Fortsätt till huvudinnehåll

Inlägg

Visar inlägg från april, 2018

Boobe Yuusuf Ducaale: Codkar Dhiirran iyo Qalin Irmaan W/Q, Sayid-Axmed Dhegey

Qofku inta uu noolyahay waxa habboon inuu ogaado kaalinta uu bulshada kaga jiro. Dabcan ma jiro qof odhan kara hebel waa uu wada saxanyahay. Maya, qof kastaa wax uu ku qaldanyahay baa jiri karta. Sidaa awgeed marka aad ka hadlayso qof waxqabadkiisa macnaheedu maaha inuu qofkaasi wax kasta ku qumman yahay. Intaasi waa uun iga afeef aan buddhig uga dhigayo qormadaydan kooban ee aan ku suntaday "Codkar dhiirran iyo Qalin Irmaan" oo aan tilmaan kooban kaga bixin doono Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale oo ku magac dheer BOOBE.

17 lagu dilay Berbera - Taxanaha 89 iyo 90 - Qaybta Saddex iyo Tobnaad W/Q, Yuusuf Garaad

Goor fiidkii ah ayaan cashada ka dib waxaan aaday guryaha ICRC u kireysan ee Berbera midkood. Waxaan ku ballansan in aan halkaa isku wareysanno laba dhakhtar oo Soomaali ah oo magaca Bisha Cas ku jooga Isbitaalka Berbera iyo Farsamayaqaan Raajada Isbitaalka mas’uul ka ah. Saddexduba Muqdisho ayay ka yimaadeen. Sheeko ka dib waxaan wada cayaarnay kubbadda cagta ee miis dushiis gacanta lagu cayaaro.

Faallo: Buugga Amiina Al Mufti W/Q, Saddaam Xuseen Carab

Siddeed saacadood oo laba habeen oo isku xiga ka mid ahaa baan akhriyey buugga AmiinaAl Mufti ee uu qoray Fariid Falluuja, Afsoomaalina uu u rogay Kamaal A. Cali. Waa sheeko xiiso iyo amakaag wadata. Waa basaasadda carbeed ee Amiina Al Mufti ee u adeegaysay Mossad. Waa sheekada xidhiidhsan Urudun, Usteri, Israel, Lubnaan iyo Qubrus. Waa sheeko u eg masrixiyad ama filin la jilay oo malo-awaal ah. Amiina Al Mufti: Basaasaddii carbeed ee MOSSAD ugu caansanayd, weeyaan magaca dhammeyska ah ee buuggu. In kasta oo badida buuggu yahay turjumidda buugga Fariid Falluuja, haddana bilowga waxa uu turjumaha sheekadu; Kamaal innoo sheegayaa in uu ku kabay xogo kale oo sheekada cido kale ka sheegeen. Sidaas awgeed aanu si buuxda u ahayn buuggii oo eray walba la soo tebiyey.

Halgankii SNM muxuu ku guulaystay muxuuse ku guuldarraystay? W/Q, Sayid-Axmed Dhegey

Mar haddaad maqasho halgan waxa aad dareemaysaa in nolol jirta xumaanteeda laga guurayo, in ay jirto wax iska caabbin. mar noloshaada ayaad u halgantaa oo adiga kuu goonni ah, marna bulsho aad ku dhexnooshahay ayaad la wadaagtaa dareenka nolosha guud, oo aad kala halgami kartaa xumaanta ay ka guurayaan iyo wanaagga ay u socdaan.  Inta badan halganku wejiga uu ku bilaabmo, wuu ka geddismaa marka uu guulaysto. Waxaana soo baxa baahiyo kale, sidaa awgeed nolosha dunida ayaa sidaas ah oo aan dhammaystirnayn. Arartaa kooban haddaan dhaafo, waxa aan qoraalkan wax yar innaga xasuusin doonaa Ururkii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed, oo marka afka ingiriiska loo rogo noqonaya Somali National Movement oo lagu soo gaabsado SNM. Waxaana lagaga dhawaaqay magaalada London ee carriga Ingiriiska 06 April 1981. 

Xarig & Xabaal-Wadareed - Taxanaha 89 - 90 - Qaybta Labaad W/Q, Yuusuf Garaad

I n afar boqol oo ruux isla maalin gudaheed lagu dilay Muqdisho waxay ahayd murugo inteeda la'eg. Laakiin intii aan joognay Faransiiska dhibka Soomaaliya ka dhacay kuma koobnayn 400 oo ruux oo maalin keliya lagu dilay Muqdisho.  Ma ahayn oo keliya in isla maalintaas xabsiga loo taxaabay dad aad u fara badan.  Dilka iyo xariggu intaas kuma istaagin.