Fortsätt till huvudinnehåll

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-1aad



Lugihii degdegayuu, U duwadey dhankiisii,
Isla doonasho Illaah,Doobku waa walaalkii, 
Waa ninkuu dad iyo maal,
Dummaddiisa kaga tegey..Hadraawi

* Nafta waxa uu u sawiraa--sawir-maskaxeedyo uu maanku 
cabbiri karo.



Waxaad jeceshahay lama helo naftaydaay, 
Wax ku jecelna diidey, Ma ogtahay jannadaudug,
nimaan jirrab u soo marin sahal lama dhexjoogee,  
Haddaad jamato geed adag,oonad hayn wax kuu jara, 
jebin mayso gacantuye, ha ku daalin jeedaal. Cabdi-Qays

*nafta ayuu toos ula hadlaa oo xadanteeyaa, tilmaamo dareenlehna wuu kuuguu iidaamaa.





Falan-qaynta maansada waxaynu maanta ku eegaynaa laba maansayahan oo caan ah, Maxamed I Warsame (Hadraawi) iyo Cabdi Aadan Xaad (Qays). Waxa ay ka midaysan yihiin wax badan, waxaanay ahaayeen dhammaadkii lixdamaadkii ilaa horraantii todobaatanaadkii Maansayahanka casriga, shamacyadii u soo iftiimay. Maansada oo beryahaa ku koobmaysay Rawaayadaha oo iyaguna bilaw ahaa, ayaa waxa bilaabay maanso casri ah, lana jaanqaadaysay waayihii markaa jiray rag ay ka mid ahaayeen Hadraawi iyo Qays. Waxa ay ahaayeen maanso-wadaag isku aragti ka ahaa waayihii markaa lagu sugnaa. Xukuumaddii markaa jirtay ee uu hoggaaminayey keligii taliye S/Gaas Maxamed Siyaad, waxa ay u aragtay hubka ugu culus ee xukuumadda ku jihaysan in uu yahay labada gantaal oo akala ahaa Cabdi Qays iyo Hadraawi. Waxaana labadaba lagu xidhay maansadii ay tirinayeen. Ha ahaato mid xukuummadda la hadlaysey ama mid meel kale ka hadlayasaba, waxa ay xukuumaddaasi u aragtay in ay tilmaamayaan ceebaha xukuumadda.
                                           
Haddaba, labada abwaan iyagoo ka midaysan wax badan ayaa waxa aad u kala duwan qaabdhismeedka iyo falkinta maansadoodu halka ay ka soo kala jeeddo. Labadaba aad baa loo jecelyahay maansadooda, laakiin ma isweydiisay quruxda maansadoodu halka ay fadhido. Midkastaaba wax u gaara ayaa jira, waxaana laga yaabaa in ay farabadanyihiin balse aniga halka ii yara iftiintay baan idinla wadaagayaa. Aan soo qaadanno Cabdi Adan Qays, heesihiisa qaar ka mid ah:

(Gam'ayeey, Gam'ayeey hurdada dheer) dhammaadkii lixdamaadkii ayey soo baxday. Waxa la sheegay in la saaray idaacadda muqdisho, heesta maalintii 21 ok 1969kii. Taasoo markiiba dareen didmo ah gelisay golihii sare ee kacaanka. Sababta heestaa loo saaray idaacadda Muqdisho, lama garanayo.

" Xalay gelelefkaygii, guurihiyo gudoodiga, anigiyo go'aygiyo gogoshaa collownoo ....hadduu geel arooroo, galkii laga cabbaayiyo, gaadhiwaayo ceelkii, Gurxan ololka reenkiyo, guura-socod ma daayee,Intaan Gebi ka soo dhacay, garaad way ka badatee...ma gilgilay gadhkaygii, ma ka guray timaha badi,  maw gabbaday naftaydii, oo gocoshareenkii, isumaanu gardhigan. Gam'ayeey, hurdada dheer, galgalashada habeenkii mar ay gacalo ii timi, xalay faalladaan galay gurxankiyo reenkii, marbaa laygunaanaday, oo inaan go'ay la moodee. guulalkaan qarsanayaan, anigoon isgaranayn, afkaygii ku goohee.”

Waxa uu la hadlayaa, ka hadlayaa naftiisa. Dabcan nafo badan baa odhanaya waa runtii, oo ku buuxsanaya meel u gaar ahayd. Waxase tilmaan mudan sida quruxda badan ee uu u sawirayo qof, habeenkii gami waayey, ha noqoto jacayl, ha noqoto dhibaato kale, ama werwer guud ahaaneedba ha ahaatee, hurdada ayuu qofku ku dagaalamaa, fikiraa, riyoodaa. Halka quruxda maansadani ku jirtaana waa naf ka hadal iyo sawir ka bixin inbadani odhanayso waa runtii..  Bal markanna aan eegno Maxamed Ibraahin Hadraawi, aan ku bilaabo heestii jacayl dhiig ma lagu qoray: 

Jacayl dhiig ma lagu qoray, Weli dhuux ma loo shubay, Qofna saanta dhabarkiyo, Maw dheegey feedhaha, Dhabanada cad laga jaray, Hadalkii ma lagu dhigay, Xinjir aan is dhalan rogin, Midabkeedu dhiin yahay, Laga dhuray halbowlaha, Weli dhiil ma lagu shubay, Laba mays dhadhan siiyeen, Sida dhayda xoolaha, Dhag dhag maw wadaageen, hadaan laysku dhimanayn nafta laysu dhiibeyn, soomaaha dhalanteed. Weli laba is dhaarsaday, Beryo dhacan nasiib iyo, Dhul ku kala cillaalaa, Subax dharabku kowsadey, Dhedaduna cuddoon tahay, Cidla aan dhir mooyee, Wax dhaqaaqayaa jirin, Jabaq maysku dhaadeen?., Kulankii dhabta ahaa, Riyo dhiifi keentiyo, Dhalanteed ma moodeen?, Sida ay dhadhabayaan, Dhawr jeer ma seleleen?, Af dhabaan dhab jamashada, Ma ka dhoofay hadalkii, Bal dhaqaaq na kay tahay, Dhihidii ma waayeen?

Waxa tilmaan mudan sida uu Abwaanku inta uu su'aalo inna weydiiyey, haddana uu inoo daaray filim uu isagu allifay. Halka quruxda maansada hadraawi ay fadhidaa waa kolba filimka uu inoo shido, ee aynu daawanayno. Waxa uu inna dhex muquuriyey badweyn mala-awaal maanka laga curiyey. Weli u fiirso sida labada abwaan ay quruxda maansadooda u adeegsanayaan ugana maydhaxdiirayaan. Waakan markale Cabdi Adan Qays:

(Adduunyooy Xaalkaa be)
Adduunyo, waa bilawgii todobaatanaadka, waana heesaha ay xukuumaddii markaa jirtay qoonsatay

”Ninkii ixaman lahaayoow, ama xaasidkeeyoow, kaan xalay wanaajee i xumeeyey maantoow, murtidaydu waa xubin, waa hadal aan soo xulay, xanuun iyo dardaarana, wax ujeedda loow maqal, xikmad weeye heestuye, xifaalaha adduunyada, xilligaa isdoorshee, marbuu sharafku xaydmaa, ninkii laga xishoon jiray aan cidiba xaalayn, adduunyooy adduunyooy xaalkaa be'. marbaa xil iyo maamuus, magac lagugu xeeraa, xariir lagugu daahaa adduunyooy. Marba xuubka deridiyo, sharaf laga xayuubshaa, xurma beel ahaataa.”

Waxa aad markale dheehanaysaa, in uu abwaanku la hadlayo naftiisa iyo nafaha kale ee aadamiga. Waxa uu leeyahay, intaad nooshay xilligu wuu isbedelayaa, ninbaa xoolo lahaan jiray oo aan maanta waxba hayn, ninbaa awood lahaan jiray oo maanta aan hayn, ka dib waxa aad odhanaysaa dee waa run, meelo aad garanyso ayaa kuu muuqanaya, waxyaabo aad adiga laftigaagu ka marag kacayso ayaad odhanaysaa runtii weeye. Maxaase weli inoo muuqda quruxda maansada Cabdi Qays waxa ay xadantaynaysaa waa naftii.

Waa kan Hadraawi: Heeliyo waa maansooyinkii danbe ee siddeetamaadka horraantiisii. 

Higlo weeye dulin badan, waana hoga kaliileed, hongorraha cadceedduu ka hadh-galay qadhaabkii, haylaa ka yara dhacay hurdana wuu iskaga jirey. Hillaac wax i tus bay tidhi hilayguna indhaa qabey. Intuu soo hanbaabirey haab haabtay maradii kuye Heeliyooy toos iga eeg kor iyo hoos miyaan hoolif mooyee hal turxaana leeyahay? Halacsiga sarbeebta ah iyadoon u hagar bixin wax-ka-sheegga Haaruun ha ka yaabin bay tidhi. 

Hadraawi, waxa uu inoo dhiibay sarbeeb huwan sheeko uu maanka ka curiyey. Waxa uu inna tusay Heelyo iyo Haaruun wax isweydiinaya, isagoo tooganaya meel fog. Quruxda iyo farshaxannimada Hadraawi, weli waxa ay garaacaysaa sidii uu inoo dhex gelin lahaa sawirmaskaxeed uu isagu curiyey. Waxa kaloo aynu arki doonnaa sheeko dhaqameedyo uu Hadraawi inna bari doono ama inna xasuusin doon. Waana halka ay mucda farshaxannimada Hadraawi taallo. 

Waa aniga iyo aragtidayda, waanay inoo socotaa ee aan qormadan intaa ku soo afjaro. Waxbadan baa hadhay oo labadooduba ay laba jid oo quruxbadan ay kala qaadayaan, waana halka ay dadku ku jecelyihiin maansada ka soo maaxatay labadaa abwaan. Dabcan waxa midaynaya dhanka siyaasadda oo ay dhan ka wada taagnaayeen, laakiin qaabdhismeedka iyo adeegsiga erayga maansada waa ay ku kala duwan yihiin. Ujeedaduna maaha tartansiin, ee waxa aan isweydiiyey guud ahaanba maansayahanku waxa ay ku kala duwanyihiin, waxaana kuu soo baxaysa in midba aad si gaar ah u jeclaato, qaarna aanaad waxbadan dhegahaaga amaahin. Waana sida uu u falkiyo maansayahanku ee uu uga soo maydhaxdiiro maankiisa.

FG: Qofkii haya talo tusaale ama sixitaan maansada ah waan soo dhoweynayaa. Kuna soo hagaaji Emalikan:gacanlibaax2001@yahoo.se

Raadraac, Hadraawi.com iyo heeso ku jira mareegta heesta.com

W/Q, Sayid-Axmed M Yuusuf

16/06/2013 Sweden

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u   wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha   cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay   ku beegnayd   xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta. 

Xog ku saabsan Afgenbegii 1961 Col, Xasan Faarax Bullaale: "Taariikh u baahan sixitaan iyo run ka sheegid"

Taariikhdu waa dhacdo ama arrimo dhacay xilliyo la soo dhaafay. Haddii aan wax laga qorin, lama ogaan karo taariikhdaasi sidii ay u dhacday. Mar haddii aan la kaydin arrimaha taariikheed ee dal iyo dad ba soo mara, waxa ay taariikhdaasi gashaa mugdi waxaanay yeelataa madmada w badan. Sida inbadani ka warqabto Somaliland waxa ka dhacay Afgenbi la isku deyey 1961kii, kaasoo lagu guuldarraysatay Dad badani xog kama hayaan, inkastoo ay noolyihiin xubno ka mid ahaa saraakiishii Afgenbigaa isku deyey. Kalhore waxa la waraystay Amb, Cawil Cali Ducaale oo ka mid ahaa saraakiishaas, xilligaasna ahaa xiddigle. Waxa uu Cawil qoray buug uu kaga hadlay wax farabadan oo uu u soo joogay, waxaana ka mid ahaa Afgenbigaas. Waana buugga la magacbaxay "Raad-Raaca Taariikh Soomaaliyeed"

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.