Sannadihii ugu horreeyey ee dalka lagu soo noqday xilli barqo kulayl ah ayaan ku leexday mid ka mid ah makhaayadaha Hargeysa ee qaxwaha laga fuudo si aan koob shaaha oon kulaylka iskaga qaboojiyo uga cabbo. Waa xilli laga soo noqday xeryo qaxooti oo dadku waxba ma hayo, jeebaduhu way madhan yihiin, busaarad xun baa magaalada ka taagan oo xataa koobka shaaha ah la iskuma shubo.
Dalka shaqo ma jirto wax dhaqaale ahna lalama soo gelin. Busaarad baa dadka indhuhu cas yihiin, ninkii abu xaraara ahaa oo dhan wuu ku go’ay meesha anigase balwaddayda ugu weyni waa shaaha, jeebkayguna wuu sii qoyan yahay oo maalmahaas uun baan ka soo laabtay magaalada Diridhaba oo laga diran jiray telefoonka lagula hadlayo qaraabada dibedda. Waxay ahayd halka ugu dhow ee laga diran karo telefoon dibedda lagula hadlo.
Woxogaagii halkaa la iigu soo diray oo kharashkaygii sii socod, soo socod iyo gacantii qaraabada iyo shixaadkii saaxiibbada laga jaray ayaan weli sii hayaa. Anaa ugu sandheer magaalada mar haddaan shaaha shubi karo. Waa sidii xaalku ahaa nin ogaa baa ogaaye. Kolkaan makhaayaddii oo dadku aad ugu badnaa ku baydhay baan tiigsaday daasad meesha taallay si aan ugu fadhiisto.
Kuraas lagu fadhiistaa ma jirin oo daasadaha caanaboodhuhu ka dhammaado ayaaba cidhiidhi ahaa oon la kala heli jirin. Daasad nin ka kacay baan ku tallaabsaday si aan gacanta ugu dhigo inta aan la iiga horrayn. Nin kale oo isna daasadda ku soo dhaqaaqay baannu hal mar ku wada kulannay oo gacanta ku wada dhignay, labada daraf baannu kala qabsannay. Ninkii baan kor u eegay isna wuu i soo eegay oo indhahayagaa isku dhacay. Daasaddii ayuu dhinaciisa sii daayey oo isagoo wax khajilaad iyo naxdin u egi ka muuqdaan dib u joogsaday. Halkii kamuu dhaqaaqin anna maan dhaqaaqin. Wax hadal ah ismaannu dhaafsan, labadayadaba filanwaa baa nagu dhacay. Midkaayana ka kale meesha kama filayn oo markii isugu kaaya dambaysay baa ahayd maalin taariikhi ah, maalin muruqa laba suul ninba si la ahaa. Maalin nin faraxsanaa ninna murugaysnaa.
Indhahaygii sida adag kuwiisa u hayey intuu hayn waayey ayuu hoos u foorarsaday. Intaan daasad kale oo laga kacay soo qaaday baan u dhiibay oo ku idhi ku fadhiiso. Cabbaar buu hakaday oo malaha is yidhi ma dhaqaaqdaa!, ma carartaa!, ugu dambaynse wuu aqbalay oo waannu is garab fadhiisannay. Laba shaah ah ayaan minqaxwigii uga yeedhay.
Anigaa calool adaygay oo hadalkii bilaaabay “M i garanaysaa?” baan weydiiyey. Jawaab gaaban buu “Haa” ku yidhi.
Waxa jirta mar aad kala garan weydo inaad doqon tahay iyo inaad fariid tahay. Marka dembiile ma-naxaan ah oo si xun beri kuu galay kuu soo gacan galo geesinnimada iyo fariidnimadu waxay tahay baa dad badani yidhaahdaan inaad ka yeesho siduu kaa yeelay. Dad kalena waxay yidhaadaan raganimadu waxay ku jirtaa samirka iyo dulqaadka iyo adigoo saamaxa cadowgaaga. Ta dambe ayaan qaatay oo hadday xataa doqonniimo tahay aan isku qanciyey inaan ku adkaysto. Waxan isku arakayey inaan ka gacan sarreeyo oo ka gudan karo waajibkayga oo ugu yaraan ah intii uu i gaadhsiiyey haddaanan uga badinin. Waxanse doorbiday inaanan intaa u dhaafin oo Alle u samro. Intaan lacagtii shaaha bixiyey baan sare joogsaday oo nabadgelyeeyey anigoon kelmad u dallicin.
Bal haddaan in yar milicsiga taariikhda awgeed cajaladda dib kuugu yera celiyo oo maalintii ninkaa isku kaaya dambaysay kuu sheego waaban kuu sheegayaaye waxay ahayd maalin aan laga sheekayn karin.
Waxan ahaa nin ganacsato ah oo dukaan yar ku haysta magaalada Hargeysa. Cidna dhibaato uma gaysan jirin oo afkayga iyo addinkayga muslimiintu way ka nabad galeen.
Maalin ka mid ah maalmaha anigoo waa sani ii beryey oo dukaankaygii yaraa ku Alle sugaya ayaa waxa ii soo galay niman dharcad ah oo ciidanka nabad sugidda ah. “Waxa lagaa doonayaa xerada ee dukaanka xir oo inna keen” bay yidhaahdeen. Maxaa jira idhi oo si jikaar ah baa la iigu jawaabay “Waxa jira waad ogtahaye soo bax waqtiga ha naga dhumine jaalle”.
Baabuur baa la igu qaaday oo la i geeyey meel dhinacna xafiisyo ka ah dhinacna dadka lagu caddibo. Waxa la i horgeeyey ninkii meesha haystay oo la yidhi taliye waa kan ninkii. Intuu aad indhaha iigu gubay buu yidhi “Ma adigaa ninka la sheegayey?” “Ninkee?” baan idhi anigoo fajacsan. Iga dhab bay ahaydoo waxan ay sheegayaan iyo waxa la igu haysto midna ma garanayn iyana iimay sheegin. “Kaagaas oo kalaa magaalada laga fadhiyi laayahay” buu si dhiirranaan ah u yidhi. “Taliye maxaan sameeyey?” baan idhi. “Waliba ma annagaad na waydiinaysaa?”intuu yidhi buu kor iyo hoos indho arxan daran iigu eegay.
Haddaad arki lahayd ninkaas kibirka ka muuqda…haddaad arki lahayd siduu isku qaadqaadayo!!!
“Taliye wax aan sameeyey garan maayee maxaa la igu haystaa bal ii sheega dee haddaan dambiile ahayna maxkamadda ii gudbiya haddii kalena iska kay sii daaya”.
Intuu istaagay ayuu sare ugu qayliyey, ”Ha la xiro” oo Qol yar oo madow oo xagga dambe ku yiil la igu tukhaantukhiyey. Fiidkii baa la ii yimid oo inta beerka la ii jiifiyey laba dible la ii xidhay oo garaacis naxariis darro ah la igu bilaabay . Waxa goobta taagan oo amarka bixinaya taliyihii oo kabihiisa buudhka ah madaxa iyo meel walba igaga laadaya. Askarta ayuu canaananayaa oo ciqaabta ku adkeeya leeyahay.
Dhib kastoo ay ahaydba maanta waan ka noolahay oo waa kan ninkii dhibkaa ii gaystay isagoo ismiskiininaya i hor fadhiya. Waa kan hadalkii ku dhegay ee jiir bisadi qabatay noqday. Waa kan ninkii arka een hore u aqoon moodayo miskiin Alle ka cabsi badan. Lama moodo nin weligii cid dhibaato u geystay, cumaamad iyo macawis buu wataa oo waxad moodaa wadaad cabsi Eebbe la ilmaynaya.
Gedgeddoonka waayuhu galabba waa cayne haddana waa goor kale iyo goob kale.
Maanta wax adduun ah gacanta kuma hayo, berigaas baaban dhaamay oo ahaa ganacsade heer dhexe ah, se maanta ayaan ka farxad badanahay, waxan haystaa xorriyad taam ah sida aan isleeyahay. Haddaan gaajoodo waan ku qanacsanahay, meeshaan doono ayaan seexan karaa, saacaddaan doono ayaan socon karaa, fikirkayga si xor ah oon cabsi lahayn baan u dhiiban karan. Intaas uun baan u soo dagaallamayey, dagaalka kibir iima gayne, kadeed la i baday baa igu kallifay, waxan rajaynayaa inaan inta noloshayda ka hadhay xorriyad ku seexdo oo ku soo tooso. Hadday taasi ii hirgesho,baahi kasta oon qabo ma dareemi doono.
Maanta waa maalin kale, maxaa si ah!!. waanigan makhaayadda hor fadhiya, faalaynaya waxa waddanka ka socda, dad aan tiro yarayn baa goobta jooga, hareeraha ma eegayo, hoosna uma hadlayo sidii waayo qaar, kalsooni buuxda ayaan qabaa, dadka goobta joogaana waa ila mid . wixii cabsida iyo kala shakiga la odhan jiray mooyi meel ay mareen. Waa la murmaa, la kaftamaa oo dhallaaxda la isqaadaa kadibna la kala tagaa tiiyoon waxba lasyku qabin oo laysku calool fayowyahay.
Kolkii sheekadii dhammaatay meeshii baan ka kacay, cabbaar kolkaan sii socday gaadhi ayaa garabkayga joogsaday, waxa ka soo degay laba nin. Waxa lagaa doonayaa xarunta… ayey yidhaahdeen. Soo fuul gaadhiga bay yidhaahdeen. Inaan fuulo waan ku qasbanaa. Wax su’aalo ah la ima weydiine wax la ii dhaadhiciyey xabsiga halkaas oo laba habeen kadib la ii sii gudbiyey maxkamadda.
Waanigan maxkamaddii dhex fadhiya, dad badani meesha ma joogo marka laga reebo dhowr qof oo eheladayda iyo asxaabtayda ah oo la yaabban waxa la igu soo xidhay, ma garan karayaan waxa laygu soo xidhay aniga qudhayda ayaan garanayn. Maxkammaddu mid caadi ah maaha, malaha waa mid ciidan, malaha waa mid xaafadeed, malaha waa mid sare sare, aniga qudhaydu garan maayo. Wax yar kadib waxa albaab xagga dambe ah ka soo galay nin aad loo ilaalinayo oo oo aan is idhi waa garsoorihii, ama kiis oogihii, ha ila yaabina sharciga maxkamadaha aad uma aqaane. Waa loo sare kacay, ma hubo in shan daqiiqo loo aamusay iyo inkale laakiin marka horeba cidi ma hadlayn. Wuxu bilaabay hadalkii. Waa nin dhiirran oo firfircoon… waanigaa indhaha ku dhuftay, qac.. Alla waan garanayaa!! isna indhaha igu dhufay oo i garay.. wuxuuse yeeli mooyi… haddii darraad uu ahaa sarkaal sare oo aniga xilligii faqashta jeelka igu dhabar garaacay… shalayna markaan dalka xoreeyey aan kula kulmay makhaayad horteed isagoo miskiin ah oo aan koob shaaha u shubay.. dambigaan u haystayna ka saamaxay, maanta garan maayo wuxu yeeli doono… waanigan hortiisa jooga..waa tan awooddii markale gacantiisa ku wareegtay.
Inkastoon maxbuus ahay, maxkamad horteed fadhiyo nin aanuu waayo isla soo go’nay guddoominayo, cabsidii waayo qaar ima hayso, isagase ma ogi in dhiirranaantii iyo geesinimadii waayo qaar uu leeyahay.Waxan eegayaa wuxuu yeelo.
Waa ninkii laftiisa.. waagii hore iyo waaganba anigu waxan ahaa dulmane isaguna daallin… anigu dambiga la iga galo waan saamaxayey isaguse dambigaba isagaa abuurayey.. qof aan dambiba gelin buu dakharka la dhacayeye tolow ka dambi galana muxuu ka yeelayey!!…
Waayuhu mar walba ma wuxu la jiraa dambiilaha oo ka jiraa dulmanaha?.. mise tolow wuu u seeto dheereeyaa oo shallaay!!!shallaay!!! wuu dambeeyaa, qoomamo way dambaysaa…yaah…yaaah..!!!
W/Q, Xasan Cabdi Madar 2010
|
Kommentarer
Skicka en kommentar