Fortsätt till huvudinnehåll

ARRIMAHA TIFAFTIRKA # 3 GALKA BUUGGA (jaldiga) W/Q, Bodhari Warsame


Waxaa la yiri, "buug galka ha ku xugmin! (ha ku nicin, ha ku jeclaan...)" Haye. Waa oraah daw leh taasi. Haddana waxaa la yiri, "galka buuggu waa wajiga dhabta ah (albaabka) ee buugga laga galo ama lagaga noqdo geliddiisa." Waa kow! Warkii hore war soo dhaaf! Mar kale waxaa la iri "waji furan baa la galaaye albaab furan la ma galo (buugguna waji furan iyo mid xiranba waa uu yeeshaa oo waa galkiisa)." Haye. Kaasuna waa war kale! oo haddaa, buugga haddii la yiri jaldigiisa yaan lagu xugmin, asii uu jaldigiisa/wajigiisa/albaabkiisa quful wayn oo furihiisii uu qoraaga buuggu baddwaynta ku tuuray ku jabsanyahay, in laga noqodo ma aha e ma daw kale ayaa bannaan? Sow se oraahdaas wacani halkaa ku buri mayso? "Haa" iyo "maya" Allow mar ha naga wada yeersiin?!

Mar kalana waxaa la yiri, "qofkii araggiisu ku deeqaa oontiisuna ku deegdaa." Tanna ii raaci, illeen meel ay uga hadho ma taqaane; "buuggii galkiisu ku deeqaa gudihiisu/akhriskiisu ku deeqaa."

Ma aragtaa waxa hadallo is dhaafdhaafaya ee aan meesha ku daldalay iyo sida xaajadu durba ay u murugsantahay? Haddaba, gal u samaynta buug, doodo marka dadka xiraffadda dhabta ah u leh ay jeedinayaan aad u murugsan oo u wareer badan ayaa laga mariyaa.
Aniga waa la igu dhaamaa oo dadka ay Muxammad Yuusuf (Garanuug), Mohammed Abdullah Artan (Looh Press) iyo awliyo kale ka mid yihiin oo ay shaqo u tahay ayaa ku warwadhaye aan ku casumo golaha Arrimaha Tifaftirka. Soo dhawaada jaallayaal!
Waxase aan halkan ku soo kobayaa dhawr arrimood oo intii aan ku dhex jiray akhrinta iyo tifaftirka buugagteenna iiga muuqday, kuwaa oo galka iyo samayntiisa la xiriira, iyo talooyin aan is iri waa looga baahanyahay dhankaa.
1. Galka buuggu waxa uu ka koobanyajay FAR iyo FARSHAXAN. Fartu waa inta qoraalka ah ee xarfaha leh (magaca buugga, magaca qoraaga, magaca madbacadda, tirsisummadeedka buugga....iwn), farshaxankuna waa inta kale ee kale ee toos iyo dadabba uga muuqaata (midabka, sawirrada, sharraxaadaha kale ...iwm). Labaduba waa in ay ku qotomaan hal'abuur qoto dheer oo inta buugga gudihiisa ku qoran u gogolxaaraya, waana in xirfadle waaya'aragnimo u leh oo aan badanaa qoraaga ahayni ka baaraandegaa oo dejiyaa naqshadda. Maxaa yeelay, waa xirfad ka gooni ah tan qoraannimada oo loo baahanyahay in xirfadlaha ka shaqaynayaa uu dhanka qoraagu qoraalka gudaha ku yaal iska taago ma aha e dhanka kale iska taago oo uu halkaa ka curiyo farta iyo farshaxanka galka buuggaasi yeelanayo. Badanaa xirfadlaha galka iy qoraaga buuggu isku ma waafaqaan aragtiyaha, laakiin waa ay ka wada xaajoodaan. Badanaa waxaa gacanta sare yeesha oo ay tiisa noqotaa xirfadlaha aan qoraaga ahayn oo marka uu fikradda qoraalku ku saabsanyahay dhuuxo galka qaabeeya.
Fartu waa in ay war yartahay, warna ku dhanyahay. Waa in ay halkudheg ama ridme isla markaba qofka gudaha buugga damac ka gelinaya leedahay. Waa in ay aanay war kaliya gudbin e fikrado iyo faylasoofiyado murugsan gudbinaysaa, sida qoraalka gudaha buugga ku yaalla.
Farshaxanka galka buug waa laba uun, guud ahaan. Mid muuqda oo qof ama akhriste walbaa toos u cabbiri karo ama u garan karo, sida buug geel ka sheekaynaya oo rati baarqad ahi jaldigiisa ku sawiranyahay. Nooca kale ee farshaxanka aragtiidiisu waa ay murugsantahay (abstract) oo waxa meesha ka muuqda sida uu dhiganyahay toos loogu ma fasiri karo ee waa in xaglo kale iyo falsafado aan markaba muuqan lagu goobaa macnaha. Sida, buug jacayl ku saabsan oo galkiisa sawir aslideed tuke baal cad muujinayaa ku xardhanyahay. Labada noocba waa in ay qoraalka buugga gudihiisa ku yaal gogoldhig muuqaal ah u yihiin oo ay qofka eega xiiso iyo kuuragal ku abuuraan.
Galka buuggu waa saddex waaxood. Dhanka hore, dhanka dambe iyo dhabraka/lafdhabar (laba dhinac iyo dhabar).

Dhinaca hore waxaa lagu qorayaa.

1. Magaca buugga (cinwaanka) oo lagu bilaabayo fartuna qurxoontahay oo waawayntahay. 2. Magaca dhab ahaan loogu yaqaan qoraaga ama kiisa qalinle (pen name - qoraaga qaarkood ayaa magacooda dhabta ah mid aan ahayn la baxa oo ku caan noqda). Waa intaa uun dhanka hore. 

Erayda intaa dheeraadka ku ah ee buugagteenna ku batay, sida; "qoraaga buugga", "qalinkii", "qore", naanaysta qoraaga oo qaansooyin ku xiran, sawirka iyo taariikhnololeedka qoraaga iwm waa laga maarmaa, waana hadaltiro galka buugga culays iyo foolxumo ku ah.


Dhinaca dambe waxaa ku qorma:

1. Faallo kooban oo buugga ku saabsan, maragkacyo iyo waastaymo dad mawduuca laga hadlayo ama qoraalka guud iyo si kalaba loo qaddariyo, ama waxba qoraal ah loo ma yeelo ee waa laga dhaafaa. 2. Tirsisummadeedka buugga (ISBN) oo buug kasta oo rejo laga leeyahay aad muhiim ugu ah. 3. Magaca iyo astaanta ama summadda shirkadda daabacday (1 dhankan bilowga iyo dhexda ilaa hoos oo dhan ayaa lagu dhigi karaa, 2 iyo 3 halka dhankan ugu hooseysa ayay leeyihiin).


Dhabarka waxaa ku qorma:

1. Magaca buugga, 2. Magaca qoraaga, iyo 3. Astaanta madbacadda daabacaday. 
Dhabarka in ay intaasi ka muuqataa aad ayay muhiim ugu tahay buugga. Waa halka marka uu buuggu maktabadda ama qafiska buugaagtu teedsantahay ku dhex jiro lagaga aqoonsado oo lagaga soo soocdo, waana halka ay matabaduhu tirakoobka buugga lagu raadsho ku dhigtaan, si ay dhakhso ugu helaan marka loo baahdo. Haddii ay buugga halkaasi bannaantahay, tuuris wax ma dhaamo!

Galka buugga oo dhammi waa in uu fududyahay, haddana hummaag ahaan xeel durugsanyahay. Waa in uu fududyahay oo war yar oo waafi ahi ku yaal, oo aanu cakirnaayne (meel walba qoraal, midabbo iyo giirgiir aanu ku lahaan) fagaag bannaan oo uu ka neefsado leeyahay, farshaxankuna u qalmaa oo farta la sheekaysanayo, farta iyo farshaxankuna ay hummaag hal'abuurnimo farriinta gudaha ku taal ku la sheekaysanayaan. Intaasi haddii ay heshiis yihiin oo ay jiibta iyo jaanta is la helaan, buuggaasi guud ahaan waa u bilanyahay in uu akhristaha xerakeeno. Kali ah, waxa haray uun waa in qoraagu akhristaha riyadiisii u dhabeeyaa oo uu adduun yaab leh oo xeradaa iyo agaagaarkeeda ah ku dalxiisiyaa, ilaa galka dhankiisa dambe u muuqanayo.
Intaa ayaan ku raftaye ka raalli ahaada wixii murga. Waa anigii sii afeeftay oo hawshan culummaan u leeyahay, ujeedkuna waa in aan hortooda ku bi'iyo uun.
Mahadsamidin.

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.