Fortsätt till huvudinnehåll

Faallo ku Saabsan Isbeddeladii Siyaasadeed ee Deegaanka Soomaalida W/Q, Sayid-Axmed Dhegey 2013kii


Shan iyo labaatan gu' baa laga joogaa burburkii jamhuuriyaddii soomaaliyeed. Sannadkii 1988kii ayey burburtay jamhuuriyaddii soomaalidu dhisatay 01-07-1960kii. Heerarka ay dadka soomaalidu soo mareen, oo kolba meel wax uga hirayeen, ee hadana dhalanteedka u noqonaysay. Bal an wax yar isku dayo, anigoo u socda bal maanta halka wax marayaan iyo hirka maanta muuqda. Muddo ka badan 20 sannadood baa laga joogaa inta gebidhaclaynta siyaasadda soomaalidu ay wareersanayd. Meesha keliya ee ka badbaadday wareerkaas waa Somaliland oo dhisatay dawlad goonni ka ah jamhuuriyaddii soomaalida. Sababaha ay uga badbaadday ololka ka baxayey Muqdisho, waa mid u baahan in si gaar ah looga hadlo, iyadoo la baadhayo qodobada ugu muhiimsan.

  Dhammaan ururadii, ka jiray ama ka samaysmay burburka Jamhuuriyaddii soomaalida, ururadii bulshada iyo xataa dadka xilka aan hayn ee ku dhexjiray holoca iyo dagaaladii hadheeyey Somaliya, waxa ay ku heshiin kari waayeen in la dhiso dawlad dhexe. Balse dhammaan waxa ay heshiis ku ahaayeen in aan la aqbalin Somaliland, in aan xataa la horfadhiisan iyagoo ah dawladda Somaliland. Sababta diidmada, waa lagu kala tagganaan karaa, laakiin waa in garaadka fayow, ee jecel in xal la helo uu garan karaa, in ay burburtay Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed. Marka ay taasi kaa degto ayaad xal raadin kartaa. Waxaase yaab ah, in aanay dad badan oo reer Soomaliya ah kaba degin oo aanay garawsan, in qarankii soomaaliyeed uu burburay oo xal loo baahan yahay. Ma waxa xal ah in 50 dawladood oo hoosta ka madhan aynu nidhaahno waa federaal? Mise waxa qumman in bal marka hore dib loogu noqdo halkii wax laga soo bilaabay ee 1960kii?

Heerrarkii, hammigii, higsigii ay soomaalidu soo martay.

1937 kii ayuu samaysmay ururkii ugu horreeyey ee abaabul ka bilaaba Somaliland. Ururkaasi in-kasta oo aanuu aad u fidin, itaalkiisa waxa uu dadka gaadhsiiyey farriin ahayd ha lala dagaalamo Ingiriiska. Farriimahaasi waxa ay gaadheen meelo badan. Dhanka culimada waxa bilaabmay halgan huwanaa dareen diidmo ahaa oo lagula dagaalamayey maamulkii Ingiriiska. Dhinicii talyaanigu haystayna waxa ay gacanta u gashay maamulkii Ingiriiska 1941kii. Laga bilaabo sannadkaa, maamulkii Ingiriiska ayaa dalka gacanta ku hayey, marka laga reebo Jabuuti. Jabuuti waxa ay gacanta u gashay markii hore xisbigii Naasiga, ee Hitler taageersanaa. Somaliyana waxa gacanta ku hayey talyaaniga oo uu ka talinayey Xisbigii Faashistaha ahaa ee gacansaarka la lahaa Hitler oo hoggaamiye ka ahaa dalka Jarmalka. Xilligaa waxa dadka soomaalida ka bilaabmay halgan siyaasi oo aan hubaysnayn. Dad badan oo ku noolaa Yurub iyo dalalka carabta sida Masar oo kale ayaa bilaabay halgan siyaasi oo wacyi gelin ahaa.

 Waa xilligii ay xoogaysatay ku dhawaaqidda erayga GUMAYSI, oo dadku aad u qaateen, balse aan ahayn xaqiiqo aynu odhan karno dadka waa la gumaystay oo addoon bay u noqdeen saancaddaalihii. Ma jirin dadka reer Somaliland oo si toosa loo cabudhiyey, dilay, kufsaday, xidhay oo lagu gumeeyey, laguna qasbay wax aanay raalli ka ahayn, taariikhda laguma ahayo. Waase dhici kartaa dhacdooyin aan sidaa u sii muuqan oo mar iyo labo dhacay. Xilligaa erayga gumaysi la dirir ayaa cirka isku shareeray, Hammiga dadka soomaaliduna waxa uu ahaa oo u soo hirayey---dhalanteed ay moodayeen biyo ay ku harraad baxayaan. Waana xilligii u dhexeeyey 1940-1960kii. Labaatankaa sannadood waxa u muuqday qofka soomaaliyeed haddii la waayo saancaddaalaha (Ingiriis, faransiis iyo Talyaani) in la barwaaqoobayo. In yar ku hako halkaa oo maanta barbar dhig--Ingiriisbaa caawinaya soomaalidii is cuntay.!! Sharraxaad ma leh!

Ka soo gudub, waxa bilaabmay xilli cusub dawlad cusub, Jamhuuriyad ka kooban Maxmiyaddii Ingiriisku ilaalin jiray iyo Qaybtii UN-tu (Talyaanigu si xariifnimo ah ayuu ugu soo noqday ee Qaramada midoobay baa gacanta ku haysay Muqdisho). Markiiba waxa lagu dhawaaqay midawgii jamhuuriyadda 01-07-1960. Qoloba calankeedu waa caynoo, innagaa keenu waa cirkoo kale ee ...ayaa meel kasta laga qaaday. Kanna saar kanna siib ayaa lagu soo gelbiyey calankii. Maxaa xigay, markiiba dhalanteedkii u soo hiraayey baa la soo gaadhay. U fiirso Axmed Ismaaciil Diiriye (Qaasim) waxa uu ku tilmaamay maanso aad u qiimo badnayd, waxaana ka mid ahaa "Isma doorin gaalkaan diriyo, daarta kii galaye, dusha midabka soomaali baad dugulka mooddaaye, misna laguma diirsade qalbigu waa dirkii Karal'e. 

  Daal badan iyo daalaa dhac aan markii hore lagu fikirin baa cirka isku shareeray, sagaal sannadood oo keliya ayaa jahawareer siyaasadeed la galay, oo u badnaa faham la'aan dawladda laga qabay. Waxa kaloo isqaban weyday haddii caddaanka la waayo wax kastaa way hagaagayaan. Waxaase soo baxday oo caadi noqotay, waar! xilligii ingiriiska ayaa la qaatay oo musuq iyo maasaq toonna ma jirin, maamul sax ah ayuu ahaa. Halkaana u fiirso---hadda waa gumaysigii ka sidaa loo ammaanayaa. jamhuuriyaddii soomaaliyeedna saaxiibkeeda koowaad waxa uu nqoday Talyaani, hadda waa gumaysigii.

Xilligii baaba'a iyo iskaba-raacintii qaranimadii soomaalida 1969-1991ii

  Xilligan danbe, ee labaatanka sannadood madaxa la galay, waa xilligii loo sacabba tumay, markii hore. Waayo sagaalkii sannadood ee ugu horreeyey baa laga daalay, oo aan la garanna waxa laga daalay ama la saluugay. Lama garan, sidee wax loo saxaa, maxaa iman kara iyo in talo wax lagu raadiyo. Waxaase ka dhex toosay ciidankii Millateriga oo dadka qaar tilmaamaan in Midawgii Sofiyeeti uu ka danbeeyey Inqilaabkaas---xataa dilkii Ilaahay ha unaxriistee Cabdirashiid Cali Sharmaarke, lama garanayo sababtii loo dilay, waxaana lagu xidhiidhiyaa uun in Ruushku lug ku lahaa. Si kastaba xaalku ha ahaadee, waxa ay noqotay in sacab iyo caleemo qoyan lagu soo dhaweeyo xukunkii Millateri ee uu hoggaaminayey Maxamed S. Barre.

 Qabyaaladda ayaa la aasayaa, Ayaad taqaan waxa beddeshay maxaad taqaan, waxa aynu qaadannay hantiwadaagga cilmiga ku dhisan, culimada ha la dilo oo xabbad ha lala dhaco, fartii soomaaliga ayaa la qoray, ololaha reermiyiga, inqilaab bay rabeen in ay dhigaan ee ha la dilo saraakiishii hoggaaminaysay inqilaabka qaar ka mid ah. Arrimo is wada dabraya ayaa dhacay shantii sannadood ee ugu horreeyey. 

  Waxba ku dheeraan maayo, ee waxa ay noqotay labaatan sannadood oo god dheer loo qodayey qaranimadii Soomaaliyeed. Godkii markii lagu hubsadayna waxa lagu shubay foosto daamur ah. Dadkii godka lagu guray, ee qaranimada huwanaa, waxa ay kala garanwaayeen Qranimo iyo Qabiil. Waxa ay fahmi kari waayeen in Qarankii god lagu riday, in aanay maanta jirin wax la yidhaa soomaaliweyn, in loo baahanyahay xal danbe oo u baahan taxaddir, kuna salaysan xaqaa'iqa jira, waaya-aragnimada laga helay geeddi socodkii siyaasaddii soomaalida. 

Labaatan sannadood iyo 10 shirweyne oo dhicisoobay

  Labaatankii sannadood ee ugu danbeeyey, waxa shirar loo qabanaayey soomaalida. Dhinaca Somaliland shirarkaas kama qaybgelin. Waxaana mar kasta lagu qasbayey in ay ku timaaddo hab qabali ah. Waar! Maxaa u diiday, Somaliland itaalkeeda wax bay dhistay, waxa ay samaysay kala danbayn, waxa ay dib ugu noqotay 1960, ee inta la aqbalo, xal ha loo raadiyo Somaliya inteeda kale. Hore uma dhicin maanta ayaad mooddaa in hirkaasi soo muuqdo. Waxa lumay xilli badan oo laga faa'iidaysan lahaa. Caano daatayba dabadood la qabaye, malaa weli fursad baa jirta ah in la fahmo in ay burburtay qaranimadii soomaaliyeed, una baahantahay in faataxada loo maro. 

 Xalka kale ee ugu dhow ee soo celin kara soomaalinimadiina la raadiyo, laga dhawro xanafta iyo xumaanta markasta la isku xajiimaynayo. Taasi waxa ay keeni kartaa in ay soo noqoto walaalnimadii soomaalidu, iyagoo xataa kala xukuumad ah, sida maanta Jabuutiba ay xukuumadda goonida ah u leedahay. Waxa bilaabantay in ay is hor-fadhiistaan dawladda Somaliya iyo dawladda Somaliland, waa bilaw fiican, waxkastaaba bilaw ayuu leeyahay iyo dhammaad.

 Haddii se la waayo bar-bilaw lama heli karo bar-dhammaad. laba iyo labaatankaas sannadood ee innaga tegey lama hayn bar bilaw, sidaasaan loo gaadhi karin bar dhamnmaad. Maanta bar-bilaw baa la hayaaye, Ilaahay ha innooga dhigo bar dhammaadka mid lagu reeyo. Waxa se yaab ah maanta dadka doonaya in ay bar bilawgaas wanaagsan kala qubaan. Isweydiintu waxa ay tahay, xalka uu hayo ka maanta kala tuuraya heshiisyada bilawga ah ee Somaliland iyo Somaliya---ma cirkuu roob ku ogyahay? Mise burburka soomaalida ayuu ku naaxaa?

  Qoraalkan dheer waxa aan ku soo afjarayaa oo ila habboon in aan dadka xasuusiyo. Dedaalkii Somaliland, waxa ka mid ahaa shirkii lagu qabtay Boorame 1993kii. Ilaa shan bilood ayuu socday, u fiirso! shirkaas oo ay ka soo qayb galeen dhammaan beelaha dega Somaliland, siyaasiyiin odayaal, culimo, haween iyo haldoorkii dadka intoodii badnayd. Waxa marti geliyey reer Boorame. Ciidankii ilaalinayey nabadgelyada goobta shirka waxa xilkooda qaaday reer Boorame, ciidan kale oo gudaha magaalada geli karayey ma jirin oo sidaasaa la isku afgartay. Dadka sidaa isu maqlaya ayuun-baa wax dhisan kara. Weli reer Somaliya intay magaalo isugu tageen, iskumay aaminin in ay shir qabsadaan. Mar kasta waa in dibedda lagu qabtaa shirka ama waa in ciidan ajaanib ahi ilaalinayaan. Halka Somaliland lagu soo habeeyey geedi socodkii labaad magaalada Borame ee gobolka Awdal oo aan ciidan kale joogin aan ka ahayn ciidankii gobolka Awdal.

Hadba heer ha joogtee, hirka maanta muuqdaa dhalanteed miyaa? hayaankii ma degin, sahankii la diray bay weli haybinaysaa!.

Nabad iyo Caano
Axmed-Axmed Dhegey
Sweden-28-04-2013

Raadraac: 

- Buugga Somalilaya, Qaran iyo Qabiil, ee uu qoray Ibraahin Yuusuf Axmed (Hawd)--1997kii


- Sooyaalka Somaliland ka hor 26kii juun 1960kii ee uu qoray Sayi
d. M Yuusuf 2009

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.