Fortsätt till huvudinnehåll

Curashada gu’ga toddobaad ee carwada buugaagta Saddaam Xuseen Carab

Sidu waa sidii kal hore iyo saa’id. Waa xagaaga xagaagiisii, bil ogos bisheedii iyo isla barxaddii guriga shaqaalaha ee Hargeysa; waa na jimce barkhadle. Xalay saqbadhkii mayay baa magaalada miray. Hillaaca walalacdiisa cid hawli soo jeedisay baa daawanaysay. Sanqadha onkodku se dadka hurdada fudud wuu toosinayey. Hakad ha lahaado roobku, se inta ay dhibcihiisu xidhiidhsanaayeen baa badnayn.  Dhibcihii roobka ee xalay  ku laba dhacayey baa dhulka radiyey. Cadceedda subaxeed haddii ay u gurman lahayd, iyana daruuraa daboolay. Sidaas darteEd baa dhulka xareedda wasakhowday meel walba u wadhnayd. 


Saaka(08/08/2014) kolkii uu waagu baryey baan soo dhaqaajiyey. Qummaati baan foolka u saaray xarunta bandhiggu ka furmayey. Suuqa badhtamaha magaalada ayaan soo dhex maray. Jimcaha dartii meherado badani ma ay furnayn; haddii ay furnaan lahaayeenna kollay dan kama aan lahayn. Degdeg baan ku soo gaadhay   goobtii carwada. Misana waa boqollaal dhallinyaro iyo waayeel, soomaali iyo ajaanib oo rag iyo dumar ba isugu jira. Kuwo badani garammo cadcad iyo koofiyado ayey ku jookhnaayeen. Waa kuwii carwada ka qaybgalayey, kuwii buugta badhnigayey, kuwii martida qaabilayey iyo kuwii goobta ka shaqaynayey. Se intaas oo dhan hal baa iiga dareen duwanaa,  boqollaalka buug ee bannaanka hore ee xarunta wadhnaa baan u riyaaqay. Halka ugu buuqa badani ugu horrayn halkaas bay ahayd. Hoolka waynee kulanku ka furmayey kolkii dambe ayaa la isku shubay. Buugta meesha tuulnayd cid daawata, cid iibsata iyo cid taagnida ku akhrida ba waa lagu wada foognaa.
     Hal-abuurradii gaasa baxay iyo goobtu waxa ay kulmisay boqollaal dhallinyaro ah. Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi), Macallin Siciid Saalax Axmed, Axmed Saleebaan Bidde, Rashiid Sheekh Cabdillaahi (Gadhwayne), Nuuradiin Faarax, Sheekh Maxamuud Dalmar, Siciid Jaamac Xuseen iyo kuwo kale oo badan baa carwada ku sugnaa. Waxa goobtu jaanis isu siisay hal-doorka  iyo bulshada oo ay yartahay in ay waqti sidan u furan isu helaan. Xaflado aan badnayn oo aanay isugu dhammayn                                                  baa marar lagu kulmaa. Tani se wax ay suurogalisay intaas iyo in kale oo aanan xusin ba in ay goobta ku sugnaayeen. Guusha ugu ballaadhan ee carwadu in ay taas tahay baan aaminsanahay. Haddii mid kale aan ku dari lahaana waxa ay noqon lahayd isku xidhka dhallinyarada dalka gobol walba ka socday, ee goobta isugu yimid iyo hantida waraaqaha ku duugan ee tuullayd. Waa taas guusha iyo guuluhu! Waa dareenka la isugu yimid iyo dadka isu yimid.  Midhahaas, iyo kuwo qof ba gaar u ah, baa ahaa kuwa dadka ilkahooda kor uga faydayey dibnahooda ee dhoollahooda muujinayey.
    Carwadu Soomaali iyo wax soo saarkeed uun kuma ay koobnayn. Ajaanib qoraayo iyo sawirayaal ah baa joogay. Ururka Qoraayada Malawi baa martida ku jiray. Nigeria, Uganda iyo Kenya na waxa ka socday qoraayo buugtooda carwada ku soo bandhigi raba. Kuwo kale oo caddaan iyo madow ba lahaa baa iyana joogay. Qaarkood oo aan la sheekaystay waxa ay la yaabbanaayeen in Hargeysa carwo noocan ahi ka qabsoonto. Waxa se ay  moogganaayeen in Hargeysi hore ba u ahayd hoyga fanka soomaalida. Taas markii aan ku baraarujiyey tartiib tartiib bay maskaxdoodu u liqday suuragalnimada bandhigga sidan u ballaadhan.
Tan kale ee wacnaanta badan baa ahayd; in tobannaan dhallinyaro ahi buugaag cusub carwada keeneen. Hablo iyo wiilal ba waa ay wada joogeen. Badankoodu duruufta ay la soo mareen baa laga warqabaa. Duco iyo dhiirrigalin, haddii wax kale la tari waayo, iyo buugaagta oo laga iibsadaa hiil bay u tahay iyo horumar. Tobannaan kale kashooda haddii jeexi lahaa, markii ay goobta saaka yimaaddeen baa hindisahaasi ku dhashay. Tobannaan kale oo naadiyo akhris mataleyey baa iyana buugaagta bandhigyey. Duni caynkan ahi in ay dhulkeenna ka jiri karto, dadkeennu samaysan karaan iyo in ay sidan u hirgali karto ayeynu markhaati isugu noqonnay.
    Intaas oo dareen farxadeed leh, haddana warwar baa ku lammaan. Dad badan baan dhaaddanayn waxtarka hawsha caynkan ah. In Hargeysa lagu qabto carwada labaad ama saddexaad ee ugu wayn ee buugaag lagu badhigo ee geeska Afrika, runtii waa guul hor leh iyo horumar la taaban karo. Cid kasta oo gacan ka gaysatay ha guulaysato!
Inta aan nasiib u yeelan in ay nala joogaan, waxa aannu leenahay: “Macal asaf” qoraal kuma soo koobi karno wacdaraha meesha ka bilawday iyo arooska aannu galnay ee hawada nagala socda!
Saddaam Carab

Hargeysa, Somaliland

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.