Fortsätt till huvudinnehåll

Maalin u gaar ah suugaanta soomaalida ee Carruurta iyo Skärholmen 30-04-2016, Sabtida

Waa maalin kale iyo suugaanta soomaalida gaar ahaan buugaagta carruurta iyo farshaxanka oo loogu talo galay carruurta xaafadda Skärholmen. Laakiin waa madal u furan dhammaan bulshada oo dhan meel kastaba ha ka deggenaadeen Stockholm iyo agagaarkeeda.

Waxa maalintaa nagala soo qaybgeli doonna farxadda iyo debbaaldeggaas carruurta labada qoraa ee kor ku xusan, oo abaabulkeeda uu lahaa ururka Somali Nordic Culture oo kala ah Abyan iyo Muuse.



Waxa noo farxad ah haddaanu nahay ururka waalidiinta soomaalida ee xaafadda Skärholmen in ay marti noo yihiin ururka waalidiinta ee UPPSALA oo jeclaystay in ay maalintaa la kulmaan ururka waalidiinta soomaalida ee Skärholmen oo noqday urur muddadii yarayd ee uu jiray qabtay wax badan oo loo baahnaa.


Ugu danbayn, anigoo ku hadlaya magaca Ururka Waalidiinta Soomaalida ee Skärholmen, oo ku magac gaaban SFFS in wakhtiga la dhawro. Waxaanu u mahadcelinaynaa Muuse Dalmar oo hawshan la'aantii aanay qabsoonteen.


Dhammaan guddida ururka waalidiintu waxa ay idinku soo dhoweynayaa gacmo furan iyo farxad.


Uurka Waalidiinta Soomaalida ee Skärholmen
Somaliska Föräldrar Forum I Skärholmen (SFFS)
28-04-2016 khamiis


Sayid-Axmed

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u   wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha   cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay   ku beegnayd   xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta. 

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto. 

Maxamed Xaashi Dhamac "Gaarriye" ----- "Dhaxalkuu ka tegey, Waa inoo dhigaal" Q-1aad

Geesibaa Dalkeennii ka go'ay, Gaadhka hayn jirey dheh Gal noo irmaanaan jiraa Gudhay Digaalow dheh Madi Geyiga wada Deeqi jirtuu Geeljirii tebey dheh Gobkii midhaha laga goosan jirey Gaarriyaa baxaye. Halyey lagu goblamay baa Dhintaye, Calamadaw gaabsha. ....................Faarax Murtiile/London/ Uk 2012