusuf iyo Cawil Cali Ducaale. Waa hubaal in ay aqoon isu lahaayeen saddexda odayba, inta ay gaadhsiisan tahay aqoontoodu ma garan karo, waxaan se ogahay tan iyo lixdankii inay is yaqaanneen saddexduba. Laga yaabaa in aanay aqoon fiican isu lahayn, laakiin mid guud waa hubaal in ay isu lahaayeen. Mar haddii uu Jaamac xoogga saaray labadaa buug inuu saxo, waxa habboonaan lahayd inuu ku ekaado sixitaanka oo caddaymo uu raacinayo. Taa kuma uu ekaan ee waxa uu akhristaha u sheegayaa in labadaa ninba ay beenaalayaal yihiin. Ma tirin kartid inta jeer ee uu akhristaha u sheegayo  in uu beenaale yahay Cawil Cali Ducaale. Waxa kale oo uu labadoodaba inoo sheegayaa in ay qabaan afkaarta cadawgeenna xabashidu ay qabaan. Si gaar ah ayuu u tilmaamayaa in uu Cabdillahi Yuusuf ahaa nin madiidin u ahaa xabashida (Itoobiya). 

" Xabashidu waxay si badheedh ah u taageersanayd Cabdillaahi Yuusuf in uu ku guulaysto madaxnimadii Soomaaliyeed, halka lidkeed, aan ay Masar weligeed kala jeclayn ciddii Soomaali u madax noqon lahayd." ... bogga 8-aad. 



Waxaynu ognahay sida ay Masar weligeed u danaynaysay siyaasadda Soomaalida. Masaarida danteedu inay inoo roon tahay iyo inkale kama hadlayo, laakiin Jaamac waxa uu inoo sheegayaa in aanay kala jeclayn arrimaha siyaasadda Soomaalida iyo hoggaankeeda. Isla sidaa si u dhow ayuu ku tilmaamayaa Cawil in uu fikirkiisu u dhow yahay ka Xabashida. Eedaymaha noocan oo kale ah, marka la qorayo lagama tegi karo caddaymahooda, waayo waa Eedayn culus oo xaqiiqadeeda loo baahanayo, loogana baahan yahay qofka qoray. Qofka qoraya tariikhda Soomaalida, ee qoraya koox ama qof cadaw ku ahaa dadkiisa (ma aha aragtida lagu kala duwan yahay) waa in aad heshaa qoraallo arrimahaasi ku cad yihiin ama cod laga duubay. 

Qoraalkan bogga 16-aad ee soo socda waxa uu ka mid yahay, sixitaanka muhiimka ah ee uu Jaamac inoo saxay, waa meelaha aad la yaabayso, ee buugga Jaamac ka kaxaynaya magacii Taariikhda Soomaalida. Waayo, qarni badhkii ka hor arrin qoys u gaar ahayd (Waa haddiiba ay jirto) maxaa faa'iido innoogu jirta. Gaar ahaan marka buuggu uu sito magaca Taariikhda Soomaalida. Halkee iska soo galeen taariikhda Soomaalida iyo guurka Cawil Cali Ducaale oo maanta ah oday da' ah. 

- " Cawil baa ka sheekeeyey guurkiisa, buuggiisa bogga 89-aad ma se sheegin in uu maalmo yar markaas ka hor intuu muqdisho yimi gabadh ka doonay oday weyn oo soomaaliyeed [...]" ... bogga 16

Qaybta aad mooddo in uu Jeneraal Jaamac Maxamed Qaalib uu cadho-qoray isla markaana uu wax iska caabbinayo, waxaan ku soo koobayaa erayga beenaale oo soo noqnoqday. Waana meesha aad ka dheehan karto cadhada ka muuqatay Jaamac, taasoo buugga ka kaxaynaysa buug raadraac noqon kara.

" Soomaalidaa tidhaahda beenaaluhu (beenlowgu) wuxuu marag u qabsadaa cid maqan ama dhimatey [...] bogga 12-aad
"Dhammaan waxa uu Cawil sheegay waa beenabuur aan aasaas lahayn [...]" bogga 13-aad
" Soomaalidaa ku maahmaahda, wax la baacsado beenbaa ugu gaabisa [...]" bogga 15-aad
" Cawil oo u bartay raaxo danjirenimo waa u adkaysan kari waayey inuu dagaal ka qaybgalo [...]"  " Cawil asagoo sidaas denbiile dil mutaystay dalka dibedda ugaga maqan 10 sanno ku dhowaad baa waxa dhacay burburkii Hargeysa ee dawladdii Askartu samaysay [...]" bogga 19-aad
" Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa " Nin aad taqaanid, waad la joogtaa". Maxamed Siyaad waa yaqaannay shakhsiyadda Cawil iyo wax uu yeeli karayba [...] bogga 19-aad
" [...] In ay siyaad arrintaa ku kala tageen --- Waa been qaawan [...]" bogga 19-aad
" Waa been sida uu Cawil sheegay in Ingiriis uu rabay soomaali midaysan [...] bogga 21-aad

Erayada iyo weedhaha noocaas ah ee bilawga buugga waxa ay dhaawacayaan buugga Jaamac uu qoray ee "Taariikhda Soomaalida" dhexdhexaadnimada qoraalka. Nin oday ah ayaan weydiiyey arrin uu Jaamac Maxamed Qaalib kaga hadlay waraysigii uu siiyey SAAB-TV, wuxuu iigu jawaabay "Jaamac waa beentii" halkii uu ii sheegi lahaa haddii uu xog ka hayo. Eraygaa waa beentii ma aan jeclaysan, in aan maanta buugga Jaamac, isagii oo qof kale beenaale iigu sheegaya aan akhristo. Waxa aad moodaysaa in aad dhexfadhido yooyootanka "Facebuugga" oo beddelay fadhi-ku-dirkii makhaayadaha.  Mar haddii eedaymahaas culus iyo sixitaankuba aanuu lahayn raadraac loo noqon karo inyar mooyaane. Waxa uu noqonayaa erey ka hor gee eray kale. Waxa kale oo ka habboonaan lahayd in uu sixitaanka uun ku ekaado ee aanuu shaqsiyaddooda Cawil iyo Cabdillaahi Yuusuf toonna ku dheeraan. 

Qaybta Taariikhda Soomaalida Noqon karta


Isirka Soomaalida, Soo geliddii Islaamka, Xidhiidhkii Carabta, Gumaysigii ka hor iyo qaybo kaloo muhiim ah ayaa ka mid ah qaybaha ugu muhiimsan. Waa lagama maarmaan in qaybahani ay ka soo jeedaan buugaagta ku xusan raadraaca buugga. Faa'iido taariikheed oo badan ayaa ku kaydsan buugga oo uu ku soo ururiyey buugga. Waxaanse wax ka tilmaami doonaa meelaha aan u arko in aan akhriste ahaan u arkay in la sixi karo ama si anshaxa aan ka tagganayn loo sheegi karo, iyada oo aan la odhanayn "beenaale" ama wax la mid ah. Si aan uga fogaanno hadallo qallafsan, gaar ahaan qoraalka buugaagta ama faallo ka bixinta buugaagta.

Marka uu ka hadlayo Jaamac qaybta isirka Soomaalida, waxa uu ku bilaabayaa waxoogaa aad odhan karto waa kalsooni darro aynu isku caddayno oo Jaamac oo keliya ma aha ee waa halhays innagu badan. Sidan ayuu ku bilaabayaa: "Soomaaligu waa cadho dhaw yahay, waana dagaal badan yahay, waa se geesi u adkaysi badan hawl iyo dhib kasta oo kale ba, Siday qireen shisheeyeyaal dirir iyo hawl ba la galay ama iyagaba la dagaalamay[4][...]" Sida uu tilmaamay waa sida ay shisheeyuhu innagu sheegi jireen, waxse aynu dadka dheernahay ilama aha. Deegaanka adag sida dhulkeenna ayuunbaa dadka ku nooli ay noocaas noqonayaan, sida dadka kale ee innagula nool Geeska Afrika. Waxa kale oo qaybtan isirka Soomaalida uu Jaamac inoo iftiiminayaa in ay yihiin hal qudh ah dadka ku nool deegaanka Soomaalidu degto. Waxa uu taana kala mid yahay Soomaalida inta badan oo ilduufa ama u badheedha inay jiraan dad asalkoodu aanu Soomaali ahayn oo deegaanka innagula noolaa. Dadkaasi afaf u gaar ah ayey leeyihiin, sida barawaanta, baajuunta, mishuguliga, banaadiriga iyo carabta oo ka awoow ka awoow dhulka Soomaalida deggenaa. Waa dad yar laakiin waa in xaqooda la siiyaa oo la sheegaa markasta oo deegaanka Soomaalidu degto ee Geeska Afrika laga hadlayo.

Soomaalidu waa hal qabiil. Qodobkan oo uu dhawr meelood ku soo qaatay Jaamac buuggiisa aad baan u jeclaystay. Hore qof sidaa ugu baraarugsan maan arag, oo waxa aynu isu qaadannay dad kala jaadjaad ah. Soomaalidu waa hal qoys oo keliya. Waase reero ama beelo, gaar ahaan reero ayaa aad u xoog badnaa. Waxa aynu u naqaan qabiilooyinka Soomaalida waa sida magaca "Surname" tusaale Iswidhishka waxa u ah inta badan magaca danbe ee reerkooda (SON) sida: Anderson, Svenson, Olson. Son-taa danbe waa reerkii ee qabiilo kala duwan ma aha. Sidaa awgeed qodobkaas Jaamac waa uu asiibay, in Soomaalidu ay tahay hal qoys, waa marka laga hadlayo isirka Soomaalida. Laakiin deegaanka Soomaalidu degto dad aan badnayn baa la deggen oo aad loo dulmay. Waayo, lama sheegaba magacooda. 
Qaybtan Isirka Soomaalida, waxa uu buuggu ku xigsiinayaa waxoogaa ku saabsan dhaqankii Soomaalida. Xeerkii iyo habkii ay isu maamuli jireen oo uu waxoogaa faahfaahin ka bixinayo eray kasta sida xeerbeegti, xidhe, gar, garcadaawe, xeer caam ah, xeer gaar ah iyo erayo farsamo dhaqameed oo badan. Intaa ka Dib taariikhdii Islaamka ayuu u gelayaa, oo dabcan raadraac badan uu ka soo qaadanayo buugaagta raadraaca uu ka dhigtay. 

Boqortooyadii Punt iyo Islaamnimada Soomaalida. Labadan qaybood, waxa ka muuqata in aanuu qoraagu si qoto dheer u gudagelin, si guud ka xaadis ah ayuu u qoray. Gaar ahaan Puntland iyo xidhiidhkii masaarida waxoogaa kooban oo ku filan ayuu dhawr buug ama wargeysyo ka soo xigtay. Qaybta Islaamka iyo taariikhda uu soo gaadhay dhulka Soomaalida, inkasta oo uu tilmaamay in bilawgii fiditaankii uu soo gaadhay dhulka Soomaalidu degto, waxa uu ku dheeraanayaa ururadii islaamiga ahaa iyo xilliyadii ay dhulka Soomaalida ka bilaabmeen. Qaybtaas waxa aad mooddaa iyada lafteeda in uu ku koobnaa buug ama laba buug oo uu aad u raadraacay. Marka raadraacu kooban yahay, waxaad lumisaa qaybo laga yaabo inay buuggaa ama buugaagtaas aanay ku oollin. 

Halka aan saluugay, waa qoraalka kooban ee arrintaa taariikhda Islaamka iyo in uu sharraxaad badan geliyey sheeko aynu inta badan maqalnay oo ku saabsan Bucurbacayr iyo Sheekh Barkhadle. Waa arrin baadhitaan u baahan, laakiin buuggan Jaamac waxba kuma soo kordhin, sheekadii mala-awaalka ahayd, ee aan wax caddayn ah loo hayn. Dabcan, in wax ka jireen way u dhawdahay, laakiin si cilmiyeysan in loo baadho ayey u baahan tahay. Waxa uu bogga 51-aad ku tilmaamayaa in dhawr Sheekh yimaaddeen carriga Soomaalida (Qarnigii-11-aad ilaa Qarnigii 12-aad).Culimadaa waxa ka mid ahaa Sh. Isaxaaq iyo Sheekh Fiqi Cumar, oo ay ka farcameen beelo Soomaaliyeed. Faracaa carbeed ee uu inoo sheegay qoraagu, waxa uu dhawr jeer inoo sheegay inay Soomaalidu tahay "Hal Qoys" oo Soomaali ah. Waxa la isweydiin karaa, ma Carabtii baa Soomaaliyowday? Qoysnimadii Soomaalida ee aan jeclaystay, qaybtan ayuu ku burinayaa.

Warbixin Is-dabraysa oo Buugga ku Qoran


Jaamac Maxamed Qaalib, waxa uu buuggiissa bogga 12-aad, innoogu sheegay bilawgii, isagoo saxaya qalad uu Cawil Cali Ducaale buuggiisa ku qoray bogga 26-aad ee buugga Raad-Raaca Taariikh Soomaaliyeed. In Ingiriisku amar soo saaray, amarkaas oo ahaa in aan madaxdhaqameedku tegi karin shirka Xamar ka dhacayey 1948kii, ee xaqiiqo raadiska ahaa. Sidaa awgeedna, Suldaankii Habar Awal oo ka ag-dhawaa maamulkii Ingiriiska uu khilaafi kari waayey amarkaas, balse ay khilaafeen Suldaankii Ciidagale iyo Suldaankii Arab. Inkasta oo aan kor ku xusay sida uu uga warramay Cabdikariin Xuseen (Cabdiwaraabe), waxa yaab igu noqotay isla Jaamac oo buuggiisa sidii hore si ka duwan u sharxaya. 

Waxa uu yidhi:

"[...] Waxa waqooyi ka jiray dad midnimo Soomaaliyeed diiddanaa oo ka soo horjeeday hindisii dawladdii Ingiriiska ee waagaas, ee la magacbaxay Qorshaha Bevin (The Bevin Plan) ee 1946. [...] Qorshahaasi wuxuu ahaa in Soomaali oo dhan la mideeyo oo ingiriisku gaadhsiiyo xornimo maadaama isagu markaas maamulayey oo gacanta ku hayey dhulka Soomaaliyeed oo dhan Jabbuuti maahee... [...] Sida Danjire Shariif Saalax Maxamed Cali qoray, wuxuu 1990-aadkii ka soo minguuriyey kaydka qoraallada Ingiriiska (British Public Records office, London) markii marxuumku diyaarinayey qoraalkii buuggiisa "Xuddur iyo Taariikhda Koonfur Soomaaliya" oo tixraacay qoraalladii xafiiskii (wasaaraddii) dagaalka ee Ingiriisku, British War Office-230/233-4530 ee taariikh 29/7/1947 ee loogu gudbiyey wasaaraddii arrimaha gumaysiga arji ay qoreen 161 xubnood oo ka tirsanaa beesha Habar Awal oo uu ka mid ahaa Suldaankii Suldaan Diiriye (Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Diiriye) oo ay ku diideen hindisihii Ingiriiska in Somaliland iyo Soomaliya la mideeyo [...]" ...bogga 88-aad



Warbxintii hore ee ahayd Suldaan Cabdiraxmaan Ingiriiska ayaa u diidey inuu tago shirkii lagaga hadlayey Somaliweyn. Jaamac raadraac ma uu innasiin, laakiin warbxintan danbe ee khilaafsan warbixintiisii hore, waxa uu inoo sheegay in uu qoray Danjire Shariif Saalax. Labadaa war-bixinood ee uu inoo sheegay Jaamac Maxamed Qaalib, tee baa sax ah? ma tii hore, mise ta danbe. Dabcan tan danbe waxa xoojinaya IHN Cabdikariin Xuseen Cabdi-Waraabe, oo inoo sheegay in odayaashii reer Hargeysa iyo Suldaankii Habar Awal ay diideen inay kulankaas tagaan. Maxay ku diideen? Innagoo og in uu xubin ka ahaa 13 kii aasaasayaashii SYL IHN, Maxamed Cabdulle Xayeesi, oo beel ahaan ka soo jeeday Habar Awal/Sacad Muuse/ Jibriil Abokor, maxaa colleysiiyey Habar Awal iyo SYL? Ma hayno wax qoraal ama raadraac kale oo inoo iftiiminaya diidmadooda. Gaar ahaan ma hayno beesha diiddey, warbixin ay arrintaa ku sharxayaan, waase la raadin karaa. Laakiin, Jaamac buugaag ayuu rabay inuu saxo, waxaana buuggiisii ku qoran laba war oo is burinaya.

SYL miyey Diiddey Qorshihii Bevin (The Bevin Plan) ee ahaa Somaliweyn.?


Mar kale qoraalka ku saabsan raadintii Somaliweyn iyo sidii wax u dhaceen ayuu Jaamac innooga warramay. Arrinta qorshaha Bevin, oo ahaa wasiirkii arrimaha dibedda ee Ingiriiska, waxa uu ahaa qorshe lagu midaynayey dhammaan deegaannada Soomaalidu degto oo dhan. Isla markaana maamulka inta hore la hoos geyn lahaa Ingiriiska. Laga soo bilaabo 1946 ilaa 1950 oo la go'aansaday in lagu wareejiyo Soomaaliya, Qaramada Midoobay oo Talyaanigu wakiil uga ahaanayo. Waa sannado kooban, balse wixii dhacay loo baahan yahay in si mug leh iyo baadhitaan dhab ah lagu sameeyo. Haddaba Jaamac oo innooga warramaya qorshahaas ciddii diiddey waxa uu yidhi:

[...] Waxa la soo diray guddi ballaadhan oo soo samayn doontay baadhitaan. Xubnihii guddidaasi waxay Muqdisho yimaaddeen 06/01/1948. Waxay goonni goonni ula kulmeen wakiilladii ama madaxdii Xisbiyada oo dhan. Nasiib darro Xisbigii gobonimo doonka ahaa ee SYL waa diidey inuu taageero hindisihii Ingiriiska. SYL ma diidanayn midaynta Soomaalida waxayse diideen in ingiriis Soomaali oo dhan loo dhiibo oo uu maamulo [...]

Waxa uu halkan Jaamac ku caddaynayaa in SYL ay diiddey qor-shahaas, isaga oo  sababaynaya, oo sharraxaad ka bixinaya sidii hawshaasi ku dhammaatay. Waxa kale oo xusid mudan, oo buugga ku qoran xisbiyadii ku midoobay "La Confrenza" oo lahaa taageero dad Soomaaliyeed, ahaana kuwo doonayey in talyaanigu soo noqdo. Diidmada SYL ee qorshaha Bevin iyo xisbiyadii ku bahoobay "La Confrenza" waxay natiijadii noqotay in Ingirsiiku ka cadhoodo, oo uu kala qubo qorshihiisii, dabadeedna talyaanigii ku soo laabto Soomaaliya. Dhacdadan oo aan hore wax badan looga qorin, waa mid u baahan baadhitaan wanaagsan oo aan dhinac keliya warkeeda inoo soo gudbin, laakiin qaladaadkii dhacay la baadho dhan walba. Waxa waxoogaa ka qoray IHN, Muxamad Ibraahim Muxamad (Liiq-Liiqato) buuggiisa Taariikhda Soomaaliya. Si dhacdadan aan dhawrka jeer ka hadlay aad iila garato, waa markii la diley IHN, Xaawa Cismaan (Xaawa Taako).

SNL Goormaa la Aasaasay?


Sida uu inoogu soo gudbinayo Jaamac buuggiisa bogga 101-aad waxa uu iftiiminayaa sidii lagu aasaasay SNL. Waxa uu ka warramay warbixin la xidhiidha Xisbigii Xisbullah ee uu aasaasay Sayid-Axmed Sh Muuse oo uu awoow hooyo u ahaa aasaasihii Dariiqada Sheekh, Sayid-Adan Axmed Madar. Waxa uu yidhi Jaamac sidan:

"[...] Markii Salaaddii Casar la tukaday baa Xaaji Jaamac Maxamed oo loo yaqaannay "Miyateyn" shirkii su'aalay, maxaynu rabnaa? waxay dhawr qof isla mar ku jawaabeen, " Dee xornimo" Waxa xaajigii yidhi " Ma Ingiriis baynu kicinaynaa? Raggii badankiisii baa ku jawaabay, "Haa" Markaas buu yidhi, " Haddaba, inoo doona nin Habar Awal ah, oo "Xisbiga madax ka noqda". Mar keliya ayaa la wada yidhi, "kan yar oo aynu abtiga u nahay oo ingiriiska u cadhaysan". Kaasi wuxuu ahaa Maxamed Ibraahin Cigaal. Isla markii baa loo cid diray oo akhyaartii Habar Yoosnis ku yidhaahdeen, qabso Xisbiga waa ku taageeraynaaye. Biyo Shubkii akhyaartii Habar Yoonis in qof ingiriis u cadhaysan lagu aamini karay masiirkii ummadda Soomaaliyeed. Sidaas baa siyaasaddii Maxamed Ibraahin Cigaal ku hanaqaadday, taageero buuxda oo Habar Yoonis. Isla Shirweynihii ayaa loo doortay Maxamed Ibraahin Cigaal Xoghayihii guud, isaguna si xoog leh buu u shaqeeyey [...]" ...bogga 101-aad
Taariikhda uu Jaamac inoo soo gudbiyey in la aasaasay SNL waa Julay 1957kii, markii ugu horreysay waxaan ka maqlay isla isaga oo waraysi siiyey SAAB-TV. Sida buugaag hore ku qoran, oo faahfaahsan waa ay ka duwan tahay sida buuggan ku qoran. Waa muhiim in aan qalad iyo war aad maqashay uun lagu qorin qoraal boqollaal sannadood oollaya. Haddii sidaa uu Jaamac sheegay sax tahay, waxa habboonayd in uu inoo soo gudbiyo raadraacyo sida ciddii uu ka maqlay ama haddii uu qoraal ku arkay. Waayo, innama uu odhan anigaa goob joog ahaa. Xoghaya guud haddii loo doortay Maxamed I Cigaal, kumaa noqday guddoomiyihii? Inta qoraal ee aynu ku aragnay buugaag guddoomiyhii SNL Xaaji Cumar Askar waa ay badan tahay. Laakiin Jaamac buuggan taariikhda gelaya, maan arag meel uu ku xusay ama ku sheegay IHN, Xaaji Cumar Askar. Waxaynu u baahannahay in aynu ogaanno sida rasmiga ah ee lagu aasaasay SNL. Buugga Xuseen Cali Ducaale ee Raad-Raaca Taariikh Soomaaliyeed wuu xusay guddoomiyaha. Jaamac oo buuggaa akhriyey innama odhan guddoomiyahaasi waa beenabuur. Bal aan dhuganno Xuseen Cali Ducaale oo ka warramaya arrin dhacday wax yar ka hor xornimadii lixdankii, wuxuu yidhi:

[...] Maxamed I Cigaal, wuu dareemay culayska ay farriintaasi xanbaarsanayd, hase yeeshee sidii aan hore u soo sheegay wuxuu gacmaha uga xidhnaa, madaxdii awoodda badnayd ee ka talinaysay xisbigii SNL; kuwaas oo ay ka mid ahaayeen, Ismaaciil Naxar, Yuusuf Iimaan, Axmed Keyse, Axmed Ismaaciil Duqsi, Maxamed Cali Faarax, Ibraahin Cali Ducaale, Xaaji Shaqalle iyo Xaaji Cumar Askar oo ahaa guddoomiyaha Xisbigii SNL[5][...] 



Sida buugga Cawil ku qoran waxa SNL guddoomiye ka ahaa sannadihii ugu danbeeyey Xaaji Cumar Askar. Sida aan xasuusto buugaag dhawr ahna aan ku arkay, balse ay tahay in aan baadhitaan danbe sameeyo. Waayo, waa in aad haysaa caddayn marka aad wax saxayso, haddii kale ma habboona in aad qorto wax aan lahayn meel loo raaco. Sannadkii 1942kii ayuu Xibigii SNS xoghayihii guud ka noqday Maxamuud Jaamac Uurdoox.  Aasaaska iyo buddhiggana waxa ku wehelinayey, Yuusuf Xaaji Aadan Cilmi, Yuusuf Meygaag Samatar iyo xubno kale. IHN, Maxamuud Jaamac Uurdoox waxa uu halgankiisii dheeraa ku soo gebagaboobay Jeelka Hargeysa oo uu ku geeriyooday 1976kii. Xisbigaas SNS ayaa 1952kii Shirweyne ka dhacay magaalada Sheekh lagu aasaasay SNL. Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, goob joog ma uu ahayn, laakiin aabbihii Ibraahin Cigaal (Xaadhxaadhato) ayaa ka mid ahaa aasaasayaashii SNL. Xubnaha kale ee inta badan aynu qoraallada ku aragnay waxa ka mid ah Ismaaciil Naxar, Xaaji Xasan Geelle, Xaaji Shaqalle iyo xubno kale oo magacweyn ku lahaa SNL. Xisbiga la magacbaxay Xisbullah, waxa aasaaskiisa lahaa Sayid-Axmed Sh Muuse, oo xilligaa ka yimi Masar shirkii ugu horreeyeyna lagu qabtay Laan-Mullaaxo. Warbixintan Jaamac waxay ku aroortaa marka sannadka la eego, aasaaska Xisbullah, oo yimi xilli loo baahnaa, waayo SNL waa la daciifiyey, oo maamulkii Ingiriisku waxa uu ku guulaystey inuu reero u kala qaybiyo shacbiga reer Somaliland. 

Arrinka kale ee igu cusub waa qaabkii uu IHN Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ku soo galay saaxadda siyaasadda, gaar ahaan SNL. Bal markanna aan eegno, buugga Geeddi Nololeedkii Yuusuf X. Adam (2007) ee ay qortay Fawsiya Yusuf X. Adam, waxa ay bogag badan ku sharraxday halgankii Yusuf X. Adan, tan iyo kolkii la aasaasay SNS ilaa ay isu beddeshay SNL oo magacana ay bxiyeen xubnihii SNS (16-17) Ogost 1946kii. Aasaaska SNL waxa lagu qabtay magaalada Burco oo ay isugu yimaaddeen dhammaan beelaha dega Somaliland, ilaa deegaanka soomaalida ee Itoobiya oo berigaa ingiriisku ka talinayey. Tusaale ahaan waxa kulankaa ka qaybgalay Suldaan Biixi Foolay, oo deegaanka Ogaadeeniya ka yimi. Bilawgii SNL kolkaynu dhaafno, Maxamed Ibraahim Cigaal, sida buuggaa ku cad, waxa ku dhaliyey inuu soo galo xisbiga madaxna ka noqdo IHN Yuusuf Xaaji Adan, oo ula hadlay hoggaamiyihii laanta Berbera oo ahaa IHN, Cali Qawdhan, waxaana kursigiisii u banneeyey jagadii xubinnimo ee SNL Cali Qawdhan. Xilligaa Maxamed I Cigaal, waxa uu ka shaqaynayey ganacsigii aabbihii oo ganacsi ballaadhan lahaa xaruntiisuna ahayd Berbera. 

[…] Aniga, waad i ogtahay oo dawladdu iima oggola inan xisbiga madax ka noqdo, ragga kalena mallaha hanti u saamaxda inay hawlaha xisbiga u fara baxaan. Waxaan haddaba kaa codsanayaa inaad saaxadda siyaasadda soo gashid oo aad hawlaha xisbiga nala wadaagtid oo aad sharraxaadda ka qaybgasho. Maxamed I Cigaal wuu ka aqbalay talada iyo codsiga Yuusuf, waxaanuu weydiiyey hab u ku soo geli karo. Wuxuu ugu jawaabay aniga taas ii daa adiguna is diyaari […]”  [6]

Warbixinta buugga ay qortay Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan iyo warbixintan buugga Jaamac Maxamed Qaalib aad bay u kala duwan yihiin, baadhitaanku waa wax inoo furan. Labada warbixinood, haddii aad qiimayso, ta hore ee Jaamac innooma sheegin meel uu warbixintaa ka keenay, balse qoraalka buugga Fawsiya Yuusuf, waxa ay xiganaysaa aabbaheed IHN, Yuusuf Xaaji Aadan Cilmi Qabille.

Qoysnimadii Soomaalida ee  uu Jaamac Buugga innoogu bilaabay oo Beelo isu Bedeshay!


Qaybta uu Jaamac ku saxayey Buugga Cawil iyo IHN, Cabdillaahi Yuusuf, waxa uu dhawr jeer adeegsaday erayga waddaniyad iyo ka fogaanta kala qaybsanaanta bulshada Soomaaliyeed. Waxa uu meelo dhawr ah ku eedeeyey labadaa buug inay Xabashida fikirkooda xanbaarsanaayeen ama ay qabeen fikir taageero u ah Xabashida. Waxa kale oo uu sharraxaad fiican ka bixiyey qoysnimada Soomaalida, oo aan la odhan karin Soomaalidu waa qabaa'il, kala jaadjaad ah. Arrinkaas aad baan u taageeray, inkasta oo aanuu ku dheeraan, balse, aad mooddo inuu weerar ku ahaa Cawil iyo Cabdillaahi Yuusuf. Sababta oo ah, qoraalkiisa waxa meelo badan halbeeg u ah reer hebel iyo reer hebel, taasoo ka dhigaysa buugga mid u eg fadhi-kudirir. Bogaggan waxa uu ku taxayaa halgemayaal ka soo jeeda saddex beelood oo keliya.

[...] Habar Yoonis, 1. Xaaji Aadan Axmed Xasan (Af-Qallooc) 2. Maxamuud Axmed Cali, Yuusuf Xaaji Aadan 5. Maxamuud Jaamac Uurdoox 6. Ismaaciil Naxar [...] Habar Jeclo, 1. Xaaji Faarax Oomaar 2. Sheekh Bashiir 3 Michael Mariano 4. Muuse Xaaji Ismaaciil (Muuse Galaal ...[...] Habar Awal, Yuusuf Ismaaciil Samatar 2. Xaaji Jirde Xuseen Xasan 3. *Ahmed Xasan Ibraahin .... [...] bogogga 101-105-aad



FG: Waan soo gaagaabiyey ee tirada xubnaha saddexdaa Habrood, way ka badan yihiin liiska uu Jaamac inoogu sheegay buugga inay soo halgameen. 


Axmed Xasan Ibraahin[7], oo aan u aqaannay inuu ahaa guddoomiye ku xigeenkii NUF, balse sida ku qoran buugga "Kacaa-Kufkii Siyaasadda Soomaalida, ee uu qoray Cabdi Abokor Yuusuf, Maykal Maryano, ayaa ahaa xogahaye, halka uu Axmed Xasan Ibraahinna ka ahaa guddoomiyaha. Laakiin Jaamac waxa uu ku qoray inuu la aasaasay NUF, laakiin xil uu hayey muu sheegin. Beelihii kale waa uu ka cudurdaartay. Haddii laga tegi waayo Dhulbahante waxa uu ka xusay halyeygii Waxbarashada IHN, Maxamed Shire Gaab, Warsangelina IHN, Suldaan Maxamuud Cali Shire. Samaroon iyo Ciise liiska halgamaaga kuma jiraan. Kala qaybinta noocan ah ee isu tirsiga ah waxa ay buugga ku tahay dhaawac weyn. Waa la sheegi karaa beesha uu qofkaasi ka soo jeedo, oo raadraac ahaan ayaaba ay u tahay wax la raaci karo.  Tusaale, waxa uu Jaamac inoo sheegay in la dilay guddoomiyihii (DC) Burco, Gibb 1922 iyo Brigadier Given, guddoomiyihii (Civil Affairs Officer) ee Awaare 1953. Taariikhdaa muhiimka ah ee loo baahnaa in faahfaahin dheeraad ah laga helo. Waxa uu Jaamac ku gaabsaday in Habar Yoonis dishay oo ay gaalada dili jirtay.  Waxa isweydiin mudan, Dhulbahantena imisa gaal ayey dileen.? Waxaan xasuustay buugga Qaran iyo Qabiil (laba aan is qaban) ee uu qoray Rashiid Sh. Cabdillaahi (Gadhweyne). In yar oo kooban oo buuggaasi uu sharraxaad kaga bixinayo habdhaqanka Soomaalida waxa uu yidhi:

[...] Sheeko hiddoodda reeraha ee ku saabsan nin isbiday aad bay u badan yihiin. Qolo waliba sheekadeeda nafta ayey ku hafartaa oo way ku faantaa, wixii hebelkoodu uu dad ku falay, umana aragto gardarro iyo faldhagareed. Ha yeeshee, geesta kalena, ninkani ma laha shakhsiyad qof ahaaneed oo tiisa u xor noqda, waayo masuuliyaddii falkiisa ayaa laga korqaaday oo reer tolkii loo nisbeeyey. Falka haddii aan masuuliyadi raacin, xornimo kuma sal yeelan karo. Mar haddii aan loo raacaynin falkiisa (Waxa uu sameeyo) iyo waxa ka yimaadda, ka ma duwana dhaqdhaqaaqa xayawaanka. Neefka xoolaha ah ee daaqay beer nin leeyahay la ma weydiiyo khasaaraha uu geystay ee lahaagiisa ayaa loo raacaa. – Ninyahaw lo’daada beerta deriskaaga ka cesho—iyo hebelkiinna gardarroonaya ceshada. Labadaba waa la yidhaahdaa, waayo waxba kuma ka la duwana.[...]” bogga 65-aad.

Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, oo waaya-arag ah, waxa uu buuggiisu ka badbaadi waayey sidaa uu u sharxay buugga Qaran iyo Qabiil (laba aan is qaban). Waxa xiise leh, oo aynu wax badan ka faa'iidi lahayn, in aynu helno, ninkii dilay Gibb, sababtii u ku dilay iwm. Ceeb ma aha in la sheego beeshii uu ka soo jeeday, waxaase qarsoomay magaciisii iyo sababtii uu falkaa u sameeyey. Wax badan baa lumaya marka dhacdo taariikhi ah lagu ladho reernimo.

Qaabka Buugga iyo Hab-qoraalka


Hab-qoraalka guud ahaan waxbadan kama duwana habka Soomaalidu buugaagta u qorto, oo runtii u baahan in tayada buugaagta kor loo qaado. Waxaase igu cusub, hakadyo (,) meel ay ka yimaaddeen aanan garan, oo aan is idhi markii hore looma badheedhin ee waa kama!. Inkasta oo lifaaqa 1-aad ee buugga uu qoray nin la yidhaahdo Axmed Maxamed Sulaymaan (Shiraac), meelaha lagu soo gaabsanayo hakadka waxa ka mid ah (kal'oo, wax'ay, wax'uu). Waxaad qiyaastaa inta jeer ee ay qormi karate (Waxay). Xeerar aan qiyaasayo inuu dejiyey khabiirkaasi ayaa  hakadku (,) uu raacayaa. Buugaagta waxa habboon in aanay sida maqaallada u qornaan, oo waa in qoraalka bogga ku qoran aanuu kala go'in sabab la'aan.  Gaar ahaan in aanuu saddex qaybood ama afar u kala qaybsanaan. Jeldiga xagga hore sida loogu qoray magaca buugga iyo xagga danbeba ma qurux badna. Tusaale, magaca cinwaanka weyn iyo cinwaan yaruhu waa kala midab. Arrimaha farsamo, kollay Jaamac eed kuma laha laakiin shirkadda daabacday ayaa habaynta iska leh, inta badan. Waase laga yaabaa in iyagu daabaceen uun oo aanay mas'uul ka ahayn dhanka habaynta buugga. 

Qaybta ugu Muhiimsan Buugga


Sidaan dhawr jeer tilmaamay, buugga Jaamac waxa uu ku fiicnaa inuu inooga warramo oo keliya Sooyaalkiisii iyo wixii uu ka xasuusto. Si ay qoraal u gasho, gaar haan marka uu qorayo qofkii koowaad, kana warramayo dhacdo taariikhda gashay. Waa ay ka macaan  tahay, in qofkii labaad kaaga warramo. Qaybaha danbe ee buuggu waxa uu u badan yahay xusuus qorkaas. Waa laga dhex arki karaa, siyaasad ahaan shaqsiyaad uu qoraagu la dhacsanaa iyo kuwo uu la yaabbanaa labadaba. Xaaladdaas oo kale wax dhib ahi kuma jirto, oo waa xasuus qor qof u gaar ah. Isaga ayey u taallaa sida uu uga run sheegayo xasuustiisa, waana meelaha Jaamac buugga ku soo gudbiyey sida dagaallo beelo dhex maray, oo uu isagu ahaa qofkii ku guulaystay heshiisiintii beelahaas. Waa laga yaabaa in qof kalena si kale uga warramo, laakiin waxa muhiim ah sida uu qofkaasi xogta uu goob joogga u ahaa ku helayey. Qaybahaas uu kaga warramay xukunkii Askarta, Kooxihii ridey Xukunkii Askarta iyo Doorkii Jabbuuti ee Shirkii Carta, waa arrimo uu isagu goobjoog u ahaa. 

Buuggan Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jaamac Maxamed Qaalib (2020), waxa ku jira taariikho guud iyo kuwo xogogaalnimo oo u gaar ah Buuggan. Waxaan kula talin lahaa inta nasiibka u hesha inay akhriyaan buugga, ee doona inay faallo ka bixiyaan ama Gorfeeyaanba, ha ka tegina milgaha qoraalku leeyahay! Qoraaga buuggan, waxaan odhan lahaa oo ah Jenaraal Jaamac Maxamed Qaalib, buug aad ku ururisay waxaad u soo joogtay ayaa lagaa sugayaa.

Talo ku socota Qorayaasha Soomaalida ee Jecel in ay Taariikhda wax ka Qoraan


Taariikhda, in la qoraa waa muhiim, laakiin waxay u baahan tahay samir iyo dulqaad. Degdeg uma baahna. Buug xusuus qor ah ama waxaan u soo joogay ah, qof kastaa wuu qori karaa. Laakiin Taariikh ummadeed, baadhitaan dhinacyo badan baa ay u baahan tahay. Inaad hesho caddaymo, raadraacyo kuu noqda waa lagama maarmaan. Waa ay dhacdaa in aad qofkii goob joogga ahaa wax ka qorto, adigoo raadinaya dhawr qof oo kale oo isla arrinkaas aad ka waraysanayso. Nidaam caalami ah oo loo raaco raadraaca ama tixraaca ayaa jira, oo aad u baahan tahay inaad xeerarkaa barato. Islamarkaana aad barato sida aad buuggaaga ugu qorayso Raadraaca aad tilmaansanayso.


Qaybaha danbe ee buugga oo ay ka mid yihiin "Sirdoonyo Amni Qaran" iyo "Xukunka Askarta" waxay u badan yihiin xogogaalnimo. Sida cinwaanyaraha buugga ku qoran oo ah "Xogogaalnimo u badan" ayaa in badan oo buugga ah ka dhexmuuqata. Runtii wax badan oo dib loo eegi karo way ku jiraan buugga oo waxa aad mooddaa in saddex buug ay isku dhex jiraan 1. Xogogaalnimo 2. Xusuus Qor iyo 3. Taariikh guud oo ku saabsan Soomaalida. Waxa ugu muhiimsanaan lahaa labada qaybood ee kala ah 1. Xogogaalnimo iyo Xusuus Qor, waa marka la eegayo qof ahaan Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib iyo Sooyaalka dheer ee uu u soo joogay. Dhinaca siyaasadda iyo aragtida lagu kala taggan yahay, uma baahna in si caadifad ah ama wax iska caabbin ah loo qoro. Waxa ugu qurux badan taariikhda runta laga sheego, oo xataa haddaad qaldantay oo sooyaalku ku tusay in siyaasaddaadii ay qaldanayd ama aad dareentay in qaabab kale loo baahnaa marka aad sida dhabta ah uga warranto ayaa ugu qurux badan. Laakiin inta badan siyaasiyiinta Afrika, gaar ahaan Soomaalida lagama helo ee way la dhintaan.

Waxaan ku soo afmeerayaa qoraalkan, hadal qiimo badan oo uu Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil, ka yidhi maxaadaro uu kaga hadlayey taariikhda Suldaan Sulaymaan Al-Qaanuuni. Wuxuu ka soo sheekeeyey sida taariikhdiisa loogu ciyaaray iyadoo lagu soo bandhigay musalsal (Film). Ninkaas oo taariikh weyn ku lahaa dunida gaar ahaan Islaamka. Waxa uu sabab uga dhigay in marka taariikh la qorayo, loo kala qaado Taariikhu Saqiir (taariikh aan muhiim ahayn) iyo Taariikh al-kabiir (Taariikh muhiim ah oo weyn). Sidaa awgeed ayaa, marna taariikhdii aan muhiimka ahayn kor loo soo qaadaa oo la weyneeyaa, tii muhiimka ahaydna waa la yareeyaa oo hoos baa loo dhigaa. Marna tii muhiimka ahayd baa kor soo marta. Ilaahay ha daayee, Sheekh Mustafe, waxa uu tusaale u soo qaatay Soomaalida oo uu yidhi: 

"[...] Soomaalida qabiilkeeda dhegeyso ninku markuu qabiilkooda ka warramayo wuxuu soo qaataa, goob ay ku guulaysteen, nin weyn oo caqli badnaa, nin deeq badnaa, nin wax bixin jirey iyo nin gabyaa ah ayuu kuu sheegayaa. Reerka kale markuu ka warramayo, mid nacas ah oo beri ku jiray, maalin ay ceeboobeen, inta meelood ee liidata ayuu kuu sheegayaa, oo macnuhu yahay reerkoodana taariikhul kabiirka ayuu sheegayaa, reerka kalena taariikhul saqiirka, sidaa awgeed taariikhda ragga qoraa waa khatar, siday u bandhigaanna waa khatar! [...]".  

Ugu danbayn, anigoo raacaya tilmaamaha buugga Qaran iyo Qabiil, ee uu qoray filasoofiga caanka ah Rashiid Sh. Cabdillaahi (Gadhweyne) waxa ka mid ah, tilmaan uu ka bixinayo hab-dhaqanka qabiilka ee Soomaalida. Nin baa soo agmaray rag fadhiya geed hoostii. Ninkii ayaa hadal ku tuuray nimankii geedka hoos fadhiyey, halkii ay ka odhan lahaayeen, waar! ninka miyaa garanaysaan? ayey odhanayaan waar ninku waa qoloma? Waayo macno uma samaynayo ninkani hadalka uu ku yidhi, waxaase macne weyn u leh ninka qoladiisa. Qoraalkaygani haddii uu gaadho Jaamac Maxamed Qaalib, waxaan ka codsanayaa in aanuu odhan "Waar ninka qoraalkan qoray waa ayo?". Waddaninimadu kolkaasay inoo xoogaysanaysaa aynu qof kasta ku qiimayno hadalkiisa, qoraalkiisa iyo falkiisa oo qofkaas ku kooban.

Wa Billaahi Tawfiiq
Nabad iyo Caano
Sayid-Axmed Dhegey
Iswidhan, Abriil/2020

-------------------------------------------------------------

RAADRAAC


       - Muxamed Ibraahim Muxamed, (2000) Taariikhda Soomaaliya, (Dalkii Filka Weynaa ee Punt), Muqdisho
 Ambasador Xuseen Cali Ducaale ”Cawil” (2016)Raad-Raaca Taariikh Soomaaliyeed, Sagaljet Hargeysa
 Rashiid Sh. Cabdillaahi Gadhweyne (2018). Qaran iyo Qabiil Laba Aan Is Qaban. Hargeysa: Ponte Invisible (Redsea-online).
- Fawzia Yusuf X. Adam (2007) Geeddi Nololeedkii Yusuf X. Adam, Aftahan Publications, London  
- Cabdi Abokor Yuusuf, (2019) Kacaa-kufka siyaasadda Soomaalida (1950-2019)
- A. A. Goodir, (2017)  Weedhsan; Qaabkii Cigaal ku soo galay saaxadda siyaasadda
- dhegey.blogspot.com (2016) faallo-kooban-oo-ku-saabsan guddoomiyihii Xisbigii SNL
- Siciid Cali Giir (1996-1997) Afgenbigii Dhicisoobey, Jamhuuriya News, Hargeysa/Somaliland
Sh. Mustafe Xaaji Ismaaciil. https://www.youtube.com/watch?v=_h_jPZXBJVI
Cabdillaahi Yuusuf Axmed (2012) Halgan iyo Hagardaamo, Scansom, Scansom/Stockholm





[1]Siciid Cali Giir  (Dis 1996-97) Inqilaabkii Fashilmay 1961, Jamhuuriya, Hargeysa Somaliland
[2]  ." Jamac M Qaalib, (2020) Taariikhda Soomaalida, bogga 11.

[3]bogga (61-65) Xaaji Cabdi iyo Shirkii Muqdisho buugga Samatalis ee uu qoray Saciid M Gahayr, ee soo baxay 2013kii

[4]Jamac Maxamed Qaalib (2020) Taariikhda Soomaalida (Xogogaalnimo u badan)bogga 27-aad. 
[5]Ambassador Xuseen Cali Ducaale "Cawil" (2016 b.35) Raad-Raaca Taariikh Soomaaliyeed 

[6]FawziaYusuf X. Adan (2007) Geeddi Nololeedkii Yusuf X. Adam, bogga 121-aad

[7]Waxa aan ku garaadsay iyadoo la xasuusan yahay hees ay ku ololayn jireen taageerayaasha NUF oo ay odhan jireen: Maykal waa Kiristan, Axmed baa Muslinee raaca yaa waddanii. Oo ujeedadu ahayd haddaad Maykal ku diiddaan kiristaannimo, dee Axmed Ibraahin raaca. Axmed Ibraahim waa Siciid Axmed Ibraahim aabbihii. Siciid waa aasaasaha Jaamacadda Golis

Kommentarer

  1. Xarunta Dhegey (Baadhista, Ururinta, Kaydinta) Taariikhda Iyo Suugaanta: Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) Ee Uu Qoray Jaamac M. Qaalib >>>>> Download Now

    >>>>> Download Full

    Xarunta Dhegey (Baadhista, Ururinta, Kaydinta) Taariikhda Iyo Suugaanta: Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) Ee Uu Qoray Jaamac M. Qaalib >>>>> Download LINK

    >>>>> Download Now

    Xarunta Dhegey (Baadhista, Ururinta, Kaydinta) Taariikhda Iyo Suugaanta: Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) Ee Uu Qoray Jaamac M. Qaalib >>>>> Download Full

    >>>>> Download LINK

    SvaraRadera

Skicka en kommentar

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.