Fortsätt till huvudinnehåll

Maqaalkii uu Qoray Maxamed Baashe Xaaji Xasan ee Sababay Xadhigga: BERBERA BERBERA BERBERA!!




Waxa fashilmay habkii dimoqraaddiga ahaa ee curdinka iyo socod baradka ahaa ee Somaliland.Tuurta iyo qoriga caariddiisa ayaa la saaray distoorkii waddanka oo gacanta u galay dad aan xilkas ahayn oo awooddii qarannimo u adeegsanaya si ku-takrifal iyo jawrfal ah oo weliba ah cid aan ahayn ciddii loo igmaday ee laga la xisaabtami lahaa. Xaruntii golaha wakiilladu waxa ay noqotay shalayto gole hanuunineed oo hugun iyo durbaanno ka yeedhayaan oo haween ka mashxaradayaan. Waxa hantidii qaranka lagu nugleeyey hankii xildhibaannada oo lagu kellifey in ay calooshooda oo keliya wakiillo u noqdaan.






Wax aan heshiis ahayn oo aan suul iyo saxeex midna lahayn oo qol madow lagu soo malmaluuqay ayay waxaas oo hagardaamo ahi u dhacayaan. Waxa la fara saaray xubnihii wakiillada ee arrimahaas ka diqooday oo la waxyeelleeyey, xoogna lagu maquuniyey oo dibedda looga tuuray xaruntii ay ummadda ugu adeegayeen. Dhaxal xumaantii ku-danaysiga kooxnimo iyo reernimo ee qarannimada iyo dawladnimada ee horeba markii Siyaad Barre iyo kooxdiisii la yimaaddeen laga dagaallamay (SNM) ayaa la moodaa in mid la mid ahi hinqasho dhaqaaqay oo shalayto horteenna; indhaheenna oo shan ah isku hor qaawiyey, si badheedhe ah oo indho-adayg ah.
Waxa ay u muuqataa in gabbal-dhacii danaysi-kooxeed bilaabmayo, haddii aan la dabaqatayn oo aanu halqabsigu noqon “yaa maali jirayeeyna” uu halis gelayo dhaxalkii ummadeed. Saldhigga Berbera laga siinayo Carabta meel-marintiisa ayaa keentay in shuruucdii waddanka tuurta lagu qaato oo lagu tunto. Waxa la tahli waayey in danta qaranka ugu jirta saldhig ciidameed oo UAE la siiyo loo sharxo oo shacabka laga dhaadhiciyo. Waxa lagu fashilmay in heshiis rasmi ah golaha wakiillada la horkeeno oo si xor ah looga doodi karo.
Tuugta u muuqata sida buurta Daalo ee dadka iyo dalkan sandareertada ku rahmaya waxa ka sii daran tuug-kalkaallada diiraddu hayso ee taariikhda aan nixi baalasheeda magacyadooda ku kaydinayso. Jidkii saxda ahaa ee la mari lahaa waxa laga doorbiday in afka la saaro dariiq qardajeex ah oo qodxaan badan, shaki badanna abuuray. Ingiriiskii dalkan gumaysan jirey, dawladihii rayadka ahaa ee gobannimada iyo israacii Soomaalida ka dambeeyey iyo dawladdii kacaanka ahayd ee Maxamed Siyaad Barre ayay Berberi ka adkaatay oo ka guulaysatey, maanta waxa uu mar kale shacabkii kor iyo hoosba u leeyahay:
“Hashaan gaadda-weynow libaax ugu gabboon waayey

Inaan gorayo-cawl uga tagaa waa hal soo gudhay!”

BERBERA BERBERA BERBERA!!
– Walaayada Isaaq waa BERBERA waadi la cabbaaye

– Wadnahayga iyo bay ku taal waaxda feedhaha’e

– Wax la siiyo iyo iib BERBERA way ka weyn tahay!

Cali Bookh Wayrax, 1880-aadkii.
BERBERA wax go’ lagu qaado ka weyn! Codka shacabka, 1880-aadkii.
– Duqaydii qarankaay

– Dabuub aannu maqlayney

– Dareen baan ka qabnaaye

– Dugsigii barlamaankiyo
– Dekeddii Xamar baa leh
– BERBERA daadku ha qaado
– Doonniyi yaanay ku weecan
– Labadaa kala daaya oo
– Yaan la daymo la’aan!
Cabdillaahi Suldaan ‘Timocadde’, 1961.

– Rashiid Ina Sharmaarkow digtoor raahibaad tahaye

– Raasada BERBERA waa wadnaha Reer Waqooyiga’e

– Kol haddaad Kismaayo u rarteen Reerkii kala guur! Ismaaciil Xalleef, 1967.

-Ina soo Dafiyo

– Ina Daylo Kude

– Dulli Jaamac Gaas

– Guulwade Dadbane
– Iyagaa dulmanoo
– Loo doodayee
– Maxay doobayeen
– Dekeddii BERBERA
– Way dalooshantee
– Ma daboolayaan!
Cali Sugulle Cigaal,

QORE: MAXAMED BAASHE XAAJI XASAN

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.