Fortsätt till huvudinnehåll

Sheeko kooban. "Daf iyo Midhiq siyaasad saaran" W/Q, Sayid-Axmed Dhegey, 2009


Sheeko kooban. "Daf iyo Midhiq siyaasad saaran, haddaad saluugtey, sacba aynu qalannee si kale ma yeelnaa Siissaw ma saarnaa?"

Dhammaadkii todobaatanaadkii ee qarnigii labaatanaad ayey dad badan oo ka soo jeeday Somaliland waxa ay saluugeen gawaadhidii talyaaniga lagu soo sameeyey. Gaar ahaan waxa ay xilligaa fidhaab ka istaageen soomaalilayntu gaadhigii isjiidka ahaa ee uu darawalka ka ahaa ninkii da’da weynaa. Darawalkaas oo dhammaadkii lixdamaadkii isla qarnigaa loo dhiibay gaadhiga waxa uu ka helay taageero ballaadhan bulshadii reer Somaliland oo xilligaa loo yaqaannay qaldaamiin. Waxa kale oo loo yaqaannay Soomaalilayn oo tilmaanta ugu quruxda badan ee lagu tilmaansado reer Somaliland waxa ay ahayd “koo oo Soomaalilayn ah” waa marka afka laga ilaalinayo Qaldaan.

Gaadhigii Isjiidka ahaa ee lagu soo sameeyey dalka talyaaniga, waxa u adkaysan waayey Somalilayntii. Waayo, guuxiisa ayaa aad u xoog badnaa, socodkiisuna wuu yaraa oo gaabis buu ahaa. Odayga darawalka ahina si fiican waxbaba umuu arkaynin ee kolba jar ayuu gaadhigu kula dhacayey. Dadkii jenbiyada saarnaa ayaa beri hore ka daatay oo dhulka ka soo go’ay. Ha iska daalaa dhacee, waxa uu si gaar ah darawalku u sii necbaystay soomaalilayntii. Waxa uu arkay iyagoo afka isa saarsaaraya oo leh “Waar dee kani darawal inoo noqon maayo’e aynu gaadhiga ka dejinno” Midhkaa wuu dhibsaday darawalkii wuxuuna bilaabay in uu gaadhigaba ka dejiyo dhammaan qaldaamiinta. Arrimahaasi markii ay dhaceen bay talo isugu noqdeen Soomaalilayntii. Waxa ay go’aansadeen in aan gaadhiga Isjiidka ahi anfacaynin, oo loo baahanyahay in gaadhi kale la soo iibiyo oo loo dhiibo darawal cusub.

Qayladii baa gaadhay Khaliijka iyo Yurub gaar ahaan Ingiriiska. Waxa la soo go’aamiyey in gaadhi la soo iibiyo. Gaadhigaasi waa in uu ahaadaa mid aad u dheereeya. Waxa la soo helay gaadhi ´dalka Ruushka lagu samayn jiray oo soomaalidu u taqaanney “Daf iyo Midhiq”. Waxa la soo weriyey gaadhigaas haddii bool ka mid ah boolasha ku xidhan matoorka laga saaro, in gaadhiga uu duulayo oo sida dayuuradda uu cirkaa mushaaxayo. Waa loo wada riyaaqay oo la yidhi” Kaasaynu u baahannahay, markaynu doonno boolka ayeynu ka saaraynaa ha duulee”. Darawalkii baa loo dooray, nin aan weligiiba kaxayn “Daf iyo Midhiq” ayaa loo dhiibay. Sannadba lama ay gaadhin ee markiiba waa laga qaaday oo la yidhi, waar gawaadhidii aad taqaannay iskaga noqo, kan rag yaqaanna ayaa loo doonayaaye. Waxa kale oo la soo dejiyey jidkii uu mari lahaa gaadhigu si uu u gaadho dalkii oo uu dadkii dayacnaa ee soomaalilaynta ahaa u gaadho.

Jidkii baa la jeexay qalin baa lagu sawiray. Haa, gaadhiga waa in dayuurad la saaraa, Maya waar dee Gaadhigan laftiisa ayaa markuu doono noqonaya Dayuurad, weliba kuwa qummaatiga u kaca weeye. Waatahay, dee haddaa inna saara. Waa la soo raacay oo lagaga soo degey Adisabeba. Waxa loogu talo galay oo markaa loo arkay in ay tahay meesha keliya ee loo mari karo dalkii… Adisababa, dabadeedna Haadaamo, Hawaas, Hirna, oo halkaa lagaga soo dhaco Herer, ka dibna Diridhabe lagu yara weecdo oo lagu hakado, oo loo sii gudbo Jigjiga, oo halkaa laga qabsado waddadii Qaaxo. Sidii baa la yeelay. Balse waxa dhib noqotay sidii gaadhiga loogu heli lahaa Darawal afyaqaanna. Darawalkii labaadna kuma raagine waa laga rogay. Waar naga soo deg baa la yidhi, malaa Ostannadii iyo dhoojkii buu wadi jiray. Darawal aad u da’yaraa baa loo gartay inuu gaadhiga u noqdo Darawal. Isagiina la islama gaadhinba sannad, waar ka soo dhaadhac baa la yidhi. Talo ayaa dib la isugu noqday.

Waxa la yidhi waar sidani si ma aha oo kolba Darawal ka rogi mayno gaadhiga e aynu bal si miyirqabta ugu raadinno Darawalkii lagu aamini lahaa. Nin baa la soo helay, la soo ogaaday in uu in muddo ah Darawalnimada soo baranayey. Ninkii baa gaadhigii loo dhiibay. Markiiba waxa lagu yidhi waar naga soo deg, laakiin markan laguma degdegin oo dadkii baa qaar yidhaahdeen dee sidani waa waalli’ye bal aynu u kaadinno. Isagiina wuu dedaalay oo gaadhigii waxoogaa ayuu yara dhaqaajiyey, balse xawligii loo baahnaa ee gaadhiga loo soo dooray ma uu u kaxayn. Hadalkii baa hadhi waayey. Mise Isjiidkii oo lalaya ayaaba ugu galay Jigjiga. Waaba yaab. Daf iyo Midhiqdii oo taagan suuqa Jigjiga Badhtankeeda ayaaba mise waa ISjiidkii oo rimoodhkii laga soo furay. Talo ayaa ku caddaatay Daftii. Waxa ay noqotay, hadal ma hadhine, waa inoo Burco. Sidii ay Daf iyo Midhiqdii u sii maqiiqnayd mise subaxii danbe waaba Burco. Dadkii baa soo yaacay, waa la soo wada koray. Guulaysta oo Guulaysta ayaa ka dhacday. Mabay hakane, mise waa Hargeysa badhtankeedii. Waar dheeraysaa Daf iyo Midhiqdu.

Nasiib darro, markiiba shidaalkii baa ka go’ay gaadhigii. Isjiidkii ayaa ilaa Xamar ilaa Berbera u kala baxa, Daf iyo Midhiqdiina isha ayuunbay ka eegtaa illayn itaalkale uma hayso’e. Dadkii baa talo isugu noqday, oo yidhi waa in Darawalkan ku raagay gaadhiga laga rogaa. Waa laga rogay oo la saaray Darawal cusub. Nasiib wanaag bay u ahayd Darawalkaa in uu gaadhigii shidaal u helo oo uu waxoogaa Isbeerbaadhna uga soo qaado Berbera. Muddo yar kadibna Soomaalilayntii oo dhan baa Burco isugu timi. Waxay go’aansadeen in aan Somaliland lagu arag Isjiid danbe, sidaana rimoodhkii looga jaray “Inatareegii” lagu soo sameeyey talyaaniga. Waxa kaloo ay isku afgarteen in Darawalkii loo daayo oo uu in muddo ah sii wado gaadhiga. Nasiib darro halkiiba lagama sii qaadin ee gaadhigii ´roobweyn oo da’ey ayuu dhiidhidii galay oo kaba bixi kari waayey. Waar, riixaay, oo yaa dhegba jalaq u siiyey, waar gaadhiga nagala saara dhiidhida oo yaa dhegeystayba.

Iska daa dhiidhi laga saaro’e. Qaar baaba dhagaxaan u sii dhigay. Ugu danbayntiina taayiradii ayaa lagala baxay. Talo danbe ayaa la isugu noqday. 

Taayiradii baa loo soo helay oo kuwii la baxay ayaa soo celiyey. Waxa la yidhi, waar yaa gaadhigan aynu u dhiibnaa. Nin oday ah ayaa yidhi. Waar ma aragtaan ninka geedkaa hoos fadhiya, waa ninkii 30 sannadood ka hor Laandaroofarkii Soomaalilayntu lahayd waday, oo gawaadhida wuu yaqaannaa sida loo kaxeeyo. Waa Darawal waaya arag ah baa la yidhi. Waa loogu duceeyay, inkastoo Darawalkii ka horreeyey uu si cadho ah ku wareejiyay gaadhigii, balse dadka intii badnayd waxay yidhaahdeen bal aan eegno. Geedkaaba la islama gaadhin markii labada taayir ee horeba lagala baxay gaadhigii. Waa yaab, waar dadkani maxay doonayaan, ma waxa aynu ku jiri gaadhi la’aan, maalin kasta haddii taayiradii lala baxo muxuu ku socon gaadhigu. Dadka qaarbaa yidhi: “Oo sawtii la lahaa Daf iyo Midhiqdu” Way duushaa maxaa dhacay?

Muddo ka dib ayaa Darawalkii soo helay taayiradii, wadadiina wuu ku hagaajiyey. Inkastoo dhagaxaan dawga loo dhigay oo uu dhawr jeer wadada ka baxay balse Darawalkani, waa sidii la sheegayey oo gaadhigii wuxuu ku hagaajiyey dawgii. Isagoo gaadhigii wada oo uu kirishboygiina ag fadhiyo ayuu wadnuhu istaagay. Geeridu waa xaqe, waxa talo isugu yimi dadkii.

Dee Kirishboyga ayaa xaq u leh baa la go’aansaday. sidii baa kirishboygii loogu dhiibay gaadhigii. Waxaase nasiib darro noqotay, kirishboygu, jidka uun gaadhiga ku hagaaji mooyyee, mabuu ogayn meel loo socday. Shukaantii ayuunbuu labada dhinac ka buuxsaday. Xaggaa iyo xaggaa toona ma eegin ee wuu ka laalaadaa. Waxa taa ka daran gaadhigii lagama bedelin saliiddii, Isbeerbaadhkii dalka wuu ka dhammaaday, in dibedda loo doono ayay noqotay. Laba nin oo Ruushka joogi jiray baa loo diray, waxa la yidhi, waar bal wershaddii samaysay gaadhigan ha laga soo iibiyo Isbeerbaadh. Labadii oday waxay ka degeen Moosko. Markiiba waxa ay waraysteen dadkii: Nin bay weydiiyeen, wershadda samaysa Daf iyo Midhiqdu meesha ay ku taallo. Ninkii waabuu garanwaayey gaadhiga ay sheegayaan. Kuye, waar ninku miyaanuu Ruush ahayn? Iyagoo yaabban ayuu ku soo baxay nin da’ ah. Ninkii bay weydiiyeen. Inta uu kor u eegay buu yidhi: ” Waar xaggee ka timaaddeen? Waxa aanu ka nimo Somaliland.

Odaygii inta uu qoslay buu yidhi. Ma anaan garan inaad ka timaadeen meel aan calaamkaba u tirsanayn. Waar bal inna keena, gaadhi buu saaray, waxa uu horgeeyey meeshii ay ku oolli jirtay wershaddii samayn jirtay Dafta, oo beri hore albaabada loo laabay. Waxa ay arkeen dhirta ku baxday iyo jajabka ka muuqda wershaddii. waxa loo sheegay in la xidhay wershadda horraantii siddeetamaadkii. Sidii bay ku soo noqdeen labadii oday. Waxa ay soo ogaadeen in aan cidiba ogayn dal la yidhaahdo Somaliland, in Darawalka Gaadhiga wada aanuu garanayn gaadhigu halkii uu u socday. Nin dariiq xarriiqdaa garan kara dayawdaye, Dhidar selel la sara kacay, dhankastaaba waá u daw. Daf iyo Midhiq siyaasad saaran, haddaad saluugtay, si kale ma yeellaa, Siisaw ma saarnaa, Sabaaxii horeetiyo Haynoo ma saarnaa.?

Nabad iyo caano
Sayid-Axmed Dhegey, 2009kii
Sweden



Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.