Fortsätt till huvudinnehåll

Inlägg

Visar inlägg från januari, 2015

Geeridu waa xaq: Ilaahay ha u naxariisto Maxamed Axmed Kuluc

Qofkastaaba geerida waa uu dhadhamin doonaa. Shalay oo taariikhdu ahayd 17-01-2015 ayuu marxuum Maxamed Axmed Kuluc ku geeriyooday cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa. Maxamed Axmed, fanka masraxiyadaha ka sokow! waxa uu baal taariikheed ku leeyahay fan-halgameedkii kontomaadkii, markii maamulkii Ingiriisku joogay (Somaliland protectorate). Sida uu isagu sheegay ee dad kale oo xogogaal u ahaana ugu markhaati fureen, waxa uu halgan suugaaneedkaa ku mutaystay xadhig. Heesaha dhegtu jeceshay ee dhanka halgankii gobonimo-doonka, waxa uu kaga jiray safka hore. Aan maallo hasheena Maandeeq ayaa ka mid ahayd, Waabaa beryey bilicsan arooryo baxsan. IHN Marxuumka. Dhammaan bahda qorayaasha Somaliland, waxa ay tacsi u dirayaan qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan dadka soomaaliyeed meel kastay joogaanba. In Ilaahay samir iyo Iimaan dhammaanteenba innaga siiyo aamiin. Marxuum Maxamed kama geeriyoon qoys iyo qaran keliya, ee waxa uu ka geeriyooday qoysas iyo Qarammo ----Tan iyo Jabbuut

Aragtidayda Gorfayntii Buugga Colaadihii Geeska ee Khaalid !!! W/Q: Cabdirashiid Cismaan Xasan

Kacaanka qoraalka ee hadda iba-furmay iyo maan furanka bulsheed ee akhriska iyo qoraalka u hamuun qabtaa, waa ifafaale togan oo inoo binniixin kara hayaanka timaaddadu inuu san yahay. Dadku intaa wuu korayaa, garaad ahaan iyo aqoon ahaan ba. Qofkuna marka uu buug qorayo waa in uu maanka ku hayaa in bulshada uu buuggiisa ugu talo galayo ka aqoon iyo garasho badnaan karaan. Dadka buugaagta akhristaana ka sokow macluumaadka ay ka helayaan, waxaa ka iman karta falcelin iyo gorfayn ay ku sameeyaan dhiganaha ay akhriyeen.

Fal-Celin: Gorfoyntii Buugga Colaadihii Geeska ee Khaalid. W/Q: Cali Cabdi Coomay

Marka hore Khaalid waan uga mahadnaqaya Gorfaynta uu ku sameeyay buuga. Markii uu Khaalid iga codsaday inuu gorfayn ku sameeyo Buugga Colaadihii Geeska, waxaan filaayay inuu aragti caafimaad qabta ku gorfayn doono, oo anigu si daacadnimo ah ayaan ugu oggolaaday, balse maan ogayn inuu ku gorfayn doono qaab ku dhisan, cuqdad, cay, aflagaaddo iyo calool xumo. Anigoo Khaalid ku hambalyaynaya Gorfayntan Buugga iyo in si nabad ah wax la isugu sheego. 

Gorfeynta Buugga “Colaadihii Geeska ee uu qorey Cali Cabdi Coomay” W/Q Khaalid Jaamac Qodax

Nasiib ayaan u helay inaan ka mid noqdo marti sharaf lagu xusey iney ka hadlaan habeenkii buugga lagu soo bandhigaayey guriga shaqaalaha ee magaalada Hargeysa. Habeenkaasi ereygii aan xafladda ka idhi ayaa ahaa “ In akhristayasha aan ka mid ahey ay buugga akhriyaan, kana faalloodaan, si ay qoraha waxtar ugu yeelato kolka uu  daabacaadda dambe samaynaayo ”. Waayo, waayo-aragnimadii aan u lahaa buugaag badan ayaa keentey in aan sidaa ugu duur xulo qoraha iyo ka soo qeyb galayaashiiba.

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u   wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha   cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay   ku beegnayd   xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta.