Fortsätt till huvudinnehåll

buug magaciisii heley dheh! W/Q, Khaalid J. Qodax

Qalinkii: Khalid Jama Qodax
Qodax02@gmail.com

Hordhac:

Buuggan Socdaalkii Dheeraa waxa qorey qoraaga caanka ah ee Sayid M. Yuusuf, oo ah, gudoomiye ku xigeenka ururka qorayaasha Soomaaliland ee saldhigoodu yahay waddanka Sweden, waana buuggiisii labaad ee uu qoro. Buuggan waxa hadiyad ahaan iigu soo diray qoraaga buugga bishii koowaad ee sannadkan aakhirkeedii, Judhiiba magaca buuga ayaa soo jiidasho xiiso leh igu abuuray.


Magaca buugga ayaad ka dhadhansan kartaa macluumaadka uu gudbinaayo oo dhan. Ugu horreyn soo jiidashada jeldiga waxa ka mug iyo miisaan weyn magaca buugga, waxaanan odhan karaa buuggan “Socdaalkii dheeraa” buug magaciisa helay dheh!!! Sababtoo ah; Waxa dhib badani ka taagan tahay sidii loo heli lahaa magac buuxin kara macluumaadka uu buuggu gudbinaayo, waana dhif iyo naadir buuggaagta ay qoraan aqoonyahannadeenu in ay u dooraan buuggooda magaca ugu habboon ee tilmaamaaya macluumaadka u xambaarsan yahay buuggu.


Haddaba buuggan Socdaalkii dheeraa waxa uu kaw u yahay buuggaagta wakhtiyadan casriga ah la odhan karo waxa ay la jaan qaadayaan in ay is helaan magaca iyo buuggu, Aragtidii koowaadba waxa I soo jiitey sawirka jeldiga oo ah buurta Sheekh oo wakhti barwaaqo ah si fiican loo sawiray, arrimahaas oo is biirsaday waxa ay buuggan ka dhigeen buug lagu soo hirto, runtiina aad ka door bidi lahayd buugaag badan oo uu ku dhex jiro.

Dhanka kale waxa iyaduna ah arrin kale oo xusid mudan helidda buuggaagta lagu daabaco qurbuhu in ay tahay dhib kale oo haysta inta jecel in ay hesho buugaagta ay soo saaraan qorayaasheennu, taasi waa uu ka badbaadey buuggani oo waxa si fudud looga heli karaa Hargeysa, oo uu dhawaan soo gaadhay Buuggan “Socdaalkii dheeraa”, waxa uu kaw ka yahay taxane buugaag ah oo u xidhiidhsan sida sil-siladda oo kale, kana sheekayn doona dhacdooyin xiiso badan, oo runtii dareen hoose leh. Buuggu waa “Geedigii Koowaad iyo Guuleed”, sida uu qoraagu bogga hore ee buugga tilmaan, iyo tusaaleba inooga siinaayo.


Nuxurka Buugga oo kooban

Buuggani “Socdaalkii dheeraa”, waxa uu ka kooban yahay Lix Cutub oo noqonaaya 152 bog oo u xidhiidhsan si isku xidhan, ama isku raacsan. Buuggan sidaan hore u sheegay waa buug sheeko ah oo ku saabsan dhacdooyin si toos ah uga dhacay magaalooyinka Hargeysa, Berbera, Burco, Sheekh, waxaannu buuggani ku saabsan yahay sheeko oo ka sheekaynaayo wiil la yidhaahdo Guuleed oo isagu goob joog u ahaa dhacdooyin badan oo ka dhacay magaalooyinkaasi. Bishii May 27-keedii sannadkii 1988-kii waxa ka bilaabmay magaalada Burco dagaalkii ay ku soo galeen dagaalyahannadii xaq u dirirka ahaa ee SNM, isla bishaa 31-keediina waxa uu dagaalkaasi ka qarxay magaalada Hargeysa, oo ay daganaayeen ciidamadii ugu xooga badnaa dawladdii kelitaliska ahayd ee soomaaliya, dagaalladaasi waxa ay saameyn ku yeesheen dhammaan gobolladii dalka oo dhan gaar ahaan kuwii waqooyiga , waxaannu dagaalkaasi saameyn laxaad leh ku yeeshay shicibkii daganaa magaalooyinkaasi, waxaana dhacday in dhammaan laga qaxo magaalooyinkaas, dadkaasi waxa ay u qaxeen xeryo qaxoonti oo ku yaalla waddanka Ethiopia ee aynu dariska nahay, oo runtii soodhaweyn iyo hoyba laga helay. Dagaalladaasi sida uu qoraagu sheegayo waxa ay socdeen muddo ku siman saddex sanno, oo Guuleed oo sheekada buuggu ku saabsan tahay, uu ahaa ka mid ahaa dadka ay dagaalladaasi saameeyeen.

Guuleed oo ah jilaha sheekadu waxa uu in badan ku noolaa magaalada Berbera, waa nin iska mudakar ah oo wax badan kala garanaaya, waxa uu Guuleed maalin walba maqli jiray dilka, dhaca, kufsiga, boobka, ay u geysan jireen ciidamadii kali talisku, shicibka magaalada Berbera waxa uu ka dharagsanaa, in cid hadli kartaa aanay jirin, cid farta ku fiiqi kartaa aanay jirin, kali taliskuna uu yahay mar walba sax wax uu doono ha sameeyee, Guuleed waxa uu mar walba isweydiin jiray sida uu qoruhu sheegaayo in dhibkan ay ciidamadani shicibkooda u geysanayaan aannu xaq ahayn in laga hadlaana ay mudan tahay, balse haddana dabarka u yaalla Guuleed ayaa ah seeto ay dhammaan ku xidhan yahiin shicibka reer Berbera, ee Hantidooda, naftooda iyo maalkoodaba maalin walba lagala wareegaayo ama la dilaayo si badheedh ah. Maqalkii uu Guuleed maqlay in ciidamadii SNM ay soo galeen magaalada Burco, iyo Hargeysi waxa ay u ahayd niyad fiican oo uu ku dagay, waxase arrintaasi bar-bar socdey arrimo badan oo fakir iyo walaac badan ku abuuray Guuleed.

Guuleed waxa uu u adkeysan waayey dadkii sida macno darrada ah loo dilaayeey ee la lahaa SNM ayaad taageertaan, ee haybtoodu ay ahayd bartilmaameedka kali ah, ee la doonaayey, Guuleed waxa uu ka mid noqdey dadweynihii reer Berbera ee sida bini'aadamnimada ka baxsan loo la dhaqmay ee la iska xidhay, lana jidh diley, aakhirkiina uu aabbihii laaluush badan ku soo furtay, Guuleed maalintaasi waxa uu go’aansaday in uu dhuumasho kaga baxo magaalada Berbera, waxaana sii raacay saaxiibadii oo iyaguna u adkeysan waayay dhibka iyo dhaca joogtada ah ee ka socda magaalada Berbera.

Guuleed iyo saaxiibadii waxa ay sii socdaan, ee daal iyo rafaad aanay arkin kolba la kulmaan, aakhirkii waxa ay gaadheen xaruntii SNM ee aagga Calaaculle ee buura leyda Sheekh, halkaas oo ay kala kulmeen dhacdooyin aad u xiiso badan oo runtii aan halkan lagu soo koobi karin. Tusaale ahaan, waxa ay arkeen dad badan oo meesha u soo qaxay, oo dareenkoodu isku mid yahay, meel wax ku wada cunaaya, wax si u wada arka, dhibka inta badan Guuleed iyo saaxiibadii ay la kulmayeen ayaa ahaa warar kutiri ku teen ah oo meel walba lala joogey, waayo dadka qaarkii ayaa lahaa SNM way qabsatey magaalooyinkii Burco, Berbera, iyo Sheekh, oo Hargeysa uun baa dhiman, dad kale waa diidanaayeen arrintaasi oo waxa ay lahaayeen taasi waa war aan sal iyo raad toona lahayn ee ha la hubsado……………..iyo kuwa kale.

Guuleed iyo saaxiibadii markiiba dagaalladii ka dhex qarxay buuraleyda Sheekh ayaa ay ka mid noqdeen Ciidamadii SNM ee aaggagaas ka soo dagaalamay, markii dambena waxa ay u sii tallaabeen dhinaca magaalada Burco oo ay in badan ka dagaallameen, hubka iyo saanadda ay sitaan waa mid aan la odhan karin waa ciidan, rasaas, hub, iyo cunto tirsan ayay sitaan oo mar walba ka go’i kara, waxase ay hayeen niyad san oo ay ku doonayeen in ay arkaan mar uun dalkoodii oo caddaalad iyo sinnaani ay ka jirto Guuleed iyo saaxiibadii markii ay Burco soo galeen waxa ay baadidooneen bal dadkii ay garanaayeen, wakhtigaas, nasiib wanaag dadkii oo dhammi waa ka gureen, kana qaxeen ka dib marki dagaalladii banaa ee ay isweydaarsanaayeen ay u adkeysan waayeen.. Muddadii uu Guuleed ku jiray dagaalka wax war ah kama helin qoyskiisii iyo dadkii kale ee ay ehelka ahaayeen, waxaanay ahayd warwarka ugu badan e haystey mar walba. Buugga waxa ku jira maansooyin badan oo uu qoruhu tiriyey iyo kuwa kale oo abwaanno kale tiriyeen oo goobo badan oo ku munaasib ah uu soo qaadanaayo qoraagu. Tusaale ahaan marka ay Burco tagaan Guuleed iyo saaxiibadii ayaa ay arkayaan Magaaladii ay yaqaaneen ee quruxda badneyd oo aad moodo xero Jin, Guuleed markaas waxa uu xasuusanayaa

Maansadii Maxamed Ibraahin Warsame “Hadraawi”, ee ahayd

Nin dorraad ogsoonaa
Halkii daado lala maray
Jidh dubaaxi maayee
Nin gar iigu dudayoow
………………………..
Duqeydiyo waxgaradkii
Dhulka ugu da’weynaa
Dunbuq baan u dhiiboo
Meyd bay dulyaallee!!!
Miyaan geedka damalka ah
Doonyaysan karayaa?


Maansadan iyo kuwa kale oo badan oo ku jiraa waa kuwa uu qoraagu soo qaadanaayo, meelo badan oo buugga ahna aad ku arkayso, waxyaabaha xiisaha leh ee buugga ku jira ayay ka mid tahay, munaasibad wal iyo madal walba maansadii ku habboonayd oo aad ku arkayso.
Guuleed waxa uu goobihii dagaalka hadba meel ka galaba waxa uu aakhirkii go’aansaday in uu qoyskoodii ka war doono, waxaanu u kicitimay xaggaa iyo magaalooyinkii loo qaxay, waxa uu tagey xerooyinkii qaxoontiga ahaa ee ay u guureen dadkii ka barakacay magaalooyinka Hargeysa, Berbera, iyo Burco, isaga oo raad goobaya in uu helo qoyskoodii inta ka nool, Guuleed waxa uu isku soo maray Xarshin, Jineefa, Dulcad, iyo dhammaan xerooyinkii kale, in badan ayaa uu raadiyey qoyskoodii ma helin nasiib wanaagse.

Guuleed waxa uu marba meel u socdaalo waxa uu goostay in uu Jabuuti tago, waxa ay isa sii raaceen nin u socda Jabuuti, waxa ay sii mareen Jigjiga, oo dhib aan yarayn ay kala kulmeen jidka, maadaama oo aanay sidan wax sharci ah, Jigjiga waxa uu uga sii gudbay dhinacaa iyo Herer, ilaa ay gaadheen aakhirkii magaalada qadiimiga ah ee Diridhaba, halkaas oo uu muddo joogey, ka dibna uu tareen ka raacay, una sii gudbay dhinacaa iyo Jabuuti, runtii ma uu galin Jabuuti, oo waxa lagu xidhay xadka laga galo Jabuuti, waana la soo celiyay, Waxase ugu darnayd markii loo diidey in uu Jabuuti galo, ee haddana diideen Ethiopianku in uu dalkooda dib ugu soo noqdo, qoraaga buuggu waxa uu dhex galinayaa maansooyin iyo murti runtii dareen hoose ku abuuraya naftaada. Guuleed ma sito kharash uu ku dabari karo dhibaatooyinka la soo darsay oo dhan, waxa uu nolol maalmeedkiisa ka dhex quutaa dadka uu u garto in uu wax ka dhex heli karo, ha ku helo muslinnimo ama tolnimo’e. Aakhirkii Guuleed waxa uu socod lug ah ku galayaa safar dheer oo ku qaatey maalmo magaalada Jabuuti isaga oo sii maray magaalooyin badan oo ka sokeeya Jabuuti.

Inaabtigii ayaa uu raadinayaa, kuna raadinayaa hayb ahaan, waanu helayaa aakhirka, nolol dhaanta tii uu ku soo jiray sannadahan dambe, ayaa uu Jabuuti ka helayaa, waxaanu si fiican oo diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Jabuuti, oo xataa ehelkiisii dibaduhu ay u soo direen lacag, aakhirkii inaabtigii, adeerkii iyo isagu waxa ay go’aan ku gaadhayaan in uu Guuleed ka wardoono reerkii nolol iyo geeri ka ay ku sugan yahiin kuna noqdo xeryihii qaxoontiga oo wakhtigaa si aada u camirmay. Sodcaal kale ayaa uu dib Jabuuti uga soo galayaa kuna soo noqonayaa magaaladii Dulcad, waxa uu la kulmayaa inta uu jidka ku soo jiro, dhibaatooyin badan oo qoruhu si mug iyo miisaan leh ugu qaadaa dhigaayo. Guuleed waxa uu war ku helay in reerkoodii dagan yahiin xerada Kaam Abokor, ka dib socdaal dheer oo kale aayaa uu ku tagey, waxaannu muddo badan ka dib arkay walaaladii iyo Aabbahii, waxa mar kaliya farxad iyo naxdin u ahaa kulankii qoyskoodii iyo geeridii hooyaddii oo loo sheegey in madfac ku dhacay iyada oo walaalkeed Burco guri ku haysa.

Guuleed, muddo aan badneyn markii uu reerkii la joogey ayaa uu dib Dulcad ugu soo noqdey oo uu ka shaqeystay Dulcad, halkaas oo uu ku guursaday gabadh ay wada dhigan jireen dugsigii sare ee Berbera, in muddo ah ayaa uu ku sii noolaa Dulacad, aakhirkii habeen habeenada ka mid ah ayaa uu go’aan ku gaadhayaa in uu dagaalkii dib ugu noqdo, arrintaa, ama go’aankaas oo Hibo oo ahayd xaaskiisu ay ku taageertay.

Guuleed mar kale iyo furimahii dagaalka ayaa uu ka soo dagaallamayaa, isaga oo gaajadii, rafaadkii, iyo dhaxantii ba u babac dhigay in uu dalkiisa ka xoreeyo faqashtii xukunka kalitaliska ahayd ku baabiisey dadkiisii.

Aakhirkii Guuleed waxa uu ka mid noqonayaa ciidamadii qabsadey magaaladii Berbera ee uu ka orday isaga oo caddaalad doon ah.

1991, ayaa dib dalkii oo dhan loo xoreeyey, laguna dhawaaqey Jamhuuriyadda Soomaaliland, dhammaadkii dagaalku waxa uu keenay waji kale oo colaadeed, oo Guuleed u cuntami weyday, waxa u arkay SNM-tii oo dayday loogu yeedhaayo, waxa uu arkay, raggii Dulacad iska jiij-jiifey oo hubsita oo dadka xoog iyo baad weydiinaaya, Maansooyin badan oo Sayid M. Yuusuf uu tiriyay ayaa waxa ay ka turjumayaan dareenka wakhtigaa uu Guuleed is weydiinaayey, waxa ay badda soo dhigayaan calaacalka, murugada, naxdinta, iyo foolxumada uu Guuleed ku keeneen dagaalladaas sokeeye, ee ka dhacay degmooyinkii uu inta badan dagaalka iyo halganka qadhaadh ugu soo jiray in uu ka xoreeyo nidaamkii kelitaliska ahaa, Buugga waxa ku jira Maansooyin badan oo dareen iyo xusuus kale ku riday Guuleed. Bal u fiirso Maansadan waxa uu qoruhu u bixiyay "GOCASHO", waxa uu magaceedu ka turjumayaa dareen aan halkan lagu soo koobi karin waxa ka mid ah midhaheeda:

“Indhaweyd-ba geeraarkii ma tirin iyo gabay godkiisiiye
Waataan ka gaabsadey giblada, markuu galawgu dhiillaabay
……………………………………………………………….
Gurigaan jeclaa iyo Berbera haddaan galab ka guureeyey
Garabkayga muu ool gantaal! Iyo gumuc rasaaseede
Maantiyo gadaal noqod, markaan libin ku geeraaray
Cindigeyga maan gelin, inaan dib uga guuraaye
Maankeyga maan galin geedi-baad geliye
Garaadkii hadduu gudhay oon gocosho reemaayo
Daydaygaa gadoodsani, hadduu gooyey nabaddii
………………………………………………….

Socdaal dheer inaan galo, baan geliyey maankiiye
Geeddi aan rafaad lahayn, guuloow! Igu toosi
Allahayoow! Ii gargaar adaa garan sidii roone.”


 

Guntii iyo gaba-gabada waxa aan leeyahay, Buuggan “Socdaalkii dheeraa”, ee uu qorey Sayid M. Yuusuf , waxaa buugga laga dheehan karo, lagana faa'iidaysan karo dhacdooyin taariikhaysan oo soo maray dalkan. Waa buug aan sheeko uun aheyn ee macluumaadka u sidaa ka sino ballaadhan yahay, waa buug kugu biirin kara, waayo aragnimo xeel dheer oo ku saabsan dhibaatooyinkii galaaftay dawladdii kelitaliska ahayd ee Soomaaliya xukumi jirtey.

Si kastaba ha ahaatee waxaan kula talin lahaa in dadku akhriyaan buuggan uu qorey Sayid M. Yuusuf, oo ah bilaw taariikh tiraabeysan, oo mug iyo miisaan weyn Buuggu waa tilmaan, toosin, iyo tusaaleyn laga dheehankaro, sheekooyin badan. Dhanka kale waa taariikh. Marka aad buuggan akhrisato waxa aad helaysaa waayo-aragnimo dheeraad ah ama kaa dhineyd, waxa aan mar labaad ku boorinayaa, ama ku dhiiri galinayaa dad badan oo aan arkin buuggani in ay doontaan. Waa buug miisaan badan u yeelay in jiilka dambe uu fahansiiyo dhacdooyin badan oo ay maqli jireen, waa dhaxal gal hadiyad ah oo qoraaga buuggu inoogu deeqay in aynu ka dhex dheehanno macluumaad badan oo ina anfaci kara

Allah Mahad Leh
Khaalid Jaamac Qodax
Hargeysa/Somaliland

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.