Fortsätt till huvudinnehåll

Qormo xasuus mudan: "Billaddii ugu horreysay ee uu bixiyo ururka Qoraaga Somaliland 2006"

Diiwaanka Maansada Timacadde", Boobe  Yuusuf Ducaale: Buugga Sannadka 2006. 
 
Shalay oo ay bishu ahayd 31/03/2007 maalin sabti ah, ayuu ka dhacay kulan aad loo soo agaasimay magaalo-madaxda dalka Swidhen. Xafladdaas oo loogu talo galay in lagu bixiyo abaalmarinta buugga sannadkii 2006. Abaalmarintaas waxa bixinayey Ururka Qoraaga Somaliland. Ururkaas oo ay ku bahoobeen xubno qorayaal ah, ehelna u ah qalinka iyo
qoraalka. Xubnahaas oo kala jooga dacallada adduunka, balse fadhiga ururku waa dalka Swidhen. Kulankaas oo lagu soo martiqaaday xubno ka mid ah ururada Somaliland, gaar ahaan kuwa ka hawlgala magaalada Stockholm iyo Ururka dhaqanka iyo qoraaga soomaaliyeed. Waxa kaloo kulankaas ka soo qaybgalay qorayaal iyo aqoonyahanno si gaar ah u xiiseynayey buugga sannadka 2006.



Buugga sannadka 2006 waxay ururku u aqoonsadeen buugga la magacbaxay ”Diiwaanka Maansada Timacadde” buuggaas oo uu qoray Boobe Yuusuf Ducaale. Ururku wuxuu u saaray qiimaynta buugga guddi ka koobnayd lix xubnood oo kala jooga Ingiriiska, Talyaaniga iyo Swidhen. Guddigu waxay xooga saartay sidii ay u heli lahayd buugaagtii soo baxday sannadkii 2006 ee qornaa afka soomaaliga. Muddo ka dib guddigu waxay go’aansatay buugga sannadka 2006 inuu yahay buugga ”Diiwaanka Maansada Timacadde”. Abaalmarin-sannadeedka wuxuu Ururku go’aansaday inuu sameeyo sannad kasta, soona xulo buugga uu ururku u garto buugga sannadka.
Hawshaas abaal marintu waxay daba joogtaa tallaabooyin dhiirri gelin ah oo uu ururku go’aansaday in uu ku dhiirri geliyo bahda qoraalka. Gaar ahaan qorayaasha soo saara buugaagta ku qoran farsoomaaliga. Intaa dabadeed haddii aynu ku soo noqonno xafladdii guddoonsiinta ee buugga sannadka 2006 iyo Stockholm. Maadaama oo uu qoraagu deggen yahay magaalada Hargeysa, wuxuu soo wakiishay laba xubnood oo reer Stockholm ah. Labada xubnood ee uu u soo wakiishay inay u guddoomaan billadda abaalmarinta wuxuu qoraagu yidhi. ”Waxaan soo wakiishay Cabdilaahi Fidaar oo ahaa macallinkaygii iyo Cabdillaahi Faarax oo aanu isku arday ahayn.” Goor ku beegan 19:30 (todobadii iyo badhkii fiidnimo) markii la tukadey salaaddii maqrib ka dib ayuu Maxamed Xirsi Guuleed oo ahaa xidhidhiyaha barnaamijka isla markaana xubin ka ah guddiga UQS uu furay xafladdii. Dhawr erey oo isugu jiray mahadnaq iyo soo dhoweyn iyo warbixin kooban oo ku saabsanayd UQS ka dib wuxuu ku soo dhoweeyey Sayid Maxamed Yuusuf oo ah guddoomiye xigeenka UQS.
Sayid wuxuu ka warramay taariikh nololeedkii Ilaahay haw naxariistee Cabdillaahi Suldaan Timacadde. Waxa kale oo uu soo qaatay dhawr gabay oo uu kasoo xushay buugga maansada Timacadde. Maansooyinkaa waxa ka mid ahaa Dix-dhagaxeed, Buul-duqeed iyo Geesiga madaw. Waxa kale oo uu intaa ku daray taariikhda qoraaga oo kooban. Ugu danbayna Sayid wuxuu ku soo gebagabeeyey maanso kooban oo uu isagu curiyey horraantii 2006 lana magacbaxday ”Suldaankii Qarniga” oo ku saabsan Timacadde. Intaa kadib Maxamed Xirsi wuxuu ku soo dhoweeyey Guddoomiyaha UQS oo halkaa ka soo jeediyey mahadnaq uu u soo jeediyey xubnihii sharafta lahaa ee kasoo qaybgalay kulankaas. Mahadnaqaa ka dib wuxuu guddoomiyuhu kor u qaaday billadii loogu talogalay buugga sannadka 2006. Wuxuuna ka codsaday Cabdilahi Fidaar iyo Cabdilaahi Faarax inay ka guddoomaan billaddaas oo ay u guddoomaan qoraaga caanka ah Boobe Yuusuf Ducaale oo soo wakiishay iyaga.
Kaddib waxa dhacay sacab mug weyn. Eray isugu jiray mahadcelin iyo dhiirri gelinba ayuu Cabdilaahi Faarax goobtaa ka soo jeediyey. Kulankaas waxa joogay Cabdikariim Dalmar oo ah saxafi caan ah, kana socday Tv-Somaliland oo todobaadkiiba maalinta sabtida ka soo baxa magaalada Stockholm. Dhanka Internet-kana laga wada daawado caalamka oo dhan. Waxa xiise lahayd in kulankii oo socda uu qoraaga buuggu Boobe Yuusuf Ducaale telefoon ka soodiray Hargeysa. Iyadoo ay wada maqlayaan xubnihii soo sharfay kulankaas ayuu u mahadceliyey Ururka Qoraaga Somaliland iyo dhammaan xubnihii ka soo qayb galay kulankaas. Tv-Somaliland ayaa fursad u helay ay ku weydiiyeen su’aalo. Markii qaybtaa hore dhammaatay ayaa la qaatay waxoogaa nasasho ah oo lagu nastay cabbitaan iyo afqabsiba. Markii la isu soo noqday waxa la bilaabay waxoogaa dood-wadaag ah oo uu daadihinayey Maxamed Xirsi. Dooddaas oo uu Maxamed soo dhexdhigay kulanka waxay ahayd. Sideebaa loo dhiirrigelin karaa qorayaasha afka soomaaliga wax ku qora, dhinac dhaqaale iyo dhinac taloba?. Dooddaas oo si fiican u dhacday qoraalkan kuma soo koobi karo, balse aan ka soo qaato dhawr xubnood iyo dooddoodii.

Ugu horrayn Axmed Cawaale oo ka mid ah odayaasha muddada dheer deggenaa magaalada Stockholm ayaa aad uga hadlay sida aanay soomaalidu u ahayn bulsho wax akhrida. Isagoo taa sii iftiiminaya ayuu yidhi: “Kabadhada innoo yaala qolka fadhiga waxa ka buuxa koobab iyo bakeeriyo qurux badan, taa aynu ku beddelo in aynu kabadhada ka buuxinno buugaag faa’iido leh”. Cumar Bile oo isaguna ka hadlayey ayaa yidhi: “Saxaafadda iyo qorayaashu waa inay isku xidhnaadaan si loo kobciyo bulshada”. Cabdilaahi Faarax oo isna ka hadlay qodobkaas ayaa ku dheeraaday dhiirri gelin xooggan oo uu siiyey dhammaan inta wax qorta. Wuxuuna tusaale uga dhigay xilligii waxbarashadu bilawga ahayd Somaliland ee Maxamud Axmed Cali iyo raggii kale ay ku baaqayeen waxbarashada looma dhega nuglayn. Sidaasoo kale ayuu Cabdillaahi ku nuuxnuuxsaday ha niyad jebina oo haddii buugga la idinka iibsan waayo u dulqaata xilligeedaa imandoonta’e.
Maxamed Case ayaa isaguna qodobkaa ka hadlay. Wuxuuna ku dhiirrigeliyey ciddii wax qoraysaa inay aqoonteedana la timaado. Wax hufanna la qoro, islamarkaa laga fogaado ka hadalka deegaan kooban. Maxamed oo arrinkaa faahfaahinaya ayaa yidhi: ”Buug baad akhriyaysaa afsoomaali ku qoran, markiiba qofka qoray qoladiisa waad malayn karaysaa, dee! Taasi maaha wax habboon”. Ugu danbayn anigoo soo koob-koobay waxaan ku soo afmeerayaa, codkii xiisaha lahaa ee uu Yusuf Xasan kaga dhawaajiyey goobtaas oo ahaa luuqdii Ilaahay haw naxariisto’e Cabdilaahi Suldaan. Yuusuf wuxuu si yaab leh u keenay luuqdii Timacadde waxaana Yuusuf u dhacay sacab aad mug weyn. Isku soo wada duuboo kulankaasi wuxuu ku bilaabmay jawi aad u heersarreeyey, wuxuuna ku dhammaaday jawi aad u quruxbadan. Wuxuuna ururku u mahadcelinayaa dhammaan intii kasoo qayb gashay kulankaas taariikhiga ahaa ee ka dhacay xaafadda Rinkeby ee caasimadda carriga Swidhen.
Ururka Qoraaga Somaliland
Diyaariye: Sayid-Axmed
www.qoraaga.com

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.