Fortsätt till huvudinnehåll

Inlägg

Visar inlägg från februari, 2017

Maqaalkii uu Qoray Maxamed Baashe Xaaji Xasan ee Sababay Xadhigga: BERBERA BERBERA BERBERA!!

Waxa fashilmay habkii dimoqraaddiga ahaa ee curdinka iyo socod baradka ahaa ee Somaliland. Tuurta iyo qoriga caariddiisa ayaa la saaray distoorkii waddanka oo gacanta u galay dad aan xilkas ahayn oo awooddii qarannimo u adeegsanaya si ku-takrifal iyo jawrfal ah oo weliba ah cid aan ahayn ciddii loo igmaday ee laga la xisaabtami lahaa.  Xaruntii golaha wakiilladu waxa ay noqotay shalayto gole hanuunineed oo hugun iyo durbaanno ka yeedhayaan oo haween ka mashxaradayaan.  Waxa hantidii qaranka lagu nugleeyey hankii xildhibaannada oo lagu kellifey in ay calooshooda oo keliya wakiillo u noqdaan.

Xadhiga Maxamed Baashe Iyo Debbaaldeggii 20 feberweri baa Isku Beegmay

Halganka dadku waa uu noocyo badanyahay. Mar baad naftaada uun u halgantaa, mar baad qoyska u halgantaa, marbaad Bulshada u halgantaa. Inta badan dadka bulshada u halgama waxa ay mutaan dhibaato uga timaadda cidda ama awoodda sida qaldan wax u maamulaysa.  Maxamed Baashe Xaaji Xasan isagoo dhigta dugsiga sare oo da'diisu tahay xilliga ugu fikirka fiican ayuu ka mid noqday dhallinyaradii dhagaxa kala hortagtay ciidankii dhiigyacabka ahaa ee xukuumaddii kelitaliska ahayd. Bishii feberweri 1982 ayaa dil lagu xukumay macallimiin iyo aqoonyahan lagu eedeeyey in ay maleegayeen kacdoon ka dhan ahaa xukuumaddii xilligaas.