Fortsätt till huvudinnehåll

Inlägg

Visar inlägg från april, 2016

Maalin u gaar ah suugaanta soomaalida ee Carruurta iyo Skärholmen 30-04-2016, Sabtida

Waa maalin kale iyo suugaanta soomaalida gaar ahaan buugaagta carruurta iyo farshaxanka oo loogu talo galay carruurta xaafadda Skärholmen. Laakiin waa madal u furan dhammaan bulshada oo dhan meel kastaba ha ka deggenaadeen Stockholm iyo agagaarkeeda. Waxa maalintaa nagala soo qaybgeli doonna farxadda iyo debbaaldeggaas carruurta labada qoraa ee kor ku xusan, oo abaabulkeeda uu lahaa ururka Somali Nordic Culture oo kala ah Abyan iyo Muuse.

Bandhigga buugaagta Indhadeeq ku aaway? iyo Isleeg isaseeggan ee uu qoray Ismaaciil A. Ubax

Maanta oo taariikhdu tahay 15/04/2016 ahna maalin jimce ah, waxa lagu qaban doonaa xaafadda Kista ee magaalada Stockholm kulan aad u ballaadhan oo lagu daahfuri doono, buugaag cusub oo uu qoray qoraa Ismaaciil A. Ubax. Waa hubaal in loo baahanyahay in la qoro buugaag fara badan si akhriska iyo qoraalkuba isu barbar socdaan. Goobta waxa iyaguna eray daahfurka ku habboon odhan doona, Yuusuf Xasan oo ah macallin qoraa, lehna shirkadda daabacaadda ee OMHASAN, waxa kaloo isaguna halkaa eray ka odhan doonna Maxamed Xirsi Guuleed, oo ku hadli doona magaca Ururka Qoraaga Somaliland. //Sayid-Axmed M Yuusuf Stockholm                            

Bandhigga buugga "Go'aan iyo Geesinnimo" Sooyaalkii Sh. Ibraahin Sh Yuusuf Sh. Madar W/Q, Cali Cabdi Coomay

Buuggan oo dhawaan soo baxay waxa lagu gardaadin doonaa magaalada Hargeysa, gaar ahaan madasha caanka ah ee hudheelka Maansoor. Waa maalinta jimcaha, ee habeenimmada sabtidu soo gelayso. goobta waxa ku sugan qoraagga buugga, oo aad fursad u heli doonto in aad wax ka weydiiso buugga la magacbaxay Go'aan iyo Geesinnimo.