Fortsätt till huvudinnehåll

Inlägg

Visar inlägg från februari, 2018

Qasriga Dolmabahce iyo Hadyaddii Amiirkii Soomaaliyeed W/Q: Axmed Ibraahin Cawaale.

W/Q: Axmed Ibraahin Cawaale;  aiawaleh@gmail.com Socdaalkaygii saddexaad ee aan Turkiga ku tegay waxa uu maalintaydii labaad (24/2/2018) i mariyay, Qasriga Dolmabahche.    Mahadda waxa leh wiilkayga Farxaan oo igu baraarujiyay daawashada dhismahan yaabka leh.    Waxa dhisay Suldaan Cabdulmajiidkii koowaad ammintii u dhexaysay 1843-1856.      Waxana uu ahaa Xaruntii Madaxtooyada Dawladdii Cismaniyiinta ammintii u dhexaysay    ammintii u dhexaysay    1856-57; 1909-1922kii.    Waxa ku    baxday dhismaha hanti u dhigantay (2013kii) 1.5 Bilyan oo dollar (ama    1500 milyan)    waxana la sheegaa in mashruucaasi cidhiidhi geliyay miisaaniyaddii Imbaraadooriyadda.    Dhismaha dhererkiisu waa ilaa 600 oo mitir, waxana uu ku fadhiyaa baaxad dhuleed 220,000 mitir oo wareeg ah.

Taxanaha Dharaarihii Xadhiggayga: Toddoba xayawaan ah, aniga iyo qol 3x4m ah W/Q, Maxamed Baashi Xaaji Xasa

War-ma-qabto ayaannu ahayn. Wax aannu wax ka soo xusay maalinta dhallinyarada Somaliland ee 20-ka February. Waa February 20, 2017, abbaara 11:30 habeennimo. Maasoor Hotel Hargeysa ayaannu ka soo baxnay. Daal iyo dekaan ayaannu la ciirciirayney. Maalmahaas daalka nafsaaniga ah iyo ruxanka maanka ayaa iska badnaa. Waxa nalaga qafaalay isgoyska Total ee Jigjiga-yar iyo Xero-awr. Saddex gaadhi oo aannaan aqoonsan karin cidda leh iyo rag dhar-cad ah oo hubaysan oo iyaga laftooda aannaan haybtooda suurayn karayn, ayaa isku kaaya gadaamay oo gaadhigii aannu wadanney labadiisa docood, xaggiisa dambe iyo foolkiisa horeba qoryo ay cabbaynayaan nagaga qabtay. Daaqadaha ayay degdeg u fureen oo dhafoorrada qoryihii nagaga qabteen.

Hordhac Xusuus qor (Qeybtii 1:aad) W/Q, Axmed C. Cawaale

Anigoo ah Axmed Cabdullahi Cawaale, kana tirsaan jiray shaqaalihii diblomaasiinta ahaa ee Wasaaradda arrimaha dibedda ee Jamhuuriyaddii Soomaalida, kuna soo biiray aakhirkii 1975, kedib markii aan soo dhammaystay shaqada qaranka, oo aan ka soo shaqeeya xeriyihii lagu daryeelayay dadka ay aafeysay abaartii dabadheer. Xeryahaas oo ku yaallay demada Ceel afweyne ee gobolka Sanaag muddo lix bilood ah, kedib waxaan u soo raacay dayuuraddihii Ruushka tuulada Ceel Axmed, waxaanan imi magaalada Muqdisho, halkaasi oo aan qeybtii labaad ee sannadka kaga shaqeeyay macalinnimo dugsiga hooyse dhexe ee Hawlwadaag.