
Halganka dadku waa uu noocyo badanyahay. Mar baad naftaada uun u halgantaa, mar baad qoyska u halgantaa, marbaad Bulshada u halgantaa. Inta badan dadka bulshada u halgama waxa ay mutaan dhibaato uga timaadda cidda ama awoodda sida qaldan wax u maamulaysa.
Maxamed Baashe Xaaji Xasan isagoo dhigta dugsiga sare oo da'diisu tahay xilliga ugu fikirka fiican ayuu ka mid noqday dhallinyaradii dhagaxa kala hortagtay ciidankii dhiigyacabka ahaa ee xukuumaddii kelitaliska ahayd. Bishii feberweri 1982 ayaa dil lagu xukumay macallimiin iyo aqoonyahan lagu eedeeyey in ay maleegayeen kacdoon ka dhan ahaa xukuumaddii xilligaas.
Xukunkaas ayey ardaydii dugsiyada ee magaalada Hargeysa ka dhiidhiyeen oo dhagax kala hortageen ciidankii Maxkamadda. Waxaana xukunkaasi markii danbe isu bedelay Xabsi Daa'in. Muddo yar ka dib Maxamed Baashe waxa uu u tallaabay Itoobiya oo uu ku biiray SNM. Waxa aan xasuustaa Idaacaddii uu ka hawlgalay ee la odhan jiray HALGAN oo uu barnaamijyada u diyaarin jiray isla markaasna uu soo saare ka ahaa.
Maxamed waa qoraa qoray buugag qiimo leh sida HAL KA HALEEL (oo si faahfaahsan uga hadlaya Maxamed I Warsame Hadraawi) HAL AAN TEBEYEY (oo uu ka qoray halgamaagii magaca dheer ku lahaa dhulka soomaalidu degto oo dhan Xaaji Aaadan Axmed - Afqallooc). Waxa uu Maxamed qoray buugaag kale oo qiimo leh. Halgankaas waxa u dheer noolaynta iyo horumarinta dhaqanka soomaalida. Isagoo aan ka maqnaan goobaha lagu hadal hayo dhaqanka iyo hiddaha soomaaliyeed. Maadaama oo aan aqoon fiican u leeyahay Maxamed waxa aan ogahay in uu ku fooganyahay wanaag iyo waxtar bulshadu leedahay.
Ma qabo in lagu xidhay isagoo fal-danbiyeed uu ku mutaystay in la taxaabo. Haddaba maxaa lagu xidhay? Waa ay muuqataa oo maalmahanba si toos ah iyo si dadban ba waxa looga hadlay saldhigga la yidhi waxa la siiyey Imaaraadka Carabta. Qof kasta oo ildheeri waa uu garanayaa in aanay fududayn heshiiska noocaas ah. Laba dal oo is aqoonsan oo safaarado wadaaga ayaa heshiiskaas oo kale kala saxeexda.
Somaliland oo siyaasiyan u baahan in ay ka baxdo jeelka ay ku jirto ee caalamku geliyey, in ay tidhaahdo ciidan baan dalka keenayaa oo heshiis baan la galay Imaaraadka. Ogow Imaaraadka safaarad baa u fadhida Dawladda Fedaraalka Somaliya, waa laba dal oo is aqoonsan. Imaaraadku kuuma aqoonsana dal jira inaad tahay. Hadduu sidaa aqoonsanyahay waa in caddaynteedu ahaataa in Somaliland ay soo fadhiisato kursigeeda jaamacadda carabta ama ay ku dhawaaqaan si aan qarsoonayn aqoonsiga dal ahaaneed.
Arrimaha noocaas ah ee murugsan ee wasiiradda qaar ay u hadlayaan sida yaab ka ah ee aad mooddo in ay la hadlayaan dad indho la' ayaa lagu xidhay Maxamed Baashe Xaaji Xasan. Waxa aad mutaysatay Ina Baashoow Billad Geesi. In badan oo kalena ha la xidho bal halka ay ku danbaysaynu arki doonnaa. In ciidan cagta soo dhigaa Somaliland iyo In kale haddaan la is qancin. Haa baarlamaankii baa isksu raacay!! Waa kee Baarlamaanku ma ka uu Saleebaan Gaal oo wasiirkii Maxamed Siyaad ahaa tan iyo sagaashankii --labaatan sannadood---uu codbaahiyaha ka lahaa Qabta oo Xidha, Raaciya isagana !!!!
Jeelka Rag baa loo Sameeyey Maalintay ku habboonayd Buu Jeel u Galay Maxamed Baashe Xaaji Xasan. Taariikhdaa Sheegi Doonta Ogsoonoow waa 20 feberweri 2017 waa lama Ilaawaan. Gu'gii 1982 kiina Jeel Buu u Galay. Maantay Daaman La Qabto Leedahay.
Sayid-Axmed M. Yuusuf
21-02-2017 salaasa, Stockholm/Iswidhan
Kommentarer
Skicka en kommentar