Fortsätt till huvudinnehåll

Inlägg

Visar inlägg från juli, 2018

ARRIMAHA TIFAFTIRKA # 3 GALKA BUUGGA (jaldiga) W/Q, Bodhari Warsame

Waxaa la yiri, "buug galka ha ku xugmin! (ha ku nicin, ha ku jeclaan...)" Haye. Waa oraah daw leh taasi.  Haddana waxaa la yiri, "galka buuggu waa wajiga dhabta ah (albaabka) ee buugga laga galo ama lagaga noqdo geliddiisa." Waa kow! Warkii hore war soo dhaaf!  Mar kale waxaa la iri "waji furan baa la galaaye albaab furan la ma galo (buugguna waji furan iyo mid xiranba waa uu yeeshaa oo waa galkiisa)." Haye. Kaasuna waa war kale!  oo haddaa, buugga haddii la yiri jaldigiisa yaan lagu xugmin, asii uu jaldigiisa/wajigiisa/albaabkiisa quful wayn oo furihiisii uu qoraaga buuggu baddwaynta ku tuuray ku jabsanyahay, in laga noqodo ma aha e ma daw kale ayaa bannaan? Sow se oraahdaas wacani halkaa ku buri mayso? "Haa" iyo "maya" Allow mar ha naga wada yeersiin?!

Qummanaanta “Dh-da” Iyo Qalloocnaanta “R-da” W/Q: Cali Cabdi Coomay

Erayada ku jira af-soomaaliga ama afkeenna kuwa ay ku jirto erayga’DH-da’ ma qaataan macneyaal kale oo aan ka ahayn hal macne inta badan, inkasta oo ay jiraan mar ay qaataan. Hasayeeshee erayga ‘R-da’ oo meel badan oo deegaannada Soomaalida ka mid ah ‘Dh-da’ lagu beddelo ‘R-da’ waxa uu qaataa macnayaal badan. Waxba yaanan hadalka idinku daaline, bal tusaalahan dhugo. Erayga GADH waa timaha ka soo baxa daamanka ee ragu yeeshaan, haddii se laga dhigo GAR oo ‘R’ la adeegsado waxa ay noqonaysaa GAR oo micne ahaan noqonaysa, GARNAQSI, JIHO iyo WADNE. Waad aragtaa erayga ‘R’ siduu dhawr micno u yeeshay markii lagu beddelay ‘DH’. Bal tusaalooyinka hoose eeg ee aynu isku barbardhigayno labada eray:

Wadaaddada iyo Qalinleyda Soomaalida: Midkee Afka U Hiil Ah? W/Q:Siciid Maxamuud Gahayr

Waxa aan daawaday Sheekh Cabdillaahi Xasan Xaashi (Berberaawi) oo ka hadlaya inay jiraan qolyo ku dhuunta qoraalka afka iyo suugaanta Soomaalida. Awgani waxa uu sheegay in ay dhallinyarada ku soo jiitaan dhigaal iyo murti qurxoon, qolyo dano kale xambaarsani, isla markaana ay duufsadaan barbaarta, iyaga oo liqsiinaya wax gurracan. Ma doonayo in aan ka hadlo qummanaanta iyo qallooca yoolka dadka uu durayo. Kamana garsoonayo in uu sheekhu ka gardaran yahay cidda uu dhaliilay iyo in uu xaq ku taagan yahay. Waxa aan si kooban u faaqidi sida ay 90% culimadu bannaanka uga joogto akhriska iyo wax-ku-qorista afka Soomaaliga.