Fortsätt till huvudinnehåll

Qummanaanta “Dh-da” Iyo Qalloocnaanta “R-da” W/Q: Cali Cabdi Coomay



Erayada ku jira af-soomaaliga ama afkeenna kuwa ay ku jirto erayga’DH-da’ ma qaataan macneyaal kale oo aan ka ahayn hal macne inta badan, inkasta oo ay jiraan mar ay qaataan. Hasayeeshee erayga ‘R-da’ oo meel badan oo deegaannada Soomaalida ka mid ah ‘Dh-da’ lagu beddelo ‘R-da’ waxa uu qaataa macnayaal badan.

Waxba yaanan hadalka idinku daaline, bal tusaalahan dhugo. Erayga GADH waa timaha ka soo baxa daamanka ee ragu yeeshaan, haddii se laga dhigo GAR oo ‘R’ la adeegsado waxa ay noqonaysaa GAR oo micne ahaan noqonaysa, GARNAQSI, JIHO iyo WADNE. Waad aragtaa erayga ‘R’ siduu dhawr micno u yeeshay markii lagu beddelay ‘DH’. Bal tusaalooyinka hoose eeg ee aynu isku barbardhigayno labada eray:


= Baadh= Raadi………………………………………………Baar= Timo, Sayn ama fig
= Badh= Nus…………………………Bar= Dhibic, summad lagu soo dhasho, waxbarasho
= Badhe= kala-qaybiye………………………………………..Bare = Macallin
= Baydh= leexo………………………………………………….Bayr = didi ‘og
= Bidh= kor-u-qaad……………………………………………..Bir = Xadiid
= Biidhi= Nooc sigaarka ah……………………………………Biiri = kordhi
= Boodh= Siigo………………………………………………..Boor = Carayn, Midab
= Budh= ul gaaban……………………………………………Bur = Daqiiq, bur caws ah
= Buudh= Kabaha daboolan…………………………………Buur = Buurta, naaxsan
= Buudhi= Dheegga gaadhiga………………………………..Buuri= Tubaako
= Caadh= Xubinta taranka awrka……………………….Caar= Midabka madow, Dumar
= Cadho= Xanaaq………………………………………….Caro= Ciid, Cartan, Samayn
= Fidh= Timo feedhasho…………………………………..Fir= Isir, Dir
= Hoodh= Harag qudhmay………………………………Hoor= Dareere, roob hooray
= Hudh= Cantuugo………………………………………..Hur= Gubo, quudh
= Jeedh= Qayb……………………………………………..Jeer= Jeerta, xilli, bahal
= Jidh= Oogad qofka………………………………………Jir= Roob taxan, ilaali
= Kaadh= Tigidh yar………………………………………. Kaar= Xumad, magac nin
= Koodh= Jubbad…………………………………………..Koor= Koorta geela
= Maadh= Caws……………………………………………Maar= Bir, daxal, haad, turub
= Madh= Taran…………………………………………….Mar= Xilli, soco, xidh, dhar
= Naadh= Xoolaha lagu waraabiyaa……………………..Naar= Dab
= Qaadh= Qaayis………………………………………Qaar= Huudh, kuwo, jidhka badhkii
= Qadhaadh= Dhadhan……………………………….Qaraar= Go’aan, ka dhergid
= Qoodh= Labood……………………………………..Qoor= Sur, meel bannaan
= Shidh= Qaybta hore ee gaadhiga…………………..Shir= Kulan
= Sudh= Deldel…………………………………………Sur= Qoor, nooc malabka ah
= Waadh= Bukaan-jiif……………………………………Waar= Cabbir, noolaansho
= Wadh= Dul saf…………………………………………..War= xog, haro
= Xaadh= Nadiifi……………………………………………Xaar= Saxaro
= Xeedho= Sixni……………………………………….Xeero= Xayndaabasho, sharciyeysan

Waxa kale oo ay ‘R-du’ qalloocataa marka eray ay ku jirto laga dhigo jamac ama wadar. Tusaale, BADH jamaciisu ama wadartiisu waa BADHAADHE, hasayeeshee marka ‘R’ la adeegsado waxa ay noqonaysaa ‘BAR marka jamaca ama wadar laga dhigo waxa ay noqonaysaa BARAR oo noqonaysa macne kale. GABADH marka wadar laga dhigo waxa ay noqnaysaa GABDHO, hasayeeshee marka ay noqoto GABAR ee wadar laga dhigo waxa ay noqonaysaa GABRO oo micno kale noqonaysa.

Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan
Tixraac: Af-dhaab…………………..Cismaan Cabdinuur Xaashi (Khaliifka)


Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u   wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha   cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay   ku beegnayd   xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta. 

Maalinta afka iyo Suugaanta Soomaalida ee Xaafadda Rinkeby 14-05-2016 Sabtida

Haddii aad xiisayso afka iyo suugaanta Soomaalida, fadlan nagala soo qaybgal barnaamij xiiso badan oo 14 bishan Mey lagu qaban doono guriga ummadda ee xaafadda Rinkeby. Barnaamijkan ayaa ay marti noogu yihiin qorayaal, afaqoon iyo cilmibaadhayaal ku hawlan afka iyo suugaanta Soomaalida. Martida maalintan nagala soo qaybgali doonta waxa ka mid ah Morgan Nillsson oo ah macallin afka Soomaaliga ka dhiga jaamacadda Göteborg, ahna cilmibaadhe ku hawlan taariikhda iyo habdhismeedka afka Soomaaliga. Kulankan waxa uu Morgan sharaxaad ka bixin doonaa kooraska afka Soomaaliga ee uu jaamacadda Göteborg ka dhigo. Waxa uu sidoo kale ka hadli doonaa afka Soomaaliga iyo duruufaha ku xeeran maata.

Faallo!..."ladh" Buug Cusub Oo Uu Qoray Cabdillahi C Cige

Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey — Sweden — 7 September, 2005 Markaad aragto buugga laftigiisa, ayaad garanaysaa in buuggani uu ka duwanyahay buugaagtii hore ee afsoomaaliga ku soo bixijirtay. Qaabka buuggu u qoranyahay waa qaabka loo qaabeeyo sheekooyinka "Novel-ka" loo yaqaan. Waxaad dareemaysaa in dadka soomaalidu ku tallaabsadeen, jidkii muddo dheer kasoo xidhnaa. Kaasoo ah qoritaanka sheekooyinka, ku qotoma qaababka nolosha banii'aadamka. Intaa haddaan ku dhaafo qaabka buugga. Waxaan xasuustay faallo uu ka bixiyay Ibraahin Yusuf Axmed "Hawd" buuggan la magac baxay "Ladh. Mudane Hawd wuxuu ku soo gunaanaday maqaalkiisii "qoraaga buuggan qoray, haddii buuggani yahay kiisii ugu horreeyey oo maxay noqon doonaan kuwa soo socdana."