Fortsätt till huvudinnehåll

Geeridu waa xaq: Ilaahay ha u naxariisto Maxamed Axmed Kuluc

Qofkastaaba geerida waa uu dhadhamin doonaa.

Shalay oo taariikhdu ahayd 17-01-2015 ayuu marxuum Maxamed Axmed Kuluc ku geeriyooday cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa. Maxamed Axmed, fanka masraxiyadaha ka sokow! waxa uu baal taariikheed ku leeyahay fan-halgameedkii kontomaadkii, markii maamulkii Ingiriisku joogay (Somaliland protectorate). Sida uu isagu sheegay ee dad kale oo xogogaal u ahaana ugu markhaati fureen, waxa uu halgan suugaaneedkaa ku mutaystay xadhig. Heesaha dhegtu jeceshay ee dhanka halgankii gobonimo-doonka, waxa uu kaga jiray safka hore. Aan maallo hasheena Maandeeq ayaa ka mid ahayd, Waabaa beryey bilicsan arooryo baxsan. IHN Marxuumka.


Dhammaan bahda qorayaasha Somaliland, waxa ay tacsi u dirayaan qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan dadka soomaaliyeed meel kastay joogaanba. In Ilaahay samir iyo Iimaan dhammaanteenba innaga siiyo aamiin. Marxuum Maxamed kama geeriyoon qoys iyo qaran keliya, ee waxa uu ka geeriyooday qoysas iyo Qarammo ----Tan iyo Jabbuuti, Somaligalbeed, Soomaliya, NFD iyo Somaliland ayuu ka geeriyooday. Waa ay noolaanaysaa taariikhdiisii, waanay jiraysaa oo joogaysaa inta qof soomaali ahi nool yahay. in dhakhso loo qorona, waanu dhiirrigelinaynaa, oo jecelnahay in aanu hormood ka noqonno.

Ilaahay baa weyn

Guddoomiyaha Ururka Qorayaasha Somaliland Laanta Iswidhan
Sayid-Axmed M. Yuusuf (Dhegey)
Iswidhan

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u   wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha   cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay   ku beegnayd   xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta. 

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto. 

Maxamed Xaashi Dhamac "Gaarriye" ----- "Dhaxalkuu ka tegey, Waa inoo dhigaal" Q-1aad

Geesibaa Dalkeennii ka go'ay, Gaadhka hayn jirey dheh Gal noo irmaanaan jiraa Gudhay Digaalow dheh Madi Geyiga wada Deeqi jirtuu Geeljirii tebey dheh Gobkii midhaha laga goosan jirey Gaarriyaa baxaye. Halyey lagu goblamay baa Dhintaye, Calamadaw gaabsha. ....................Faarax Murtiile/London/ Uk 2012