Fortsätt till huvudinnehåll

Geed nool (sheeko gaaban) - Saddaam Carab

Kor buu u eegayaa geedka wayn ee sogsogta ah. Beerta Reer Dhabbohaye, Geed här sidan u wayn lagama soo heli karo. Geedkani sooyaal Badan Buu ku leeyahay Reer Dhabbohaye. Geeddiga geedka Hoos jooga ee fiirinaya, LABA hablood oo ay walaalo yihiin BAA Lagu bixiyey. Waa geedkii isga iyo aabbihii ba loogu Gaaf Tumay. Sogsogtan gabowday BAA arrimo Adag oo xaafaddu soo martay lagaga arrinsaday. Isba Intan oo dhan WAA uu ogyahay SÅ WAA isdiidsiinayaa. Hunguri BAA ka haya, vante wayn oo baqe wata. Geeddi WAA Kanaan-Ka yaab ase faruhu aad vik u cuncunayaan galabta.


Wali Kor Buu u fiirinayaa geedkii. Lugta bidix Buu TA midig ku laabtay. Jirridda geedka sogsogta ah ayuu ku tiirsanyahay. Garabka midig waxa u sudhan Gudin dhowaan magaalada looga soo Tumay. Kolka uu Geeddi yar heetiyo, cadceedda Ayaa gudinta dhabanka Kaga dhacaysey, saa tabta muraayad cadceedi hayso ay u halaclaynaysaa. Gudinta afkeeda iyo cadceeddu marka ay är-haleelaan waxa aad moodday halaq milikhsanaya oo oday buuran dirqi lagaga Hayo.
    Geedka dabaylo aan badnayn BAA Hadba laamihiisa taagta daran dhan u ciyaarsiinayey. Dusha sare laamaha kore shimbiro dhalo ah BAA intay baarka kaga istaagaan ku leexaysanayey, ka dul heesayey oo ku raaxaysanayey. Fallaadhaha kore ee cadceeddu ciil vik cabbudhsanaayeen. Shucaaceedii ayey cadceeddu dhaafsiin kari wayday laamaha geedka ee page pappa isjecel isugu duuban. Geed ma aha'e WAA GURI Ayaa Marar dadku ku doodaan. Xataa roobka ayey dhibcihiisu dirqi Kaga soo dusaan laamaha Isku duuban. Geedkaas BAA maanta Geeddi Dhabbohaye u fikirayaa. Goo. Maya'e u kaadi. Maya goo. Haa taas BAA maskaxdiisa ku xoog Badan. Yeelkeed, ciddii u ooyaysaa yeelkeed. Gunta ka garaac oo dhuxulayso Buu guddoonsaday.
Waa ka u soo xaydxaydtay sogsogtii.

Lugtii lugta ku marnayd WAA ka dhulka soo dhigay. MarkII uu sidaas u istaagay ba gudintii garabkiisa vik ka soo siibatay. Way sii qalaamorogatay. Vax dhaarsan vik u egayd. Dhulka iyo geedka Midna ma ay Doonan. Sidii dacawo waalan oo gaajaysan vik cagta Kaga dhacday. Iyaa? Suulka bidix vik dhex jibaaxday. Jiidhkii vik kala dhanqartay. Dhiiggii waa Kaas Durba ciidda Galay. Xanuunkii BAA dhidid ka keenay. Geeddi Durba waa kan-meehannaabay. Garaaca wadnuhu waxa uu tabay dhiigga dibadda uga baxay ee ka shalakh leh. Talo Ayaa ku caddaatay Geeddi. Degdeg Buu XAL uga fikiray. Muddo ayuu tallamay. Laan dheeggiisa ah oo soo gandoodday Buu tiigsaday. Wuu  kala dillaaciyey. Laantii Buu maydhax  ka diirtay. Fartii kala qalnayd Buu degdeg UGU duubay. Dhiiggii burqanayey Hadda wuu hakay, wali sig WAA dhididsanyahay. Xanuunkii iyo karkii baa shiddaynaya. 

Neecawda qabaw ee ruxanka laamaha geedku keenayaan BAA naxariis jidhkiisii ​​oo dhan ku abuurtay. Hadhka macaan goor uu ku Hoos gam'ay Buu Garan waayey. Dhagi Buu dhex muquurtay. Saacad iyo dheeraad ka DIB Buu soo miiraabay. Wali neecawdii geedka Ayaa nabarkiisii ​​babbinaysay. Maydhaxdii xinjirihii dhiiggiisa ayey DIB UGU xejinaysay jidhka. Codka shimbirihii geedka guud saarnaa BAA Iyana HEES ku maaweeliyey. Tartiib tartiib waa ka xanuunkii uga soo jabaya. Isaga oo geedkii Hoos jiifa WAA ka kor u fiirinaya laamihii iyo caleemihii geedka. Waa Kii uu goordhawayd gudinta u sitay, WAA ka waxan oo abaal ah u Galay. Geedku i uu noole waxtar leh yahay Buu dareemayaa goortan. Sogsogtu kama ay aargudane WAA TA baanatay ee badbaadisey.

Kol Kasta oo Geeddi soo agmaro sogsogtii, INTA uu jirriddeeda Isku duubo Buu dhunkasho UGU mahadnaqaa; Kolka Kasta oo Laan ka mitten Ahi qallasho na WAA ka caloolxumaadaa. Sidiisa ba Hadda, geedkan ayuu UGU jecelyahay geedaha oo dhan.



Saddaam Xuseen Carab

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u   wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha   cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay   ku beegnayd   xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta. 

Maalinta afka iyo Suugaanta Soomaalida ee Xaafadda Rinkeby 14-05-2016 Sabtida

Haddii aad xiisayso afka iyo suugaanta Soomaalida, fadlan nagala soo qaybgal barnaamij xiiso badan oo 14 bishan Mey lagu qaban doono guriga ummadda ee xaafadda Rinkeby. Barnaamijkan ayaa ay marti noogu yihiin qorayaal, afaqoon iyo cilmibaadhayaal ku hawlan afka iyo suugaanta Soomaalida. Martida maalintan nagala soo qaybgali doonta waxa ka mid ah Morgan Nillsson oo ah macallin afka Soomaaliga ka dhiga jaamacadda Göteborg, ahna cilmibaadhe ku hawlan taariikhda iyo habdhismeedka afka Soomaaliga. Kulankan waxa uu Morgan sharaxaad ka bixin doonaa kooraska afka Soomaaliga ee uu jaamacadda Göteborg ka dhigo. Waxa uu sidoo kale ka hadli doonaa afka Soomaaliga iyo duruufaha ku xeeran maata.

Faallo!..."ladh" Buug Cusub Oo Uu Qoray Cabdillahi C Cige

Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey — Sweden — 7 September, 2005 Markaad aragto buugga laftigiisa, ayaad garanaysaa in buuggani uu ka duwanyahay buugaagtii hore ee afsoomaaliga ku soo bixijirtay. Qaabka buuggu u qoranyahay waa qaabka loo qaabeeyo sheekooyinka "Novel-ka" loo yaqaan. Waxaad dareemaysaa in dadka soomaalidu ku tallaabsadeen, jidkii muddo dheer kasoo xidhnaa. Kaasoo ah qoritaanka sheekooyinka, ku qotoma qaababka nolosha banii'aadamka. Intaa haddaan ku dhaafo qaabka buugga. Waxaan xasuustay faallo uu ka bixiyay Ibraahin Yusuf Axmed "Hawd" buuggan la magac baxay "Ladh. Mudane Hawd wuxuu ku soo gunaanaday maqaalkiisii "qoraaga buuggan qoray, haddii buuggani yahay kiisii ugu horreeyey oo maxay noqon doonaan kuwa soo socdana."