Fortsätt till huvudinnehåll

Taxanaha Dharaarihii Xadhiggayga: Toddoba xayawaan ah, aniga iyo qol 3x4m ah W/Q, Maxamed Baashi Xaaji Xasa


War-ma-qabto ayaannu ahayn. Wax aannu wax ka soo xusay maalinta dhallinyarada Somaliland ee 20-ka February. Waa February 20, 2017, abbaara 11:30 habeennimo. Maasoor Hotel Hargeysa ayaannu ka soo baxnay. Daal iyo dekaan ayaannu la ciirciirayney. Maalmahaas daalka nafsaaniga ah iyo ruxanka maanka ayaa iska badnaa. Waxa nalaga qafaalay isgoyska Total ee Jigjiga-yar iyo Xero-awr.
Saddex gaadhi oo aannaan aqoonsan karin cidda leh iyo rag dhar-cad ah oo hubaysan oo iyaga laftooda aannaan haybtooda suurayn karayn, ayaa isku kaaya gadaamay oo gaadhigii aannu wadanney labadiisa docood, xaggiisa dambe iyo foolkiisa horeba qoryo ay cabbaynayaan nagaga qabtay. Daaqadaha ayay degdeg u fureen oo dhafoorrada qoryihii nagaga qabteen.



Waxa ila socdey mulkiilaha Star TV, Maxamed Koodhaadhi, oo gaadhiga wadey. Labada dhinac inta ay laba nin oo dhar-cadi iga kala fadhiisteen oo qoryo igu qabteen ayay ila degeen oo i saareen gaadhi kale oo ka mid ah kuwii ay wateen.
Argagax iyo fir-ka-nax ayaa isku mar naftayda ugu kulmay. Waxa weydiiyey cidda ay yihiin?! Waxa ay iigu jawaabeen “waxa aannu nahay ciidan qaran”. “Wax caddaymo ah ma haysaan iyo sababta la ii afduubayo in aad wax ruqsad ah u sidataan midna, illayn wax calaamad ah oo dawladdu leedahay idinka iyo gawaadhidiinnaba kama muuqato’e?”, ayaan weydiiyey. Waxa ay iigu jawaabeen “hadalka yarayso!”
Way iska kay walwaasheen sidii neef adhi ah oo waraabe la tegey. Waa laba gaadhi oo midi naga dambeeyo. Waddada Xero-awr ayay afka ila saareen. Waxa ay ciddii soo dirtay ku wada hadlayaan isgaadhsiinta foonyaha gacanta oo ereyo-sireed u gaar ah oo lambarro u badan ku socota. Inta ay waddada ka yar degaan ayay aaladdaas ku duryamaan.
Bishaas February iyo 2017
Nin weyni waa yaqaan wedkii dilayee, ogaadey markiiba halka la iga wareemay, hase yeeshee waxa aan garwaaqsan waayey sida wax u dhacayeen ee xaaduqnimada ahayd ee bahdilka iyo foolxumadu ka buuxdey ee la iila dhaqmayey.
Qofka aadmiga ahi haddii uu in uun haybad iyo xushmad dadnimo leeyahay habeenkaas waxa aad moodaysey in samada laga soo rafacay oo xeerkii kaymaha ee habar-dugaaggu shaqaynayo marka la eego sidaas qafaalashadu u dhacday iyo sida ay u sii socotey saacadihii ku xigey ee ka dambeeyey.
Soomaalidu sideedaba dhacdooyinka ma weelayso. Ma leh kayd xusuuseed ama mid taariikheed oo la guurguura, waxna lagu qiimeeyo. Si yar ayay wax weliba agtooda ugu dhintaan oo aanay dhito iyo raad dambe ugu yeelan. Sidaas awgeed geyigeenna cidi dembiile ma noqoto. Nin kastaaba inta uu waxa uu doono sameeyo, ayuu haddana berrito “xalay dhaley” ka noqdaa. Waxa aan is leeyahay tani waa ka mid sababaha dhacdooyinka xunxun ee isku midka ahi nolosheenna guud ugu soo noqnoqdaan ee waayaha iyo wacaalaheenna ula guurguuraan.
Waxa aan uga dan leeyahay dharaarahaas horraantii February 2017 wax weyn oo dawladnimada iyo sharciga qaranka duulleeyey, oo sannad ka dib manta badiba la illoobey, ayaa Hargeysa ka dhacay. Intii hawadinta hawlaha qarannimo loo igmadey ayaa muddarrooyinkaas ka dambeysey oo samaynaysey; in gacanta kula jirta si toos ah iyo in ka aamusan si dadban oo daawanaysa.
12-kii February waxa si fool loogu tuntay sharcigii iyo kala dambayntii waddanka. Gudaha xarunta golaha wakiillada (sharci dejinta) ayaa fool-hallow ka dhacay oo afduub sharci-darro ahi ka hanaqaaday. Waxa la wareemay golihii wakiillada oo mashqac la ruubay.
Dhaameel ayaa loo ruxay golihii ummaddu soo dooratay si looga fushado wixii la doonayey. Waxa la marsaday mashruuc yacyacood ahaa oo muhmal iyo macaash-doonnimo indho li’i ay keenada u hayaan. Waa “Saldhigga Berbera” ee la siinayey dawladda Isu Tagga Emiraadka Carabta.
21 xildhibaan oo arrintaas sida loo maamulayey ku qanci waayey oo ka wayiigey ayaa askar lagu dalbaday oo dhulka la jiidjiidey, xoogna lagaga saaray xaruntoodii ay xilalka ummadeed ka hayeen, si muhmalkii la walwaalayey loogu xalaaleeyo.
La soco qaybta 2aad
Dheeg ka mid ah dhacdadii golaha wakiillada ee 12/02/2017
https://www.youtube.com/watch?v=GiP1qOKdiqU
-------------------------------------------------------------------------------------------
Taxanaha Dharaarihii Xadhiggayga: Toddoba xayawaan ah, aniga iyo qol 3x4m  W/Q, Maxamed Baashi Xaaji Xasan. Q-2-3aad

Marka laga yimaaddo 21-kii xubnood ee golaha wakiilladda ee sida qayaxan ee geesinnimada leh uga dhiidhiyey 12/02/2017 muhmalnimadii mashruuca saldhigga millateri ee Berbera laga siinayey UAE, waxa iyana, sidaas oo kale, dedaal arrintaas ka horjeeda maalmahaas ku hawllana odayaasha Madasha Wada-tashiga. Xukuumaddii talada haysey dadkii mindada daabkeeda hayey iyo taageerayaashoodii waxa ay tummaatidoodu ku qummanayd odayaashaas oo qaar ka mid ahi ahaayeen aasaasayaashii iyo hormuudkii ururkii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed (SNM). Maxauud Xaashi Cilmi iyo Prof Cabdisalaan Yaasiin Maxamed ayaa ka mid ahaa.

Dhallinyaro badan oo kuwa jaamacadaha ka mid ah ayaa iyana hawsha dhinacooda kaga jirey. Dhallinyaradu kooxo kala duwan bay ahaayeen. Qolo kasta dedaalkeeda ayay dhinaceeda kaga jirtey. Dhallinyarada oo boqollaal ka koobnaa waxa ay qorshaynayeen muddaharaadyo arrintaas saldhigga Berbera sida loo maamulayey ka horjeedey.
Anigu, Maxamed ahaan, waxa aan ka mid ahaa dadkii aan la dhacsanayn sidii arrimaha saldhigga loo maamulayey. Musuqmaasuq iyo boobka hantida ummadda oo hore loogu tuhunsanaa xubnihii xukuumadda ka midka ahaa ee sarsare, gaar ahaan madaxtooyada iyo intii ku xidhnayd, ayaa muhmalka saldhigga iyo saskii laga qaadayi waxa ay keeneen kacdoon diidmo ah oo laga muujiyey saldhiggaas iyo sida qurracan ee aan caddayn ee loo maamulayey, waayo marnaba ummada iyo cidda ka wakiilka ah (golayaasha sharci dejinta) looma sheegin, lamana soo hor dhigin wax heshiis ah oo arrintaas ku saabsan oo la galay iyo sida loo galay iwm. midkoodna.

Waxa ay dad badan oo aan ka mid ahaa u arkeen in wax la qarinayaa jiraan, taasina ay damaq ku keentay caabuqii hore u jirey ee dhaca iyo boobka ummadda hantideeda guud oo hadda u muuqatay in baddii iyo xeebihiina la xaraashayo.

 Arrintaasi waxa ay ii jiiddey dareen ahaan oo aannu aragti wadaag ka yeelannay odayaashii Madasha Wada-tashiga, gaar ahaan Prof Cabdisalaan Yaasiin Maxamed iyo Maxamed Xaashi Cilmi.


Dheeggani waxa uu ku saabsan yahay kulankii ugu horreeyey ee madasha ee aan ka qayb galo, aragtidayda saldhigga iyo ahmiyadda taariikheed Berbera ayaanu ka turjumayey:
https://www.youtube.com/watch?v=-Qs4uzbmB6s

Tani waxa ay igu xidhay dhallinyaradii gadoodsanayd ee mashruuca saldhigga wayiigsanayd. Kulamo ayaannu ku yeelannay Safari Hotel intii u dhaxaysey 16 – 19 February 2017. Laba kooxood ayaa ugu ballaadhnaa. Waxa ay ka midaysnaayeen in 20-ka February 2017 lagu beego muddaharaad magaalada gilgila oo saldhigga millateri ka dhan ah sidii 1982-kii dhiidhigii ardayda iyo kacdoonkii dadweynaha ee Hargeysa u qarxeen si la mid ah.

Doodo iyo qiimayn badan oo ku saabsan duruufihii lagu jirey ee ku saabsanaa sida aanay dhinacyada kala duwani diyaar ugu ahayn, una bislayn muddaharaadyo la dhigo iyo sida looga faa’iidaysan karo ee amniga iyo degganaanta waddanku u wiiqmi karaan, waxa aannu 


gabagabadii dhallinyarada muran ka dib isla qaadannay in muddaharaad suuqa la yaaco aan la samayn ee looga wareego si kale oo dareenka loo cabbiro.

 Waxa aannu isla qaadannay dhallinyaradii:


• In xuska maalinta dhallinyarada Somaliland ee 20-ka Februray si weyn loo maamuuso
• In muujinta dareenka shacbiga ee saldhigga Berbera lagu lammaaneeyo xuska dharaartaas
• In xildhibaannadii 12/02/2017 ka hor yimi saldhigga lagu muuneeyo xuskaas, lana soo casuumo odayaashii madasha
• In xukuumadda xubno sare laga soo casuumo oo ay dadka ku qanciyaan saldhigga iyo sida wax loo wado oo dood laga furo
• In Maansoor Hotel xafladda lagu qabto fiidnimada 20/02/2017.


Hawsha xafladda waa la kala qaybsaday. Aniga waxa igu soo hagaagey in aan soo casuumo madaxda dawladda, qoraalna ka soo diyaariyo kacdoonkii 20-kii February 1982. In kasta oo marka dhallinyarada loo eego aan xidhiidh la lahaa xubno sarsare oo xukuumadda ka mid ah, haddana waxa dharaarahaas laga maqnaa madaxtooyada oo ahayd halka ay u dhimatay ee hawsha mashruuca saldhiggana la riixayey. Waxa dibedda safar ugu maqnaa madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxa maqqnaa isna wasiirkiisii madaxtooyada Maxamuud Xaashi, haseyeeshee waxa joogey wasiir ku xigeenkii xilligaas Axmed Xaashi iyo afhayeenkii Xuseen Dayr. 


Labadan mas’uul oo aan aqoon qofnimo la lahaaba, waan la xidhiidhay oo waannu isla afgarannay dood ka dib xafladda iyo ujeeddadeeda, waanay soo dhoweeyeen. Axmed Xaashi waxa aannu isla qaadannay in xafladda cid loo soo diro dhallinyarada la sheekaysan karta. Axmed waxa uu ballanqaaday in aannu isagu iman karayn oo ballan hore miiska u taallo, hase yeeshee uu cid u soo diri doono dawladda metesha. Waa 18-kii February marka aannu xukuumadda isla garannay arrintaasi.

-------------------------------------------------------------------------------------------


Taxanaha Dharaarihii Xadhiggayga: Toddoba xayawaan ah, aniga iyo qol 3x4m ah Qaybtii 4aad

Shookiga dhexe ee magaalada Hargeysa ayaa la i geeyey saqbadhkii. Shookigan waxa araggiisa gudaha iigu dambaysey 1982-kii. Xilligaas xaaladdiisa dhismaha, agabyadiisa iyo ciidanka ka hawl-gelayaaba way ka wacnaayeen muuqaal ahaan wixii habeenkaas 21/02/2017 ay ishaydu la kulantay. Dayac badan ayaa shookiga ka muuqdey naf iyo moodba. In dib u dhac haleelay mooyaane, shookigaas waxba uma kordhin 26 sannadood oo markaas Somaliland calankeedu ka dul babbanayey. Saldhiggan waxa la dhisay ugu horrayn 1953 xilligii gumeysiga Ingiriiska. Dawladdii Kacaanka ayaa ballaadhin iyo dib u casriyey ku samaysay horraantii 1970-aadkii.
OB-ga waxa la igaga qoray xogtii xarunta nabad sugidda la igaga qaaday. Casriga technology-ada xiimaysaa geed kasta iyo guri kasta ay gashay, labadan xafiisba waxa weli wax lagu guurinayaa qalin iyo buug baallo waaweyn.
Kabihii ayaa la iga bixiyey oo tamaashiir guud lagaga qoray 1236 oo aan u maleeyey lambarka qoorta ii sudhan in uu yahay. Suunkii dhexda oo la iga siibey ayaa kabihii laba dibble loogu xidhay oo khaanad kabayow kale ka buuxaan la hulluuqsiiyey. Nasiib wanaag in aanay labada kabood kala hadfayn, hadhowna lambarkaas lagu soo sooci karo ayaan yiqiinsaday. Candhoba waa xubin.
Waxa la i dhex mariyey barxad albaabbo bir ah oo kala dambeeya leh oo maxaabiis badani ku xidhan tahay. Soomaali badan oo halkaas goglanayd waxa weheliyey Yamani iyo Oromo aan badnayn. Waxa la igu karantiimeeyey qol yar oo gaar ah oo sii dambeeya. Albaab bir iyo garaa’id ka samaysan ayuu leeyahay. Garaa’idku waa qaybta sare. Waa madow marka laga reebo iftiin diciif ah oo ka soo gelaya saddex fanlight, daloolka u dhexeeya garaa’idka iyo shan iyo toban fanlight oo yar yar oo midkiiba iftiin gabbal u egi ka soo gelayo. Qolka bedkiisu waa 3x4m, waxa soo raaca suuli/baytal raaxa aan melena iftiin ka soo gelin. Sagxadda qolku waa sibidh tayadiisu fiican tahay, hase yeeshee aad u qabow, gabadanadii February kaydinaya.
Saddex midab ayaa gidaarradiisu ka kooban yihiin: Doogo cuddoon oo xagga hoose ka bilaabanta, doogo khafiif ah iyo casaan hadda caddaati isu sii beddelaya. Saddexda midabba way sii fasaqmayaan oo way liinbaxeen, waxana meelaha qaar ka muuqda nuuraddii midabbada ka shishaysey ee gidaarka. Dusha sare (saqafka qolka) waa nuurad madow fuulay. Xuub caaro ayaa ku getfan qolka oo dhan wixii ka sarreeya qof jooggii.
Nal berendaha ku yaalla if ka imanaya ayaa qolka qayb ka mid ah si liidata u soo gaadhaya. Gabbalaha ifka ee fanlight-yada yaryar oo caaro ku gedaaman tahay qolka ka soo gelayaa waxa ay toos ugu dhacayaan sagxadda qolka. Waxa ay samaynayaan widhwidh iyo dhaqdhaqaaq nafta goobtaas ku cusub baqdin ku abuuraya.
Nadaafadda qolku ka hadal ma leh. Si loo tilmaamo iyo ereyo lagu cabbiraa way adkaanaysaa. Marka aad gashaba waxa ku jiidhaya kabbac iyo bannaf isugu jira dhidid ur kala duwan samaynaya, sufuudh (sufur) iyo siifad gidaarrada ka soo go’aysa iyo suyac ka imanaya sibidh iyo nuurad ciideed biyo ladaabtay oo ka dhegey.
Waxa maskaxdaada ku soo dhacaya in laba dulmi qolkan yar isku jiidheen: dulmi dad aan waxba galabsan lagu soo xidhay iyo qaar wax soo dulmiyey oo xaq lagu soo xidhay. Is diiddooyinka labadaas ayaa abuuraya waayo-duruufeedka kakan ee qolkaas yar. Waxa qolkaas nolosha ku wadaaga oo marna is ugaadhsada, marna is weheshada baranbarooyin, caaro, qorratooyin, duqsi, Caasha-badhi, kaneeco, kutaan (takfi) iyo maxbuuska markaas loo keeno. Haddeerto anigaa la nool.
La soco qaybta 5aad

N0: 1236





Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.