Fortsätt till huvudinnehåll

Kuma ayuu ahaa Sayid-Adan Axmed Madar bilawgii Q-19aad ilaa dhammaadkii Q-19aad









Xilli ku beegan horaantii Q-19aad Aadan "IHN" uu u baqoolay Maka Al-Mukarama, si uu u soo xajo aqoon diimeedna uu u soo korodhsado. Halkaas ayuu ku soo bartay aqoon sare oo dhinacyada aqoonta diinta Islaamka ah. Waxa uu halkaa kula kulmay ama u ahaa macallimiin culimo caan ka ahayd caalamka Islaamka, gaar ahaan dariiqadii Axmadiya ka sii gaar ahaan Dandaraawiyah. Waxa loo soo diray Sayid-Adan carrigii soomaaliyeed ee uu markii horeba ka yimi.


Waxa uu sitay tilmaamo uu ku socday. Isaga iyo xertiisiiba xilli ku beegan 1830kii ayey yimaaddeen Berbera. Waa ay sii dhaafeen oo waxa ay degeen goobta loo yaqaan guriga Dariiqada ee ku yaalla magaalada Sheekh. Xilligaa magaalo ma jirin deegaankii ugu horreeyey waxa ka aasaasay Sayid-Adan Axmed Madar. Halkaa kuma ekaan, ee muddo yar ka dib waxa uu u dhaafay dhinaca deegaanka Oodweyne, gaar ahaan Dariiqada Xaaxi, oo uu ka furay dugsi diinta lagu dhigto.
 

Labada gooboodba inkastoo lagu baran jiray Qur'aanka Kariimka, Axaadiistii Nebiga "CSW" waxa intaa dheeraa, in dadka lagu wacyi geliyo wanaagga, walaaltinimada iyo in laga fogaado tollaysiga qaldan ee u horseedi kara xumaanta iyo diin la'aanta. Waxa uu uga dhigay eray halqabsi ah "Waxa aynu nahay Ikhwaan". Dhammaan dadka deegaankaas ku soo xidhmay waxa ay noqdeen dad iska xiga dadka intiisa kale. Iyagoon isku bahaysan qabyaalad ee ku walaaloobay dar Ilaahay. Bilawgiiba sida sooyaalka aad ka dheehanayso waxa la sameeyey xeerar u gaar ah deegaanka hoos yimaadda Dariiqada Sheekh iyo Xaaxi. Dhinaca wax soosaarka waxa la bilaabay in wax la beerto, sida hadhuudhka oo ahaa ka ugu mudnaa xilligaas. Waxa kaloo sooyaalka ku cad in xertii la socotay Sayid-Adan ay u badnaayeen dad ka soo raacay dhinaca deegaanka loo yaqaan Gubanka. 

In wax la beertaa waxa ay u ahayd, yoolka ugu horreeya ee degsiimo lagu aasaasi karayey. Waxa kaloo xusid mudan in deegaankaas laga fogeeyey geela oo ahaa xoolaha ugu qaalisanaa dadka soomaalida. Waxa se aad dareemaysaa in uu Sheekhu u arkayey in aan geeljire deggenaani meelna u soo marin. Waayo, beddelkeeda waxa ka muuqata in uu Sayid-Aadan ku dhiirrigeliyey in lo'da la dhaqdo, taasoo ahayd ilaa maantana ah xoolaha ugu badan ee lagu dhaqdo deegaanka Dariiqada. Waxa aynu garan karraa in aan Q-19aad lo'du ku badnayn dhulkeenna, balse tani waxa ay ka mid noqonaysaa, wax yaabihii uu horseeday Sayid-Adan A. Madar.

Dhawr sannadood ka dib waxa ay noqotay goob loo soo doonto barashada diinta Islaamka. Waxa laga iman jiray deegaanno aad u kala fog. Waxa kaloo ay noqotay goobta looga gurmado marka colaadi dhacdo, oo lagu kala dhex galo beelaha xurguftu dhextaal. Waxyaabaha u saamaxay in ay dhex u ahaadaan beelaha oo dhan waxa ka mid ahayd, culimada oo ka koobnayd beelo kala jaad-jaad ah. Waxa la odhan karaa beelaha dega Somaliland ilaa dhinaca Soomaali-galbeed way yartahay beel ka maqan deegaankaas
Waxa aynu si yar u odhan karnaa waxa uu dhisay Sayid-Adan dawlad leh kala danbayn. Marka aynu halkaa marayno dadka qaar baa malaa ay u soo baxaysaa uun xertii dhulkeenna ku badnaan jirtay. Waxa aan jeclahay in aan xuso in aan Qaadka/Jaadka la oggolayn in lagu cuno, iibiyo, laguba arko deegaankaas. Sigaarka ama buuriga kalena la mid buu ahaa oo lagama oggolayn Guriga Dariiqada.



Arrimahaas waxa ay aad ugu kala taggan yihiin culimadii dhinaca galbeedka gaar ahaa Harar. Waxa xusid mudan in markii uu Ingiriisku yimi dalkeenna aanuu muddo dheer soo dhaafin magaalada Berbera. Markii uu soo dhaafay ee yimi dhinaca magaalada Sheekh, waxa uu ka codsaday Culimadii markaa joogtay in la siiyo deegaan. Waxa uu u weydiisanayey, Ingiriisku xoog kumuu qabsan dhulkeenna, ee heshiis buu ku yimi. Waxa kaloo uu iska ilaalinayey in lagu kaco, oo lagu fahmo hawlaha uu damacsanaa sidaa awgeed buu u weydiisanayey Culimadii Dariiqada Sheekh in ay siiyaan meel uu dego.

Sida aan maqlay, nimankii caddaanka ahaa waxa ay codsadeen in degsiimo laga siiyo, meel u dhaxaysa qudbiga Sayid-Adan (oo markaa sii mootanaa) iyo Sheekh Quddub---nin ka mid ahaa culimadii xilligaa oo la odhan jiray Xaaji Abokor Cabdulle Sugulle IHN-tee, ayaa yidhi: "Maya lagu siin maayo halkaas, oo gaal iigama muuqan karo labada qudbi dhexdooda ee halkaas baanu ku siinnay". Meesha la siiyey waxa ay ku dhowdahay halka maanta uu maro dawga Sheekh ee laamiga ah (Maaha kii hore). Beri danbe ayuu Ingiriisku soo degey halkii uu rabay. 




Si aan maqaalkani u dheeraan. Kollayba garatay Sayid-Adan Axmed Madar, oo laga yaabo in aanaad hore u maqal ama aad maqashay uun magaca Sayid-Aadan oo keliya. Aan soo koobo oo xuso waxyaabo u gaar ah ama summad u noqon kara deegaankii uu aasaasay Sayid-Aadan. Waa marka hore, deegaanka uu degey, isagu hore uma deggenayn, beeshiisuna ma deggenayn. Taasi waxa ay ku tusaysaa sida uu ugu soo kordhiyey dadkeenna in la wada degi karo, oo laga bixi karo qabyaaladda iyo is tolaysiga, waanuu ku guulaystay.

Maxamed Cabdille Xasan, waxa uu soo maray Guriga Dariiqada xilli ku beegan 1901kii, oo uu ka rabay kaalmo. Wax badan markii ay isla eegeenna waa ay ku diiddeen qaabkii uu wax u doonayey. Khilaafkaa-soo sii xoogaystay, waxa uu gaadhay in bilawgiiba uu Maxamed C. Xasan uu taageero ka helay deegaanka Oodweyne, halkaasoo uu ciidan ka soo diray si ay u soo qabqabtaan Culimadii Dariiqda, balse ma ay dhicin taasi. Waana markii ugu horraysay ee laga qaxo Dariiqada Sheekh, kuna beegnayd 1903-05 Waa markii ay ku gabyeysay Qoran Sugulle Shugxiye: 

" Insigii la soo diray, markuu nagu arooryeystay, Qarraxdoo in doora ah, markii nalagu Eedaamay. Asyaaddii Ilaahay  markay nala itaalaysay, Ashahaado mooyee, markii qaylo la illoobay. Waxba yaan aroosiyo la helin, Aqallo waaweyne, waxba yaan adduuniyo la helin umaradeenniiye. Xamdi mahad, Allahayoow haddaan nala agoomaynin." 

Waxa la yidhi, markii la soo weeraray waxa aroos ahaa Qoran Sugulle Shugxiye IHN-tee inankeeda oo ahaa Xaaji Cabdi Xaaji Abokor. Cidna kuma dhiman weerarkaas. Waxa kaloo laga qaxay Guriga Dariiqada 1941kii, markii talyaanigu qabsaday dalka Somaliland. Waxa uu ula yimi maamulkii talyaanigu culimadii dariiqada waxyaabo ay qaadan kari waayeen, waxa ay arkeen in uu xoog ku qabsaday dalka oo waxa uu doono uu samayn karo. Go'aan waxa ay ku gaadheen in ay ka guuraan Gurigii ay jeclaayeen.



Waxaanay galeen buuralayda waaweyn ee dhanka galbeed kaga beegan magaalada Sheekh. Dugsiga sare ee Sheekh ee caanka ah, waxa oggolaaday in halkaa laga dhiso dhulka na siiyey Culimadii Dariiqada. Dugsiga dhexe ee Sheekh injineerkii dhisay oo ahaa ijnineerkii ugu horreeyey ee ahaa muwaadin reer Somaliland ah waxa uu ahaa Cali Sheekh Maxamed Jirde oo uu dhalay Sheekhal Dariiqihii xilligaas--labadoodaba IHN-tee. Culimadii soo martay Guriga Dariiqada ee magaca ku lahayd inkastoo ay badnaayeen aan ku soo gunaanado dhawr ka mid ahaa.


Xaaji Nuur Guuleed, Xaaji Abokor Cabdulle, Xaaji Jaamac Hannas, Xaaji Adan Faarax Yuusuf, Xaaji Maxamed Cabdi Kariim, Saalax Yacniile (Oo isaga iyo ubadkiisiiba laga yaqaan dhulka soomaalidu degto oo dhan) Sheekh Maxamed Jirde, Xaaji Nuur Cabdalle, Xaaji Xasan, Xaaji Maxamed Siraad (oo ahaan jiray Qaaddi Quddaadka Somaliland), Xaaji Cabdillaahi Diiriye "Gamgam" (Oo xubin ka ahaa baarlamaankii ugu horreeyey ee Somaliland1960kii), Maxamed Shire Maxamed (Gaab) (oo ka mid ahaa aabayaashii aasaasay waxbarashada casriga ah xilli ku beegan soddomaadkii), Sheekh Aadan Xasan "KULMIYE" (oo ahaa raggii aadka ugu caan baxay nabadaynta beelaha), Macallim Qaasim (Oo ka mid ahaa raggii aasaasay SYL dhinaca Somaliland), Aw Xasan Xaaji Adan *Oo maanta ka mid ah culimada ugu da#da weyn ee ku sugan Guriga Dariiqada. 

Ma dhammayn karo, ee waa uun inta Ilaahay idmay in aan halkan ku qoro. Intii dhimatay Ilaahay ha u naxariisto inta nool Ilaahay caafimaad ha siiyo, aamiin. Waxa aan si gaar ah halkan duco uga dirayaa Macallin Qaasim oo ah tiir u taagan wanaagga iyo waxtarka dadka, kuna soo jiray ilaa yaraantiisii. Ilaa maanta oo uu noolyahay ah astaan u taagan malcaamadihii iyo dugsiyadii lagu baran jiray Qur'aanka. Ka bilaw Berbera, Sheekh, Burco, Oodweyne, Xaaxi, Haqayamalaasle, Go'da weyn ilaa deegaanka ku teedsan jidka Hargeysa iyo Berbera u dhexeeya, ayaa aan hubaa in uu ka aasaasay malcaamado ay ka soo qalin jebiyeen, oo qur'aanka ku soo barteen kumaankun qof oo maanta kala jooga daafaha adduunka. Maanta wuu caafimaad qabaa, da'baase haysa. Ilaahay noloshiisa caafimaad ha ugu dhammeeyo, aamiin. Ducadaa Macallin Qaasim baan ku soo gunaanadayaa qoraalkan. 

--------------------------------------

Xigasho: Guriga Dariiqada Sheekh oo caan ka ah dalka Somaliland, waxa la deggenaa muddo ku dhowaan karta 200 oo sannadood. Maadaama aanay dadkeennu wax qoraal ah ka tegin---awoowayaasheen---intii yarayd ee qoraallo ahayd ee taallay guriga Dariiqada, au ku luntay,  xilligii dagaalkii 1988kii. Waxa aan qoraalkan ka soo xigtay, warbixinno laga hayo odayaashii, culimadii, iyo awoow iyo ayeeyo soo kala dhaxlay warbixinahaas. Waxa aan jecelahay in aan ku xuso qoraalkan, oo aan hubo in ay ahaayeen odayaashii hayey xog badan oo ku saabsan dhismihii iyo bilawgii Dariiqada Sheekh: 

  • Xaaji Maxamed Siraad Xaaji Muuse
  • Sh Aadan Xasan Kulmiye
  • Xaaji Muuse Xaaji Maxamed Cabdikariim
  • Xaaji Cabdilaahi Diiriye (Gamgam)
  • Macalim Qaasim Xaaji Cali Xaaji Maxamed
    Tusaale ayuun baan u soo qaatay culimada kor ku xusan, Ilaahay dhammaantood ha u naxariistee.  Waa boqollaal, inta soo kala dhaxlaysay arrimaha ku saabsan Dariiqada Sheekh. Xeerarkii ay lahayd, xilliga ay bilaabantay iwm. Inta maanta nool waxa aan xog badan ka helay Aw Xasan Xaaji Aadan Faarax, oo uu ka mid yahay magaca oo saddexan aasaasihii Guriga Dariiqada Sayid-Adan Axmed Madar. Waxa kaloo aan ka helay gabayga Qoran Sugulle Shugxiye, Xaaji Cibaado Xaaji Aadan Faarax, oo intaa ka xasuusnayd gabaygaas iyo arrimo dhacay xilligii dagaalkii dhexmaray Dariiqada iyo Ina Cabdille Xasan. Waxa kaloo aan xog badan ka helay Rashiid Sh Adan Xasan, gaar ahaan markii uu Talyaanigu qabsaday Somaliland oo Dariiqada Sheekh ka qaxday deegaanka ay deggenaayeen. Waxa ayna galeen buuralayda dhanka galbeed ka xigta magaalada Sheekh.


    Xusuus. Sooyaal aan duugoobayn: Culimada Dariiqada Sheekh, iyagay ahaayeen kuwii oggolaaday in dugsiga sare ee Sheekh laga dhiso halka uu ku yaallo. Waxa ay siiyeen dhul ka mid ahaa goobihii u ahaa beeraha. Waxa kale oo ay oggolaadeen, Dugsiga dhexe ee Sheekh oo la dhisay afartamaadkii. Waxa kaloo xusid mudan in uu Injineer ka ahaa IHN Inj, Cali Sh. Maxamed Jirde oo ahaa inankii Sheekhal Dariiqihii xilligaas. Ilaahay labadoodaba ha u naxariistee, aamiin.

Qore: Sayid-Axmed Dhegey
23-05-2013 Sweden


Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.