Fortsätt till huvudinnehåll

Gorfeynta Buugga “Colaadihii Geeska ee uu qorey Cali Cabdi Coomay” W/Q Khaalid Jaamac Qodax


Nasiib ayaan u helay inaan ka mid noqdo marti sharaf lagu xusey iney ka hadlaan habeenkii buugga lagu soo bandhigaayey guriga shaqaalaha ee magaalada Hargeysa. Habeenkaasi ereygii aan xafladda ka idhi ayaa ahaa “In akhristayasha aan ka mid ahey ay buugga akhriyaan, kana faalloodaan, si ay qoraha waxtar ugu yeelato kolka uu  daabacaadda dambe samaynaayo”. Waayo, waayo-aragnimadii aan u lahaa buugaag badan ayaa keentey in aan sidaa ugu duur xulo qoraha iyo ka soo qeyb galayaashiiba.




Madal kasta oo buug lagu soo bandhigo waxa ii caado ah inaan nuqul buuggaasi ah iibsado. Sidaasi awgeed baan habeenkaasi  u iibsaday buuggaa uu cinwaankiisu yahay “Colaadihii geeska. Dagaaladii Itoobiyaanka iyo Soomaalida”. Si dul ka xaadis ah, oo waliba boobsiis ah, ayaan waagaasi buugga u akhriyey. Amintaas, runtii, wax badani iigama binniixin, waayo sida aan u akhriyey ayaan fursad ii siin inaan kaga bogto macluumaadkii ku qornaa. Hayeeshee, maalin dhaweyd ayaa aniga oo warqad “Paper” Jaamacadeed ka qoraaya doorkii toolmoonaa ama tabnaa ee haweenka reer Somaliland ku laahaayeen dib u dhiskii iyo hurintii colaadihii ka qarxay gayigeenna labaatankii sannadood ee ugu dambeeyey “Last two decades”, ayaan u baahdey inaan dib u yar milicsado buugaagta arrimaha jaadkaas ah wax ka taataabatey. Buugaag badan oo aan eegey buu, haddaba, buuggani ka mid ahaa. Waxaanan u holladay inaan  wax ka idhaahdo, taasi oo aan filayo inay qoraha iyo akhristahaba raad ku yeelan doonto waxa aan soo bandhigi doonaaa.

Maahmaah Soomaaliyeed ayaa ahayd: “Hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa, gurigaaga hortiina ood weyn baa la dhigtaa”, sidaasi awgeed, ugu horreyn, aan ka afeef dhigto inaanu ulajeedkaygu ahayn wax ka sheegga doorka qoraanimo ee qoraha buugga, hayeeshee aan rabo inaan yar iftiimiyo aqoonta iyo waayo-aragnimada qoraal een buugga  kala kulmey, taasi oo u baahan saxid, tilmaan, hogo-tusaaleyn, iyo toosin togan oo waxtar leh.

Qoraha buugga, horreyso iyo dambeysaba, waxaan ugu hambalyeynayaa ku dhiirrashada iyo u badheedhidda wax ka qoridda taariikh intaas leeg. Waayo, waxa aan ogahay in sooyaalka wax ka sheeggiisu inaannu sahlaneyn. In badan ayaan hormood u ahaa dadka aaminsan inaan qoraaga buuggiisa koowaad iyo labaad la gorfeyn, maadama uu yahay socod barad. Walina aragtidaasi waan aaminsanahay. Si kastaba ha ahaatee qoraaga buuggan maaha kiisii koowaad ama labaad ee uu qoro, waana qoraa leh buugaag dhawr ah, arrintaasina waxa ay sii weyneysay ku dhaca inaan buuggan sidan u gorfeeyo.

Buuggu waxa uu ka kooban yahay 174 bog oo u kala qoqoban ilaa lix cutub, kuawaas oo dhammaantood ku saabsan “ colaadihii ka dhacey geeska Afrika muddo ku siman qarniyo badan kuwaas oo u dhaxeeyey Itoobiyaanka iyo Soomaalida”. Colaadahaas, runtii, saameyn weyn bay ku yeesheen bulsho weyntii deggeneyd deegaannadaasi. Waxana laga baran karaa, sida qoruhu sheegay, cibro weyn oo lagaga fogaan karo ama lagaga foojignaado kuwa yimaadda timaaddada Alle innooma keenee. Colaadahaas uu qoruhu buugga ku faalleynayaa waa kuwa inaga si gaara inoo taabanaaya, haddaan nahay ummadda Soomaaliyeed, oo aan goob joog u aheyn sidii ay u dhaceen, wixii sababey iyo sidii ay ku dhammaadeen intaba.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan marka hore si kooban u faaqidi qaabdhismeedka iyo tayada buugga,  aniga oo raacin doona sugnaanshaha macluumaadka uu buuggu gudbinayo sida ay aniga ila yihiin. Intaa kadib waxan tilmaan kooban ka bixin sida loo raadraaco buugaagta, taasi oon is leeyahay akhristayaasha ayey waxtar weyn u yeelan doontaa iney ogaadaan hababka kala duwan ee loo sameeyo tixraaca ama raadraaca.

Ugu horreyn qaabdhismeedka guud ee buuggu maaha ku indhahaaga soo jiidanaaya sababo badan oo jira awgood. Anigu waxa aan ka mid ahey dadka aadka u daneeya in qoraha Soomaaliyeed la tartamo, tayo ahaan, kuwa dhiggiisa ah. Bal, haddaba, ha ii dambeyso nuxurka iyo cabqarinimada buugaagta oo aan ku tartannee, waxaan ku tagsanahay ilaalinta  tayada,  quruxda buugaagta iyo qawaaniintooda iyo waxa laysku waafaqsan yahay in la dhawro, lana ilaaliyo.

Aan u soo noqdo buuggee,  jeldigiisa ayaad judhaba diideysaa, waayo waxa uu ka fogaadey qoruhu inuu xil adag iska saaro fulinta sharciyada u dejisan jeldiga buugaagta. Ma garan karo inuu midhaasi u yeelay u kas iyo iney ka ahayd mid hoos martay’e. Tusaale ahaan marka buugga la dhigaayo maktabadda buugaagta lagu akhristo si ayaa loo galiyaa khaanadaha buugaagta la dhigo. Waxa shardi ah in qoraha magaciisa  iyo buugga magaciisa lagu akri karo ubucda dhexe ee jeldiga buugga si looga garan karo buugaagta kale ama si fudud loo heli karo buugga. Qoraha buuggani waxa uu ubucda jeldiga ku qorey far waaweyn oo aad u fool xun oo ah “Colaadihii Geeska” oo dhammaan wada qabsatey ubucda jeldiga oo dhan.

Buugga xaggiisa dambe kuma arkin sumadda lagaga haybsooco ama lagu ogaado qabiilkiisa ee loo yaqaan “ISBN” iyo “Barcode”. jeldiga buugga xaggiisa dambe ayaa caadiyan, sida sharcigu yahay, lagu dhigaa. Inkasta oo qorahani kala siman yahay qorayaal badan oo aan arrintaasi xil adag iska saarin, haddana helidda “ISBN”ku waa arrin aad u fudud oo la heli karo mid bilaash aha iyo mid lacag ah-ba. Haddiise qoruhu midhaasi kuba baraarugsaneyn, waxa ay hoos u liidi kartaa tayada buugga marka loo eegaayo heer caalami. Haddii ay qorayaashu ogaan lahaayeen faa’iidada ay summaddani leedahay waxa hubaal ah inaaney buugaagtooda sidaa ku daayeen, ee ay u raadin lahaayeen summaddaasi.

Tusmada waa meesha ugu horreysa ee u sahasha akhristaha inuu si fudud ugala soo dhex bixi karo cinwaanka uu rabaa bogga uu ku yaal. Waxa haddaba ka muuqata in tusmada buugga si farshaxannimo xumi ku jirto gacanta loogu qorey. Arrintaasi oo keentay khaladaad xagga farsamada ah. Waayo, mar haddii aqoonta casriga ah aan lagu adeegsan arrintani waxa ay leedahay halisteeda oo ah haddii bog ka mid ah buuggu uu si kadis ah u dhaqaaqo,  waxa uu saameynayaa dhammaan bogagga buugga oo dhan. Tusaale ahaan, haddii aan tiro asto ku sheego khaladka farsamo ee arrintaasi keentey waxaad arkaysaa in boqolkiiba 66.23% ay tirada boqolleyda ah ee tusmada buuggu ay khaldan tahay, halka boqolkiiba 33.76% soo hadhey ee tusmada buuggu sax ka tahay. Si aaney arrintaasi mar kale ugu dhicin qoraha iyo dhammaan qorayaasha Soomaaliyeed waa iney foojignaan dheeraad ah siiyaan marka ay sameynayaan tusmooyinka buugaagta oo ay arrintaa aqoon u leeyihiin ama la raadsadaan cid aqoon u leh, haddiise ay si indho la’aan ah arrintaasi u galaan waxa ay keeni kartaa inay, sida qorahan, indhaha wax akhrinayaa u diididoonaan waxa aad qortey isaga oo heerkiisu sarreeeyo.

Weli qaab dhismeedkii buuggaan ku jirnaaye, bogga afaraad ee buugga ayaa farshaxan xumo aad u liidataa ka muuqataa. Waayo, waxa uu qoruhu boggan iskugu keeney dhawr arrimood oo aan is qaban. Qoraha buuggu waxa uu boggaa isugu keenay “Xuquuqda qoraaga buugga, afeeftii, iyo mahadnaqii buugga”. Midhaasi waxa ay buugga u keentey fool xumo tii ugu weynayd ee aan arko. Waxa habboonayd, kuna fiicnayd, in midkasta goonnidiisa bog u gaar ah lagu qoro. Waayo waxa ay kala sitaan mawduucyo kala duwan oo kala madax-banaan. Waxa aad isweydiineysaa weydiimo badan marka aad boggan aragto. Tolow qoraha ma bogagga ayaa ku yaraa? Muxuu damacsanaa markuu sidan  yeelayey, iwm?. Waxa jira siyaabo guud oo leyskugu raacsan yahay marka la qoraayo xuquuqda buugga cidda leh.  Waxa jira astaamo la adeegsado oo heer caalami ah, sida “Copyright” astaantiisa. Marka aad, haddaba, eegto qaabka loo qoray waxa aad mooddaa iney midhaasi qoraha buugga hoos martey.

Arrinta kale ee iyaduna layaabka lihi waa buugga oo aan habayaraatee lahayn hordhac, kaasi oo, sida aan ognahay, akhristaha u sahla inuu si kooban uga ogaado aragtida uu buuggu xambaarsanyahay. U kas iyo iney qoraha seegtey kala garan mayno, waxase muhiim ah in buugaagta noocan oo kale ahi ay yeeshaan hordhac. Waxa taa ka daran hawl qabadka qoraha iyo cutubka koowaad baa iyana meel la isugu geeyey. Waxaan malaheyga is idhi “malaha buugga boobsiis iyo iga gee ayaa lagu daabacey”.

Tayada daabacaadeed ee buugga ayaa iyana u baahan in wax laga yidhaa. Runtiina sida uu buuggu u daabacan yahay maaha mid heer sare ah. Waxaanan odhan karaa waa mid aad u liidata oo aan raandhiis lahayn. Tusaale ahaan muddo kooban buugga haddii aad haysto waxa hubaal ah inay si fudud xaashiyo ka mid ahi buugga u go’ayaan ama u daadanayaan, arrintaasi oo khatar weyn ku ah mustaqbalka jiritaan ee buugga. Arrintuna maaha cillad qoruhu leeyahay ee waa mid ka dhaxeysa buugaag badan oo sannooyinkan dambe la daabacay. Taladeydu waa in haddii aad u banbaxdey marba inaad buug soo saarto aad soo saarto buug tayadiisu aad u sareyso si mustaqbalka loogu aayo.

Higgaadda inaan la danaynin ceebteen maaha ee waa caadadeen. Qoraaga buugguna tubtii kuwii ka horreeyey ayuu qaaday oo ceebtaasi kamuu badbaadin. Waxaanse  ku talinayaa inuu qofku buugga wakhti geliyo oo uu degdeg-ku-daabaca iska daayo. Waayo midhaasi waxa ay dishaa tayada afka iyo higgaadda buugga. Haddii aad u fiirsato kalmado badan oo buugga ku jira ayey higgaad xumidu ku keentey iney xataa nuxurkii iyo tayadii ay weedhaha qaarkood gudbinaayeen wiiqmaan. Arrinta layaabka se leh ee buugga dhaliishiisa dibadda u soo saartey ayaa ah inaan astaamaha hadalka kala qala si wacan loo adeegsan. Tusaale ahaan (eeg bogga sideedaad ee buugga)  weedhahan ayaa sidan hoos ku xusan loo qoray:
Zaylac,Muqdisho,Baraawe,Barbara,Marka       iyo Cadil.waxay   ahaayeen

Si dhibkaa looga baxo, waxa ila qurux badan ama ila qumman inay qorayaashu intaanay hawsha qoraanimada u banbixin ay xilli badan u huraan barashada hab qoraalka fiican. Runtii, igama aha midhaasi inaan diidanahay qoraanimada qoraagan, waxayse Soomaalidu ku maahmaahdaa:  Nin durbaan tuntey ilaaq dalbeye, mar haddii uu buuggan horteenna keeney in faalladiisa loo banbaxaana waa mid inteeda leeg. Waxa jira shuruudo aanad dhaafi karin oo qoraalku leeyahay. Tusaale ahaan haddii joogsi ama calaamatul su’aal meel timaaddo, waxa shardi ah in fakaag “Space” la baxo, arrintaasi xataa waxa kuu sheegaaya koombiyuutarka in shardigaasi yahay mid aanad dhaafi karin, buugganse waxa aad kula kulmeysaa in dhacdooyinkaasi ay ku soo noqnoqonayaan bogag badan sida tusaalaha sare kaaga muuqata

Dhanka tixraaca haddii aan wax yar eegno, dhab ahaantii, tixraaca taariikheed ee u dhaxeysa 1321 ilaa 2007-ku waxay u baahan tahay in la helo sooyaal sugan oo laga raadraaci karo, hasayeeshee mar haddii qoruhu arrinkaasi u badheedhay waxa aan filaayey intii aanan guda gelin buugga in xogtaasi uu ka tixraacey sida xeerarka caalamku sheegayaan buugaag lagu kalsoonaan karo. Waxa haddaba xusid mudan in la kala ogaado bal inuu qoraagani tixgeliyey xeerarkaasi iyo in kale. Si aan akhristaha isula fahanno waxa aan ka hadlayo bal aan wax yar ka iftiimiyo xeerarkaasi iyo waxa ay yihiin.
Sida uu qabo qoraaga Lipson (2006), waxa jira saddex hab oo xigashada aragtiyaha saldhig u ah oo la raaco marka la samaynaayo. Waxa ay kala yihiin iyo sida loo kala isticmaalo ayuu qoraagaasi tusaalayaashan hoose inoogu sharaxayaa:
  • Chicago ( or Turabian), oo loo isticmaalo qoraallada xigashooyinka noocyo badan
  • Modern Language Association (MLA). Noocan oo caan ku ah qoraallada bini’aadamnimada la xidhiidha
  • American Psychological Association (APA). Noocan u dambeeya oo caan ah oo lagu isticmaalo qoraallo door ah oo ay ka mid yihiin qoraallada Sayniska, waxbarashada, farsamada, iyo aqoonta maamulka iyo maareyntaba

Saddexdan hab, waxa ay isku raacsan yihiin ama ka siman yahiin in la xuso waxqabadkii ay qabteen qorayaashii hore, loona dhiirigeliyo dedaalkoodii loogana fogaado xatooyo qoraal aanad lahayd. Waxa kale oo ay saddexdan hab ama nooc sheegayaan in qoraalka aad xiganeyso aad ku dhex xusto magaca qoraha, bogga iyo taariikhda la soo saaray waxa aad xiganeyso. Waxa kale oo ay ka siman yihiin inaanad buug ama qoraal kale iska soo qaadan karin, haddii aad soo qaadatana aad sheegto, qalwo iskaga xidho, xusto meesha iyo madashaba laga soo saaray (Lipson, 2006.p,73).

Buuggan “Colaadihii geeska. Dagaaladii Itoobiyaanka iyo Soomaalida”, ma tixgalin sharcigaasi. Waana meesha ugu weyn ee ay dhex fadhido ceebta buuggu. Tusaale ahaan haddii aad eegto cutubka  koowaad ilaa ka lixaad ee buugga,  ma jiro bog qudha oo lagu xusayo magacyada qorayaashii xogtan laga soo xigtay. Waxa keliya ee uu buuggu bogga ugu dambeysa ku sheegay buugaagtii uu tixraacey arrintaasi oo ka fog aqoonta iyo sugnaanshaha qoraalka. Waxa haddaba isweydiin leh, ma u furneyd qoraaga wadooyin kale oo uu isticmaali lahaa? Warcelintu waa haa, waxa uu isticmaali kari lahaa faallo hoosaad (Footnote) ama faallo dambeed (Endnote), taasi oo si fudud u sharxi lahayd xigashooyinka iyo tixraaca sugan ee uu sameyey. Haddii aan idhaahdo waa gefka u weyn ama ceebta ugu weyn ee buuggu leeyahay, malaha ceebi iga raaci mayso. Haddii aan damco inaan xigto sooyaalka uu buuggu soo bandhigey, maxaan sameeyaa, ma waxaan idhaahdaa Cali Cabdi Coomey ayaa sheegey sidaasi? Mise siin karraa isaga  waxqabadka sooyaal ee u dhaxeysa 1321 ilaa 2007-da oo dhan?

Bogga shanaad ilaa bogga 173aad qoraallada ku qoran, akhriste, ma kalasheegi kartid inay maanka qoraha ka soo maaxeen iyo inuu dad kale ka xigtay. Tusaale ahaan bal eeg qoraalkan aan buugga boggiisa 17aad ka soo dheegey “Sannadkii 1506M, Boortaqiisku wuxuu duqeeyey magaalooyinka Soomaaliyeed ee Baraawe, Muqdisho, Kolkuu Boortiqiisku isku dayey in uu ciidankiisa magaalada Baraawe ku dejiyo wax a ka hor yimid ciidan hubeysan oo gaadhay 6000 Soomaali ah, dagaal kulul ayaa laysku herdiyey, waxaa boortaqiiska goobtasi looga diley 800 askari………..”

Haddii aad eegto tusaalahan sare, waxa aan kuu caddeyn meesha iyo cidda warkan inoo soo tebineysaa cidda ay tahay. Ma qoraha ayaa maankiisa inooga sheegaaya iney sidan wax u dhaceen? Ma cid kale ayaa ku tidhi? Ma meel kale ayuu ka soo xiganayaa? bal adba weydii xerta yuuseysa ee buuggan akhridey? Haddii qoraha buuggani uu inoo sheegi lahaa xigashada qoraal ee uu ka keeney dhacdadan, waxa inoo sahlanaan lahayd inaan qoraha la eegno sugnaanshaheeda tixraac ahaaneed. Waxaanse ilaa hadda ku dawakhsanahay cidda warkan inoo soo tebisey cidda ay tahay. Haddii tusaalahaa loo dhigi lahaa sida soo socota arrinku sidaa wuu ka duwanaan lahaa.

“Sannadkii 1506M, Boortaqiisku wuxuu duqeeyey magaalooyinka Soomaaliyeed ee Baraawe, Muqdisho, Kolkuu Boortiqiisku isku dayey in uu ciidankiisa magaalada Baraawe ku dejiyo wax aka hor yimid ciidan hubeysan oo gaadhay 6000 Soomaali ah, dagaal kulul ayaa laysku herdiyey, waxaa boortaqiiska goobtasi looga diley 800 askari (xxxxx 1967. P26) 

Bal u fiirso qalwada aan ku darey qoraalkan dambe ee aan waliba madoobeeyey. Saw sax maaha in cidda markaas inoo soo tebisey aan ogaaney, inaga oo walibana iska ilaaliney in aan meel ka dhac ku sameyno qoraalkii iyo ciddii warkaas inoo qorteyba. U fiirso qoraha magaciisa, wakhtiga uu qorey, iyo bogga laga xigtey buugiisaba saw wax cad oo aan is qarineynin maaha? Hadal badan…………… Waxa ay xaqiiqadu tahay in dhammaan bogagga buuggani ay sidaa uga wada aradan yihiin xigashada sugnaanshaheeda. Waxaanan kula talinayaa dhammaan cidda u banbaxda iney sooyaal dhigan wax ka qorto iney sida ugu saxsan u xigato una tixraacdo, haddiise sida qoraha buuggan oo kale la yeelo waxa ay meel ka dhac weyn ku tahay qoraalkeenna iyo dhaxalka ay inaga dhaxlayaan ubadkeennu.

Bogga u dambeeye ee buuggan “Colaadihii geeska. Dagaaladii Itoobiyaanka iyo Soomaalida ”, waxa uu qoraagu u bixiyey “Raad-raac”. Markii aan arkey aad ayaan ula yaabey sida tayada xun ee qoruhu u qaabeeyey buugaagta iyo xigashooyinka kale ee uu xigtey sida uu u qorey, waayo ma difaaci karo anigu, qoraha buuggani ceebta uu lugaha kula jiro ee waayo-araganimo la’aaneed. Tusaale ahaan buugaagta uu xigtey sidan ayuu mid ka mid ah u qorey

10. Diiwaanka Sayid Maxamed………………………………. Aw Jaamac Cumar Ciise

Waxaan isweydiiyey buugga uu xiganaayaa waa kee? Ma kii soo baxay 1976 ee ay daabacdey Wakaaladii Madbacadda Qaranka Soomaaliyeed-Xamar. Misa kii 1999 lagu daabacey Nayroobi. Misa 2005-kii kii lagu daabacey Jabbuuti. Haddii sida saxda ah ee loo qoro Raad-raaca uu qoraha buuggani u qori lahaa kumaan margadeen buugga uu xiganayaa ka uu yahay. Tusaale ahaan waxa shardi ah in magaca buugga, magaca qoraha buugga, cidda buugga daabacdey, sannadka la daabacey meesha lagu daabcey ay dhammaan ka muuqdaan raadraaca dambe ee u dambeeya. Haddii tusaalahaasi aan dusha ku xusey aan anigu qori lahaa waxaan u dhigi lahaa sidan.

10. Diiwaanka Sayid Maxamed Cabdalle Xasan……… Aw Jaamac Cumar Ciise. 1974-Wakaalada madbacada qaranka-Muqdisho, Soomaliya

Haddii aad eegto dhammaan Raad-raacyada kale ee buugga ku qorani waa kuwa ka aradan sharcigan aan hadda sheegaayo, waxana fiicnaan lahayd in qoraha buuggu uu arrintaasi xil adag iska saaro si aaney u khalkhal gelin akhristaha buugga la xiganayaa ka uu yahay

Guntii iyo gunaanadkii aniga oo si furan u faaqidey buugga “Colaadihii geeska. Dagaaladii Itoobiyaanka iyo Soomaalida ee uu qorey Cali Cabi Coomay”, waxa aan fili in talooyinka iyo tilmaamaha aan sheegey ay waxtar weyn u noqon doonaan qoraha iyo akhristayaasha. Waxaanan sheegay intaan loo banbixin wax qoridda inay ka horreeyo jid dheer oo ay tahay in loo maro qoridda qoraal tayo iyo tiraba wacan. Waxaana habboon in qoraa kastaa ogaado in halxidhaalaha hor yaal noloshiisu yahay in uu bulshada hor keeno buug tayo iyo aqoon ahaanba sarreeya, haddiise labadaasi uu xil adag iska saari waayo qoruhu waxa ay gayeysiineysaa dhibaato weyn oo galaafan karta kalsoonida lagu qabo wax kasta oo uu qoro iyo inaanu la jaanqaadin adduunkan aynu ku nool nahay ee hadda casriga noqdey. Akhriste kasta waxa aan ku dhiirigalinayaa, inuu buuggan iibsado, akhriyo, si uu fahan guud iyo mid gaaraba ugu yeesho sooyaalkaasi dheer ee qoraha buuggani inoo soo gudbinaayo. Waan qirayaa, inaad aqoon iyo waayo-aragnimo weyn ka dhaxli doonto buuggan inta aad martida u tahay.

Si kooban, qoraha buugga waan dhiirigalinayaa, waanan ku hambalyeynayaa in badan inuu ummaddiisa taariikhda intaasi leeg uu soo hordhigo, isaga oo da’ ahaan aan u soo joogin dhacdooyinkaasi, haddana inuu ka badheedho waa mid uu ku amaanan yahay in badan. Waxa aan rajeynayaa in qoraalkeygani hiil ugu noqon doono buuggan daabacaaddiisa dambe in la saxo iyo buugaagta kale ee uu soo wado qoruhu. Waxaanan filayaa iney talooyinkeygu  wax ku biirin doonaan si aannu mar kale u gelin khaladadka farsamo ee buuggan ku jira oo kale

Allah Mahad Leh

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.