Fortsätt till huvudinnehåll

Faallo ku saabsan buugga la magacbaxay "MAGAN". Xasuustaada dib u celi 21 gu'

Kollayba aniga xusuus gaar ah buu ii ahaa buugga la magacbaxay "MAGAN". Waxa uu tilmaamo, tibaaxo iyo sharraxaad-ba ka bixinayaa noloshii Hargeysa ama guud ahaanba jamhuuriyaddii soomaalida. Maamulkii qallafsanaa, ee dalka ka jiray siddeeta-maadkii iyo saamayntii uu dadka ku yeeshay buu sawir guud innaga siinayaa.


Xaaladdii dagaalkii 1988kii ayaa kuu muuqanaysa. Noloshii qaxootiga ayaad dacal kale ka eegaysaa iyo waayihii ka jiray xeradii ugu dadka badnayd ee Dulcad. Buuggan waxa qoray qoraa aan ku cusbayn bahda qoraaga. Waa qoraa in badan inoo soo gudbiyey sheekooyin ku salaysnaa run iyo qaar kale oo ahaa mala-awaal uu isagu maankiisa ka curiyey. Waxa aan xasuustaa sheekooyin dhawr ah oo uu qoraaga buuggani Allifay isagu, oo aad u xiiso badnaa sida:

1.Ninkii reerka
2.Doqoni moog!
3.Filan waa
4.Anniga iyo telefoonkiibaa isku soo hadhnay
5.Cadrad!. 

Qoraaga buugga "MAGAN" waa Mustafe Adan Nuur, oo xilligii uu buuggan qoray degganaa Somaliland. Waxa uu ka kooban yahay buuggu 307 bog. Inta aad buugga akhriyeyso waxa aad baranaysaa dhawr qof oo ay ugu mudan yihiin Liibaan, Fadxiya, Xasan, Yanee iyo kuwo kaleba. Balse ma aha uun magacyo halkooda iska taagane, waxa aad mid kasta baranaysaa dabeecaddiisa, dad la dhaqankiisa, dareenkiisa uu ka qabo xaaladaha nololeed ee ku meersan. Waxa aad u qurux badan sida uu qoraagu isugu dhex wado nolol adag iyo ku noolaanshaheeda. Dhanka kalena jacayl aan ka dhicin kii Cilmi iyo Hodan dhex maray baad kala kulmaysaa buugga.

Anigoo qof ahaan goob joog u ahaa dagaalkii 1988kii, oo garanaya qaabkii noloshu ay noqotay iyo xaaladdii lagu noolaa xeryihii qaxootiga. Gaar ahaan xeradii ugu weynayd oo la odhan jiray Dulcad. Haddana waxa aan buuggan ka bartay wax badan oo iga daahnaa, oo aan odhan karo qoraagu si xogogaal ah ayuu innoogu soo gudbiyey noloshii Qaxootiga. Tusaale ahaan, marka uu ka warramayo safkii loo geli jiray biyaha iyo safkii carruurtu u geli jirtay xannanada caruurta iyo dhibaatadii ka soo gaadhi jirtay carruurta oo safka ku jirta---ama biyo ha sugeen afarta habeenimo ama saf ha ugu jireen xannaanada'e---xataa in rasaas lala dhici jiray oo dhaawac ka soo gaadhi jiray carruurta ayaad si dareen ah ku qaabilaysaa.

Liibaan oo ah ninka sheekadu sida tooska ah ugu socoto, waxa soo gaadhay dhaawac xabbadeed. Cusbitaalka la dhigay, waa uun magac u yaal ee waa meel la soo waabay oo loo bixiyey Cusbitaalka Dulcad. Dhimashada dadka ayaa tiro beeshay, waxaana ay dadkii gaadheen heer ay aasi waayaan maydka. Askarta Itoobiyaanka ayaa dadka soo qab-qaban jiray si ay xabaasha u qodaan. Intaasaa kaaga filan halka dadka dareenkoodu gaadhay. Waxa aad buuggan kula kulmaysaa dareenka dadku ay kala qabaan, marka aad ka eegto ka faqiirka ah ka maalqabeenka ah. Marka dagaal dhaco sida wax isu bedelaan oo laga yaabo kii faqiirka ahaa in isagu uu noqdo ka wax la weydiiyo, oo aan shalay wax ba la weydiin jirin. Laakiin xaaladda is bedeshay ee colaadeed waxa ay keentaa "Sarreeye---hoosee". U fiirso qoraalkan aan inooga soo dheegay buugga:

  • "Liibaan gurigooda waxa ku gedaannaa guryo waaweyn ... ...Liibaan maalin walba wuxuu soo hormari jirey guryahaasi, oo ay ku hor sheekeysanayaan hablo iyo innamo ka soo jeeda qoysaskaa ladan. Waxaanay u geysan jireen haddimooyin badan. waxay faallayn jireen oo ka maadsan jireen dirayska iskuulka ee ku dul-caddaaday, wax uu iskaga bedelana aanuu haysan."
  • "Xasan, Liibaan iyo guud ahaan xaafadda reer geeddi waxay noqdeen, xaafad aad loo jecelyahay... Xasankii in magaciisa la soo qaado ay denbiga ahayd ee la dafiri jirey waxa uu noqday nin leh Eddooyin, Adeero, Abtiyaal, Inabtiyaal, Habaryarooyin iyo Ilmadeero ciiddaa ka badan."
Labadaa aragtiyood ee Liibaan iyo qoyskooda loo arkayey waxa u dhexeeyey wakhti yar. Waxa keliya ee aragtidii laga qabay Liibaan iyo reerkooda beddelay dagaalkii dhacay oo uu Xasan ka mid ahaa jabhaddii SNM. Gaar ahaan ciidankii habeenkaa soo galay. Waxa aad in badan buuggan kula kulmaysaa arrimo kaa yaabiya, kuwo aad u qaadan weydo oo aad marmarka qaar odhanayso waaba "Isla doonasho". Liibaan oo quus taagan buu dhinaca kale markiiba kala kulmayaa samatabax uu ku bedbaado oo ku nasto. Liibaan qurbaha ayuu imanayaa isagoo markii hore ku yimi qaab fudud buu markii danbe soo marayaa jeexid iyo jibaax uu u soo badheedhay. Qoraaga oo aan filayo in uu xilligaa joogay Somaliland ayaan aad uga yaabay sida uu sharraxaada fiican iyo sawirka yaabka leh uga bixiyey dalalka yurub oo uu Liibaan judhiiba soo galay.

Buuggani waxa uu ku qotomaa sheeko aynu odhan karno waa wixii dhacay intii u dhaxaysay 1984-1993. Waxa laga soo tuujiyey waa uun dhibaatadii xilligaa jirtay iyo dareenkii dadka. Waa buug aad ka daalacan karto wax badan oo lagaaga sheekeeyey ama maqal kugu ahaa. Waa qorane, aad ka dheehan karto arrimhii siyaasadeed ee jiray, ee ka jiray jamhuuriyaddii Soomaaliyeed, ee ka jirey guud ahaan Geeska Afrika. Dhinacyada, dhaqan dhaqaale, siyaasadeed, bulsho iyo deegaanba waad ka dhex arkaysaa Qoranahan la magac baxay "MAGAN". Ugu danbayn waxa aan leeyahay hambalyo qoraaga buugga Mustafe A. Nuur. Kollayba buugaag kale na waa lagaa sugayaa.

Nabad iyo Caano
Sayid-Axmed M Yuusuf
Sweden




Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.