Fortsätt till huvudinnehåll

Fal-Celin: Gorfoyntii Buugga Colaadihii Geeska ee Khaalid. W/Q: Cali Cabdi Coomay

Marka hore Khaalid waan uga mahadnaqaya Gorfaynta uu ku sameeyay buuga. Markii uu Khaalid iga codsaday inuu gorfayn ku sameeyo Buugga Colaadihii Geeska, waxaan filaayay inuu aragti caafimaad qabta ku gorfayn doono, oo anigu si daacadnimo ah ayaan ugu oggolaaday, balse maan ogayn inuu ku gorfayn doono qaab ku dhisan, cuqdad, cay, aflagaaddo iyo calool xumo. Anigoo Khaalid ku hambalyaynaya Gorfayntan Buugga iyo in si nabad ah wax la isugu sheego. 




Sida ka muuqata qoraalka maaha keligii balse waxa la diyaariyay xubno ay saaxiibbo yihiin oo ku raacsan Af-xumada iyo cuqdadda. Bal haddaba yaanan taraarin ee aan wax yar ka idhaahdo qoraalkan xambaarsan cayda qaawan. Marka buug la gorfaynayo waxa ugu mihiimsan in si qoto dheer cutub kasta loo soo qaato, balse aan si bood bood ahayn wax loo gorfayn.

Gorfaynta waxa waajib ku inay u qaybsanto laba arrimood:

• In la soo bandhigo wixii faa’iido iyo waxtar leh ee buugga ku jira, iyadoo cutub kasta la magacaabayo wixii faa’iido ku jirta. Qoraagana lagu ammaanayo meelaha uu asiibay.
• In la soo bandhigo wixii khaladaad ah, oo la kala saarsaaro, mid kasta hoosta laga xariiqo wixii khalad ku jira, iyadoo loo soo bandhigayo qaab anshax iyo edeb ku jirto ee qoraallada waafaqsan. Kana reebban cay, aflagaado iyo shakhsi wax ka sheeg. 

Balse Khaalid qoraalkiisa waxa ka muuqata inaanu wakhti ku filan siinnin, akhriska Buugga, waayo, haddii uu saaxiibkay buugga si fiican u wada akhriyay oo uu ka dhargay nuxurka uu xambaarsan yahay, wuxuu mid, mid u falanqayn lahaa lixda cutub ee buugga, mid walbana sheegi lahaa waxa taariikh ahaan uu ku fiican yahay iyo waxa khalad ah ee ku jira. Laakiin qoraalkiisa waxa uu u badan yahay inta badanna ku gaaf wareegayay khaladaadka hdanka farsamada, oo aan sinaba loogu aanayn Karin masuuliyada qoraaga buug kasta oo dalka yaalla. Dhanka kale Khaalid waxa aad mooddaa inuu iska indha tiriyo in dalkeennu hadda uun ay ka bilaabmeen qoraallada noocan oo kale ah, in wax sax wada ah la wada helaana ay wakhti qaadanayso.


Khaalid qoraalkiisa waxa ka buuxa aflagaaddo, cay iyo shakhsi weerar ka baxsan dhaqanka iyo anshaxa qoraalka ee lagu dhaqmo guud ahaan gorfaynta.

Hadallada Aflagaaddada Qaawan ee Qoraalka ku jira

Dhammaan hadalladan soo socda waxay ku jiraan qoraalka Khaalid ee uu Gorfayn ku sheegay, balse ku suntan af-xumo iyo cay caddaan ah:

Far waaweyn oo fool xun, qoraalka ka arradan, fool xumadii ugu weynayd ee la arko, qoraa ka arradan qoraalka, ceebtii maaha ee waa caadadii, wuxuu meel kaga dhacay xeerka qoraalka, shay ka fog aqoonta iyo qoraalka, Jeldiga sida tayada xun loo dhigay, ceebtu dhexfadhido, waan kula yaabay, ceebo ayuu lugaha kula jiraa, waayo-aragnimo la’aan ayaa haysa, cali ayaa waxaasi iska sheegtay. 

Waa hadallo ka soo baxay calool ay dhaamisay cuqdadi, oo qof caadi ahi soo bandhigin. Sowka qoraaga sheeganaya maxaa ka qaaday edebtii iyo dhaqankii fiicnaa ee uu lahaa qoraagu?, halkuu aniga igaga waayo-aragnimo batay?, halkuu xeerarka qoraalka ku bartay?, sowkan soo saaray amma qoray hal buug oo sheeko khiyaali ahi ku qoran tahay?, sowkan aan weligii qorin maqaal taariikh ku saabsan?, iska daa inuu buug taariikh ah qoro ‘e?, ma aniga oo afar buug qoray ayuu wax ii sheegayaa? Ma aniga oo qoray 400 oo maqaal ayuu qoraal iiga sheekaynayaa? Faanna ha iga haatee, waan ula kala baxayaa.


Tix-Raacyada

Waxa ka muuqata qoraalka Khaalid inuu baalmaray nooc ka mid ah tix-raacyada oo ah in lagu qoro Tix-Raacyada bogga dambe ee Buugga, sida uu qoraayo Buugga caanka ah ee “References and their Handles (1999)” ee uu qoray Rebert A. Mark. Noocan aad leedahay waa caan oo waa la isticmaalaa “ Footnotes” waa la adeegsan karaa, laakiin kanna ku darso xisaabta. Nooca tix-Raaca ah ee aad jeceshahay dadka ha ku khasbin.

Talada aan Qaatay

• Buuggu malaha ISBN amma sumad lambar haa waa run, oo waan aqbalay, daabacaadda dambe Ayaan ugu talogalay.
• Hordhaca oo aanan soo bandhigin waan il-duufay, waan aqbalay.

Khaalid iyo xirfadda qoraalkiisa

Wuxuu qoray Hal Buug oo la yidhaa” Diihaal Reeb” oo ku saabsan sheeko mala-awaal ah oo ka hadlaysa Darbi-jiifka iyo Buug uu qoray Abwaan Axmed Aw-Geedi oo uu tifaftiray. Mar jiraan maqaallo iyo qoraallo kale oo uu qoray oo la sheegi karo. Markaad u fiirsato hab-dhaqankiisa waa shakhsi ku caan baxay kibir iyo af-taagnimo madhan oo aan meelna haysan. Isaga iyo saaxiibbadii ka agdhow, waxay ka siman yihiin xaasidnimo iyo cay ay ku hayaan dadka wax qora ee hadh iyo habeen maqaallada iyo buugta soo bandhiga, waxay isu haystaan inay keligood wax qoraan, keligood wax akhriyaan, keligood wax naqdin karaan, keligood wax gorfeeyaan, keligood qoraal ka hadli karaan. Keligood…….keligood….. waxay isu haystaan inay yihiin kuwa ugu aqoonta badan qoraalka iyo qoraannimada. 

Balse waxay mooggan yihiin inay yihiin shakhisiyaad liita, hal, hal buug oo ay qoreen la sakhraamay. Waxay cuqdad rabbaani ah ka qabaan dadka qoraallada badan soo qora kuna soo bandhiga “Website-yada” iyo jaraa’iddada Hargaysa ka soo baxa, markay waxba qori kari waayeen, waayo waxaynu iska garan karnaa in qof ku magacaaban amma sita magaca qorayaasha Somaliland, haddana aan ka dhex muuqan bahda qoraalka iyo meelaha lagu soo bandhigayo qoraallada, ay cadaadis ku haynaso dadka wax qoraya. Waxa keliya ee uu ka adagyahayna waa magac uu tunka ku sito ee uu xafladaha kaga qaybgalo, taasina aynu ku macnayn karno shaadh madhan oo waxba aanay ka hoosayn. Waa tii hore loo yidhi” Baqali ma dhasho, wax dhalana ma doonto”.


Cali Cabdi Coomay
Suxufi, Qoraa ah.
Haragaysa, Somaliland
calicoomay@hotmail.com

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.