Fortsätt till huvudinnehåll

Wadaaddada iyo Qalinleyda Soomaalida: Midkee Afka U Hiil Ah? W/Q:Siciid Maxamuud Gahayr

Waxa aan daawaday Sheekh Cabdillaahi Xasan Xaashi (Berberaawi) oo ka hadlaya inay jiraan qolyo ku dhuunta qoraalka afka iyo suugaanta Soomaalida. Awgani waxa uu sheegay in ay dhallinyarada ku soo jiitaan dhigaal iyo murti qurxoon, qolyo dano kale xambaarsani, isla markaana ay duufsadaan barbaarta, iyaga oo liqsiinaya wax gurracan.
Ma doonayo in aan ka hadlo qummanaanta iyo qallooca yoolka dadka uu durayo. Kamana garsoonayo in uu sheekhu ka gardaran yahay cidda uu dhaliilay iyo in uu xaq ku taagan yahay. Waxa aan si kooban u faaqidi sida ay 90% culimadu bannaanka uga joogto akhriska iyo wax-ku-qorista afka Soomaaliga.

Laakiin culimadu haddii ay dayacday in ay qoraan cilmiga islaamka, faafiyaan suugaanta Soomaalida ee togan, isla markaana ay afkooda ka daayaan Carabiga ay badhaxa iyo bahdilka kaga dhigeen, cid kasta oo wax qoraysaaba waa ay qaadanaysaa kaalintaas. Intee ayaad maqashaan nin Caalin ah oo gabay, maahmaah, hal-ku-dheg ama xigmad Soomaaliyeed cuskanaya? Miyaanu hal-qabsigooda Carabigu ka badnayn? Ma hawraarteenna ayaa wada wada ul ah oo aan ul la qaato lahayn?
Sannadkii 2009ka ayaan dhigane af Soomaali ah oo la yidhaahdo “Quraanka iyo Sayniska” u geeyay wadaaddo dhawr ah. Waxa aan is lahaa, ha toosiyaan wixii gef ku jira, waxa aan ka baqayay in sadar iyo laba la qabto, kaddibna shaambaddii murtadka la igu dhufto. In aan maro jidkii ninka “Xadka Riddada” qoray ayaan ka feejignaa, in aan culimada milgeeyo iyaguna ay bogaadinyaan waxqabadkayga ayaan rabay. Laakiin mawduuca aan wax ka qorayo oo diin ahaa awgeed, qof ahaan waxa aan isa saaray xil culus, hubin iyo tifaftir dhan walba ah. Waa aan sii filayay inay iiga fadhiistaan.
Laakiin shaw culimadu inay afkeenna ku hadasho mooyaane, mana akhrido mana qorto. Ilaahay wuxuu u fududeeyay afka Carabiga. Kaas ayay ku xeel-dheer yihiin. Aniga oo dhammaantood xurmo u haya, waxa aan keliya maanta faaqidayaa sida ay culimadu ka yihiin xayndaabka qoraalka iyo akhriska Soomaaliga.
Culimada aan la kulmay waxa ay ka mid ahaa:
1. Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir: Gadiid Hakis-bilaah ayaan ugu tegay masaajidka uu aqoonta ka dhigo ee Rusheeye. Markii la tukaday ayaan dibadda ugu sheegay aashayda, nuqul diiwaanka ahna gacanta ayaan ku hayay. Wuxuu yidhi “Waqti ma hayo, abbaartan (mawduucan) waa la iiga aqoon badan yahay, akhriska Soomaaliguna wuu igu adag yahay”

2. Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun: Isla gu’gaas ayuu socdaal ku yimi Hargeysa. Eid Hotel ayaa uu degganaa. Nin masuuliyiinta hudheelka ka mid ah oo aan filayay in ay is-aqoon lahaayeen ayaan u dhiibay buugga, waxaanay dulucdaydu ahayd in uu Sheekhu akhriyo, ereyga ku kabo. Caalinki wuxuu yidhi “Inanka waxan ka bax dheh oo jaamacaddaada dhigo”.
Buuggii iyo fara-madhnaan ayaa gacanta la iga saaray. Ma in aan cilmi-baadhis samayn karo ayuu quudhsaday? Ma akhriska afka ayaa ku adag? Ma hinaasihii xirfadda ayaa galay, oo keligii ayuu mawduucu u xidhan yahay?. Mooyi, maadaama oo Sheekhaasi uu cudur-daar iyo qanin-la’aan i bannaday, aniguna illaa maalintaas waxa aan yareeyay dhegaysiga wacdigiisa, waxa aan joojiyay tegitaanka goobaha uu ka hadlo. Ka warrama?
3. Sheekh Yuusuf Aadan: Isla sannadkaas ayaan ugu tegay Masaajidka Alnuur ee faras-magaalaha Hargeysa xilli caways ah. Halkaas ayuu tafsiirka ka dhigi jiray. Sheekha markii aan tusay nuqul buugga ah, ee aan u sheegay in aan erey-maamuus iyo ansixin ka karo “Cod ahaan ma aad iigu soo duubi? Akhriska ayaa igu adag”. Ma qof awgii ayaan 100 bog u duubaa, miyaa aan galo fagaare-hadalyo (public lectures) ah Quraanka iyo Sayniska.
Allaylehe waxa bogaadiyay Sheekh Sheekh Almis Sheekh Yaxye Sheekh Ibraahin oo aqoonna igu kabay. Sheekh Aden Xaaji Maxamuud (Siiro) oo ka mid ahaa culimada aan ereyga ka sugayay waxa uu arkay buuggii oo aan joogto Wargeyska Haatuf ugu qoray “Sawdiga wixiiba faafiyay maxaan weedh soo idhaahdaa?” ayuu yidhi. Waan dareemayay in qudhiisa haleelku ku yaraa, laakiin ragga ugu fiican akhriska afka Soomaaliga ayuu Sheekh Aadan ka mid yahay, qiilna wuu ii helay.
Marka aan arkay gaabiska culimada ee afka, waxa aan ka laabtay inaan u geeyo rag uu Sheekh Cabdillaahi Xasan Xaashi (Berberaawi) ka mid yahay iyo culimo kale oo aan u han weynaa. Xitaa rag ayaan u diray bal si Sheekh Maxamed Maxamuud Dalmarka reer UK isha u mariyo, iska deyn lahaydee. Ma se hubo in dhambaalku Sheekh Dalmar gaadhay.
Inta erey ee ay afka ka dileen waa la garan karaa: Dhabcaal: Bakhayl, Fool: Weji, Aroor: subax, Qado: Hadhimo, Casho: Xeraad, Gadiid: Duhur, Weedh: Jumlad, Amin: Wakhti, Soo-roga: Sabti, Hakisa: Khamiis IWM. Tiri ereyada dhintay ee halkoodii Carabigu buuxo?
Weligeenba ma “bal, walidaalik, idan, lacalla iyo jayid” ayaynu wadnaa? Ragga aqoonta diineed leh ee wax qoray waxa aan ka xusayaa Sheekh Dr Cabdiqani Albeder iyo Maxamed Xirsi Guuleed (Abdibashir). Culimadu haddii ay rabaan in ay saamayn ku yeeshaan hab-fekerka dhallinyarada jecel suugaanta iyo qoraalka, ha ku soo biiraan qalinlayda. Doorkoodana ha ciyaaraan, haddii kale waxa ay noqonayaan “Baqashu ma dhasho, wax dhalana ma jecla”. Haddii ay culimadu xilkooda gudato, waxa la heli lahaa dhiganeyaal diini ah oo barbarsocda suugaanta, taariikhda, sheekooyinka iyo cilmiga maaddiga ah.

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.