Fortsätt till huvudinnehåll

La hubsayoo gorayo haad noqon weyday. "sii gorfayn maqaalka hubsiino halbaa la siistay"




Dhowaan waxa soo baxay buug la magac baxay Sooyaal (Ina Cabdulle Xasan Ma Sheekh buu ahaa Mise?) oo uu qoray qoraa sare Cabdiraxmaan C. Farax (Guribarwaaqo). Buuggaa waxa ku jira wax farabadan oo aan hore loo qorin ama aan buug ahaan loo soo gudbin. Waxa kaloo ku jirta meelo laga bedelay buuggii diiwaanka
taariikhda Sayid M Cabdalle Xasan ee uu qoray Aw-Jaamac Ciise soona baxay 1974kii. Daabacaddii labaad ayaa lagu daabacay Jabuuti, waxna lagaga bedelay. Arrimahaas bay dooddani ka dhalatay. bilawgiiba Qoraaga Caanka ah ee Ibraahin Yuusuf Axmed (Hawd) baa maqaal ka qoray, uu summad uga dhigay "Daraawiishi yay ahayd". Maalmo ka dib ayuu Qoraa kale oo caan ah oo aan ahayn qoraa uun ee ah aqoonyahan aad u ururiya, kaydiya, dhaqanka, fanka, taariikhda iyo suugaantaba oo la yidhaa Cabdalle Xaaji Cismaan, uu maqaal ka daba geeyey kii Hawd, oo uu summad uga dhigay Hubsiino halbaa la siistay.Qoraalka aan raad-raacayaa waxa aad ka heli kartaa degelka Wardheernews.

http://www.wardheernews.com/Articles_12/November/Cabdalla/25_Hubsiimo_hal_baa_la_siistay.html
---------------------------------------------------------------------------------------------------

La hubsayoo gorayo haad noqon weyday (Sii gorfayn maqaalka hubsiino halbaa la siistay)

Waxa aan dhowaan akhriyey, maqaal ku suntanaa "Hubsiimo halbaa la siistay" oo uu qoray Cabdalle Xaaji Cismaan. Anigoo akhriyey buugga Sooyaal, ee uu qoray Cabdiraxmaan C. Faarax "Barwaaqo", oo aad ula yaabbanaa faahfaahinta la raaciyey gabaygii caanka ahaa ee aflagaadada xanbaarsanaa, oo baydkii ahaa "Ciisaha bakhtiga hiigayiyo, haqay Midgaanbaa leh" oo daabacaaddii danbe ee uu soo saaray Aw-Jaamac Ciise oo ah qoraagii qoray buuggii hore u soo baxay ee taariikhdii Sayid M Cabdulle Xasan. Daabacaadda danbe waxa lagu daabacay Jabuuti, waxaana maalgelisay dawladda Jabbuuti. Dabcan Jabbuuti, in ay taageerto taariikhda, fanka iyo dhaqanka soomaaliyeed waa wax lagu farxo, laakiin faalladani, hoosta laga raaciyey gabaygaas, waxa ay muujinaysaa gef iyo ula kac loogu badheedhay in wax lagaga bedelo gabaygaas. 

Sidaa awgeed, baan rabaa in aan wax ka idhaa difaaca Cabdalle Xaaji ee ku beegan qoraalkii Ibraahin Yuusuf Axmed (Hawd). Saaxiibkay Cabdalle waxa aan leeyahay, "Dib u joogso, waan kula dacwiyi, doodna waan odhane". Isweydiintu waxa ay tahay, ma Ina Cabdalle Xasan oo dad aqoon iyo dal aqoon ahaa baa kala garanwaayey Ciise iyo Ciise Muuse? Mise, Ina Cabdulle Xasan baa ka soo jawaabay su'aal la weydiiyey 2008dii oo yidhi waxa aan u jeeday Ciise Muuse.

Waxa yaab ah, in faahfaahin la raaciyo buuggaas, oo la yidhaa Ciisaha uu sheegayo Maxamed C. Xasan waa Ciise Muuse. Waa la mala-awaali karaa sida uu ku dooday Cabddale oo ah dagaal kama dhaxayn Ciise iyo Daraawiish, balse taa laftigeeda weydiimo badan baa ka unkamaya. Mala awaalka uu inoo soo gudbiyey Cabdalle, waxa uu inoo sheegay in inankii uu dhalay Sayid Maxamed uu u sheegay in ay u dhowdahay ujeedada gabaygaasi inuu yahay Ciise Muuse. Waa yaabe, ma malayn iyo wax u egaysiinbaa aynu maanta difaaci karnaa?.

Dhinaca kale, dad badani baydkaa uu ku jiro "Ciisaha" waxa lagu aroorin karaa mala-awaal kale oo baydka ka dhexmuuqda oo la odhan karo Ina Cabdille Xasan laftigiisa ayaa aragtidaa aaminsanaa, mase rabo in aan taa wax ka iftiimiyo. Waayo, maaha wax sal iyo raadtoonna leh. Qormadaydan ugama jeedo, in aan idhaa waxa uu u jeeday Ina Cabdille Xasan reerkaas ama reerkaas, ee waxa qalad weyn ah in faahfaahin la raaciyo buug gelaya taariikh. Waxa aan odhan karaa Ciisena waa Ciise ---Ciise Muusena waa Ciise Muuse oo labo la isku qaldi karo maaha.

Wadaad baa la weydiiyey in uu findhicilku xaaraan yahay iyo in kale, wuxuuna ku jawaabay soo hadalqaadkiisa ayaabaan fiicnayn. In gabay aflagaaddo ah la iswediiyo, yuu ula jeeday baydkaas, soo hadalqaadkiisa ayaabaan habboonayn. Beesha Ciise, waa beel ballaadhan oo ilaa deegaanka Bullaxaar, ilaa Hawaas, ilaa Diridhabe deggen. Waa beel aad u ballaadhan, in aynu nidhaa qabiil kale ayaa jira oo la yidhaa Ciise, maan garan sababta aynu u cuskan karno.

Qoraaga maqaalka hore qoray, ee "Hawd" waxa uu ka hadlay mawduuc aad u ballaadhan oo mug leh, horena aan looga hadal ama aan si deggen la isu weydiin. Maqaalkiisana waxa uu ku suntay "Daraawiishi yay ahayd? Balse Cabdalle malaa mabuu akhriyin summadda maqaalka,e waxaabuu ku tilmaamay qoraalkaas in uu halkii uu dahab ka sugayey uu naxaas ugu tegey. Summadda maqaalka Hawd, maaha gorfayn buug ee waa mawduuc uu ku xusay buugga cusub ee Sooyaal "Ina Cabdille Xasan "Ma Shiikhbuu ahaa Mise?" ee uu qoray Cabdiraxmaan Guribarwaaqo.

Haddaba, anigana runtii maqaalka Cabdalle oo aan ka filayey, in aan geed midho leh ugu tago, waxa aan ugu tegey geed qodxo dhaadheer sida "kidiga". Hawd, waxa uu eedda saaray maamul kelitalis ahi, in uu gefkaa qoraalka la geliyey uu ka danbeeyey, laakiin difaaca Cabdalle waxa uu inoo iftiiminayaa in aanuu gefkaasi ku koobnayn Keligii taliye maamulka Jabuuti gacanta ku haya ee uu yahay badheedh loo dhammaa. Waxa ka muuqata qoraalka Cabdalle, in uu wax ka ogaa ama goobjoogba ka ahaa halkii lagu go'aamiyey in eraygaa lagu ladho, Ciise waxa loola jeedaa Ciise Muuse. Bal u fiirso "waxa loola jeedaa" ama waxa uu u jeeday Ina Cabdille Xasan sidaa!

Cidduu doono ha ula jeedo, ma ay qummanayn, mana qummana in la difaaco, qalad badheedh ah oo lagula kacay habqoraalka sooyaalka gelaya. Maanso kale ayuu Cabdalle ka dhigay tusaale uu ku adkaynayo in uu Sayidku u jeeday Ciise Muuse, oo ah bayddadkan: 

Ciisihii badaawida ahaa, buulna laga waaye, Burco wuxu la tegey gaajo iyo, boohin iyo caydhe, Mahad laga bogsoo bahalihii, baabusha lahaaye. 

Inkastoo asalnimada baydadkan aanan xaqiijin karin, haddana waxa weli ka muuqata, in aanay caddayn cidda uu u jeeday Maxamed Cabdille Xasan, waxaanse hoosta ka xariiqayaa, Burcokibirna way jirtaa, Burco dheer iyo Burcooyinba deegaanno kale ayey ku yaallaan, waxaase muhiim ah in aynaan wax aan caddayn, qiil u samayn. Ma rabo, in aan dheereeyo qoraalkan oo uma baahna ba in aad loo sii faahfaahiyo, waxaase aan jeclahay in aan ku gunaanado, isweydii wax aan caddayn oo dad badanina si u yaqaaneen, dad kalena laga yaabo in ay si kale u arkaan in lagu xarxarriiqo buug gelaya taariikh. Waxa loo malaynayaa iyo way kala duwanyihiin in la yidhaa waxa uu u jeeday beeshaas. Waxa kaloo aan faahfaahin badanba u baahnayn goobta lagu daabacay iyo xidhiidhka ay leedahay wax ka beddelka buuggii Diiwaankii Sayidka ee soo baxay 1974kii.

Qoraalkii silloon waa lagu salguuraaye. 
Nabad iyo Caano
Sayid-Axmed Dhegey
25-05-2013

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.