Fortsätt till huvudinnehåll

Inlägg

Visar inlägg från maj, 2013

Faallo: Buugga (Diihaal-Reeb) "Gebagabada sheekada, gidaarkuu fadhiyi jirey, Saxardiid ma guudmaray"

Buugga la magacbaxay (Diihaal-reeb), waxa qoray qoraa aad loo wada yaqaan, ahna inta qalinka u qaadatay in ay ugu adeegaan bulshadooda. Waa Khaalid Jaamac Qodax oo deggen Hargeysa. Buuggani waa kiisii labaad, wuxuuse kani kaga duwanyahay, waa sheeko mala-awaal ah oo uu isagu maankiisa ka curiyey. Bal marka horeba aan inyar ka idhaahdo buugga iyo muuqaalkiisa. Waa

Sheeko Gaaban: Beedkii la Koolkoolin Jiray Armuu Innaga Jabaaa !

La hubsayoo gorayo haad noqon weyday. "sii gorfayn maqaalka hubsiino halbaa la siistay"

Dhowaan waxa soo baxay buug la magac baxay Sooyaal (Ina Cabdulle Xasan Ma Sheekh buu ahaa Mise?) oo uu qoray qoraa sare Cabdiraxmaan C. Farax (Guribarwaaqo). Buuggaa waxa ku jira wax farabadan oo aan hore loo qorin ama aan buug ahaan loo soo gudbin. Waxa kaloo ku jirta meelo laga bedelay buuggii diiwaanka

Faallo!..."ladh" Buug Cusub Oo Uu Qoray Cabdillahi C Cige

Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey — Sweden — 7 September, 2005 Markaad aragto buugga laftigiisa, ayaad garanaysaa in buuggani uu ka duwanyahay buugaagtii hore ee afsoomaaliga ku soo bixijirtay. Qaabka buuggu u qoranyahay waa qaabka loo qaabeeyo sheekooyinka "Novel-ka" loo yaqaan. Waxaad dareemaysaa in dadka soomaalidu ku tallaabsadeen, jidkii muddo dheer kasoo xidhnaa. Kaasoo ah qoritaanka sheekooyinka, ku qotoma qaababka nolosha banii'aadamka. Intaa haddaan ku dhaafo qaabka buugga. Waxaan xasuustay faallo uu ka bixiyay Ibraahin Yusuf Axmed "Hawd" buuggan la magac baxay "Ladh. Mudane Hawd wuxuu ku soo gunaanaday maqaalkiisii "qoraaga buuggan qoray, haddii buuggani yahay kiisii ugu horreeyey oo maxay noqon doonaan kuwa soo socdana."

Faallo ku saabsan buugga la magacbaxay "MAGAN". Xasuustaada dib u celi 21 gu'

Kollayba aniga xusuus gaar ah buu ii ahaa buugga la magacbaxay "MAGAN". Waxa uu tilmaamo, tibaaxo iyo sharraxaad-ba ka bixinayaa noloshii Hargeysa ama guud ahaanba jamhuuriyaddii soomaalida. Maamulkii qallafsanaa, ee dalka ka jiray siddeeta-maadkii iyo saamayntii uu dadka ku yeeshay buu sawir guud innaga siinayaa.

Milicsiga maansooyinkii dhaxalgalka ahaa ee Abwaan Axmed Ismaaciil Diiriye (Qaasim )

FG: Qoraalkan waxa aan qoray Axmed Ismaaciil Diiriye (Qaasim) oo nool. Ummad waliba waxay leedahay geesiyaal caan ka ah bulshada dhexdeeda. Balse waxaad mooddaa in bulshada soomaalidu ay ka simantahay inaanay geesiyaashooda xusin oo soo hadalqaadin inta ay noolyihiin. Waxa jira geesiyaal farabadan oo maanta nool. Abwaan Axmed Ismaciil Diiriye "Qaasim" Wuxuu ka midyahay geesiyaasha caanka ah ee maanta nool.

buug magaciisii heley dheh! W/Q, Khaalid J. Qodax

Qalinkii: Khalid Jama Qodax Qodax02@gmail.com Hordhac: Buuggan Socdaalkii Dheeraa waxa qorey qoraaga caanka ah ee Sayid M. Yuusuf, oo ah, gudoomiye ku xigeenka ururka qorayaasha Soomaaliland ee saldhigoodu yahay waddanka Sweden, waana buuggiisii labaad ee uu qoro. Buuggan waxa hadiyad ahaan iigu soo diray qoraaga buugga bishii koowaad ee sannadkan aakhirkeedii, Judhiiba magaca buuga ayaa soo jiidasho xiiso leh igu abuuray.

Kuma ayuu ahaa Sayid-Adan Axmed Madar bilawgii Q-19aad ilaa dhammaadkii Q-19aad

Waa hubaal in, inbadan oo cinwaanka maqaalka aragtay aanay aqoon u lahayn magaca Sayid-Aadan Axmed Madar. Laakiin marka aad maqaalkan waxoogaa akhrido, ayaa dad badani ila garan doonaan magaca kor ku xusan.  Sab abta aan su'aasha inoo soo dhex dhigay, ma aha magac madhan ee waa taariikh dhan oo inna ag taalla. Waa taariikh nool ilaa maalinkaa maanta ah, balse aan wax laga qorin, taasoo ay la qabto taariikh-deenna guud ahaan oo u badan mid aan qornaym. Waxa aan se is leeyahay taariikhda iyo aqoonta uu magacani xanbaarsan yahay waa mid aan sinnaba loo illoobi karin, waana hubaal in wax laga qori doono. Weli wuu jiraa deegaankii uu aasaasay Sayid-Aadan.
Geeridii Gadhley Sheegayeen gacal-hawaayeene    W/Q, Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey" 02/2006-Sweden Geeridu waa xaq. Nafkastaaba way dhandhamin doontaa geerida. ILaahay naxariistii janno ha ka waraabiyee waxa dhowaan ku geeriyooday magaalada Jabuuti Abwaankii caanka ahaa Ibraahim Sulaymaan "Gadhle".

Halgankii Waxbarashada Casriga ah Iyo Halyeyadoodii u Soo Halgamay "Shamac bay noo shideen ,aan shiiqin weligiiye" ..

FG: Codsi....Dhammaan xubnaha qoraalkani magacdhebey, sawirradooda waan  u baahnahay, haddii aad hayso marti baan kaaga ahay ee ii soo dir. Ummad waliba waxay leedahay baadi-sooc ay kaga duwantahay ummadaha kale. Taariikhda sooyaalka ah ayaa ka mid ah, in lagu kala duwanaado. Guud ahaan dadka soomaaliyeed waxay isku raacsanyihiin, in qoraal la'aanta, aan waxba laga qorin dhacdooyinkii soo maray soomaalida ay sabab u tahay, afka soomaaliga oo aan qornayn. Anigu taa ma qabo oo dhaqan baa jira innaga horjooga qoritaanka.

Macallim, Qaasim Xaaji Maxamed Xaaji Cali Gaadaale: "Aabbihii tacliinta, barbaariyihii bulshada, halgamaa u soo halgamay dalkiisa iyo dadkiisa.

Qodmagoolay iyo buu ahaa tiirmuraayada tariikhdiisu waa muush hadaan lagamasuugaye. Markay taariikhdu ahayd 08/09/2012, ayaa lagu aasay Qaasim Xaaji Maxamed Xaaji Cali Gaadaale, xabaalaha guriga Dariiqada ee magaalada Sheekh.