Fortsätt till huvudinnehåll

17 lagu dilay Berbera - Taxanaha 89 iyo 90 - Qaybta Saddex iyo Tobnaad W/Q, Yuusuf Garaad

Goor fiidkii ah ayaan cashada ka dib waxaan aaday guryaha ICRC u kireysan ee Berbera midkood.

Waxaan ku ballansan in aan halkaa isku wareysanno laba dhakhtar oo Soomaali ah oo magaca Bisha Cas ku jooga Isbitaalka Berbera iyo Farsamayaqaan Raajada Isbitaalka mas’uul ka ah. Saddexduba Muqdisho ayay ka yimaadeen.

Sheeko ka dib waxaan wada cayaarnay kubbadda cagta ee miis dushiis gacanta lagu cayaaro.

Dhowr jeer ayaan rasaas maqalnay. Inkasta oo Berbera ay caadi u ahayd shanqarta rasaastu haddana si gooni ah ayaan tan u qoonsaday.  Dareen ayay i gelisay. Markii aan weydiiyay waxaa dhallinyarada mid ka mid ahi iigu jawaabay in aan anigu beryahan Xamar ku maqnaa oo aan malahaa illoobay laakiin ay Berbera mar walba noocan tahay.

Berbera marka aan habeen soconno, ka sokow calanka ICRC oo weyn oo baabuurka xagga hore u suran, hoostana uu kaga shidan yahay nal kor u ifinaya, waxaa khasab ah in nalka gudaha ee baabuurku uu shidan yahay.

Aniga oo sidaa ku socda ayaan u hoyday guriga aan degganaa oo ku yaalla xaafadda Burco-Shiikh.

Mayd bannaan yaalla


Aroor hore, abbaaraha lixda subaxnimo ayaan tegey goobta aan ka cunteyn jirnay. Ma ihi dadka xilligaas quraacan yaqaan ee waxaan doonayay in aan shah ka cabbo. ka dibna aan halkaa iska raacno duuliyaha dayaaradda ICRC oo aan ku ballansan nahay in aan u safarno Muqdisho.

Markii aan imid miiska raashinka oo ku yaalla isla xaafaddeyda Burco Shiikh, isheydu ma qaban duuliyihii. Waxaan ka hubsaday Shaqaalaha in uu duuliyuhu quraacday. Waxay ii sheegeen in uu ku baxay meydka. Markii la ii sheegay in xalay la dilay 17 nin, la iina tilmaamay barta meydku yaal oo isla xaafadda Burco Shiikh ah, ayaan markiiba dhaqaaqay aniga oo socod boobaya.

Dariiqa aan sii marayay waxaa dhegeheyga isu dhiibayay baroorta ka baxaysa guryaha waddada la teedsan. Meel bannaan ah, oo xusuusteyda aan dhismayaasha magaalada ka fogeyn wax ka badan dhowr boqol oo tallaabo ayaa waxaa yaalla meydka toddoba iyo toban rag ah.

Xusuusteydu waxay ii sheegeysaa in laba iyo toban ay is ag yaalleen ayaga oo garbahoodu ay siman yihiin. Waxaa ka muuqday dhaawacyo rasaas.. 

Shan nin oo garba-duub u xiran gooni ayay u yaalleen. Rubadda ayaa dhiig uga yaallay. Waxaan ka dib ka warhelay in shanta nine e goonida u yaalla lagu dilay middi.

Waxaa meydka dul taagan rag dhowr ah. Murugada wajiyadooda ka muuqata ma ahan mid aan erayo ku soo gudbin karo. Goobtu hadal ma alaha. Shanqar kalena ma maqleysid marka laga reebo dadka qaar aad neeftooda maqasho. Qaar ayaad ka maqleysaa shanqar neef ka weyn, hadalna aan ahayn oo sida reen ama riin ah. Indhaha la isma siin karo. Qof waliba wuxuu hoos u eegayaa meydka.

Fahamkeygu wuxuu ahaa in aan aanay jirin cid ku dhacda in ay gudato waajibka wadareed ee ay diintu na fareyso ee ah in meydka la dhaqo, janaaso lagu tukado, ka dibna la aaso.

Goobta cid qori haysataa ma taagna. Dowladda oo loo tirinayo in ay dilka ka dambeyso cid matashaa ma taagna.  Haddana qof waliba wuxuu og yahay, dadkii nimankan dilay, uguna talo galay in ay halkaa dhigaan meydka si inta kale ay ugu quus qaadato, in aanay goobta ka fogeyn.

Waxay iigu darnayd, markii aniga oo meydka dul taagan aan gacanteyda ku arkay camera aan awalba sitay, iskuna soo illoobay. Haddii aan sawir ka qaadi lahaa, uma maleynayo in aan hadda sadarradaan qori lahaa.

Muqdisho

Daqiiqado ka dib, aniga iyo duuliyihii ayaa u safarnay Muqdisho. Dayaaraddu hal matoor ayay leedahay waxay badiyaa ku duushaa 10,000 ilaa 14,000 oo cagood, intaa daruuraha ayay dhex mushaaxaysaa. Aad ayay daruuraha, dabaylaha iyo buuruhuba ay u ruxaan. Wayna socod gaaban tahay oo qiyaastii 4 saacadood ayay u kala socotaa labada magaalo.

Dad badan ayaa ku mataga ama qaata kaneeni ka hor istaaga. Qaar kale aad ayay u dhibsadaan safarka dayaaraddan yar ee intaa ruxmeysa.  Anigu qaybta dambe ayaan ka mid ahaa.

Maalintaas markii aan Berbera ka soo kacnay muragada i haysay, fekerka igu dhashay iyo riyo maalmeed ayaan dhex muquurtay. Waxaan arkay annaga oo Muqdisho dul nimid. Dhibkii aan safarka dayaaradda yar ku qabay, daqiiqad ma dareemin.

Xamar markii aan imid dad ayaan arrintii uga warramay. Waxaa ka mid ahaa rag aad iiga khibrad badan siiba xagga siyaasadda oo midkood uu madaxda Dowladda ka mid ahaan jiray, la xiray shaqadana laga saaray.  Mid kale wuxuu ka tirsan yahay Raggii ugu baaqay Madaxweyne Siyaad in uu xilka ka dego.

Waxaan u sheegay in aan u baahan ahay si aan ugu tago Wasiirka Arrimaha Gudaha oo aan arrintaan ugu sheego. Waxay soo istaageen in aanan sidaa yeelin. Waxay taladooda ku saleeyeen in laba mid ay tahay. In uu og yahay oo uu raalli ka yahay. Ama in uu og yahay waxna aanuu ka qaban karin. Intaa waxay raaciyeen in ay suurta gal tahay in uu dhib iiga yimaado aniga.

Waan ku qancay hadalkooda. 

Waxba

Laakiin suurta gal iima ahayn in aan la aammusnaado waxa aan arkay ee aan goobjoogga u ahaa. Waxaa iga go’nayd in xataa haddii hadalkeygu aanuu waxba ka qaban karin arrinta, in aan dhankeyga dadaal ku baaqan.

Waxaan goostay in aniga oo aan cidna la tashan aan go’aan qaato.

Waxaan la ballamay mas’uul sare oo Dowladda ka tirsanaa, Jaamacadda Macallin ka ah, laguna tirinayo in ay is xigaan Madaxweynaha.

Markii aan telefoon kula hadlay oo aan u sheegay in aan doonayo in aan kala hadlo arrin xasaasi ah, wuxuu ii sheegay in uu xafiiska ICRC howl u imaan doono oo uu markaas igu soo mari doono xafiiskeyga.

Inkasta oo aan go’aan qaatay, haddana sida aan is lahaa wuxuu ahaa mid qar iska tuurnimo ah oo uu dhib iga soo gaari karo. Welwel iguma yareyn.

Mas’uulkii markii uu Xafiiska iigu yimid, qolka ayaan hoosta ka xirtay aniga oo murugo iyo baqdin la neeftuuraya ayaan u sheegay waxa aan arkay oo dhan.

In yar ayuu aammusay inta aanuu ii jawaabin. Neef culus ayuu neefsaday. Wuxuu igu yiri, Yusuf waxaad ka hadleysaa Berbera oo in ka badan kun kiilomitir noo jirta. Halkan aan joogno ayay ka dhacaan waxa aad sheegeyso.

Maxaa laga qaban karaa? Ayaan weydiiyay.

Jawaabtiisu waxay ahayd: “Waxba”.

Tirada toban Orommadu waxay dhahdaa Ku-dhan.  Macnaha in tiro ay ku dhan tahay toban.

Aniga kelmadda Waxba waxay ii noqotay in hadalka Soomaaliya uu ku dhan yahay. Waxayna qeyb weyn ka noqotay waxyaabaha igu qanciyay in aan dalka ka dhoofo.


Qaybta Afar iyo Tobnaad ee Taxanahan 89 iyo 90 waxaan ku soo qaadan doonaa sida uu u dhacay dilka Berbera.

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.